Global Good News Literature

 

MAXAA IGU WAAJIB AH INAAN YEELO INAAN KU BADBAADO?

divider(1).gif (1097 bytes)

Masiixa wuxuu inaga furtay inkaartii sharciga, isagoo inkaar inoo noqday, waayo, waxaa qoran, Mid kasta oo geed ka soo deldelanu wuu inkaaran yahay, inay barakadii Ibraahim quruumaha ugu timaado Ciise Masiix; inaynu ballankii Ruuxa ku helno rumaysad (Galatiya 3:13-14)

 

Qof kastoo Af Soomali yaqaan wuu fahmi karaa. Inkastoo aad Kitaabka  (Baybalka) haysan aayadaha waa la soo wada qoray si aad toos uga akhrisatid. Arimaha buugan ku qoran waa kuwa ay dad badan ku wareersan yihiin. Kan cilmiga leh iyo kan kaleba waa isku kayn mid laakiin haddii aad niyad saafi ah oo Alla doon ah ku akhrisatid, su’aalaha noloshaada jawaab waad u heleysaa.

 

Waxyaalaha buugan ku jiraan waxay u kala baxayaan toddoba qaybood oo ay ka mid yihiin,   

1.      Hordhaca

2.      Nolosha 

3.      Dhimashada

4.      Wanka Ilaah

5.      Shakiga

6.      Saddex lagama maarmaan ah  

7.      Gebagebada

8.      Saldhiggada qoraalka

 

1. Horudhaca

Buugan waxaan ka arkaynaa sheeko la yaab leh tan ah midda dunida oo dhan siisay wax ay ka hadasho. Dood weyn ayaa ka taagan badbaadada nolosha weligeed ah lagu heli karo taa oo ah mid taarikh leh. Sheekaduna waa tan ku saabsan ka soo noolashada dhimasha taa uu qof kale ka soo noolan Ciise Masiix mooyaane. Haddii aysan jiri lahayn arinta sara kaca waxaan u malaynaya inaysan maanta jiri lahayn wax dood ah oo ka jiri lahayd sara kaca Ciise laakiin dhabtii wax unbaa ka jiraa. Laba kun oo sanadood ka hore ayuu ficilkani dhacay sida Kitaabka qoduuska ah iyo taarikhaha ay sheegayaan laakiin ilaa maantadan waa sheeko aad u sii cusub oo waxaad u malaysaa wax maanta dhacay. Midda kale oo aan yara taabanayana waxay tahay in runtii uu dhiigga qayma leeyahay laakiin ma ahan dhiig walba laakiin dhiigga uu Ciise Masiix iskutallaabta ku daadshay inuu ugu qaalisan yahay oo weliba gebagebaynaya dhiiggagga kale oo ay baniaadmiga qaymayeen oo maantaba ay kuwa qaar ay weli sii qaymaynayaan. Haddii ay arinta iyada ah wax su'aal ah ay kaaga jirto sida uu dhiigga Ciise qayma u leeyahay waxaan kaa codsanayaa inaad buugan qumaati u akhrisatid oo weliba aayadaha Kitaabka qoduuska ah adiga oo Ruuxa qoduuska ah ka codsanaysid inuu dhabta arinta kaa dhaadiciyo waayo, waa tiirka wax kasta oo nolosha Masixiinta ku saabsan oo su'aal kasta oo aad ka qabtidna maanta waxaad kala xiriiri kartaa Kitaabka qoduuska ah oo wixii fafaahin u baahanna kala tasho Masixiinta nolosha iyada ah ku nool oo Kitaabka qoduuska ah aaminsan oo weliba sida saxda ah u fasiraan.

 

Qoraalada inta badani way ogol yihiin in arintani ay dhacday laakiin kuwa qoraalada ka mid ah waxay xoogga sii saareen Qoduusnimada Ciise Masiix oo waxay leeyihiin ninka saa qoduus u ahaa Ilaah uma uusan quurteen in iskutallaabta lagu dilo maxaa yeelay haddii aan taarikhda iskutallaabta dib u eegno runti dadka iskutalaabta lagu dili jiray waa kuwa dembi 'aad u weyn oo aan cafis lahayn' sameeyeen oo dadka silec baa lagu dili jiray maxaa yeelay iskutallaabta si tartiib ah baa loogu dhiman jiray oo waxay ahayd wax loogu talagalay inay dadka dembiga noocas ah sameeyo ay habkaas sileca ah ku dhintaan. Marka waxay leeyihiin Ciise ma ahan kan iskutallaabta ku dhintay maadama uu qoduus ahaa laakiin Ilaah dadkuu indha deday oo qof kale buu Ciise u ekeysiyey si ay iskutallaabta ugu qodbaan oo ay u qancaan. Laakiin akhristow, waxaan kuu sheegi karaa inay jirto xaqiiq cadaynayso in runtii Ciise iskutallaabta ku dhintay oo uu laakiin saddex maalmood ka dib ka guulaystay dhimashada uuna qabriga ka soo kacay uuna maanta noolyahay uuna fadhiyo gacanta midigta ah ee Ilaahayna weyn. Shakiga ayaa ku xiggaya waayo, dad badan ayuu shaki kaga jiraa arinta iyada ah, Wanka Ilaah, Kitaabka qoduuska ah iyo fasirka Ruuxa qoduuska ah ugu dambaystana intaanan gebagebada gelin waxaan ka hadlaya wax ku saabsan Baryada maxaa yeelay, baryada waa habka keliya uu qofka si toos ah Ilaah ula xiriiri karo mar alla markuu doono asagoo qalbi wanaagsan.

 

Badbaadada waa mid dunida oo dhan ay doondoonayso si ay u hesho nolol weligeed ah taa oo ay dadka dunidan ku nool ay intooda badan ay weli helin habka ama kan nolosha iyada ah lagu helo. Ma ahan su'aal maanta timid laakiin waa mid taarikh leh oo bilowgii dunida soo bandhigatay waana su'aasha dad badan taabatay oo si toos ah Kitaabka qoduuska ah uga muuqataa, "…maxaa igu waajib ah inaan yeelo inaan ku badbaado?" (Falimaha Rasuullada 16:30). Tani waxay ahayd su'aal la weydiyey mudo gaareyso laba kun oo sanadood oo la soo dhaafay oo ilaa maantadan aad buuggan akhrinaysid weli waa su'aal nolosha baniaadmiga ku wareeganaysa.

 

Baniaadmigu way isku deyeen si kastaba si ay dembiga uga badbaadaan laakiin waxaan u malaynayaa in mid kastaba uu dadaalkiisa gaari doono meel ay wax dheef ah ka soo socon oo uu is weydin doono su'aasha uu ninkaan wediyey (Falimaha Rasuullada 16:30). Tanna waxay dhacdaa uun markuu qofka Ilaah iisu dhiibo si uu u siiyo xigmada lagu garto waxa baniaadmi kasta waajib ku ah inuu rumasyto inuu ku badbaado laakiin ma jiro qof iskiisa u fahmi karo waxyaalaha Ilaah inooga baahan yahay. Laakiin horta waa inaad adigu naftaadu is ogaataa inaad tahay qof lunsan ama mid dhabtii badbaado u baahan. Nin baa mar qasiiddo qaaday oo ku saabsan inuu ogaaday inuu yahay mid xagga xaalka iyo maalkaba ka lusan oo badbaado u baahan qasiidadana waxaa lagu magacaabay 'waa inaan badbaado helaa' waana tan,

 

Ø      Baadi lunsan baan ehee, waa inaan badbaado helaa

Ø      Barbaar buka baan ehee, waa inaan bogsiin helaa

Ø      Baraar baxsadaan ehee, waa inaan bixiye helaa

 

Qof kasta maanta wuxuu leeyahay, baadi lunsan baan ahay oo waa inaan badbaado helaa de badbaadadanu xagee bay ka imaanaysaa? Haddii ay erayadaa qasiidadan ay adigu naftaada kuu noqon karaan nolosha aad ku jirtid Ilaahna diyaar buu u yahay inuu ku siiyo kan ama jawaabta aad kaga fakan lahayd. Waa su'aasha noo wada taalo inaan jawaabteeda helno ee aan galo sharaxaada arimaha aan hordhacayga ku sheegay iyagoo toddoba qaybood u kala baxayaan.

 

2. Nolosha

Haddii aan sisku deyno inaan macnayno erayga nolol, waxaan ka fekeri karnaa xaaladda marka qofka ama neefka ay naf ku jirto oo mar alla markii uu qofka dhinto ama ay nafta ka baxdana waxaan odhan karnaa xaaladdaasi dhimasho taa oo aan gadaal dambe kaga hadli doono. Haddii aan nolosha caadiga ah ka eegno nolosha waxaa lala barbar dhigay dhiigga xaywaanka sida qoran, "Waayo, jidhka noloshiisii waxay ku dhex jirtaa dhiigga; oo anna waxaan meesha allabariga dusheeda idiinku siiyey in nafiihiinna loogu kafaaro gudo, waayo, waa dhiigga waxa loogu kafaaro gudaa nolosha daraaddeed. Haddaba sidaas daraaddeed waxaan reer binu israa'iil ku idhi, Qof idinka mid ahu waa inuusan dhiig cunin, oo shiisheeyaha idin dhex degganuna waa inuusan dhiig cunin. Oo nin alla ninkii ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdoo degan hadduu ugaadhsasho ku helo neef amase haad ugaadh ah oo la cuno, waa inuu dhiiggiisa daadiyaa oo ciid ku daboolaa. Waayo, jiidh kastaba naftiisa iyo dhiiggiisu waa isku mid qudha, oo sidaas daraaddeed ayaan reer binu Israa'iil ku idhi, waa inaydaan jiidhnaba dhiiggiisa cunin cayn kasta uu yahayba, waayo, jiidh kastaba noloshiisu waa dhiiggiisa, oo qof alla qofkii dhiig cunaba waa la gooyn doonaa." (Laawiyiintii 17:11-14). Miyaad fahamtay qaymaha uu dhiigga ka leeyahay xagga nafta? Ma ogtahay inay nolol jirin haduu dhiig jirin? Haddii dhiig la daadiyana naf baa baxaysaa.

 

"jidhka noloshiisii waxay ku dhex jirtaa dhiigga… waa dhiigga waxa loogu kafaaro gudaa nolosha daraaddeed"

 

"Laakiinse waxaa keliyahood hubsataan inaydaan dhiigga cunin, waayo, dhiiggu waa nolosha, haddaba waa inaydaan cunin hilibka noloshiisu la jirto." (Sharciga Kunoqoshadiisa 12:23) Hadduu dhiig jiro dhabtii nolol baa jirtaa. Haddii aad dhiigga daadisid ogaanteeda lahaw waxaad daadinaysaa nolol. Ciise jacayl uu noo qabay ayuu dhiiggiisa u daadshay si aan noloshaas daadatay ay noogu dul roobto, waayo, dhiiggiisa kor buu iskutaalaabta uga soo daatay oo dhulkuu ku soo daatay si aan noloshiisa u helno oo runtii hadduusan dhiiggiisa daadin lahayn wax rajo ah oo aan lahaan lahayn ma jirteen inaba. Dhiigga Masiixa dhul kuma hoorin laakiin wuxuu ku hooray baniaadmiga oo dhan waayo, nolosha dhiiggeena ku jirtaa waa mid dhamaan doonto laakiin tan dhiiggiisa ku jirtaa waa mid daa’imi ah waayo, isagu aasaas ma uusan lahayn oo isla sidaana dhamaad ma lahaan doono.

 

Waxaa kale oo la aaminsanaa in dhiigga xawlaha uu yahay ama uu ahaani jiray mid dedaa dembiga laga galay Ilaah amaba qof kale ama umad kale laga galay. Laawiyiintii 16:14-19 waxaa dhigan, "oo isagu waa inuu qaadaa dhiggii debiga qaarkiis, oo fartiisa ha kula saydhsaydho daboolka dhankiisa bari , oo daboolka hortiisana waa inuu dhiigga fartiisa kula saydhsaydhaa toddoba jeer. Markaas waa inuu gowracaa orgigii dadka loogu bixinayo qurbaan dembi, oo uu dhiiggiisana ilxidhka soo geliyaa, oo orgiga dhiiggiisana waa inuu ku sameeyaa siduu ku sameeyey dhiiggii debiga oo kale, oo uu ku saydhsaydhaa daboolka dushiisa iyo hortiisaba. Oo isagu waa inuu meesha qoduuska ah daraaddeed kafaaragud ugu sameeyaa dadka reer binu Israa'iil waxyaalahooda nijaasta ah iyo xadgudubyadooda oo ah xataa dembiyadooda oo dhan aawadood, oo sidaasoo kalena waa inuu u sameeyaa teendhada shirka oo iyaga la deggan waxyaalahooda nijaasta ah dhexdooda. Oo waa inaan ninnateendhada shirka joogin markii uu isagu u galo inuu kafaaragud kusameeyo meeshaqoduuska ah gudaheeda ilaa uu ka soo baxo, isagoo kafaaragud u sameeyey nafsaddiisa, iyo reerkiisa, iyo shirka reer binu Israa'iil oo dhan. Oo waa inuu meesha allabariga ee Rabbiga hortiisa taal u baxaa, oo uu kafaaragud u sameeyaa, oo uu soo qaadaa dhiigga dibiga qaarkiis, iyo dhiigga orgiga qaarkiis, oo uu mariyaa meesha allabariga geesaheeda. Oo waa inuu toddoba jeer dhiigga fartiisa kula saydhaa meesha allabariga, oo waa inuu daahiriyaa, oo qoduus ka dhigaa waxyaalaha nijaasta ahee reer binu Israa'iil."

Dhiiggan kafaaragudka laga dhiganayo ama loo aaminsanyahay inuu kafaaragud gelayo wax su'aal ah miyaad ka qabtaa? Haddii aan ku idhaahdo Ciise Masiix ayaa fuliyey oo dhiigga ugu dambeyey daadiyey si aan neef dambe loo gawricin maxay kula tahay? Hase yeeshee, arinta in dhiigga Ciise uu kulli ka wada qaalisan yahay waxaan kaga hadlaya gadaal dambe. 

 

Dhiigga neefka kafaaragudka loo bixinayo waxaa loo bixiyey in kan Ilaah caabudaa uusan dembile sii noqon laakiin uu ku helo dembi dhaaf oo markuu noqdo mid nadiif ah wuxuu awoodaa inuu kuwa kale Ilaah ugu baryo in dembiyadooda loo cafiyo. Tan kuma filnayn oo dadka weli waxay sii raadinayeen dhiig aan iin lahayn kaa oo ah kan Ciise Masiix kan laga helayo badbaadada nolosha weligeed ah waayo, "Midkoodna walaalkiis ma furan karo, daraaddiisna Ilaah madaxfurasho uma siin karo, waayo, furashada naftoodu waa qaali aad iyo aad, kumana filna weligeedba, inuu isagu weligiis sii noolaado, oo aanu halligaad arkin weligiis." (Sabuurada 49:7-9). Waxaa jirtaa aayad kale oo iyaduna shaygaan sii xoojinayso maxaa yeelay, Kitaabka Qoduuska ah waa xibno aan kala maarmin oo aayadba tan kale ayey sii xoojinaysaa oo buugba buuga kale ayuu sii xoojinaya sidaa darraaddeed hal aayad inaad akhrisid xukumaad kama qaadi kartid.  Cibraaniyada 10:1-4 waxaa ku dhigan, "Waayo, sharcigu wuxuu leeyahay hooska waxyaalaha wanaagsan oo iman doona, laakiin ma leh suuradda waxyaalahaas qudheeda. Oo cabudayaasha marnaba kaamil kagama uu dhigi karo allabaryo sannad walba had iyo goor la bixiyo. Haddii kale miyaan la joojiyeen in allabaryo la bixiyo? Maxaa yeelay, caabudayaashu, iyagoo mar la nadiifiyey, mar dambe dembiyo iskama ay garteen. Laakiin allabaryadaas waxaa sannad walba lagu xusuustaa dembiyo. Waayo, ma suurtowdo in dibiyo iyo orgiyo dhiiggoodu dembiyo qaado."

 

Miyaad is weydisay sababta ay dadkaan iisu dhibayaan oo ay xayawaanka u dhamaynayaan iyagoo dhiigga ka daadinayaan? Haddaadan su'aashan weli is weydinin bal hadda is weydii. Sababta neefafka loo gowracayo waa in kafaaragud lagu helo. Sababta ugu weyn waxay tahay dadka inay helaan nolol maxaa yeelay, way ogyihiin in dembigu uu dhimasho keenayo marka waxaa laysku deyayaa hab kasta oo badbaado lagu helo taa oo ay ku soo koobeen dhig daadiska. Aayadda aan kor ka soo akhrinayna waxay inoo cadaynaysaa in runtii uu dhiig dibi ama orgi ama neef kasta uu ahaadaba uu dembi dhaaf keeneynin. De waa qasab inuu jiro hab kale oo qaali ah waana rumaysadka Ciise Masiix la rumaysto inuu noqday wanka Ilaah oo dhiggiisa qaaliga ah u bixiyey baniaadmiga hab dembi dhaaf doondoonka ah. Ciise Masiixa ayaa ah badbaadada keliya sida qoran, "Waayo, waxaa inoo dhashay ilmo, waxaa layna siiyey wiil, oo boqornimadu garbihiisay saarmi doontaa, oo magiciisana waxaa loo bixin doonaa kan yaabka leh, iyo lataliye, iyo Ilaaha Xoogga leh, iyo Aabbaha Daa'imka ah, iyo amiirka Nabadda." (Ishacyaah 9:6) Si kastoo layskuugu deyo in badbaado lagu keeno runti haduusan Ciise Masiix saldhig ka ahayn, wax baniaadmiga suurta gal u noqonayaan ma jiraan.

 

 

"…ma suurtowdo in dibiyo iyo orgiyo dhiiggoodu dembiyo qaado…"

 

Ilaah wuxuu nolosha baniaadmiga ka doonayaa inay noqoto mid isaga caabuddaa waayo, waa isaga kan na uumay oo naga dhigay waxa aan dunidaan ku nahay oo ma jiro qof doortay inuu noqdo wuxuu yahay. "Waayo, kelyahayga adigaa sameeyey, oo adigaa igu daboolay maxalkii hooyaday. Waan kuugu mahad naqi doonaa, waayo, waxaa la ii sameeyey si cabsi iyo yaab badan, shuqulladaadu waa yaab badan yihii…" (Sabuurrada 139:13-14) Nolosha dhabta ah waxay ku jirta Ilaaheena na yaqaano oo ma jiraan wax aan ka qarin karno isagoo istecmaalayo Ciise Masiix oo isaga keliya ayaa lagu heli karaa nolosha weligeed ah waayo, "…sida dembigu dhimashada ugu taliyey, sidaas oo kalena ay nimcadu ugu taliso xaqnimo ilaa nolosha weligeed ah ee xagga Rabbigeenna Ciise Masiix." (Rooma 5:21)

 

Nolosha ma ahan wax lacag ama wax la taaban karo lagu iibsanayo laakiin waa hadiyad uu Ilaah noo bixiyey anaga dembiilayaasha ah oo mid alla kii ogolaado inuu hadiyaddan qaato ayaa ka faa'idi karo nolosha uu Ilaah na siiyey waayo, waxba nooma tarayso haddii aan nidhaahno Ilaah nolol buu noo bixiyey oo aanan qaadan noloshas maxaa yeelay, hadiyadda waa wax markii lagu siiyo ay waajib kuugu tahay inaad qaadatid si loo ogaago inaad ogolaatay oo noloshas haddii aad doonaysid inaad ogaatid inay hadiyadda tahay wax uu Ilaah bixiyey. Rooma 6:22,23 waxaa qoran,  "Laakiin haatan idinkoo dembi laydinka xoreeyey oo aad addoomadii Ilaah noqoteen, waxaad midho ku haysataan qoduusnaanta, oo ugu dambaysteeduna waa nolosha weligeed ah. Waayo, mushahaaradda dembigu waa dhimashada, laakiinse hadiyadda Ilaah waa nolosha weligeed ah ee laga helo Rabbigeenna Ciise Masiix" Waxaan erayga Ilaah ka aragnay in mushahaaradda dembigu yahay dhimasho taa oo haatan ii fasaxayso inaan taabto wax ku saabsan waxa uu yahay dembiga iyo waxyaalo dembiga la raadka ah. Hadduuba xarbigaan oo dhan yahay sida looga fakan lahaa dhimashada waa wax la yaab leh oo haatan baniaadmiga waxaan odhan karnaa way dadaaleen intii tabartooda ah. Laakiin weli wax baa qabyo ka ah oo lama gaarin heer uu baniaadmiga yidhaahdo waan qancay oo dembiyadayda waa lay cafiyey oo Ilaah waan la joogi doonaa jannada. Waayahay e bal aan aragno shayga ah dhimashada oo ay dadka aad uga baqayaan oo ay ogyihiin haddii ay dembi ku dhintaan inay naarta geli doonaan oo ay weligood ololka dabka naarta ku jiri doonaan.

 

3. Dhimashada

"Masiixa wuxuu inaga furtay inkaartii sharciga, isagoo inkaar inoo noqday, waayo, waxaa qoran, Mid kasta oo geed ka soo deldelanu wuu inkaaran yahay, inay barakadii Ibraahim quruumaha ugu timaado Ciise Masiix; inaynu ballankii Ruuxa ku helno rumaysad” (Galatiya 3:13-14) Waxaan aayadaan u soo qabtay inay kuwa iswedinayaan maxay tahay sababta uu Masiixa u dhintay ay jawaabteeda helaan.

Haddii aad qumaati u soo akhrisay arinta macnaynta nolosha ku saabsan waad xusuusataa ayaan u malayn inaan idhi nolosha waxaa keliya oo ay ku jirtaa wax alla wixii dhiig qaba oo wax alla wixii dhiigga laga daadsho waa wax dhintay marka haddii aan nidhaahno dhimashada waa dhiig la'aanta oo weliba waa la'aanta dhiigga Masiixa uu dadkiisa u daadshay ma qalad baa? Waxa kale oo aan dhimashada ku macnayn karno waxay tahay la'aanta neefta iyo nolosha taa oo wax alla wixii nool ka dhigayso wax dhadhaqaaqa oo dhalaa oo weliba xiriir la yeeshaa kuwa kale.

 

Aasaaska dhimashada wuxuu dunida oo dhan ka soo galay gefkii ay Aadan iyo Xaawo ka galeen Ilaah sida qoran, "Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu ninkii ku amray isagoo leh, Geed kasta oo beerta ku yaal wax baad ka cuni kartaa: laakiin geedka aqoonta wanaagga iyo xumaanta waa inaanad waxba ka cunin: waayo, maalintii aad wax ka cuntid hubaal waad dhiman doontaa." Dhimashada aan halkan ka arkayno oo uu Ilaah kula hadlay Aadan waa midda xagga ruuxa oo ma ahan midda aan kuligeen u malaynayno oo ku saabsan neefta qofka ka baxayso Ruux ahaanteedana waa xiriirka uu Ilaah la lahaa ayey ahayd inuu sii jiri doonin maxaa yeelay, durbaba wuu jebiyey balanta Ilaah oo haddii aan akhrino Bilowgii 3:1-6 waxaa qoran, "…oo markii naagtii aragtay in geedkii cunto ku wanaagsan yahay, oo indhaha u roon yahay, oo uu yahay geed loo doonayo in caqli lagu yeesho, ayay midho ka qaadata, oo cuntay; ninkeedii la joogayna wax bay ka siisay, oo isagina wuu cunay." (Bilowgii 2:16-17) Sheekadan waa sheeko aad u dheer oo waxaad ka sii akhrisan kartaa haddii aad fursad leedahay Kitaabka qoduuska ah Bilowgii cutubka labaad iyo saddexaad oo way kuu dhaadhici doontaa sida arimahan ay ku yimadeen oo dhan iyo tilaabooyinka uu Ilaah ka qaaday Aadan iyo Xaawo ka dib markii ay isaga ku gefeen. waxaan arkaynaa inuu sameeyey siduu Ilaah ku amray inuusan samayn taa oo ah inuu cunay midhtii uu Ilaah ka xaranteyey oo tan ayaa ahayd aasaaska dhimashada iyo sida ay dunida ugu horeynta ku soo gashay. Gefka isaga ah muxuu ahaa? Wuxuu ahaa dembi fal oo Ilaah dembi laga gelayo oo Ilaah xiriir lama lahan qofka aan doonistiisa samaynaynin marnaba.

 

Sheydaanka diyaar buu u yahay inuu lumiyo dadka Ilaah oo wuxuu doonayaa kuwa uu burburiyo isla sida uu ugu horeyntiba u burburiyey xiriirkii ay baniaadmigii ugu horeyey Ilaah la lahaayeen oo wuxuu kuu macaanayn karaa wax yaalaha dunida laakiin ogaanteeda lahaw in wax yaalahan dunida ay yihiin wax aan weligood jiri doonin laakiin waa uun jacayl Ilaah la jeclaado oo doonistiisa la yeelo tan abaalgud weligaa ku qanciyo aad ka heli doontid. Qofka hadduuba dembiile yahay ma qabo wax dhadhaqaaq ah maxaa yeelay, ma ahan mid xur ah oo weligiisba wuxuu ku jiraa cabsi oo xiriirka xurnimada uu Ilaah ewelkii hore la lahaa wuu dhumay oo haatan wuxuu u baahan yahay inuu xiriirka Ilaah uu soo sara kiciyo si uu ugu stareexo barwaaqada Ilaah oo lagu helo rumaysadka isaga la rumaysanayo iyo addeecidda isaga la adeecayo. Baniaadmiga hadduusan Ilaah xiriir la lahayn way adagtahay inuu baniaadmiga kale xiriir la lahaado maxaa yeelay, xiriirka wuxuu ka yimaadaa jacaylka oo hadduusan qofka jacayl lahayn de sidee buu ku odhan karaa dadkuu xiriir la leeyahay?

 

Haddii aan macnaynta dhimashada dhinac kale ka eegno waxaan arkaynaa in dhimashada ay tahay mid ruuxi ah oo kuma eko keliya tan caadiga ah oo ay nafta dadka ka baxayso. Maxaa yeelay, waxaa qoran, "Laakiin tii raaxaysi u noolaataa waa meyd intay nooshayhayba" (1 Timoteyos 5:6) Hadduu qofka uu dembi ku raaxaysanayo in kastoo uu wax kasta dunida ugu baahanyahay haysto waa mid dhintay ama meyd socda ah maxaa yeelay, Ilaah xiriir lama lahan. Sida qoran, "Idinku waxaad ku dhimateen xadgudubyadiinna iyo dembiyadiinna…" (Efesos 2:1) Ilaahay ha na kaalmayo si aan nolosheena oo dhan isaga ugu addeecno oo aan ugu noolanin nolol aan isaga ka farxinaynin maxaa yeelay, wuxuu noo cadeynayaa in nolosha dembiga leh qofka ku nool uu ku noolyahay dhimasho xadgudubyada dembigiisa awgii.  "…waan ogahay shuqulladaada, oo magac baad leedahay sida wax nool, laakiinse meyd baad tahay" (Muujintii 3:1) Ilaahey wuu ogyahay waxyaalaha aan ku dhaqmayno oo dhan oo ma jiraan wax aan isaga u sheegeyno laakiin wuxuu doonaya inaan xagga qalbiyadeena nadiif ka ahaano si wax alla wixii aan samaynayno ay u noqdaan waxyaalo hortiisa daacad ku ah. Waxyaalaha jacaylka Ilaah la jacaylyahay lagu sameeyo waxa wanaagsan ma ahan wax wanaagsan inaan samayn karno si aan Ilaah uga farxino. Ilaah uma baahno shaqadeena wanaagsan e wuxuu u baahan yahay inaan isaga xiriir wanaagsan oo aan maalinta ugu dambayso isaga jannada kula joogi karno intii aan dabka naarta ku dhex oyni lahayn.

 

Isla sida aan uga akhrinay aayadda aan tan horteeda akhrinay ee Efesos runtii waxyaalaha dunida waa wax dadka sasabaa laakiin ma ahan wax weligood jiri doonaan oo sidaa darraaddeed ma ahan in laysku haleeyo waxyaalaha dunida oo loo malayo inay wax yihiin maxaa yeelay, waa uun xiriirka Ilaah lala leeyahay kan wax ah oo weliba ah wax waara oo weligeed laysku halayn karo oo shaki kuma jiro ku alla kii dembiga ka fogadaa oo Ilaah addeecaa, Ilaah buu xiriir la leeyahay oo wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah. Ilaahay naga ma dhigo kuwa shuquladooda keliya ku qanacsan oo u malaynayaan inay noolyihiin oo magac weyn ku leh dunida laakiin xagga Ilaah aan waxba ku lahayn haddii la gaaro waqtiga xisaabta. Inta badan waan iska soconaa laakiin ma noolin. Laakiin Ilaah wuxuu u baahan yahay inaan wakhti kastaba isaga kula jirnaa nolosheena oo dhan si aanan Ilaah ugu xadgubin. Waa inaan ogaano in Ilaah uu markastaba na qaymaynayo uuna u baahan yahay inaan isaga addeecno oo yaan iisu malaynin wax nool annagoo ah meyd laakiin aan Ilaah isku hubsano oo haddii ay jiraan wax dembi ah waa inaan ka toobad keenno waayo, Rabbiga wuxuu ka balan qaaday in mid alla kii dembiyadiisa qirtaa uu isaga yahay mid caadil ah oo u cafinayo qofkaas sida qoran, "Haddaynu dembiyadeenna qiranno, isagu [Ilaah] waa aamin iyo caadil inuu dembiyadeenna inaga cafiyo, oo uu inaga nadiifiyo xaqdarrada oo dhan." (1 Yooxanaa 1:9)

 

Tani waxay noo cadaynaysaa habka aan nolosha daimka ah ku heleyno inuu yahay oo keliya inaan dad nadiifsan noqono oo aan dembiyadeena ka toobad keeno waayo, Ilaah waxba lagama qarin karo. Qof alla qofkii qalbigiisa oo dhan Ilaah u furaa, kaa ayaa ah kan Ilaah hortiisa ku nadiifsan oo istaahilaa inuu ka qayb qaato nolosha weligeed ah. "Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan iyo naftaada oo dhan iyo xooggaaga oo dhan." (Sharciga Kunoqoshadiisa 6:5)

 

Marka waxaa cad in annaga baniaadmiga aanan lahayn fursad haba yaraate aan wax doonista Ilaah ka duwan aan ku samayno maxaa yeelay, haddii aan Ilaah nafsaddeena oo dhan ku jecelnahay intee bay jirta meesha dembiga uu ka soo gelayo? Waa inaan ka fiirsanaa xataa waxyaalaha aan xoogayna ku bixino maxaa yeelay, xataa markaan sinada samaynayno xoog baa naga baxaa oo sidaa daraaddeed ayaad u arkaysaa cudurada sinada inay maanta bateen oo ay kuwa qaarkoodna ay daawo lahayn oo ay jidhka dadka cunayaan oo uu qofka tartiib u sii baaba'ayo ilaa uu ka dhinto kaasoo ka mid yahay cudurka loogu magac daray AIDSka iwm. Dadka Ilaah bay ku caasiyeen oo Ilaah wuxuu u baahan yahay inaan dib u wada fekerno oo aan uga fiirsano wuxuu nala doonayo meeshuu xoogga ku baxaya. Ma aha wax aad Ilaah wax ugu tartay laakiin xoogaada waxaad ku bixisay dembi oo Ilaah ugu ma aadan adeegin marka wax alla wixii aad samaynayno  waa inaan ka fiirsanaa oo ma ahan inaan is weydino sidee bay dadka hortiisa ku tahay laakiin aan is weydino inuu Ilaah raali ka yahay iyo in kale. Bal aan is weydinee dhimashadaan ruuxigga ah sidee baa dunida looga saari karaa?

 

Dhimashada waxay baniaadmiga oo dhan uga timid hal ruux oo doonista Ilaah ku xadgudbay daraaddeed kaa oo ahaa awowgeen Aadan uu marka ugu horeysey Ilaah uumay oo aan ka soo farcanay. Kitaabka qoduuska ah wuxuu leeyahay, "Haddaba sida dembigu nin keliya dunida ugu soo galay, dhimashaduna dembiga ugu timid, sidaasaa dhimashadiina u gaadhay dadka oo dhan, waayo, waa la wada dembaabay; waayo, dembigu,duniduu ku jiray intaan sharcigu iman, laakiin dembi lama tiriyo markii aan sharci jirin. Habase ahaatee waagii Aadan ilaa Muuse dhimashadu waxay u talisay xataa kuwii imaanka lahaa. Hadiyaddu ma aha sida dembiga, waayo, haddii nin keliya dembga uu samayey kuwabadanu u dhinteen, de in ka sii badan waxaa kuwa badan u badatay nimcada Ilaah iyo hadiyadda nin nimcadiis ku timid, kan ah Ciise Masiix. Hadiyaddu ma aha sida mid qof dembaabay ku timid, waayo, mid xukunkiis wuxuu keenay ciqaab, laakiin hadiyaddu waxay dembiyo badan ugu timid inay xaq ka dhigto kuwo badan. Haddii mid dembigiisa aawadiis ay dhimasho ku talisay midkaas aawadiis, de si ka badanna kuwa hela badnaanta nimcada iyo hadiyadda xaqnimada, noloshay ku dhex talin doonaan kii kale aawadiis kaas oo ah Ciise Masiix." (Rooma 5:12-17) Waad arkaysaa in Ciise Masiix ku jiro qorshaha badbaadada oo ma ahan wax ay dadka samaysteen inay dadka kale ku indho tiraan. Waa wax jiraa oo wuxuu u dhintay inuu dembiyadeena aan jawaab u waynay uu Ilaah noo hor geeyo si aan cafis Ilaah uga helno. 1 Korintoos 15:22 waxaa qoran, "Siday dhammaan Aadan ugu wada dhintaan, sidaas oo kalaa dhammaan Masiixa loogu wada noolayn doonaa…"

 

Abaalgudka dhimashada waa dhimasho uu ku alla kii dembaabo dhintaa oo dhimashaduna ma ahan tan caadiga ah oo aan kuligeenba wada dhimanayno laakiin waa ka dhimashada xagga ruuxa oo uu qofka markay dunida dhamaato uusan jannada Ilaah kula stareexi doonin laakiin ebedkiisba wuxuu ku noolaan doonaa   ololka dabka naarta sida qoran, "Waayo, mushahaarada dembigu waa dhimshada, laakiinse hadiyadda Ilaah waa nolosha weligeed ah ee laga helo Rabbigeenna Ciise Masiix" (Rooma 6:23).

 

Markaan naarta ka hadlayno qaar baniaadmiga ka mid ah uma arkaan inay tahay mid ebedkeed ah laakiin waxay leeyihiin, Naarta in yar ayaa laygu edbin doonaa dabadeedna waxaa lay geyn doona jannada laakiin ebedkey oo dhan kuma jiri dooni! Laakiin walaakayga buuggan akhrisanayow ma ogtahay in maadama uu Ilaah yahay mid weligii jira oo ay jannaduna tahay mid weligeed ah? De shaki kuma jiro naartuna waa mid weligeed jiri doonta oo kuwa geli doonaan weligood ayay ku jiri doonaan. “Markaasuu kuwa bidixdiisa jooga ku odhan doonaa, kwa yahow inkaaranu, iga taga oo gala dabka weligiis ah kan Ibiiska iyo malaa’igihiisa loo diyaariyey.”  (Matayos 25:41)Wuu jira sarakac dadka horay u dhintay la soo sarakicin doono si ay xukunka u soo hor istaagaan sida qoran, “Taas ha la yaabina, waayo, saacaddu waa imanaysaa markii kuwa xabalaha ku jira dhammaantood ay codkiisa maqli doonaan, wayna ka soo bixi doonaan, kuwa wanaagga falay ilaa sarakicidda nolosha, kuwa sharka falayna ilaa sarakicidda xukunka.” (Yooxanaa 5:28, 29). Ha’ ilowbin inay jirto dhimashada labaad. Kitaabka qoduuska ah wuxuu inoo sheegaya inay jirto dhimasho labaad sida ku qoran Muunintii 20:13 -15 “Markaasaa baddii waxay sii daysay kuwii dhintay oo dhexdeedii ku jiray; oo dhimashadii iyo haaddeesna waxay sii daayeen kuwii dhintay oo dhexdoodii ku jiray; markaasaa iyagii waxaa laga xukumay nin walba sidii shuqulladiisu ahaayeen. Oo dhimashadii iyo Haadeesba waxa lagu tuuray baddii dadbka ahayd. Oo taasu waa dhimashadii labaad oo ah badda dabka ah. Oo ku alla kii aan kitaabkii nolosha laga helin isagoo ku qoran, waxaa lagu tuuray baddii dabka ahayd.”

 

Marka halkan waxaa inooga cad in noloshu ay ku timaaddo Ciise Masiix oo ku alla kii uu isaga badbaadinin wuxuu ku sugan yahay naarta weligeed ah. Meeshii aan maanta wan ka gawrici lahayn Ciise Masiix baa dhiiggiisa iskutallaabta ku daadshay oo dhiig kasii qaalisan oo naloo daadin karo maanta ma jiro maxaa yeelay hal mar buu daadshay wayna ku filantahay. Dhiigga dibiga iyo orgigga mar kasta baa la daadin jiray laakiin haatan waxaan haysnaa kan annaga noo dhintay oo dhiiggiisa noo daadshay oo dhimashaduna ka soo sara kacay oo maantaba nool oo sidaa daraaddeed annaguna waan ka xuroobi doonaa dhimashada mar haddii ay nafta naga baxdo intaan isaga ku jiro oo aan rumaysanahay inuu yahay sayidkeena oo laga uuraystay Maryan oo bikrad ah uuna dhintay, la aasay oo uu maalinta saddexaad ka soo sara kacay dhimashada. Haddii aan akhrino Kitaabka Korintooska kowaad cutubka 15aad wuxuu inoo sheegayaa sida aan u leenahay mid aan isku halayn karno oo noo dhintay oo maadama uu dhintay uuna dhimashada ka soo sara kacay annaga isaga rumaysan oo addeecsan oo dhamna waan ka guulaysan doonaa dhimashada.

  Runtii Ciise wuu dhintay

"Haddaba waxay ahayd abbaaraha saacaddii lixaad, dhulka oo dhammuna gudcur buu noqday ilaa saacaddii sagaalaad. Qorraxddu way madoobaatay, daahi macbudkuna dhexda ayuu ka kala dilaacay.Markaasaaa ciise cod weyn ku dhawaaqay oo yidhi, Aabbow, gacmhaaga ayaan ruuxayga u dhiibayaa. Goortu waxaas yidhi, ayuu ruuxii bixiyey.Boqol-u-taliyihi goortu arkay wixii dhacay, ayuu Ilaah ammaaanay oo yidhi, Hubaal ninkanu xaq buu ahaa. Dadkii oo dhan oo daawasho isagu yimid, goortay arkkeen wixii dhacay, ayay noqdeen iyagoo laabta garaacaya. Waxaa meel fogna ka taagnaayeen kuwii ciise yiqiin oo dhan iyo dumarkii Galili ka soo raacay, iyagoo waxaas dayaya." (Luukos 23:44-49) Arintaan ma ahan wax ay dad iska samaysteen si ay u rumayaan doonistooda. Haddii ay ahaani lahayd wax aanan jirin waxaan u malaynayaa inay ilaa maanta ay jiri lahayn waayo beenta ma waarto laakiin wixii run ah si kastoo looga hor yimaado lama baabi’in karo. Marka dhimashada Ciise waa wax dad badani ay arkeen oo weliba si loo kala bixiyo dhimashada dadka caadiga ah iyo tan Ciise waxaa jireen calaamooyin ka daba dhaceen markii ay isaga nafta ka baxday taa oo aan aragnay in macbudkii uu dhexda ku kala dilaacay oo kuwii meesha iskutallaabta joogay oo dhan waxay u noqotay cadayn in runtii ninkanu (Ciise) la leeyahay uu ahaa nin ka duwan kuwa la dilay oo dhan oo kuwa ku marqaati furayna sida uu Kitaabka sheegayo waxaa ugu horeyey boqol utaliyihii askarta madaxa u ahaa.

 

Ciise wuu sii sheegay dhimashadiisa

Aanba nidhaahno wuu dhintay e, dhimashadiisa ma ahayn wax la aqoonsaday markuu dhintay keliya laakiin isaga ayaa sii sheegay inuu dhiman doono oo isagu keliya ma sii sheegin e waxaa horey u sii sheegeen Nebiyadii inuu dhiman doono iyo weliba sababtuu u dhiman doonaba. Waxaa jiraan tusaalooyin badan oo aan ku sheegi karo in  nebiyada ay dhimashadiisa  horey u sii sheegeen laakiin qaas ahaan waxaan ka soo qabanaya Ishacyaah 53:3; Ishacyaah 53:12. Haddii aad is weydinaysid sidee baad ku ogaani kartaa in taasi ay tahay sii sheegid ku buuxsantahay Ciise Masiix waxaad aayadahan la akhrin karta; Yooxanaa 1:11, Luukos 23:18 iyo Markos 15:27-28. Laakiin ha ilowbin in kuwan ay ka mid yihiin tusaalooyin badan oo Kitaabka qoduuska ah laga heli karo. Haatan waxaan xoogga saaraya sida uu isaga u sii sheegay inuu dhiman doono. "Kolka dabadeed ciise Masiix ayaa bilaabay inuu xertiisii u sheego inay waajib ugu tahay inuu Yeruusaalem tago, oo xanuun badan ka helo waayeellada iyo waaadaaddada sare iyo culimada, oo la dilo, oo maalinta saddexaad la sara kiciyo."(Matayos 16:21)

 

Ciise Sirqool baa loo dhigay

Dhimashada Ciise iska ma iman laakiin dhibaato unbaa jirtay taa oo ku qasabtay inay isaga dilaan maxaa yeelay, waxay yidhaahdeen Yahuudda ninkanu Ilaah buu caaynayaa marka waxaa dhacday inay isaga shirqool u sameeyaan si ay u helaan sabab ay ku dilaan, waayo, marka qof la dilayo waa in loo lahaado sabab uu sharcigu qofkaasi ku dilayo. "Kaca aan tagnee. Eega, kii i gacan gelin lahaa waa soo dhow yahay.Kolkiiba intuu weli hadlayay ayaa Yuudas oo laba-iyo- tobankii ka mid ahaa yimid, isaga iyo dad aad u badan oo seefo iyo ulo sita. Waxay ka yimaadeen wadaaddada sare iyo culimada iyo waayeellada.Kii gacan geliyey ayaa calaamo kula ballamay oo ku yidhi, mid alla midkaan dhunkado waa isagii.Qabta oo kaxeeya oo dhawra. Kolkuu yimidba, kolkiiba ayuu u tegey oo ku yidhi, macallimow, wuuna dhunkaday.Markaasay gacmaha saareen, wayna qabteen." (Markos 14:42-46)

 

Ciise waa la xukumay

Qofka haddii shirqool loo dhigo oo wax dembi ah lagu sheego waa in xukunka la hor geeyo si loogu xukumo dembigiisa isagoo loo cadaynayo wuxuu falay. Marka waxaa dhacday in Ciise la xukumo. "Wadaaddadii sare iyo shirkii oo dhan ayaa waxay doonen markhaati been ah oo ciise ka gees ah si ay u dilaan. Waase heli waayeen, in kastoo markhaatiyaal badan oo been ahu yimaadeen. Laakiinse dabadeed waxaa yimid laba,  oo waxay yidhhaahdeen, kanu wuxuu yidhi, waan karayaa inan macbudka Ilaah dudumiyo oo saddex maalmood ku dhiso. Markaasaa wadaadkii sare istaagay oo ku yidhi, miyaadnad waxba jawaabayn? Kuwanu waxay kugu marag furayaan waa maxay? Laakiin Ciise waa iska aamusay. Kolkaasaa wadaadkii sare wuxuu kuu yidhi, Ilaaha nool ayaan kugu dhaarinayaa ee noo sheeg inaad tahay masiixa oo ah wiilka Ilaah,in kale. Ciise ayaa ku yidhi, Waad tidhi. Hase ahaatee, waxaan idinku leeyahay, Hadda dabadeed waxaad arki doontaan wiilka Aadanaha oo fadhiya midigta xoogga Ilaah oo ku imanaya daruuraha cirka. Markaasaa wadaadkii sare dharkiisii jeexjeexay isgoo leh, wuu caytamay.Maxaynu markhaatiyaal weli ugu baahan nahay? Bal eega, haddeer waad maqasheen caytanka. Maxay idinla tahay? Way u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, wuxuu istaahila dhimasho." (Matayos 26:59, 60, 63-66)

 

Askartii baa Ciise ku majaajilootay

Madaama uu noqday mid la yasayo Ciise majaajiloon uma harin oo waxaa ku majaajiloodeen askartii isaga loo gacan geliyey inay edbiyaan. Waana Kitaabka qoduuska ah ama Injiilka kan noo sheegayo dhibaatooyinka kale uu Ciise kala kulmay dadkaas ka soo hor jeedeen oo wax bariddiisana ka soo hor jeedeen sida qoran, "Waxay u geliyeen dhar guduudan, oo taaj ayay qodxan  uga texeen, oo madaxiisay saareen. Goortay ku majaajiloodeen dabadeed ayay dharkii guduudnaa ka qaadeen oo dharkiisii bay u geliyeen, markaasay wadeen in iskutallaabta lagu qodbo. Saacaddii sagaalaad Ciise ayaa cod weyn ku dhawaaqay oo yidhi, Eloy, Eloy, Lama sabakhtani? Taaso   micneheedu yahay, Ilaahayow, maxaad ii dayrisay?Markaasaa Ciise cod weyn ku dhawaaqay oo ruuxii bixiyey. Kolkaasaa daahi macbudka kor ilaa hoos laba u kala dilaacay. Kolkaasaa boqol-u-taliyihii oo meel ku toosan taagnaa markuu arkay inuu sidaas ruuxiisii u baxshay, wxuu yidhi, Ruutii, ninkanu wuxuu ahaa wilkii Ilaah." (Markos 15:17, 20, 34, 37-39). Marka wax kasta oo la sheegaba runti Ciise dhimashadiisa waxay ahayd wax jiray ama dhacay Ilaah ayaana ogolaaday inay dhacdo si ay dadka kale ama kuwa hareerahiisa joogeen ay ugu wax bartaan in runtii uu Ilaah caynin laakiin ahaa Wilkii Ilaah sida uu boqol utaliyahuba ku dhawaaqay haddii aan ka eegno aayadda ugu dambayso aad akhrisay.

 

Ciise wuu dhintay

Runtii cadaadintaan iyo majaajiloontan ka dib Ciise wuu dhintay. Cadawyadiisa umay  noqon sida ay doonayeen inuu iskutallaabta ku silco. Intay kuwii isaga iskutallaabta saaray ay taagnayeen ayuu dhintay oo waxay ogaadeen in runtii kanu uu yahay mid ka duwan kuwa kale oo weligood iskutallaabta la saaray, waayo, xataa waxay doonayeen inay iskutallaabta isagoo fuuloba ay haddana ku sii silciyaan. Waxay doonayeen inay kuwa weli nool oo dhan ay lugaha ka jejebiyaan laakiin Ilaah qorsha gooni ah buu u lahaa Ciise oo isla markiiba wuu dhintay oo sidaa daraaddeed cadawgiisa ma silcinin isaga waxaana sida qoran, "Sidaa daraadeded yuhuudii, inaan meydaku sabtida iskutalaabaha sii saarnaan, waxay Bilaatoos ka baryeen in lugaha laga jebiyo oo meydaadka la qaado, waayo, waxay ahayd maalintii Diiyaargarayska, oo maalinta sabtidaas waxay ahayd maalin weyn, Laakiin markay Ciise u yimaadeen oo ay arkeen inuu durba dhintay kama ay jebin lugihii." (Yooxanaa 19: 31-33). Tan waxay ahayd mid lagu buuxinayay sii sheegiddii horey loo sii sheegay e ku qoran  Yooxanaa 19:36 oo leh, “waayo, waxyaalahaas waxay u dhaceen inuu ahaado Qorniinka leh, Lafihiisa midna la jebin maayo.”  Haddii aad is weydinaysid waa kee qorniinka saa sheegayna waxaan kuugu odhan karaa waa siduu  Nebi Daa’uud ka sii sheegay Sabuurrada 34:20 oo leh, “Isagu wuxuu dhawraa lafihiisa oo dhan, oo middoodna ma jabna.” Wax kastoo Ciise ku saabsan waxay ahaayeen wax uu Ilaah horey u soo qorsheyey ee ma ahan dhacdo iska dhacday waayo, dhacda kasta uu injiilka ka hadlaya oo Ciise ku saabsan waxay saldhig ku leedahay nebiyadii horey Ilaah ugu soo adeegeen.

 

Ciise waa la aasay

Sida caadiga ah markuu qof dhinto waa in la aaso isla sidasayto ayaa Ciisena ku dhacday oo markuu dhintay ka dib waa la aasay jidhkiisa. Aasiddiisa Ciise caadi ma ahayn maxaa yeelay, waxay ahayd in la ilaaliyo maydkiisa oo waardiyo xoog leh loo yeelo waayo, dadka ayaa Bilaatos ka codsadeen inay si qaas ah jidhka Ciise u ilaaliyaan wayna noqotay sida qoran, "Bilaatoos wuxuu ku yidhi, waardiyayaal baad leedihiin. Taga oo adkeeya in alla intaad adkayn taqaqniin. Markaasay tageen, iyaga iyo waardiyayashii, oo xabaashay soo adkeeyeen, dhagixiina way shaabadeeyeen." (Matayos 27: 65,66) Waxaa laga yaabaa inaad isleedahay maxay tahay sababta Ciise maydkiisa loo ilaalinayey waana su'aal aad u wanaagsan. Waxaa loo ilaalinayey si ay xerta  maydka u xadin oo ay rumaysanin arinta ahayd inuu saddex maalmood ka dib uu soo saro kici doono laakiin Walaal tani ma ahayn wax ay baniaadmiga samaysteen laakiin waxay ahayd arin uu Ilaah ka dambeyey. Si kastaba ha loo ilaaliyee runtii Ciise wuu sii sheegay dhimashadiisa iyo sara kaciisa. Wax kasta way noqdeen maxaa yeelay, haddii aan ka akhrino Matayos 28:6 Malaaigta Ilaah waxay leedahay oo na qoran sida tan,  "Halkan ma joogo, waayo, wuu sara kacay siduu yidhi."

 

Wax kasta way dhamaanayaan laakiin runta weligeedba waxay ku dhamaanaysaa dhabteeda si kastoo laysuku deyo in la beeneyo, waayo, dadka waxay isku deyeen inay jidhka Ciise ilaaliyaan si aan loo xadin laakiin xataa ilaalintooda waxba may tarin. Ilaa maanta kuwii loo xil saaray ilaalinta maydka Ciise ma jirto meel lagu sheegaya inay jawaab ka bixiyeen siduu jidhkaas qabriga uga soo baxay. Weliba in kastoo ay jirin qoraala taarikh ah oo sheegayaan in askartaasi la edbiyey, madaama uu jidhkaas lumay, waxaan u malaynaya inayba ku shaqo beleen ama edbin aad u weyn ay gaartay. Bal aanba is weydinee yaa Ilaah la tartami karaa? Si kasta ha loo beeneyo laakiin dhabta waxay tahay Ciise wuu dhintay wuuna ka sara kacay dhimashada. Mahad Ilaahaa iska leh. Ciise maadama uu dhimashada ka soo noolaaday uuna maanta noolyahay annaguna xaq baan u leenahay inaan nidhaahno  waan noolaan doonnaa weligeenba. Kan aan rumaysan nahay ayaa guulaystay oo weligiis noolaan doona oo maantaba nool. "Laakiinse haatan Masiixa ayaa kuwii dhintay laga sara kiciyey, isagoo ah midhaha ugu horreeya ee kuwa dhintay. Dhimashadu nin bay ku timid, saas aawadeed sarakicidda kuwii dhintayna nin bay ku timid. Siday dhammaan Aadan ugu wada dhintaan, sidaas oo kalaa dhammaan Masiixa loogu wada noolayn doonaa, laakiin mid kasta markiisa, Masiixa midhaha ugu horreeya, markaas kuwa Masiixana wakhtiga imaantinkiisa." (1Korintos 15:20-23)

 

Kuwa Ilaah adeecsan way ogaan karaan meesha ay ku sugnaan doonaan wakhtiga dhamaadkiisa maxaa yeelay, haddii aan Masiixa rumaysanahay runtii isagu nama dafiri doono laakiin wuxuu noo noqon doonaa wakiil keena Ilaah hortiisa noogu maragfuri doonaa, maxaa yeelay, amar oo dhan isaga ayaa la siiyey sida ku qoran Matayos 28:18 oo dhigaysa, "…oo wuxuu yidhi Amar oo dhan ayaa samada iyo dhulka laygu siiyey." Laakiin ma ahan amar uu Ilaah isaga hoos joogo waayo, waa Ilaah kan isaga amarka siiyey sida aan uga akhrinaynaba 1 Korintos 15:27 oo leh sida tan, "waayo, wax walba cagahiisa hoostooduu geliyey. Laakiin markuu yidhaahdo, wax walba waa la hoos geliyey, way cad dahay in laga reebay kan (Ilaah) wax walba hoostiisa geliyey." Weligeed ma suurtowbin in kan darajada dhiibo uu noqdo kan la xukumi doono. Sidaa darraaddeed Ciise ma uusan noqon mid Ilaah xukuma waayo, amarka la siiyey oo ay wax kasta cagahiisa ku hoos joogaan kan Ilaah ayaa ka weyn waayo, isaga ayaa ah kan Ciise Masiix darajeyey. Baybalka haddii aan ka akhrino sida ku qoran Falimaha Rasuullada 2:32 Luukos oo ah kan qoray buugan Faalimaha Rasuullada wuxuu yidhi: "Ciisahan Ilaah baa sara kiciyey, annagoo dhammuna markhaatiyaal baan ka wada nahay." Runtii Ilaaheena waa mid caadil ah waxaan ka baryeynaa Ruuxiisa qoduuska ah inuu nagu soo dejiyo si aan waxyaalahan qumaati u helno dhabta ku jirta waayo, ruuxa qoduuska ah ee Ciise la jiray ayaa anaguna maanta noo ah tiirka keliya oo aan ku tiirsan karno sida aan uga akhrinayno Falimaha Rasuullada 2:33 oo leh, "Haddaba isagoo Ilaah midigtiisa sare loogu qaaday, oo Aabbaha ka helay ballankii Ruuxa Qoduuska ahaa, ayuu soo shubay waxan oo aad arkaysaan oo maqlaysaan." Marka wax alla wixii la yaab leh oo Masiixnimada ku saabsan ma ahan dabcan wax aan baniaadmi ka soo gaarnay laakiin waa wax aan ka soo gaarnay ruuxa qoduuska ah uu Ilaah noo soo diray. Sidaa darraaddeed lama yaabayno dhimashada iyo sara kaca Rabbigeena Ciise Masiix, waayo, waxaan ognahay sababta ay u dhacday annagoo ah baniaadmi dembiilayaal ah.

 

Ciise waa waddada nabadda

Dhimashadaan maxaa keenay? Dhimashada Masiixa waxay ku timid nabad raadinta taa oo ay baniaadmiga isku deyeen inay keenaan laakiin si kasta oo la yeelayba waa la kari waayay si nabad loogu helo waxyaalaha dunida iyo weliba sidii looga badbaadi lahaa dembiga. In kasta oo ay baniaadmiga isku deyeen inay is badbaadiyaan, ilaa haatan ma jiro hab ay dadka odhan karaan kani waa jidka badbaadada laakiin bal ogow inuu Ciise u dhintay si uu u xaqiijiyo inuu isagu yahay jidka badbaadada. Ciise waa badbaadada iyo nabadda welwelka qalbiyadeena. Isagu sababtaasuu u dhintay sida qoran, "Laakiinse  waxaa isaga loo dhaawacay xadgudubyadeena , waxaana loo nabareeyey xumaatooyinkeenna, edbintii nabaadiinadeennana duushiisay ku dhacday, dildilaaciisiina waynu ku bogsannay." (Ishacyaah 53:5) Akhristow, waxaan u malaynayaa in su'aashaadii aan ka jawaabay oo ku saabsanayd sababta Ciise loo dilay waayo, waxaan aragnay in isaga loo dilay, loona dhaawacay xadgudubyadeena iyo xumaantooyinkeena. Ciise wuxuu u dhibaatooday daraaddeen. Qalbigaada ha’ adkaynin rumayso kan darraaddaa u dhintay kuu dhibaatooday waayo, isagu diyaar buu kuu yahay inuu ku badbaadiyo oo uu culayska uu dembiga ku saaray kaa qaado si aad u heshid nasasho weligeed ah.

 

Ciise iskutallaabtuu dhimashada uga guulaystay

In kastoo aan leenahay Ciise wuu dhintay ha ilowbin Ciise dhimashada wuxuu uga guulaystay iskutallaabta oo waxay noqotay in siduu Ilaah doonayay noqoto. Haddii aad tahay mid ka cabsadaa dhimashada waxba ha ka baqin dhimashada. Rabbi Ciise Masiix aamin oo ogolow in isagu yahay badbaadiyahaada oo sidaa darraaddeed adiguna waad kaga guulaysan doonta dhimashada maadama uu isagguba ka guulaystay sida uu Kitaabka sheegayo haddii aan akhrino erayadaan leh, "Carruurtu waxay qayb ka heleen jidh iyo dhiig, taas aawaaded isaguna sidaas oo kale ayuu uga qayb qaatay, inuu dhimasho ku baabi’iyo kii xoogga dhimashada lahaa, oo ah Ibliiska, iyo inuu furo kulli kuwii cimrigoodii oo dhan addoonnima ugu hoos jiray cabsida dhimashada." (Cibraaniyada 2:14-15) Haddiiba kii xoogga dhimashada lahaa (Ibliiska) lagaa baabi'iyey, waxba ha ka welwelin maxaa yeelay, cabsida dhimashada sida uu Kitaabka sheegayo Ilaah wuxuu uga reeyey dhimashada Ciise Masiix uu iskutallaabta ku dhintay. Bal aan ku weydiyey, maxaa kaa welweliyaa adiga nafsad ahaantaadu? Hadduuba jacaylka Ilaah uu yahay kan aan rogrogmin kaana balan qaaday inuu ku jeclaaday oo sidaa darraaddeed uu kuu dhintay de yaa ama maxaa kaa sooci karaa jacaylkiisa? Runtii marjiraan wax jacaylka Ilaah inaga sooci karo erayga Ilaah ayaa ka jawaabaya su’aashaas oo aan ka akhrin karnaa Rooma 8:31-39 waxayna leedahay sida tan, " …Haddii Ilaah inala gees yahay, yaa inaga gees ah?…Yaa jacaylka Ilaah inaga sooci doonaa? ma dhibaato, mise cidhiidhi, mise silic, mise baahi, mise arrad, mise khatar, mise seef?…Maya, waxyaalahan oo dhan dhexdooda aad baynu ugu guulaysannaa kii ina jeclaa xaggiisa. Waayo, waxaan hubaa inaan dhimashada, ama nolosha, ama waxyaalaha iman doona, ama kuwa xoogga leh, ama kor, ama hoos, ama uun kaleeto inaga sooci karin jacaylka Ilaah oo ku jira Rabbiigeenna Ciise Masiix"

 

Ogow mar alla markaad welwelsan tahay waa shaydaanka kan welwelka ku gelinayo oo waxaad noqotaa mid mar kastaba isaga xusuusiyaa in dhibaato kasta iskutallaabta looga guulaystay. Masiixa markay nafta aga baxaysay iskutallaabta wuxuu yidhi way dhamaatay taa uu ka waday in hawshii uu Ilaah isaga u xilsaaray uu idlayay taa oo ahayd inuu noqdo mid lagu tiriyey xumaan falayaasha markuu iskutallaabta ku dhimanayey. "Haddaba markii Ciise khalkii qaatay ayuu yidhi, waa dhammaatay, markaasuu madaxa foororshay oo ruuxii bixiyey" Yooxanaa 19:30

 

Rasuul Bawlos wuxuu qoray

Miyaad ka welwelsantahay dembiyadaada? Waxba ha uga welwelin dembiyadaada laakiin ka wada toobad keen oo Ilaah u qiro dembiyadaada maxaa yeelay, kuma badbaadi karno wax aan samaysanay daraaddeed laakiin waxaan ku badbaadeynaa oo keliya nimcada Ciise Masiix. Madaama uu dhimashada ka guulaystay annaga rumaystayaasha ahna waan ka guulaysan doonnaa dhimashada. Ma ahan anaga kuwa isaga jeclaadeen ama doorteen laakiin sida uu Kitaabka sheegayo isagaa  horta na jeclaaday. "Ilaah waa kan ina badbaadiyey oo yeedhid qoduus ah inoogu yeedhay, mana aha xagga shuqulladeenna, laakiinse waa xagga qasdigiisa iyo nimcadiisa, oo uu waayadii hore hortood inagu siiyey Ciise Masiix, laakiinse haatan lagu muujiyey muuqashada Badbaadiyeheenna Ciise Masiix, kaas oo dhimashada baabi’iyey, oo nolosha iyo dhimasho la’aanta iftiinka ugu soo saaray xagga injiilka…" (2Timoteyos 1:10) Waa run oo intaanan xal u helin dhibaatooyinkeena ayuu Ilaah ina jeclaaday inana siiyey badbaadada nolosha.  “Idinku ima aydnaan dooran, laakiinse anaa idin doortay, waanan idiin diray inaad tagtaan oo midho soo dhashaan, iyo in midhihiinnu sii jiraan, in wax alla waxaad Aabbaha magacayga ku weydiisataan uu idin siiyo.” (Yooxanaa 15:16).

 

Dhimashada nagala baabi'iyey waa tan xagga Ruuxa waayo, Ilaah baan ka soocannay markaan dembaabnay oo sidaa daraaddeed waan ka dhimanay xagga Ilaah. Laakiin sida caadiga ah xagga jidhka waan ka wada dhimanaynaa hadduuba Ciise iman intaan weli jidhkan ku jirno oo hadduu yimaadana Kitaabka wuxuu noo sheegayaa inaan isla jidhkan aan Ilaah ku hor tagaynin laakiin nala wada bedeli doono oo jidh cusub nala siin doono waayo, jidhkan waa jidhka dunidan aan ku noolnahay. Waa Ciise kan dhinac kasta taagan haddii aan eegno xagga dhimashada iyo xagga dhimasho la'aantuba, maxaa yeelay, sida aan Kitaabka uga akhrinayno amar oo dhan isagaa la siiyey waxaana siiyey Ilaah oo ma ahan awood uu baniaadmi ka helay oo markii la doono la qaadan karo waa awood weligeed jirayso. Awooddaas xagga Ilaah bay ka timid oo wax alla wuxuu Ilaah ku siiyo ogow inay tahay wax waara oo ma ahan wax in mudo ah jirayo ama uu baniaadmig ama marxalad ay kaa qaadi karto.

 

Ka guulayso awoodda dhimashada

Maanta waad ka guulaysan kartaa awoodda dembiga maxaa yeelay, sidaanba horey u soo idhi hadduuba Ciise Masiix ka guulaystay oo aad adna isaga aaminsantahay, runtii  waad ka guulaysan doontaa dhimashada. Dabiicaaddeennii hore Walaal iskutallaabtaa looga soo tegay oo haatan dabeecad cusub iyo nolol cusub ayaa socotaa maxaa yeelay, sida uu Kitaabka sheegayo Ciise wuxuu u dhintay si uu u baabi'iyo jidhka dembiga taa oo shaydaanka ceebeynayso oo uu mar dambe heleynin kuwa uu addoonsado kuwii Ilaah diido oo isaga u go'o mooyaane. "Waynu ognahay in dabiicaaddeennii hore iskutallaabta lagula qodbay isaga, in jidhka dembigu baaba’o, si aynaan mar dambe addoommo ugu ahaan dembiga." (Rooma 6:6) Waxba haka welwelin laakiin Ciise Masiix aamin waayo, waa isaga kan kaa balan qaaday inuu baabi'iyey jidhkii iyo qalbigii dembiga oo haatan waxaad haysataa jidh cusub iyo qalbi cusub oo aad shaydaanka uga hor imaani kartid. Sida aad uga hor imaani kartidna waxay tahay inaad Ilaah weydisatid inuu kuugu soo dejiyo Ruuxiisa qoduuska ah oo weliba ku siiyo awoodda looga hor imaani karo shaydaanka. Sheydaanka waa aasaasaha iyo bunbuuniyaha dembiga. Dadaalkaaga waxba kuu tari maayo waayo, waan aragnay sida ay dadka ewelkii hore ilaa maantadan ay iskuugu deyayaan inay is badbaadiyaan laakiin weligood ma ay ku qancin waxa ay sameyaan maxaa yeelay, ma ahayn wax uu Ilaah ku jiro laakiin Ciise Masiix ayaa noqday kan keliya oo laysku halayn karo inuu yahay badbaadiyahayna. Sida keliya oo awoodda dhimashada looga guulaysan karo waa inaan mar labaad dhalanaa waayo, Ciise wuxuu yidhi, "…Runtii, runtii waxaan kugu leeyahay, Qof haddaanu mar kale dhalan, boqortooyadii Ilaah arki kari maayo." (Yooxanaa 3:3)

 

Mar labaad dhalashada waa maxay? Mar labaad dhalashada ma ahan inaan leeyahay waa inaad mar labaad ku noqotaa uurka hooyadaa oo haddana lagu dhalaa. Waa inaad noloshaadii hore uu dembiga ku jiray ka leexataa oo aad nolol Ilaah ka farxinayso ku noolaataa oo waa in dembi kasta laga noqdaa sida carruurta saqiirka ah oo aan waxba ogayn oo kale noqonaa sida aan uga akhrinayno Matayos 18:3aad oo leh sida tan, "Runtii waxaan idinku leeyahay, haddaydnaan soo jeesan oo aydnaan noqon sida carruur oo kale , boqortooyada jannada ma geli doontaan. Ku alla kii haddaba isu hoosaysiiya sida ilmahan oo kale, kaas ayaa ugu weyn boqortooyada jannada…" Sharci nama badbaadin karo haddaanan qalbiyadeenna bedelmin oo ay dabeecadahayna Rabbiga hogaaminin waayo, sida qoran, "Maxaa yeelay, shuqullada sharciga ninna xaq ku noqon maayo Ilaah hortiis, waayo, sharciga ayaa lagu gartaa dembiga." (Rooma 3:20) Weligaa qof darraaddaa dhib ma iisu geyey si aad adigu dhibka uga baxdid? Runtii Ciise wuxuu noqday mid daraaddeen iisu dhiibay si bedelkii aan baabi'i lahayn oo aan naarta u geli lahayn uu iskutallaabta noogu dhinto si aan u badbaadno. Macnaha ma ahan inuu naarta galay laakiin isagu waa badbaado wuxuuna na siiyey badbaadadiisa si aan isaga ula joogno meesha uu joogo waayo, wuxuu Injiilka ku yidhi, waan tegaya oo waxaan idiin hagaajinayaa hoytaan oo haddaanay saa ahayn wuu inoo sheegi lahaa. Marka Walaal waa Ciise kan dembiyadeena xilka iska saaray ilaa ay xataa heer geeri ay ku gaartay sida qoran, "Oo isagu dembiyadeennii wuxuu ku qaaday jidhkiisii geedka saarnaa, si innagoo dembi kala dhimannay aynu xaqnimo ugu noolaanno. Waxaad ku bogsateen xarijimihii karbaashiddiisii." (1 Butros 2:24)

 

Ciise dembiyadeenu jidhkiisa ku qaatay oo in kasta oo aan ka hadlayno tusaalaha uu Butros ka hadlayo in tusaalaha ugu wanaagsan uu yahay, laakiin waxaa kale uu haddana taabanaya badbaadada uu Masiixa inoo bixiyey. Butros waxaa kale oo uu aayadaan kaga hadlaya sida uu Masiixa bedelkeena u dhintay una noqday kafaaro gudkeena jira. Masiixa isla sida wanka aan ka aragnay xagga Axdiga hore, wuxuu u dhintay dembiyadeena, isaga oo aan iin lahayn wuxuu noo noqday dembi dhaafkeena jira. Geedka lagaga hadlayo aayadan waa masaalka lagu soo qabanaya iskutallaabta. Butros wuxuu xoogga sii saaraya sida aan ugu adkaysnayno iskutallaabta si aan u noqono kuwa la nadiifiyey. Qofka markuu iskutallaabta ku dhimanayo, kuwa masiixa rumaystaan waxay ku dhinteen dembigooda si ay ugu noolaadaan nolol cusub oo ay Ilaah iskuugu dhiibaan iyagoo uun qoduus ah noqdeen. "…Waxaad ku bogsateen xarijimihii karbaashiddiisii." Tani waa dib u soo celinta xiriirkii hore ee Ilaah lala lahaani jiray intuusan dembiga dunida soo gelin.

 

Ka guulayso awoodda shaydaanka

Shaydaanka yuusan kaa guulaysan laakiin ka guulayso Shaydaanka. Haddii aad leedahay shaydaanka lagama guulaysani karo maxaa yeelay, weli waxaan joognaa dunidaan dembiga badan, bal aan wax kuu sheego, Ilaah ayaa ah kan laga helo awoodda looga guulaysto Shaydaanka waa run oo awooddaada kagama guulaysan kartid. Ha isku deyin inaad shaydaanka kaga guulaysatid dadaalkaaga inaba. Ciise wuxuu yidhi, “Imminka weeye markii dunidan la xukumi lahaa, imminka kan madaxda dunida ah dibddaa lagu tuuri doonaa. Aniguna haddii kor layga qaado dhulka, dhammaan xaggaygaan u soo jiidi doona. Wuxuu waxaas u yidhi inuu tuso siduu u dhiman doono.” (Yooxanaa 12:31-33) Bal aan su'aal kuu soo jeediye e, adigu maxaad kaga guulaysataa shaydaanka markuu ku tijaabinayo ama hub noocee baad isla markiiba ku duushaa? Waxaan doonayaa inaan ku siiyo lix shey oo kuu noqon karo hubka laysku halayn karo wakhtiyada sharka leh taa oo aan ka heli karno Efesos 6:13-17 waxaana qoran, "Haddaba sidaas daraaddeed hubka Ilaah qaata si aad u awooddaan inaad maalinta sharka iyaga is-hor taagtaan, oo markaad saas oo dhan yeeshaan aad awooddaan inaad istaagtaan. Haddaba istaaga idinkoo runta dhexda ku xidhan, oo laabtana laabdhawrka xaqnimada ku xidhan, oo cagahana gashan isu-diyaarinta injkiilka nabadda, oo welibawaxaa kaloo aad qaadataan gashaanka rumaysadka, kaas oo aad ku awoodaysaan inaad ku wada demisaan kan sharka leh fallaadhihiisa ololaya oo dhan. Oo waxaad qaadataan koofiyadda badbaadada iyo seefta Ruuxa oo ah erayga Ilaah." Miyaad heshay lixda shey ee kuu noqon karo hubka sharka looga hortago? Waa kuwan iyagoo taxan:

Ø      Runta

Ø      Laabdhawrka Xaqnimada

Ø      Injiilka nabadda

Ø      Gaashaanka Rumaysadka

Ø      Koofiyadda badbaadada

Ø      Seefta Ruuxa oo ah Erayga Ilaah

 

Rasuul Bawlos wuxuu qoray

Waa inaan ogaano in Ilaah noo uumay inaan isaga oo keliya u adeegno oo aan addeeco waayo, shaydaanka xaq nagu malaha haddii aan ka fekerno sida uu dhibaatada noogu hayo. Waa inaan dhinac ku ekaano ama aan Ilaah u go'no haddii kale aan Shaydaanka toos ugu adeegno. Sidee baa Shaydaanka loogu adeegi karaa? Qofka markuu dembaabaya  wuxuu u adeegaya Shaydaanka laakiin markuu doonista Ilaah samaynayo de wuxuu u adeegaya Ilaah. Ilaah wuxuu doonaya in baniaadmiga oo dhan ay isaga u adeegaan oo weliba isaga addeecaan waana saa daraaddeedd sababtuu u soo diray inankiisa madiga sida dhigan, "Kii dembi falaa wuxuu yahay kan Ibliiska. Oo Ibliisku tan iyo bilowgii ayuu dembaabayay.Taas aawadeed ayuu wiilka Ilaah u muuqday inuu baabi’iyo shuqullada Ibliiska." (1Yooxanaa 3:8) Laakiin haddii aan is weydino, maxay tahay sababta uu Masiixa u baabi'inayo shuqullada shaydaanka? Waa si aan aniga iyo adiga aan u ahaanin kuwa gefaa boqortooyada Ilaah oo naarta loo diri doono taa oo ah meesha ugu dambaystooda ah kuwa Ilaah aan rumaysanin oo doonistiisa yeelin. Marka hadduuba Wiilka Ilaah u yimid inuu burburiyo shuqullada shaydaanka, waa maxay sababta aad isaga gashaankaaga uga dhiganaynin? Waxaan Ilaah ka baryaya inay jawaabtaada noqota, haa waan rumaysanahay Ciise Masiix oo waxaan Ruuxa Qoduuska ah ka codsanaya inuu I kalmayo si aan dhabta badbaadada isaga ku jirta iiga dhaadhacdo.

 

Nabadda Ilaah lala yeesho Masiixa ayaa suurta gal ka dhigay

Haddii aad ka welweli jirtay sida aad Ilaah nabad gelyada dembigaada  uga heli lahayd, haatan ogow inay aad u sahlantahay uu Masiixa hawshaas oo dhan sameeyey. Waxa keliya oo nagala doonaya waxay tahay inaan isaga addeecno oo aan dembi kasta ka cabsano oo aan ka fogaano waayo, dembiga kama cabsanayno laakiin Ilaah amaradiisa ayaan dhawraynaa maxaa yeelay, way noo roontahay.  Annagay faa’ido noo tahay oo Ilaah faa’ido uma ahan, maxaa yeelay, ma aha Ilaah kan naarta geli doono laakiin waa annaga dembiilayaasha ah. Ilaah dunida uma uusan uumin inay baaba'do laakiin wuxuu u uumay inay badbaaddo sida qoran, "Ilaah intuu dunida jacayl u qabay ayuu siiyey wiilkiisa keliya oo dhashay in mid kastoo isaga rumaystaa uusan lumin laakiinse uu lahaado nolosha weligeed ah. Ilaah wiilka uguma soo dirin dunida inuu xukumo dunida, laakiin wuxuu u soo diray inay dunida ku badbaaddo isaga. Kii isaga rumaystaa ma xukumna, laakiinse kii ann isaga rumaysan, hore ayaa loo xukumay, maxaa yeeley, wuxuusan rumaysan magaca wiilka Ilaah oo keliya oo dhashay" (Yooxanaa 3:16-18) Welwelka ugu weyn oo midkeen walba uu ka welweli lahaa waa tan aan is weydin lahayn sida aan IIaah xigmad uga heli lahayn si aan isaga u adeecno laakiin walaal xigmadda Ilaah addeecidda ma heli karno hadaanay cabsida Ilaah nagu jirin waayo, waxaa qoran, "Rabbiga in laga cabsado waa xigmadda bilowgeeda, oo kan qoduuska ah in la aqoonsadona waa waxgarasho" (Maahmaahyadii 9:10) Marka horta Rabbiga ka cabso oo xigmadda aad u baahantahay durbaba waad heleysa e.

 

Maxaa naloo badbaadiyaa?

Weligaa miyaad is weydisay sababta badbaadada loo doonaya? Ilaah wuxuu inoo badbaadinayaa inaan kuwa kale u sii sheegno jacaylkiisa iyo badbaadadadiisa oo aan isaga ula shaqayno oo aan isaga u adeegno badbaadada baniaadmiga daraaddeed. Ilaah waan ognahay inuu wax kasta iskiisa u samayn karo uusan u baahnayn caawimaad laakiin ogow runtii haddii malaa'igaha noola soo diro runtii ma rumaysan karno badbaadada Ilaah uu na siiyey laakiin haddii noola soo diro dadka aan la noolnahay oo aan og nahay inay dembiilayaal yihiin runtii waan ka ogolaani karnaa in badbaadadu ay tahay wax jira. Marka sida aan aayadahan uga akhrinaynaba waa inaan Ilaah kula heshiinaa sida aan dembiilayaasha jacaylka Ilaah ee badbaadada ugu sheegi lahayn sida qoran, "Taas waxa weeye, Ilaah duniduu Masiix kula heshiiyey, isagoo aan dembiyadooda ku xisaabaynin, oo noo dhiibay hadalka heshiisnimada. Sidaas daraaddeed ergo ayannu u nahay Masiix aawadiis, sidii Ilaah oo idinka baryaya xaggayga, Msiix aawadiis waxaannu idinku baraynaa, Ilaah la heshiiya. Sidaas daraaddeed innagoo xaq laynagaga dhigay rumaysad, nabad baynu xagga Ilaah ku haysannaa Rabbigeenna Ciise Masiix…" (Rooma 5:1) Rabbigeena Ciise Masiixna isla sida uu Ilaah isaga u soo diray ayuu kuwa isaga rumaystay u adeejiyey waayo, wuxuu yidhi, "Haddaba Ciise ayaa mar kale ku yidhi, Nabadi ha idinla jirto. Sida Aabbuhu ii soo diray ayaan anna idiin dirayaa." (Yooxanaa 20:21) Maragfurka aad buu u wanaagsan yahay maxaa yeelay, wixii kuugu dhacay ama ku qabsaday ayaad ka war bixinaysaa oo isla sidaa Masiixa wuxuu doonayey in Xertiisa ay ka war bixiyaan sida uu iyaga la ahaa iyo waxyaalaha uu iyaga u qabtayba. Xerta Ciise waa daacad oo ma sheegayaan wax aanay dhabtii arkin maxaa yeelay, mid iyaga (Xerta) kamid ah wuxuu yidhi, "…laakiin kii I soo diray waa run, aniguna waxaan ka maqlay isaga, waxaas ayaan dunida kula hadlayaa."(Yooxanaa 8:26)

 

Marka waxaa kuu cadaanaysaa in qofka Ilaah ka cabsadaa uu leeyahay cabsida uu ka cabsanayo inuu qaloociyo waxyaalaha Ilaah haddii uu Ilaah runtiisa kuu bandhigo annaguna waa inaan dadka kale jacaylka uu Ilaah noo qabay oo uu nagu badbaaiyey aan iyaga u sheegnaa. Farintaan waa inay dunida oo dhan sida doonista Ilaah ay tahay ay ugu badbaadaan mana ahan inaan ku hadalno waxyaalaha nala quman laakiin waa inaan ku hadalnaa runta ku jirta Erayga Ilaah iyo sida uu Ruuxa Qoduuska ah nagu hogaaminayo oo waxyaalaha ruuxana waa inaan kala fiirsanaa si aan u ogaano in runtii arinta iyada ah ay ka timid xagga Ilaah ama xagga shaydaanka. "Gacaliyayaalow, ha rumaysanina ruux walba, laakiin ruuxyada tijaabiya si aad u hubsataan inay kuwa Ilaah yihiin…" (1 Yooxanaa 4:1) Yooxanaa wuxuu saa u yidhi wuxuu ogaa inay jiraan nebiyo been ah inay dunida u soo bexeen (1 Yooxanaa 4:1). Waa inaad iska jirta kuwa iska keen dhigayaan inay erayga Ilaah kuu sheegayaan, maxaa yeelay, waxay ahaani karaan kuwa sharlaawayaal ah oo waa sidaa darraaddeed sababta ay waajib kuugu tahay inaadan rux walba aad rumaysan laakiin aad tijaabisid intaadan dhegta u dhigin wax kastoo laguu sheego. Xataa waa inaad iska jirtaa buugagta waxyaalaha masiixnimada ka sheekaynayaan maxaa yeelay, kuligood ma wada qumano.

 

Runtii Ciise wuu noolyahay

Maanta shaki iigama jiro in Masiixa uu noolyahay oo dunida oo dhanba way aaminsan tahay taasi waayo, xataa walaalaheena Muslinka ahba tan iyada ah dood uga ma jirto laakiin doodda waxay ka taagan tahay:

q       Sidee buu Ciise wiilka Ilaah ku yahay?

q       Ciise ma dhiman laakiin nin kale ayaa bedelkiisa la dilay waayo, Ciise qoduuska Ilaah buu ahaa oo Ilaah uma uusan quurin dhimasho.

Laakiin Walaal Kitaabka ayaa noo sheegaya inuu dhintay uuna dhimshada ka sara kacay waayo, kuwa badan baa dhinteen laakiin ilaa maantadan waa Ciise keliya kan lagu sheegi karo inuu kuwii dhintay ka sara kacay. Wuxuu haatan Ilaah la fadhiya xagga jannada. Kitaabka wuxuu tan ka leeyahay, “Oo sarakiciddi uu ka sarakacay kuwii dhintay ay ku caddaysay inuu xagga ruxa qoduus-nimada yahay wiilka Ilaah oo xoog leh oo ah Rabbigeenna Ciise Masiix…" (Rooma 1:4)

 

Waxaa jirtaa mid kale oo la yaab leh ee bal aan kuu sheego, Ciise ayaa isku sheegay inuu yahay sara kaca oo sidaa darraaddeed dhimashada isaga kama badin karto laakiin waa isaga kan weligiiba guusha leh sida qoran, "Ciise ayaa ku yidhi, anigu waxaan ahay sarakicidda iyo nolosha. Kii kasta oo nool oo I rumaystaa weligii ma dhiman doono. Waxaan ma rumaysan tahay? Waxay ku tidhi, Haah, Sayidow, waan rumaysnahay inaad tahay Masiixa oo ah Wiilka ee dunida iman lahaa." (Yooxanaa 11:25-27) Ogow sarakaca waxaa laga helaa nolol maxaa yeelay, Ciise wuxuu yidhi, "Anigu waxaan ahay sarakicidda iyo nolosha." Haddana wuxuu yidhi kii kasta oo nool oo isaga rumaystaa weligii ma dhiman doono marka hubaal waxaa ah in haddii uu qof Masiixa rumaysto uu nolosha weligeed ah leeyahay. Waxaa jiraan dad badan oo aan su'aalay ku saabsan noloshooda dambe meeshay ku sugnaan doonaan laakiin waxay iigu jawaabeen 'taa iida ah Ilaah baa og.' Anigu haddii aan Masiixa rumaysanahay waan hubaa meesha aan ku sugnaan doono maxaa yeelay, isaga ayaa iga balan qaaday, beenna ma sheegayo oo balantiisa wuu oofin doonaa. Masiixa maanta wuxuu qof kasta weydinaya su'aashan ah, 'Waxaan ma rumaysan tahay?' qof alla qofkii qalbigiisa oo dhan ku jawaabana Rabbiga diyaaruu u yahay inuu siiyo xaqiiqda nolosha weligeed ah ama in runtii uu jannada geli doono. Marka waxaan weydinaya adiga buugan akhrisanaysid e, miyaad aaminsan tahay dhabta balanta Masiixa?

 

Hadduuba Masiixa yahay sarakicidda miyuu u baahan yahay in la siiyo awood uu ku sarakiciyo? U malayn maayo. Sidaa darraaddeed ayuu u jirin mid kale oo weligii qof dhintay ka sarakiciyey dhimashada sida aan uga akhrinayno Matayos 9:18-26 oo leh, "…intuu waxan kula hadlayey, waxaa u yimid taliye oo u sujuuday oo ku ydhi, Gabadhaydu haddeer bay dhimatay, laakiin kaalay oo gacantaada saar oo way noolaanaysaa. Markaasaa Ciise kacay oo raacay, isaga iyo Xertiisiiba…Ciise goortuu guriga taliyaha galay oo arkay kuwa biibiilayaasha yeedhinaya iyo dadka buuqaya, wuxuu ku yidhi, Ka leexda, yartu ma dhiman, waase huruddaa. Wayna ku qosleen. Laakiin markii dadkii badnaa la saaray, ayuu gacanteeda qabtay, yartiina waa kacday." Biibiilayaasha tan waxay u ahayd qanacsi maxaa yeelay, markuu qof dhinto maalimahaas dhaqanka jiray waxay ahayd inay wax ku helaan tacsiyeentay ay tacsiyeynayaan. Maantadanba way jirta arintaan dadka tacsiyeynta maal lagu siiyo waxaanna ka hubiyey qabiil degan galbeedka wadanka Keniya. Haddii aad tacsiya ay dadkan leeyihiin aad ka qayb qaadatid waxaad arkaysaa dad loogu yeedho ‘professional morners’ (dad ku xil dheer tacsiyeynta) oo haddii aad doonaynin inaad barooratid iyagaaba kaa keensinayaan.

 

Maxay ahayd sababta ay dadka u qosleen? Waxay ku qoslayeen erayada uu Ciise ku hadlay waayo, way hubsadeen in inanta ay dhimatay isaguna wuxuu leeyahay '…way huruddaa' laakiin haba beeneyaan e waxaa hadaladiisa rumayey ficilka ah inantii oo soo toostay arinta oo dhan way la noqon waysay waayo, gabadhii ay hubsadeen inay mayd tahay ayaa nolaatay. Aad bay uga xumaadeen max aa yeelay, dalaalkoodi ay ka heli lahaayeen tacsiyeenta ma helayaan. Ciise wuxuu noqday mid beecsharada burburiyey.

 

Qabrigii maydhnaa

Hase yeeshee, maxaa inoo cadayn karaa in runtii uu Masiixa ka sara kacay dhimashada? Waxaa jiraan wax yaalo badan oo cadaynayaan sara kaca uu Ciise Masiix dhimashada ka sara kacay taa oo ay ka mid tahay qabrigiisi oo maydhan. Maydhnaanta qabrigana ma ahan wax ay dadka samaysanayaan oo aan dhicin laakiin waxaa laga cadayn karaa Baybalka. Waxaa qoran, "Maalintii  ugu horrasay ee toddobaadka, goortii waagii beryayay, ayaay xabaashii, yimaadeen, iyagoo wada dhirtii udgoonayd oo ay diyaargareeyeen. Markaasay galeen, laakiin kama ay helin meydkii Rabbi Ciise.Waxaa dhacay, intay waxaas ka sii welwelsanaayeen, in laba nin oo dhar dhalaalaya sitaa ag taagnaayeen. Dumarkii iyagoo cabsanaya ayay wejigooda hoos ugu foororiyeen dhulka. Markaasay ku yidhaahdeen iyaga,Maxaad kan nool uga dhex doondoonaysaan kuwii dhintay? Isagu halkan ma joogo, laakiinsee waa sara kacay. Xusuusta siduu idiinla hadlay intuu Galili weli joogay, isagoo leh, Wiilka Aadanaha waa in loo gacan geliyo dembiilayaasha,oo iskutallaabta lagu qodbo, oo maalinta saddexaad uu soo sara kaco. Markaasay hadalladiisii xusuusteen." (Luukos 24:1,3-8)

 

Ciise wuxuu ku sara kacay jidh caadi ah

Ciise Masiix inuu sara kacay ayuu weliba ku sara kacay jidhkiisii caadiga ahaa si ay Xertiisii iyo kuwa kale oo isaga arki lahaayeen ay uga shakinin oo isagaa isu keen sheegay Xerta  sida qoran, "Intay waxyaalahaas ku hadlayeen, isaga qudhiisa ayaa dhexdooda taagnaa, oo wuxuu ku yidhi, Nabadi ha idinla jirto. Laakiin way argagexeen oo cabsadeen, waxayna u maleeyeen inay ruuxaan arkeen. Markaasuu ku yidhi, maxaad u naxaysaan? Fekerro maxay qalbigiinna uga kacayaan? Gacmahayga iyo cagahayga arka inaan anigu isagii ahay, i taabta oo arka, waayo, ruuxaan jiidh iyo lafo ma leh sidaad igu arkaysaan inaan leeyahay. Goortuu waxaas yidhi, ayuu tusay gacmihiisa iyo cagihiisa. Intay yaabsanaayeen iyagoo aan weli rumaysan farxad aawadeed, wuxuu ku yidhi, Halkan wax la cuno ma ku haysaan? Kolkaasay waxay siiyeen in  kalluun duban ah. Markaasuu qaaday oo hortooda ku cunay. Wuxuu ku yidhi, kuwani waa hadalladaydii aan idinkula hadlay intii aan weli idinla jiray. Waa inay noqdaan wax walba oo sharciga Muuse iyo nebiyadii iyo sabuurrada laygaga qoray oo igu saabsanaa." (Luukos 24:36-44). Haba ahaatee, hadaladan miyey kula yihiin hadalo ay dadka samaysteen oo ay doonayaan inay ku rumayaan waxay doonayaan in dadka ay rumaystaan? Istaghfar Allah! u malayni maayo oo Ilaahey nagama dhigo kuwii erayga Ilaah bedelaa oo waxay doonayaan ku daraan kana saaraan. Kitaabka wuxuu leeyahay kii erayga Ilaah wax ka saaro isaguna waa laga saarayaa oo kii wax ku darrana waa lagu dari doonaa. Malaa'igta Ilaah naftoodana way u sheegeen kuwii maydka arki rabeen sida aan uga akhrinayno Injiilka sida ku taalo oo dhigan sida tan, "Malaa'igtii ayaa u jawaabtay oo naagihii ku tidhi, Ha baqina, waayo, waxaan ogahay inaad doonaysaan Ciise, kan iskutalaabta lagu qodbay. Halkan ma joogo, waayo, wuu sara kacay siduu yidhi. Bal kaalaya oo arka meeshii Rabbigu jiifay."

 

Markhaatiyaalka sarakaca Ciise Masiix

Aan isweydine e, waa maxay muhimadda markhaatiga ama shaahidka? Qof hadduu wax sheego waxaa laga yaaba inaanan kow laga dhihin laakiin haddii uu haysto markhaati cadaynaha waxa uu qofka sheegayo, arintaas dhinac loo raaco ayay lahaanaysaa. Haddaba, waxaa kale oo aan kuugu odhan karaa shaki kuma jiro sara kaca Ciise Masiix maxaa yeelay, dad badan ayaa ku marag fureen oo arkeen dhimashadiisa iyo sara kiciisaba sida qoran, , "Waayo, markii ugu horraysay waxaan idiin dhiibay waxaan aniguba helay, oo waxa weeye, Masiixu wuxuu u dhintay dembiyadeenna sida qorniinku leeyahay, waa la aasay isaga, oo maalintii saddexaad ayaa la sara kiciyey, sida qorniinku leeyahay. Markaasuu keeyfas u muuqday, markii dambeena laba iyo tobankii. Markaasuu wuxuu mar keliya u muuqday kuwo ka badan shan boqol oo walaalo ah, kuwo weli intoodii badnayd ay hadda joogto, laakiin qaar baa dhintay. Gortaasuu Yacquub u muuqday, markaas rasuullada oo dhan." (1korintos 15:3-7)

 

Ciise wuu noolyahay

Maxaan idhaahdaa de walaal oo aan ka ahayn inaan ku idhaahdo Ciise wuu nool yahay wadnaheenuna ka dhex shaqaynayaa iminkadan oo inaguna runtii kama maarano isaga. Waxaan u baahan nahay badbaado sida keliya oo aan ku heli karnana waxay tahay inaan isaga rumayno oo aan addeeco doonistiisa oo dhan. Markuu sara kacay isagoo jidhkiisa caadiga ah qabo ayuu Xertiisii la hadlayay oo weliba wax barayay mudo gaarayso afartan maalmood intuusan xagga sare u kicin. “Markuu xanuunsaday dabadeed, iyagii ayuu isagoo nool waxyaalo badan oo la hubo isugu muujiyey, oo muddo afartan maalmood ah ayuu iyagii u muuqday, oo kala hadlay waxyaalaha ku saabsan boqortooyada Ilaah.” (Falimaha Rasuullada 1:3) Ciise Masiix maanta in kasta oo aad arkaynin uusanna jidh ahaan kuula jirin, runtii xagga Ruuxa Qoduuska ah ee Ilaah ayuu kaagala hadlaya marka waa inaad isaga dhageysataa maxaa yeelay, wax kastoo aad samaysid, ku hadlaysid ama aad ku fekeraysid ogaanteed lahaw Ciise Masiix wuu kula jira oo ma jiraan wax aad qarsoodi ku samayn kartid waayo, isagu waa ruuxa Ilaah Ruuxa Ilaahna iskama qarin karno.

 

Qoraalka wuxuu leeyahay,

Dhibaatooyinka uu Ciise Masiix la kulmay Ilaah baa ka dambeyey oo Ilaah baa kaga guulaysiyey xanuunka dhimashada. Adiguna maanta dhibaato kastoo ku hor taalo waa inaad ogaato in Ilaah uu diyaar kuu yahay inuu ku garab galo ilaa aad kaga guulaysatid isaga. Waxaan u malaynayaa dhibaatada ugu weyn inay tahay tan dembiga laakiin Walaal, ogow Ilaah Ciise Masiix wax kale uma uusan soo dirin laakiin wuxuu u soo diray inaad adigu iyo aniguba aan dembiyadeena ka badbaadno waayo, Kitaabka wuxuu leeyahay, "Rag yahow reer bini Israa’iil, hadalladan maqla; Ciisihii reer Naasaret oo ahaa nin Ilaah idiinku caddeeyey shuqullo xoog leh iyo yaabab iyo calaamooyin oo Ilaah ku sameeyey isaga gacantiisa idinka dhexdiinna, sidaad idinka qudhiinnuba u og tihiin, Isaga Ilaah baa sara kiciyey, oo ka furfuray xanuunkii dhimashada, maxaa yeelay, dhimashadu ma xajin karin. Ciisahan Ilaah baa sara kiciyey, annagoo dhammuna markhaatiyaal baan ka wada nahay." (Falimaha Rasuullada 2:22, 24, 32). Adna maanta waad noqon kartaa mid Masiixa u markhaati furaa oo yidhaahdaa Ciise waa badbaadiyaha, maxaa yeelay, Kitaabkiisa ayaa kuu sheegayaa oo haddii aad qalbigaada u furtid isagu diyaar buu kuu yahay inuu Ruuxiisa Qoduuska ah kuugu soo dejiyo si aad hogaaminta dhabta ah u heshid oo aad weliba uga badbaaddid dembiyadaada. Laakiin ogow, markuu Ilaah ku badbaadiyo kuuma badbaadinayo inaad jannada gashi oo keliya. Wuxuu kuu badbaadinaya inaad jacaylkuu Ilaah kugu badbaadiyey aad dadka kale u sii sheegtid si ay iyaguna u baraarugaan oo ay boqortooyada Ilaah u rad raadiyaan, waayo, Rabbiga wuxuu Kitaabka Yeremyaah ku leeyahay qalbigiina oo dhan igu doondoona oo waad I helaysaan. Runtii kii qalbigiisa oo dhan Ilaah ku doondoona shaki kuma jiro inuu helaya badbaadada Ilaah.

 

Jannada Dadaalkaada kuma heleysid

Ogow ma jiro qof ku faani karo badbaadada Ilaah maxaa yeelay, waa Ilaah kan dadka badbaadiyo laakiin ma jiro qof odhan karo wuxuu isku badbaadinayaa dadaalkiisa ama shuqulladiisa wanaagsan sida qoran, "Waayo, idinku waxaad ku badbaaddeen nimco xagga rumaysadka, mana aha wax xaggiinna ka yimid, Laakiinse waa hadiyadda Ilaah, mana aha xagga shuqullada, si aan ninna ugu faanin."(Buugga Efesos2:8-9) Ilaah wuxuu kaa doonaya qalbi nadiifsan oo aad isaga la hor tagtid laakiin ma jiraan wax kale oo aad Ilaah siin kartid uu kuugu jeclaani karo oo aan ka ahayn qalbigaada nadiifka ah. Hadday noqoto xagga shuqullada, waxaad shuqul wanaagsan samayn kartaa markaad Ilaah ku xirantahay laakiin shuqulka wanaagsan Ilaah kula xiriirin kari maayo.

 

Markaad liidato Ciise baa caawimaaddaada ah

Waa su'aal e yaanan u baahnayn caawimaad? U malayn maayo inuu jiro qof aanan caawimaad u baahnayn waayo, qof kasta waxaa jirtaa mar uu dhibaysan yahay taa oo ku qasbaysaa inuu u baahnaado macaawino. Laakiin yaad badbaadada ama caawimaadda dhibaatadaada ka codsataa? Jawaab alla tii aad bixisayba aan kuu sheego, waxaa jiraa mid diyaar u ah inuu naga badbaadiyo dhibaatooyinkeena mar alla markaan isaga hor keeno. Nebi Daa’uud isla xaaladan buu ku jiray oo wuxuu is weydiyey isla su’aashan wuxuuna yidhi, “Buurahaan indhahayga ku taagi doonaa, oo Caawimaaddaydu xaggee bay ka iman doontaa? Caawimaaddaydu waxay ka timaadaa Rabbiga sameeyey samada iyo dhulka.” (Sabuurrada 121:1-2). Ciise markuu iskutallaabta ku dhimanayay ma jirin qof Ilaah ka codsaday inuu badbaadiye noo keeno laakiin Ilaah baa na jaclaaday oo sidaa daraaddeedd wuxuu inoo bixiyey inankiisa madiga ah. Anagoo dembilayaal ah ayuu dembiyadeena xilka iska saaray wuxuuna ficilka isaga ah ku suubiyey dhimashada uu ogolaaday in iskutallaabta lagu qodbo. "Laakiinse Maxsiixu waa inoo dhintay intaynu weli dembiiyaal ahayn, oo sidaasuu Ilaah jcaykiisii inoogu muujiyey." (Rooma 5:8)

 

Ilaah awood badanuu na siiyey

Ilaah ha naga dhigo kuwii ay indhaha u furmaan oo ogaado jacaylka uu Ilaah noo qabay maxaa yeelay, waa markuu Ruuxa Ilaah noo indha furo markay indhaheena furmayaan oo aan ogaanayno waxa doonista Ilaah ay noo tahay annaga maanta nool waayo, waxaa qoran, "Oo waxaan Ilaah baryayaa in indhaha qalbigiinna la nuuriyo, si aad u ogaataan waxa ay tahay rajada yeedhistiisu, iyo waxa ay tahay hodantinimada ammaanta dhaxalkiisa ee ku jirta qoduusiinta, iyo waxa ay tahay weynaanta xooggiisa aan la koobi karin oo uu u hayo kuweenna rumaysan, sida uu u shaqeeyo xoogga itaalkiisa ee uu kaga shaqeeyey Masiixii, goortuu kuwii dhintay ka soo sara kiciyey.oo uu fadhisiiyey meelaha jannada xagga midigtiisa."(Efesos 1:18-20). Ilaah qofna naarta uguma talagelin laakiin waa baniaadmiga kuwa xushaan inay naarta galaan maxaa yeelay, Ilaah wuxuu doonaya in dadka oo dhan ay isaga addeecaan si ay kuligood jannada u galaan maxaa yeelay, wuxuu naga balan qaaday in kuwii isaga rumaysan oo addeecaan ay isaga la fadhisan doonaan xagga amaantiisa. Isla sida uu Ciise Masiixa uga xorreyey ayuu doonaya inaan kuligeenba ku wada badbaadno waayo, maadama uu Ciise Masiix ku guulaystay annaguna waan ku guulaysan doonnaa noloshan, wayo, isagaa na xoojinaya oo ma ahan annaga kuwa iskooda ama dooniistooda ku socdaan. Aamiin! Ilaahayow waxaad nala rabtid nagu barakee.

 

Masiixa muxuu na leeyahay?

Haddii uu wax shaki ah kaaga jiro sara kaca uu Ciise sara kacay inay noo cadaynayso inaan anaguna kuwa isaga aaminsan aan sara kici doono waxaan kuugu odhan lahaa waxba haka welwelin waayo, Ciise ayaa ah sara kaca.  Ciise ayaa ah kan lagu helayo nolosha weligeed ah marba haddii isaga la rumaysto oo la addeeco doonistiisa madaama isagu yidhi, "Anigu waxaan ahay sarakicidda iyo nolosha, kii i rumaystaa, in kastoo uu dhinto, wuu noolaan doonaa. Kii kasta oo nool oo i rumaystaa weligii ma dhiman doono. Waxaan ma rumaysan tahay?" (Yooxanaa 11:25-26) Akhristow, Waxaan ma rumaysan tahay? Ciise haddana wuxuu leeyahay kii isaga rumaystaa weligii ma dhiman doono oo sidaanba horey u soo sheegay dhimashada waa tan Ilaah laga dembaabayo. Haddii aad Ilaah ku dembaabtid waad ka dhimatay xaggiisa oo xiriir lama lihid isaga waayo, Ilaah iyo dembi isku meel ma joogi karaan isla sida ay gudcurka iyo iftiinka ay isku meel u joogi karin. Dhimashada ay nafta qofka ka baxayso qof kasta wuu dhimanaya haduusan Ciise iman intaad weli nooshahay. Laakiin su'aasha waxay tahay, ma rumaysan tahay waxaan uu Ciise ku hadlay? Haddii aad rumaysan tahay runti waad heshay nolosha weligeed ah maxaa yeelay, waxaad dooratay sara kaca iyo nolosha weligeed ah.

 

Balanta uu Ilaah na siiyey

Balantu waa deen waana in la oofiyo ama la gudaa deenta.  Baniaadmiga inta badani way kaaga bixi karaan balanta ay kula dhigtaan laakiin hadduu Ilaahii ku uumay balan kula dhigto, shaki kuma jiro inuu yeeli doono ama uu ku ficil qaadi doono wuxuu kaa balan qaaday maxaa yeelay, weligiisba isaga beenale ma uusan noqon mana noqon doono. Marka Rumaysadka Ilaah la rumaysto waxaa ka horeeyaa qirashada Ilaah loo qiranaya dembiyaadii horey loo falay oo laga toobad keenaa. Haddii uu jiro Dembi aan la qiranin qalbiga ma nadiifsanaani karo sidaa daraadeed waa in qirashada afka waxaa ka horeysa rumaysadka qalbiga sida qoran, "Haddaad afka ka qiratid in Ciise yahay Rabbiga, oo aad qalbiga ka rumaysatid in Ilaah isaga ka sara kiciyey kuwii dhintay, waad badbaadi doontaa…" (Rooma 10:9). Dembiyadaada ka toobad keen oo ku rumayso qalbigaada oo dhan in uu Ilaah Ciise Masiix dhimashada ka sara kiciyey. Toobadkeenka runtii waad ku badbaadi doontaa oo waxaad heli doontaa nolosha weligeed ah oo farxad waarta ayaad Ilaah kula joogi doontaa.

 

Aan wax ka barano Masiixa

Ma jiro qof iskiisa isku filan laakiin qof kastaba waa inuu lahaado mid kale uu wax ka bartaa sidaa darraaddeed waa inaan dhageysano macalinka macalimiinta (Ciise Masiix) waayo, kii hadalkiisa maqlaa oo rumaystaa kii isaga soo diray oo ah Ilaaheena na uuntay oo isaga dembidhaafkeena u soo diray wuxuu helayaa dhabta nolosha weligeed ah. Ciise ayaa yidhi, "Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, kii hadalkayga maqla oo rumaysta kii i soo diray, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, xukunna geli maayo, laakiin dhimashadii ayuu ka soo gudbay oo nolosha u soo gudbay." (Yooxanaa 5:10). Waxaan kuugu odhan lahaa ka soo gudub dhimashada oo u soo gudub nolosha weligeed ah taa oo lagu helaa rumaysadka Ciise Masiix la rumaysto maxaa yeelay, Ilaah ma uusan noo uumin inaan baaba'no laakiin wuxuu noo uumay inaan wada badbaadno. Ilaah wuxuu doonaya inaan isaga nolosha da'imiska ah kula qaybsano malaa'igahiisa anaagoo ku haysayno sida ku dhigan  Muujintii 4:8 oo leh, "…qoduus, qoduus, qoduus waxaa ah Rabbiga ah Ilaaha Qaadirka ah, oo jiray oo jira …" Ilaah weydiso inuu kaa dhigo qof ka tirsan kuwa boqortooyadiisa farxad ku geli doonaan oo weligood mahad naq iyo saraysintiisa ku noolan doonaan. Amaan waxaa mudan Rabbiga Ilaaheena ah weligiis. Qof kastoo dunida ku nool wuxuu rajaynayaa inuu nolosha janna ku noolaado taa oo ah nolosha lagu noolaan doono xukunka ka bacdi. Haddii aan isku deyno inaan macnayno jannadaan aan u dabaal degeyno way adag tahay maxaa yeelay, ma jiro qof weligiis arkay jannada laakiin waxaan odhan karnaa jannadu waa nolosha ay Masixiinta rajaynayaan inay ku nooladaan wakhtiguu Ciise soo noqdo ka dib. Laakiin su'aasha kale waxay noqon kartaa 'jannada waa intee? Ma meel baa ama hab noolayd? Nolosha xagga jannada waa mid sidee ah? Jawaabta keliya oo aan bixin karno waxay tahay jannada waa meesha uu Ilaah ku nool yahay, malaaigaha ay ku noolyihiin iyo weliba meesha ay qoduusiinta oo dhan ku nool yihiin kuna noolaan doonaan.

 

1 Korintoos 15:35-53 waxaan arkaynaa in gelidda jannada ay laxiriiri doonaan waxyaalaha sida jidh cusub, jidh asli ah, jidh aan qudhmi doonin, jidh uu cudurka waxba ka tari doonin oo weligiis jiri doono. Xagga jannada waxaa xiriir lala yeeshanaya Ilaaha weyn ee na uuntay oo noo uuntay ugu horeyntiba inaan ugu dambaysta isaga la noolaano weligeenba taa uu Kitaabka qoduuska ahna uu ku macnayey 'Yerusaleemta Cusub.' Jannadanu wax sidee ah bay noqon doontaa? Waxaa jiraan dad aan waraysi la yeeshay si aan uga maqlo waxay iyaga la tahay erayga janna. Jawaabta ay I siiyeen waxaan ku soo koobay labadaan,

v     'jannadu waa naxariis iyo barwaaqo xagga Rabbiga ka timid mid kasta oo dembiga ka fogaado oo Ilaah adeecana wuu rajaynaya'

v     'jannadu waa meel aad ka heli kartid wax alla wixii aad u baahan tahay oo wanaagsan sida naxariista Ilaah, nimcada Ilaah iyo wax kastoo xagga Ilaah ka yimaadaan laakiin waxaa saldhig u ah badbaadada Ciise Masiix lagu helo ka dib markaad Ciise rumaysatid oo aad addeecdid'

 

Rasuul Bawlos wuxuu jannada ku macnayay sida tan, "…tan madaxda wakhtigan midkoodna aanu garannaynin, waayo, haaday garan lahaayeen, iskutallaabta kuma ay qodbeen Rabbiga ammaanta, laakiin sida qoran, waxyaalo aanay ishu arkin, oo aanay dhegtu maqlin, oo aan qalbiga dadka gelin, wax kastoo ay yihiinba, Ilaah baa u diiyaariyey kuwa isaga jecel." (1 Korintos 2: 9) Isla macnayntan waxaad ka akhrin kartaa Kitaabka qoduuska ah buugiisa Ishacyaah 64:4.

 

Bal aan ku siiyo tusaale kale, adigoo qalad samayay oo maxakamadda lagu saaray runtii miyaad rajayn kartaa inaan lagu edbinin? U malayn maayo. Haddii uu jiro xakiin xaqnimo ku shaqaynaya waa waa inuu mid kasta siiya wax istaahila dembiga uu galay. Ilaah ayaa ah kan baniaadmiga oo dhan xukumi doono sidaa darraaddeed,  jannada waa nolosha ay ku noolaan doonaan kuwa doonista Ilaah ku dhaqmi doonaan naxariista iyo faraxadda Ilaah ayay dhex dabaalan doonaan. Marka haddii aad doonaysid in miisaanka xaqa ah lagu saaro Ilaah ka baq oo doonistiisa samee waayo, waxay kaa rebeysaa shalayn maalinta naarta lagu geeyo aad shalayn lahayd. Runtii baniaadmiga dunidaan ku nool haddii ay isku deyaan inay macnayaan ama ay sii sheegaan sida ay jannada u egtahay intaan ka badan in kasta oo aan lahayn macnayntayda qof kasta bay qancin kartaa, waa sida qof indhoola ah oo isku deyayo inuu macnayo sida midibyada ay u egyihiin sida uu yidhayba nin la yidhaahdo Louis Jacobs.

 

4. Wanka Ilaah

Haddii aan doonayno inaan wax ka sheegno wax Ilaah ku saabsan bal aan horta yara macnayno erayga wan ka dibna way noo dhaadhici kartaa macnaha iyo sababta Wanka Ilaah loogu baahanyahay. Arinta wanka Ilaah waxaan u kala qaadaya laba qodob taa oo ay ka mid yihiin kuwan,

q       Sida ama waxyaalaha wanka loo istecmaali jiray/loo istecmaalo

q       Waxyaalaha wanka masaal loogu dhigay

 

Istecmaalka

I.                   Wanka waxaa loo istecmaali jiray oo maantaba loo istecmaalaa cunto ahaan sida aan uga akhrinayno Samuu'eelka Labaad 12:4 waxaana qoran sida tan,

"Waxaa ninka taajirka ahaa u yimid nin socoto ah, markaasuu ka lexejeclaystay idihiisii iyo lo'diisii inuu uga loogo ninkii socotada ahaa ee u yimid, laakiinse wuxuu soo qabtay nayshii ninka meskiinka ahaa, wuuna u qalay ninkii u yimid"

II.                Wanka waxaa kale oo laga heli jiray huwinta sida aan uga akhrinayno Kitaabka Qoduuska ah waxaanna qaas ahaan uga akhrinayna Maahmaahyadii 27:26 waxaana qoran sida tan, "Baraarku waa kuu dhar, oo adhiguna waa kuu qiimihii beerta"

III.             Wanka waa lagu beecmushtari jiray sida aan uga akhrinayno Kitaabka sida ku dhigan Cesraa 7:17 waxaana qoran sida tan, "Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad aad ugu dadaashaa inaad lacagta ku iibiso dibi, iyo wanan, iyo baraar, iyo qurbaannadooda hadhuudhka ah, iyo qurbaannadooda cabniinka ah, oo aadku dulbixisa meesha allabariga ee guriga Ilaahaaga oo Yeruusaalem ku yaal."

IV.             Wanka axdi baa lagu xidhan jiray sida aan uga akhrinayno Bilowgii 21:28-32 waxayna leedhay sida tan, "Kolkaasaa Ibraahim idihii ahaan uga bixiyey toddoba sabeennood. Abimelekna wuxuu Ibraahim ku yidhi, Micnehoodu waa maxay toddobadan sabeennood oo aad gooni ahaantooda u bixisay? Markaasuu yidhi, Toddobadan sabeenood waa inaad iga guddoontid inay markhaati ii noqoto inaan anigu ceelkan qoday. Sidaas daraaddeed meeshaas wuxuu u bixiyey Bi'ir Shebac; maxaa yeelay, labadooduba meehaas bay ku dhaarteen. Sidaas daraaddeed axdi bay ku dhigteen Bi'ir Shebac; markaasaa Abimelek kacay, isaga iyo Fiikol oo ahaa madaxda ciidankiisa, oo waxay ku noqdeen dhulkii reer Falastiin."

 

Waa su'aal e yaa markhaati kuu noqon doonaa maalinta xukunka ama maalinta aduun gadoonka? Anigu markhaatigayga oo keliya waa masiixa maxaa yeelay, waxaan ogahay haddii aan isaga rumaysto oo aan dadkana jacaylkiisa u sheego,  maalinta uu soo noqon doono Ilaah hortiisa ayuu iigu maragfuri doonaa sida qoran, "Laakiin ku alla kii igu dafira dadka hortiisa, anna waan ku dafiri doonaa Aabbahayga jannada ku jira hortiisa." (Matayos 10:33) Ciise ayaa erayadaan ku hadlay oo runtii ku alla kii isaga inkiraa inuu yahay Rabbiga una yimid inuu baniaadmiga dembiga maydhan ah nadiifiyo, runti maalinta xukunka su'aal culus baa u taala. Kan Ciise Masiix wakiil ka dhigtaa runtii weligii ma ceeboobi doono maalinta xukunka Ilaah wuxuu Ilaah kula hooyan doonaa jannada.

 

Ciise masiix waa balantuu Ilaah nagula galay inaan isaga rumaysano waayo, mid alla kii isaga rumaystaa weligii ma uusan dhiman doono laakiin wuxuu lahaanaya nolosha weligeed ah sida qoran, "Ilaah intuu dunida jacayl u qabay ayuu siiyey Wiilkiisa keliya oo dhashay in mid kastoo isaga rumaystaa uusan lumin laakiinse uu lahaado nolosha weligeed ah." (Yooxanaa 3:16) Laakiin bal aan ku weydiye, maxay ahayd sababta uu Ilaah Ciise Masiix u keenay ma inuu dunida xukumuu u keenay madaama uu baniaadmiga wada dembaabay? U malayn maayo, waayo, waxaa qoran, “Ilaah wiilka uguma soo dirin dunida inuu xukumo dunida, laakiin wuxuu u soo diray inay dunidu ku badbaaddo isaga. [maxaa yeelay,] Kii isaga rumaystaa ma xukumna, laakiisne kii aan isaga rumaysan, hore ayaa loo xukumay, maxaa yeelay, wuxuusan rumaysan magaca wiilka Ilaah oo keliya oo dhashay.” (Yooxanaa 3:17,18).

 

V.                Haddana wanka waxaa loo istecmaali jiray sida sadaqada Ilaah markii la baryaya la gubo. Bal aan is weydinee meqaa muraad baa la samayaa oo dhiig lagu daadiya sanadka gudihiisa iyadoo Ilaah laga doonaya inuu cafis keeno, abaar baabi'iyo, cudur fafaya baabi'iyo iwm? Laakiin Ciise Masiix waa wanka keliya oo aan iin lahayn oo loo doortay inuu noqdo kan muraadka allabariyada oo dhan gebagebaynayo sida qoran, "Wankiinnu waa inuu ahaadaa mid aan iin lahayn, waana inuu ahaadaa mid lab oo sannad jiray, waana inaad wananka ama orgiyaasha ka bixisaan…" (Baxniintii 12:5) Kan uu Ilaah dhiibay mooyaane ma jiro mid kale oo dunidaan ku nool oo iin la'aan ah waana Ciise. Ma jiraan wax kale oo noo haray inaan isaga rumaysano oo aan Qasiidadaan qaadno mooyaane,

1.    Waan kuu imanayaa, Ciisahaygow; Shayddaan waan diidayaa, dembi iga saar. Waan ku jeclahay, waan ku aammiinayaa, waan kuu imanayaa, Ciisahaygow.

2.    Waan kuu imaanayaa, Ciisahaygow; qalbigayga safee, dhiigga igu mayr. Waan ku jeclahay, waan ku aamminayaa, waan kuu imanayaa, Ciisahaygow.

3.    Waan kuu imanayaa, Ciisahaygow; Qalbigayga qaado, kaagii buu yahay. Waan ku jeclahay, waan ku aammiinayaa, waan kuu imanayaa, Ciisahaygow.

Ciise oo keliya ayaa ah kan aanan iin lahayn oo dembiyada dadka kale u dhiman karay oo noqon karay wanka Ilaah oo ah mid aan aan iin lahayn. Rooma 5:12 waxaan ka arkaynaa in dembigu uu dunida ku soo galay hal nin oo dembiila ah oo isla sidaa buu hal nin oo qoduus ah dembiga dunida uga baxaya oo halkaa ninna waa Ciise Masiix. Waxaan kuu baryaya adiga buugan akhrisanaysid anigoo iisu baryaayana in Ilaah uu kaa dhigo qof ay indhaha u furmaan oo ay erayada qasiidadaan ay u noqdaan baryo dhab ah oo qalbiga ka soo go'day. Erayadaan dib u akhri oo Ilaah waydiso inuu erayadaan ka dhigo kuwa adiga  aad doonaysid inaad Ilaah kula hadashid intaanad qaybta ku xigta aadan sii akhrinin.

            Waan kuu imanayaa, Ciisahaygow - Waa inaad wax kasta aad ka tagtid oo aad isaga raadisid waayo, isaga waa la heli karaa isla markii qofka iisu dhiibo. Ciise ayaa noo yeedhay oo ma ahan anaga kuwa niyeystay inay isaga u tagaan oo eraygiisa Injiilka ayaa dhigaya sida tan, "Ii kaalaya kulligin kuwiinna hawshaysan oo culaabaysanow, oo anigu waan idin nasin doonaa." (Matayos 11:28) Aayad kalena waxay leedahay sida tan, “Rabbiga doondoona inta isaga la heli karo, oo isaga barya intuu dhowyahay. Ka sharka lihi jidkiisa ha ka tqago, ninka aan xaqa ahaynuna fikirraddiisa, oo Rabbiga ha u soo noqdo, isna wuu u naxariisan doonaa, oo ha u yimaado Ilaaheenna, waayo, aad buu u naxariissan  doonaa. Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Fikirradaydu fikirraddiinna ma aha oo jidadkiinnuna jidadkayga ma aha. Maxaa yeelay, sida samooyinku ay dhulka uga sarreeyaan ayay jidadkaygu udadkiinna uga sarreeyaan, oo ay fikirradayduna fikirradiinna uga sarreeyaan. Waayo, sida roobka iyo barafka cadu ay samada uga da’aan, oo ayan halkaas ugu noqon, laakiisne ay dhulka u waraabiyaan oo ay uga dhigaan inuu soo bixiyo oo magoolo, si uu abuur u siiyo kan wax abuurta, oo uu cunto u siiyo kan wax cuna, sidaas oo kaluu hadalkii afkayga ka soo baxaa noqon doonbaa, oo isagoo madhan igu soo noqon maayo, laakiinse wuxuu oofinaya wixii  aan ula qastiyey, waana ku soo liibaanaya wixii aan u diray.”  (Ishacyaah 55:6 – 11).

Shayddaan waan diidayaa, dembi iga saar - Wax alla wixii doonista Ilaah aan ahayn waa inaad ka fogataa waayo, wax yaalahas oo dhan waa hawlaha shaydaanka oo Ciise Masiix diiyaar buu u yahay inuu dembiyadaada kuu dhaafo ama kuu cafiyo waayo, isagaa eraygiisa noogu balan qaaday inuu noo cafinayo haddii aan si daacadnimo ah isaga ugu qirano oo aan cabsida aan qoduusnimadiisa ka qabno ku toobad keeno. Ilaah ha naga dhigo kuwa is hubaan oo Ilaah ku odhan karaan erayadaan uu Nebi Daa'uud ku hadlay iyo kuwa la mid ah, "Rabbiyow, I xukun, waayo, waxaan ku socday daacadnimadayda, oo welliba waxaan Rabbiga isugu halleeyey rogrogmasho la'aan. Rabbiyow, I imtixaan, oo I tijaabi, oo uurkayga iyo qalbigaygana baadh. Waayo, raxmaddaadu waxay taal indhahayga hortooda, oo waxaan ku socday runtaada…" (Sabuurrada 26:1-3) Dadka inta badani waxay yihiin kuwa dembiyadooda awgood aan xataa doonaynin in magaca Ilaah lagu soo qaado iskaba daa inay geesinimadaan Ilaah hortiisa ku imaadaan. Laakiin waxaan doonaynaa in uu Ilaah naga dhigo kuwa Ilaah ka cabsadaa oo doonistiisa yeelaa. Kitaabka wuxuu leeyahay, "…nin kasta shuqulkiisa ayaa la muujin doonaa. Waayo, maalintu way caddayn doontaa, maxaa yeelay, dab baa lagu muujiyaa, waayo, nin kasta shuqulkiisa caynkuu yahay dabka ayaa tijaabin doonaa. Nin uun haddii shuqulkiisuu ku dul dhisay hadho, abaalk buu heli doonaa. Nin uun haddii shuqulkiisu gubto, wuu khasaari doonaa, isaga qudhuususe wuu badbaadi doonaa, laakiin sidii wax dab laga soo baxshay oo kaluu u badbaadi doonaa." (1 Korintos 3:13-15)

 

Haddii aan si gaaban ku sheegno shuqulka uu dabka gubi doono waa kan aan ahayn doonista Ilaah laakiin kan dabka ka soo bixi doono waa kan lagu dul dhisay doonista Ilaah waana kan uu Ilaah baniaadmiga oo dhan uga baahan yahay. Xaggee baad ka tirsanaani doontaa maalinta xisaabta ama maalinta shuqulladaada dabka lagu tijaabin doono? Kuwa Masiixa doorteen oo dembiyadooda loo cafiyey way hubaan meesha ay ku sugnaan doonaan waayo haddii ay baryadaan taada tahay oo aad qalbigaada oo dhan isaga siisay de waxba kuuma dhinno oo aan ka ahayn inaad farxad isaga ugu mahad naqtid cafiska uu ku siiyey.

Qalbigayga safee, dhiigga igu mayr - Waa inaad Ilaah weydisataa inuu qalbigaada safeeyo oo uu wasakh kasta  uu kaaga nadiifiyo dhiigiisa qaymaha leh oo waad ka cadaan doontaa wax alla wixii aad maanta u malaynaysid inay aad u cadyihiin waayo erayga Ilaah wuxuu leeyahay, "In kastoo ay dembiyadiinnu guduudan yihiin, sida baraf cad oo kalay u caddaan doonaan, oo in kastoo ay cascas yihiin, sida suuf oo kalay ahaan doonaan." (Ishacyaah 1:18)

Qalbigayga qaado, kaagii buu yahay -  Waa in haddii aad qalbigaada Ilaah u furtid aadan wax kale ku dhex qasin oo aad Ilaah ka codsataa inuu Ruuxiisa Qoduuska ah kuugu soo dejiyo si uu u noqdo hogaankaada jira.

 

VI.             Wanka waa Calaamad - Wanka waxaa loo istecmaali jiray sida calaamad macna kale ay ku jirto sida dadka Ilaah tusaale ahaana waxaan ka akhrin karnaa Ishacyaah 5:17 oo leh, "Oo markaasay baraarku daaqsintooda ikhtiyaar u daaqi doonaan, oo kuwii barwaaqaysnaana meelahooda baaba'ay waxa cuni doona shisheeyayaal."

VII.          Wanka waa calaamadda rumaystayaasha liita sida qoran, "Isagu adhigiisuu u daajin doonaa sida adhijir oo kale, naylahana gacantiisuu ku ururin doonaa, oo wuxuu ku qaadi doonaa laabtiisa, oo kuwa la nuugana qun yar buu u hor kici doonaa." (Ishacyaah 40:11)

VIII.       Wanka - kuwa Ilaah u adeego sida qoran, "Socda, oo ogaada, waxaan idiin dirayaa sida baraar oo yeey ku dhex jira." (Luukos 10:3)

IX.             Wanka - boqortooyada Masiixa sida qoran,  "Oo yeydu waxay la joogi doontaa baraarka, shabeelkuna wuxuu la jiifsan doonaa waxarta, oo weysha iyo dhasha libaaxa iyo neefka buuranu way wada joogi doonaan, oo waxaa iyaga hor kici doona ilma yar." (Ishacyaah 11: 6)

 

Imaw Rabbiyow maalinta iyada ah qalbi furan baan kugu sugayna e kuweena ku rumaystay. Oo intaadan imaanina waxaan kaa baryaynaa inaad Ruuxaada Qoduuska ah ku soo dejisid kuwa aan weli ku rumaysan si ay u wada qirtaan dembiyadooda oo ay dhiigaada iskutallaabta darraaddood ugu daatay u helaan rajada nolosha weligeed ah. Marka waa inaan u dabaal degnaa sida aan maalinta aan aayadaan ka akhrinayno aan u noqono kuwa helaan taa oo ah jannada. Ku dabaal deg sida aad dhimashada uga soo noolaan lahayd oo aad nolosha weligeed ah u heli lahayd. Tan sababteedu waa si ay uga soo wada baxsadaan dhimashada kuwa aanan weli Rabbiga rumaysan maxaa yeelay, waan ognahay Rabbiyow inaadan baniaadmiga ugu talo gelin naarta. Adigu laakiin waxaad doonaysaa inuu qof kast ka toobad keeno dembigiisa si ay u wada badbaadaan oo ay weligoodba kuula jiraan. Tani waa waxa ay dadka oo dhan u wada dhaarsan yihiin taa oo ah JANNADA laakiin miyaanu ku noolnahay sida aan ku heli lahayn noloshaas? Haddaadan ku noolayn ama aadan ogayn sida aad ku heli lahayd waxaan u malaynaya in buugan uu ku baraarujin doono adiga akhrisanaysid.

 

Walaal u dabaal deg sida aad dhimashada uga soo noolaan lahayd oo aad nolosha weligeed ah u heli lahayd.

 

Wadanka Keniya markuu xornimada ka helay Ingiriiska waxaa jireen erayo oo wadanka oo dhan dadka horseed u noqday oo leh 'fuata nyayo' taa oo ay micnaheedu tahay “raadka raac” yaa raadkiisa? Raadka kii wadanka ku hogaamiyey xornimada kaa oo ahaa madax weynihiin ugu horeyey ee Keniya oo la odhan jiray Kenyatta. Macnaheeduna waxay ahayd inay dadka jacaylkii uu wadanka u qabay ay u qabaan oo ay wadankooda dhisaan. Laakiin haddii aanu baniaadmi nahay ma raacayno raad kale laakiin waxaan raacaynaa raadka Ilaah ama waxaan isku deyeynaa inaan doonista Ilaah samayno oo aan qalbiyadeena u dhisno si Ilaah ka farxinayno. Haddii aad doonaysid sida aad ku heli lahayd nolosha weligeed ah waa inaad rumaysatid kan laga helaa nolosha weligeed ah waana Ciise Masiix waayo, wuxuu yidhi, "…Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabbaha uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee." Maxay tahay micnaheeda markuu leeyahay '…waxaan ahay jidka…'? Rasuul Bawlosna si aan u ogaano kan u qalma in lagu deydo wuxuu yidhi, “Haddaba ahaada kuwo ku dayda Ilaah idinkoo ah sida carruur la jecelyahay.” (Efesos 5:1).

 

Tan macnaheedu waa sida ku qoran Kitaabka qoduuskaq ah isagu ma ahan jidka la marayo ee caadiga ah ee dhuleed laakiin waa nolosha lagu noolaan lahaa oo lagu deyan lahaa. Ciise Masiix maanta wuxuu nagu leeyahay fuata Nyayo  taa oo aan iyaduna ka akhrin karno Galatiya 5:22 oo leh, "Laakiin midhaha Ruuxa waa jacayl, farxad, nabad, dulqaadasho, roonaan, wanaag, aaminnimo, qabownimo, iscelin; waxa caynkaas ah sharci ka gees ahu ma jiro." Ciise wuxuu jidka ku noqday tusaalihiisa oo la raaco oo noloshuu ku nolaa lagu noolaado, wuxuu ku noolaa nolol iin la'aan ah soddon iyo saddexda sano uu dunida ku noolaa. Wuxuu doonaya inaan isaga jidkeena ka dhigano oo aan rumaysano inaan awoodi karno maadama uu isaguba awooday. Haddii ay waxyaalahan oo dhan qalbiyadeena ku jiraan runtii waan wada ognahay in Rabbiga uu ku farxayo nolosheena waayo, waxaan ku dayanay noloshuu Ciise ku nolaa.

 

Miyaad weli ku wareersan tahay kan aad rumaysan lahayd ama sida aad xagga Aabbaha ku aadi lahayd? Ciise Masiix wuu kuu cadayay inuu isaga yahay jidka oo haddaadan isaga rumaysan de waxaa kugu waajib ah inaad maanta ka go'aan gaartid oo aad isaga raacdid. Ciise Masiix kuma luminayo laakiin wuxuu kugu toosinaya runta iyo nolosha weligeed ah. Laakiin ha u malaynin in Ciise keligii uu isku tilmaamay inuu yahay jidka, nolosha iyo runta laakiin Ilaah ayaa horay u sii sheegay oo yidhi,  "Waxaa samooyinka ka yimid cod leh, Adigu waxaad tahay Wiilkayga aan jeclahay oo aan ku faraxsanahay." (Markos 1:11 ). Waa Rabbiga kan nagu amrayo inaan Ciise Masiix raacno sida qoran, "Kolkaasaa waxaa timid daruur oo iyaga hadhaynaysa, daruurtiina waxaa ka yimid cod leh, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay ee maqla isaga." (Markos 9:7 )Yaa kale oo samooyinka ka soo hadli karaa oo aan ka ahayn Ilaah, Rabbigeena Ciise Masiix mooyaane? Oo haddii aad Rabbinimada Ciise ka shakisantahayna waxaan kaaga akhrinaya Matayos 12:8 oo leh, "Waayo, wiilka Aadanahu waa sayidka sabtida." Waxaa kale oo isla arintaan ka hadlayo Markos 2:28

 

Masaalka wanka

Haddana bal aan fiirino macnaynta wanka Ilaah waayo, qumaati baan u aragnay waxa uu yahay wanka. Waxaa kuu soo jeedinaya toddoba qodob oo noo sheegayaan macnaha guud iyo sida Ciise Masiix wanka Ilaah u ku noqday waana kuwan,

1.      Wanka Ilaah waa Ciise Masiix sida qoran, "Isaga waa la dulmay, waana la dhibay, laakiinse innaba afkiisii ma uu kala qaadin. Isaga sidii wan la qalayo baa loo kexeeyey, oo sidii lax ku aamusan kuwa dhogorta ka xiira hortooda, isagu afkiisa ma uu furin." (Ishacyaah 53:7)

Dhibaato ah kastoo Ciise qabsatay waxay ugu dhacday daraaddeen. Haddusan Ciise jidhkeena lahaadeen ma aanan fahmeen sababta iyo muhimadduu u yimid.  Hadduu Ilaah Malaa'ig soo diri lahaana ma ay wanaagsnaateen maxaa yeelay, Malaa'igta ma dembaabin weligood mana oga dhibaatada uu dembiga baniaadmiga ku hayo. Haddana waxaa muuqataa oo dhiiri gal noo ah Ciise isagoo isla jidhka aan qabno leh ayuu noqday mid dembi kasta ka guulaystay. Haddii aan isaga ku deyanona shaki kuma jiro inaan inaguna ku guulaysan doono haddii aan isaga rumaysano oo aan ku dayano oo aan weliba ogolaano inuu noqdo hogaamiyaheena jira. Dhibaato kuuma dhinno haddii aad Masiixa rumaysan tahay waayo, mid alla kii isaga rumaysan intuu dunidaan ku nool yahay wuu marayaa qaxar kasta. Ciise wuxuu yidhi, "…Mid uun hadduu doonayo inuu iga daba yimaado, ha is-inkiro, iskutallaabtiisana maalin walba ha soo qaato oo ha I soo raaco. Waayo, kan doonaya inuu naftiisa badbaadiyo, waa lumin doonaa, laakiin kan naftiisa u lumiya aawaday, kaasaa badbaadi doona. Waayo, nin maxay u taraysaa hadduu dunida oo dhan helo oo uu islumiyo oo khasaaro?" (Lukos 9:23-25)

 

Waxaa dhici kartaa in rumaysadka aad isaga rumaysanaysid ay cadaadin kuu keento laakiin Ciise wuu sii sheegay in rumaysadka isaga la rumaysanayo uu keeni doono kala qaybsanaan dadka dhexdooda ah taa oo aan ka akhrinayno Matayos 10:34-37 waxaana qoran, "Ha u malaynina inaan u imid inaan nabad dhulka u keeno; uma aan iman inaan nabad keeno, laakiin inaan seef keeno. Waxaanse u imid inaan nin cadow kaga dhigo aabbiihiis, gabadhana hooyadeed, naagna soddohdeed. Nin cadowgiisu waa dadka gurigiisa. Kan aabbihiis iyo hooyadiis iga jecel, ima istaahilo, oo kan wilkiisa iyo gabadhiisa iga jecel, ima istaahilo." Marka akhristow, maxaa kuu cad? Anigu naf ahaantayda waxaa ii cadaatay in rumaysadka Ciise la rumaysanaya ay ka weyntahay fekerad diineed maxaa yeelay, Masiixnimada ma aha diin laakiin waa xiriir Ilaah lala yeelanaya. Markaad qofka aad ugu jacayshahay la joogtid ma jiraan wax kale oo aad ka jeclaani kartid? U malayn maayo.

 

Waxaa laga yaaba inay waalidkaada kuu diidaan gabadh aad jeclaatay oo ay ku yidhaahdaan, ‘qolodaas isku ceel kama cabno ama xataa xoolaheena islama daqaan iskaba daa gabadh aad iyaga ka guursatid.’ Maxaad samaynaysaa hadduu jecelku dhab kaa yahay? Amaba waxay qabsan karta gabadh jeclaatay wiil oo ay sidaan ama wax la mid ah ay waalidkeeda ama qoloda ay ka dhalatay ku odhan karaan. Ewelkii hore waxay ahaani jirtay inta badan inay waalidka carruurta u guuriyaan laakiin dhawaanahan wiilka iyo gabadha oo soo wada sheekeysteen ayaa waalidka la soo ogaysinaya. Dhalanyarta uma baahno in jecelkooda la burburiyo in lagu dhiiri geliyo oo guurkooda loo hergeliyo mooyaane. Xiriirka Ilaah lala yeeshana waa sidaa oo kale maxaa yeelay, xataa haddii ay kuwa ku dhalay ama kuwa kula dhashay ay kuugu raacsanayn runtii waa inaad ogaataa in maalinta xukunka aan lagula xukumi doonin waalidkaada, qoloda aad ka dhalatay ama kuwa aad aad u jeceshahay laakiin iskada ayaa laguu xukumi doonaa.

 

Qaar waxay kuugu odhan doonaan, waar waad na ceebeysay oo waad gaalawday sidaa daraaddeed qabiilkeena oo dhan ayaad ceeb iyo inkaar u keentay. Maxaan kuu tari waynay oo aad gaalada ka heshay haddaba waan ku siinayna e. Waxa Masiixa lagu helo haddii ay ahaani lahayd wax dunida laga helaya maanta hal qof oo Masiixa raacsan lama aragteen. Sidaa daraaddeed, Masiixnimada waxay u baahantahay dulqaad badan iyo adiga oo xiriirka aad Ilaah la leedahay noqdaa mid jira oo nadiif ah – waa inaad dembi kasta ka fogaatid wax kastoo ay kuugu qaadataba. Masiixnimada ma ahan guri fiican, lacag, baabuur iyo wax alaate wixii ay dadka u malaynayaa inay dadka diintooda uga tageen oo ay masiixnimada u qaateen. Wax dheeraad ah waxaad ka akhrin kartaa buug kale oo aan qoray oo la yidhaahdo “DHIBAATOOYINKA NOLOSHA LAGALA KULMO.” Ciise wuxuu yidhi,  "Waxaa barakadaysan ninka jirrabaadda u sii adkaysta, waayo, goortii loo bogo, wuxuu heli doonaa taajka nolosha kan Ilaah u ballan qaaday kuwa isaga jecel." (Yacquub 1:12)

 

Ilaah ma ahan mid sida baniaadmiga u rogrogmada. Balantiisa wuu oofiya waa inaan u adkaysanaa dhibaata kastoo aan rumasadkayna kala kulmayno waayo, ugu dambaysta waan farxi doona. Kuwa tartanka galaan waxay hadiyaddooda helaan kadib markay tartamaan oo la ogaado kan guulaystay si loo ogaado yaa helaya dahab oo yaa helayo sida qoran, "Anigu waxaan dadaal ugu roorayaa xagga goolka iyo ilaa abaalgudka yeedhista sare oo Ilaah oo ah xagga Ciise Masiix." (Filiboy 3:14 )Haddii aan wakhtiyada tartamada aan u gegsanayno daalka iyo rafaadka lagala kulmayo oo waxa laga helayana ay tahay jidh jimicsi iyo haddii ay wax dheeraad ah jiraan ay ka mid yihiin dahab, luul, lacag iyo wax lamid ah oo dunidaan looga tegi doono, muxuu culays nooga saaran yahay inaan u adkaysano wax yaalaha dunida oo in mudo ah keliya jiraan si aan ugu dambaysta ula kulanno Rabbigeena Ilaaha ah oo noo uumay inaan isaga jannada kula noolaano weligeenba.

 

Waxyaalaha dunidaan yaanan na qayaanayn maxaa yeelay, wuxuu Ilaah noo hayo waa waxyaala la yaab leh sida qoran, “Waxaannu xigmadda kula hadallaa kuwa garashadu ku dhan thay, taasoo aan ahayn xigmadda wakhtigan, oo aan ahayn xigmadda madaxda wakhtigan oo ah kuwa la baabi’in doono;  laakiin qorsoonaan ayaannu ugu hadallaa xigmadda Ilaah oo la qariyey, oo Ilaah dunidan horteed ka dhigay ammaanteenna aawadeed, tan madaxda wakhtigan midkoodna aanu garanaynin, waayo, hadday garan lahaayeen, iskutallaabta kuma ay qodbeen Rabbiga ammaanta, laakiin sida qoran, waxyaalo aanay ishu arkin, oo aanay dhegtu maqlin, oo aan qalbiga dadka gelin, wax kastoo ay yihiinba, Ilaah baa u diyaariyey kuwa isaga jecel.  Innagase Ilaah baa inoogu muujiyey Rauuxa, waayo, Ruuxu wuxuu baadhaa wax kasta, xataa waxyaalaha hoos u dhaadheer oo Ilaah. Waayo, dadka dhexdood yaa garannaya nin waxyaalihiisa, ruuxa ninka ku jira mooyaane? Sidaas oo kalena ninna garan maayo waxyaalaha Ilaah, Ruuxa Ilaah mooyane. Laakiin innagu ma aynu helin ruuxa dunida laakiinse Ruuxa Ilaah ka yimid inaynu garanno waxyaalaha uu Ilaah nimco ahaan ino siiyey.” (1 Korintos 2:6 – 12) Jirrabaadda waan u adkaysan karnaa maxaa yeelay, waa uun mudo yar sida qoran, oo leh sida tan, "Waayo, haddii waxa idlaanayaa ammaan lahaan jiray, intee ka badan baa waxa hadhaa ammaan leeyahay." (2 Korintos 3:11)

 

Rabbiga wuu ogaa waxaan oo dhan wuuna sii in kuwa Ilaah darraaddiis jarribaadda dunida iskiiga inkiraan ay noqon doonaan kuwa boqortooyadiisa dhaxli doonaan. Waxyaalo badan ayaa baniaadmiga boqortooyada Ilaah ka hor istaagi karaan. Wax faa’ido ah ay leedahayna ma jirto haddii aan dunida u go'no laakiin aan jannada gefno, maxaa yeelay, waxay noqonaysaa shalayn weligeed ah maalinta xukunka. "Waayo, nin maxay u taraysaa hadduu dunida oo dhan helo oo uu naftiisa lumiyo? Ama nin muxuu u bixiyaa naftiisa bedelkeeda?" (Lukos 9:23-25)

 

2.      Reer binu Israa'iil baa lagu magacaabay wanka Ilaah sida qoran, "Maalintii labaad Yooxanaa wuxuu arkay Ciise oo ku soo socda, oo wuxuu yidhi, Bal eega Wanka Ilaah ee dembiga dunida qaadaya." (Yooxanaa 1:29)

 

Tani waxay ahayd maragfur uu Ruuxa Qoduuska ah cadeyey oo qof kastoo maanta Erayga Ilaah iisu bandhiga Ilaah diyaaruu u yahay inuu Ruuxiisa qoduuska ah wax ku fahansiiyo. Laba shey ayuu Ruuxa Ilaah qofka daacadda ah fahansiiya, Erayga Ilaah iyo inuu Ciise yahay badbaadiyaha dunida. Ciise waa badbaadada dunidan dembiga miidhan ma jirto jawaab kale oo dembiga loo hayo waayo, waxaa qoran "Mid kale badbaadada laga ma helo, maxaa yeelay, ma jiro magac kale samada hoosteeda oo dadka dhexdooda loo bixiyey oo waajib inoo ah inaynu ku badbaadno." (Falimaha Rasuulada 4:12)

 

3.      Wanka Ilaah waxaa masaal looga dhigay kan dunida oo dhan lagu wacdinaya.  "Haddaba meeshuu Qorniinka ka akhrinyey waa tan, isaga sidii wan la qalayo baa loo kaxeeyey; oo sidii lax ku aamusan ninka dhogorta ka xiira hortiisa, isagu afkiisa ma uu furo; intuu is-hoosaysiiyey baa gartiisii laga qaaday; farcankiisii yaa sheegi doona? Maxaa yeelay, noloshiisa dhulkaa laga qaaday. Bohonku wuxuu Filibos u jawaabay oo ku yidhi, Waxaan kaa baryayaa, Nebigu yuu ka hadlayaa? Ma isaga qudhiisaa mise waa mid kale?Filibos baa afkiisa furay, oo intuu Qorniinkan ka bilaabay ayuu isaga ku wacdiyey Ciise." (Rasuullada 8:32-35)

 

4.      Wanka Ilaah waa kan la sarsaysiyo weligiiba, maxaa yeelay, waa badbaadiyaha dunida sida qoran,  "Oo carshiga badhtankiisii iyo afarta xayawaan iyo odayaasha badhtankoodii waxaan ku arkay Wan taagan oo ah sida mid la gowracay oo leh toddoba gees iyo toddoba indhood oo ah toddoba Ruux oo Ilaah, oo loo soo diray dunida oo dhan…oo wax kasta oo la abuuray oo ku jira samada, iyo dhulka dushiisa, iyo dhulka hoostiisa, iyo badda gudaheeda, iyo waxyaalaha iyaga ku jira oo dhan, ayaa waxaan maqlay iyagoo leh, Kan carshiga ku fadhiya iyo Wanka ha u ahaadeen mahad, iyo ciso, iyo ammaan, iyo xoog, weligood iyo weligood." (Muujintii 5:6, 13)

 

5.      Wanka Ilaah waxaa lagu macnayey sadaqada Ilaah oo haddii ay weligeedba jirtay sadaqa la bixiyey ma jirto mid ka qayma badnayd tan uu Rabbigeena bixiyey. Waxaa qoran, "…laakiinse waxaa laydinku soo furtay dhiiggii qaaliga ahaa oo Masiixa oo ah sidii wan yar oo aan wax ceeb ah iyo iin toona lahayn." (1 Butros 1:19 ) Aayaddaha kalena waxay leeyihiin, "Oo markii labaad waxaa walaalihiis la aqoosiiyey Yuusuf; markaasaa Fircoon wuxuu gartay Yuusuf qoladiisii. Markaasaa Yuusuf cid u diray oo u yeedhay aabbihiis Yacquub iyo dadkiisii oo dhan oo ahaa shan iyo toddobaatan qof." (Muujintii 7:13,14)

 

6.      Wanka Ilaah waa masaalka lagu macnayey badbaadiyaha, maxaa yeelay, welwelka maanta dadka haysto waa sidii badbaado lagu heli lahaa waxaana qoran, "Oo waxay ku gabyeen gabay cusub iyogoo leh, Adigu waxaad istaahishaa inaad kitaabka qaadato oo aad shaabadihiisa furto; waayo, waa lagu gowracay, oo waxaad Ilaah dhiiggaaga ugu soo iibisay dad ah qabiil kasta iyo af kasta iyo dad kasta iyo quruun kasta…" (Muujintii 5:9)

 

7.      Wanka Ilaah waxaa masaal looga dhigay boqor sida qoran, "Oo iyan waxay ku gabyeen addoonkii Ilaah oo Muuse ahaa gabaygiisii iyo gabaygii Wanka iyagoo leh, Rabbiyow Ilaaha Qaadirka ahow, shuqulladaadu way weynyihiin, oo yaab bay leeyihiin. Boqorka quruumahow, jidadkaagu waa xaq oo waa run." (Muujintii 15:3)

 

Masiixaa bedelay kafaarogudkii la bixin jiray oo dhan oo isagu waa kan keliya oo loo ekeysin karo wanka Ilaah oo aan ceeb iyo iin toona lahayn. Isaga keligii ayaa  masaal looga dhigay macnaynta wanka Ilaah. Wanka wuxuu ahaani jiray mid aad loo yaso. Waa sidaa daraaddeed sababta isaga oo aan iin lahayn looga dhigay mid iin leh si uu iskutallaabta ugu dhinto bedelkii aan anagoo dembilayaal ah aan iskutallaabta ku dhiman lahayn. Kitaabka wuxuu leeyahay, "sidaas daraaddeed ergo ayaannu u nahay Masiix aawadiis, sidii Ilaah oo idinka baryaya xaggayaga, Masiix aawadiis waxaannu idinku baraynaa, Ilaah la heshiiya. Wuxuu isaga oo aan dembi aqoonin ka dhigay inuu dembi noqdo aawadeen, inaynu noqonno xaqnimada Ilaah ee ku jirta isaga." (2 Korintos 5:20, 21) Bal yaa naga mid ah oo maanta haddii la yidhaahdo qof baa wakiil kuu ah diidi karaa? Ciise wuxuu noqday wakiil baniaadmiga dembiilaha ah meeshu ka dhiman lahaa u dhinto oo sidaa darraaddeed dunida oo dhan waxaa u banaan nolol weligeed ah hadduu qofka rumaysto hadiyadda uu Masiixa bixiyey.

 

Haddii ay su'aashaadu tahay tii aan buugan bilowgiisa ka sheegay oo ahayd "…maxaa igu waajib ah inaan yeelo inaan ku badbaado?'' Jawaabtaada waa tan, "Kolkaasay ku yidhaahdeen, Rumayso Rabbi Ciise, waadna badbaadi doontaa, adiga iyo dadka gurigaaguba." (Falimaha Rasuullada 16:31) Ciise diyaar buu u yahay qof kastoo isaga Rumaystaa wuuna badbaadin doonaa oo qof alla kii maanta isaga u yimaado wuu ku qaabilaya boqortooyadiisa waayo wuxuu yidhi, "Bal eeg, albaabkaan taaganahay oo garaacayaa; haddaba haddii nin codkayga maqlo oo albaabka iga furo, waan u soo gelayaa, oo waan la cashayn, isna wuu ila cashayn. Kii guulaystaa, waxaan siin doonaa amar uu carshigayga igula fadhiisto, sida aan aniguba u guulastay, oo aan Aabbahay ugula fadhiistay carshigiisa." (Muujintii 3:20-21) Albaabka uu Ciise Masiix ka hadlayo waa qalbigaada waayo, xur baad u tahay oo majiro qof gurigaada amar ku geli karo hadaadan qof ku soo dhoweynin tuug mooyaane. Qalbigaaduna waa isla sidaa oo wax kuu soo geli karo majiraan hadaadan adigu ogolaanin inaad ka tagtid waxyaalah sharka ah oo aadan Rabbi Ciise Masiix ku soo dhoweynin inuu xukumo noloshaada oo dhan. Laakiin ogaanteeda lahaw isaga daqiiqad walba diyaar buu kuu yahay inuu noloshaada xukumo oo uu jidka xaqa ah kuugu toosiyo laakiin adiguu idiin kaa sugayaa.

 

Qof alla kii aan isaga noloshiisa u dhiibin wuxuu ku dambayn doonaa shalayn waayo, sida qoran, "…Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabbaha [Ilaah] uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee." (Yooxanaa 4:16) Waxa keliya oo aan u baahannahay waa runta waayo, runta ayaan ugu dambaysta ku heleyna nolosha weligeed ah runtana waa Ciise masiix. Jidka xagga Ilaah lagu gaarayo waa Ciise. Ha ilowbin inay jiraan jidad kale oo dadka naarta ku hogaamiyaan. Wax kastoo la aaminaba maalinta xisaabta waxaa jiraan oo keliya laba jid, kan naarta iyo kan jannada. Arintaan waddada dadka la quman laakiin ugu dambaysteeda ay geerida tahay waxay ku salaysan tahay sida ku dhigan Maahmaayadii 14:12 oo leh, “waxaa jirta waddo dadka la hagaagsan, laakiinse dhammaadkeedu waa waddooyinka dhimashada.”

 

Nolosha aad haatan ka dib ku noolaan doontid maanta ayaad go'aan ka gaari kartaa oo sida keliya oo aad go'aan uga gaari kartidna waxay tahay inaad Masiixa  ogolaatid. Markaad isaga qiratid wuxuu kuugu darri doona xisaabta kuwa gacanta midigta ah loo sooci doono. "Goortii Wiilka Aadanahu ammaantiisa ku yimaado, isaga iyo malaa'ihaga oo dhan, markaasuu carshiga ammaantiisa ku fadhiisan doonaa. Qurumaha oo dhan ayaa hortiisa lagu soo uruurin doonaa oo wuxuu ku kala sooci doonaa mid mid sida adhijirku u kala sooco idaha iyo riyaha. Idaha wuxuu joojin doonaa midigtiisa, riyahana bidixdiisa. Markaasaa Boqorku kuwa midigtiisa jooga ku odhan doonaa, Kaalaya, kuwa Aabbahay barakadeeyeyow, oo dhaxla boqortooyada tan iyo aasaaskii dunida laydiin diyaariyey…markaasuu kuwa bidixdiisa jooga ku odhan doonaa, kuwa yahow inkaaranu, iga taga oo gala dabka weligiis ah kan Ibliiska iyo malaa'igahiisa loo diyaargareeyey." (Matayos 25:31-41).

 

Waxaa kale oo halkan ka soo dhalanaya inay jirto arintii aan horey u soo sheegay oo ku saabsanayd in Ilaah uu naarta ugu talagelin baniaadmiga. Baniaadmiga ayaa  xulanaya inuu Ilaah adeecaya ama inuu sheydaanka adeecaya maxaa yeelay, waa maalinta ugu dambayso marka dadka lagu kala saari doono falalkooda. Dabka waxaa loogu tala galay Ibliiska iyo malaa’igahiisa isaguna waa beenaale oo wuxuu doonaya inuu helo kuwa badan uu dadka la galo maxaa yeelay, isagu wuu hubaa inuusan wax rajo ah xagga Ilaah ka lahayn. Gacalow, way cadahay in Ilaah uu naarta baniaadmiga ugu talo gelin laakiin loogu talagalay Ibliiska iyo malaa'igahiisa. Baniaadmiga gadaal buu ka soo gelaya naarta laakiin Ibliika wuu ku sii jiray waayo, waa isaga kan dembiga ugu horeyey galay oo na wada galabsaday. Isagu waa beenale oo wuxuu doonayaa qof uu ku naf baxo waayo, wuu og yahay inuu qatar ku sugan yahay oo uu wax rajo ah uusan lahayn maalinta xisaabta. Waa kuwa badbaadada Ilaah diidaan kuwa isaga la hooyan doonaan laakiin bilawgii naarta logu ma talo gelin baniaadmiga. Ibliiska ma haysto wax hadiyad ah uu ugu dambaysta dadka siinaya oo aan ka ahayn in isaga lagula gubto cadaabta weligeed ah. "Feeyignaada oo soo jeeda, waayo, cadowgiinna Ibliiska ahu sida libaax ciyaya ayuu u wareegaa oo u doondoonaa cid uu liqo. Isaga hor joogsada, idinkoo iimaankiinna ku adag, oo garanaya in isla dhibaatooyinkaasu ay ku dhacaan walaalahiinna dunida ku jira." (1 Butros 5:8-9)

 

Dhibaata kastoo ku soo gaadho u gegso waayo, sida aan aayad horey uga soo sheegay waa kuwa u gegsan doonaan ilaa wakhtiga dhamaadkiisa kuwa taajkuu Masiixa u diyaariyey heli doonaan. Duldqaad lahaw oo fejignaw ilaa maalintaas xisaabta laga gaari doono. Dhibaatada ku haysato waa mid wada haysato kuwa dunida ku nool oo Rabbiga aamineen oo dhan. Markay dhibaato ku haysato, hortaada ha fiirin, gadashaada ha fiirin oo dhinacyadaaduna ha fiirin laakiin Kor fiiri oo taa macnaheedu ay tahay Ilaah u jeeso waayo, waa Ilaah keliya kan ku caawin karo. "Buurahaan indhahayga ku taagi doonaa, Caawimaaddaydu xaggee bay ka iman doontaa? Cawimaaddaydu waxay ka timaadaa Rabbiga sameeyey samada iyo dhulka. Isagu ma oggolaan doono in cagtaada la dhaqaajiyo, Kan ku dhawraa ma gam'i doono." (Sabuurrada 121:1-3).

Waxaa kuugu waajib ah inaad Ilaah u jeesatid oo aad isaga ka codsatid jid aad uga baxsatid dhibaatada. Waad aragtay Nebi Daa'uud inuu dhibaato soo maray laakiin Ilaah buu u jeestay oo ma ahan keliya nebi Daa'uud waayo, "Jirrabaadna idinma qabsan tan dadka wada qabsata mooyaane, laakiin Ilaah waa aamin, mana oggolaan doono in laydin jirrabo intaad karaysaan in ka badan, laakiin markii laydin jirrabo wuxuu samayn doonaa jid aad kaga baxsataan si aad ugu adkaysan kartaan." (1 Korintos 10:13)

 

Adigu reer nareed ma tihiid ee soo badbaad gefkaada oo Ciise u qiro dembiyadaada oo sidaanba horey u soo sheegay isagu waa caadil oo wuu kuu cafinayaa dembiyadaada oo dhan wax alla wixii aad samaysayba. Majiraan wax uu Ilaah cafiyi karin waayo, intaanay waxba jirin ayuu jiray oo wax walbana way dhamaan doonaan laakiin isagu weligii wuu jiri doonaa. Badbaadadeena waxay ku xiran tahay oo keliya wanka Ilaah oo ah jidka, runta iyo nolosha. Ciise ayaa ah kan lagu badbaadi karo oo uu Ilaah u soo diray dunidaan dembiga miidhan ah oo isku deyday inay si kastaba uga badbaaddo dembiga oo aan weli jawaab helin. Bal qasiidadaan qaad kana feker erayadeeda oo weydiso Ilaah inuu erayadaan ka dhigo kuwa adiguba qalbigaada uu ku dhisan yahay oo weydiso Ilaah inuu Ruuxiisa Qoduuska ah kuugu soo diro si uu kuu xoojiyo oo aad Masiixa u adeecdid. Runtii dhiig xoolo laga daadiyey dembi dhaaf laguma helayo laakiin waa uun dhiigga kan uu Ilaah u doortay danta cafiska kan keliya ee qaymaha leh oo laysku haylayn karo oo nolol weligeed ah lagu heli karo. Sidaa darraaddeed waa inaan ka xishoonin inaan qasiidadan qaadno oo lagu magacaabay '…Waxba dhiigga Ciise mooye' "Oo dhiigga Ciise waa qaali! Inuu I caddeeyo. Furasho kale garan maayo; waxba dhiigga Ciise mooye.

 

1. Yaa dembigayga maydhi kara? Waxba dhiigga Ciise mooyee.

Yaa qalbigayga safayn kara? Waxba dhiigga Ciise mooyee.

2. Kanu waa furashadaydii oo dhan; Waxba dhiigga Ciise mooyee.

Kanu waa wanaaggaygii oo dhan; Waxba dhiigga Ciise mooyee.

 

Haddii aad hadiyadda Ciise ogolaatay, wixii hore way tageen oo haatan waxaad tahay uun cusub. Ilaah wuxuu na leeyahay, "Sidaas daraaaddeed haddii qof Masiixa ku jiro waa abuur cusub, oo waxyaalihii hore way idlaadeen, bal eega, wax waliba way cusboonaadeen e." (2 Korintos 5:17) Tan kuma eko oo keliya diin, qabiil, madow, ama cadaan laakiin waa qof uun hadduu Masiixa ku jiro waayo, waxaa qoran, "Ilaah intuu dunida jacayl u qabay ayuu siiyey Wiilkisa keliya oo dhashay  in mid kastoo isaga rumaystaa uusan lumin laakiin laakiinse uu lahaado nolosha weligeed ah. Ilaah Wiilka uguma soo dirin inuu xukumo dunida, laakiin wuxuu u soo diray inay dunidu ku badbaaddo isaga." (Yooxanaa 3:16-17) Ma jiro ama qolo xor ka ah badbaadadan uu Ilaah ku keenay Inankiisa madiga ah waayo, wuxuu doonayey inuu dunida oo dhan ka badbaadiyo dembiga. Badbaadiyaha dunida waa Masiixa waana waajib in dunida oo dhan la gaarsiyo Injiilka. Erayada ugu dambayeen uu Masiixa kula hadlay Xertiisa intuusan xagga sare u kicin ayaa sheegeysa laakiin sidee baan ku ogaani karnaa inay waajib nagu tahay in baniaadmiga oo dhan ay farintan gaadho? Waxaa qoran, "Haddaba taga, oo quruumaha oo dhan xer ka dhiga, oo ku baabtiisa magaca Aabbaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Qoduuska ah, oo bara inay dhawraan wax walba oo aan idinku amray, oo bal eega had iyo goor ayaan idinla joogaa xataa ilaa wakhtigu dhammaado." (Matayos 28:19-20).

 

Hadaad goosatay inaad Masiixa raacdid ama aad rumaysatid ha ka welwelin wax dhibaata ah oo kaa soo gaari doono waayo sidaanba horey u soo sheegay Masiixa  ayaa naga balan qaaday inuu nala joogi doono ilaa wakhtiga dhamaadkiisa. Kiniisadduu xilkaas saaran yahay maanta. Waxaa qoran, "Ilaaha nabadda qudhiisu qoduus ha idinka wada dhigo, oo ruuxiinna iyo naftiinna iyo jidhkiinna dhammaan ha la wada ilaaliyo, iyagoo ceeb la' markii Rabbigeenna Ciise Masiix yimaado. Kan idiin yeedhaa waa aamin, wuun samayn doonaa." (1 Tesaloniika 5:23-24). Waxaa dhici kartaa in lagu yidhaahdo waad gaalowday oo Ilaah baad ka tagtay ama ku caasiday oo ugu dambaysta naartaad geli doontaa waayo, inkaarta Ilaah baa ku soo gaartay, laakiin akhristow, ma aadan dooran dhimasho haddaad Masiixa rumaysatid laakiin waxaad dooratay nolosha weligeed ah. Su'aashaadii ku saabsanayd sidaad ku badbaadi lahayd waad u heshay jawaab haddii aad Ciise rumaysato weligaana kama shalayn doontid laakiin waad ku raynrayn doontaa noloshaas daa’imiska ah. Waxaad weliba sii damci doontaa inaad kuwa kale oo aan weli rumaysan la qaybsatid badbaadada aad heshay. Tan waa farinta Ilaah oo lagu magacaabay 'farinta wanaagsan'. Kuwii ay kiniisadda ku aasaasantay markay badbaadeen ma ay joojin inay farinta badbaadada sii baafiyaan. Sababtu waxay ahayd in dunida oo dhan ay gaarsiyaan farxaddaan. Sida qoran, "Maalin walba macbudka dhexdiisa iyo guryahaba kama ay joojin inay dadka baraan oo ku wacdiyaan wax ku saabsan Ciise Masiix" (Falimaha Rasuullada 5:42); "Hadalkii ayuu u soo diray reer bini Israa'iil isagoo ku wacdiyaya nabad xagga Ciise Masiix. Isagu waa wax walba Rabbigood." (Falimaha Rasuullada 10:36)

 

Ciise Masiix ayaa ah badbaadiyaheena oo waa markaan isaga garano keliya markaan ogaani karno sida uu ku yahay waddada badbaadada ay dunida haysato. Arinta ugu muhimsan xagga badbaadada waa nabadda waayo, nabadda waa isha ay ka soo baxaan barakooyinka jacaylka Ilaaheena. Barakooyinka waxaa ka mid ah, SS farxad iyo ammaan. Nabaddu ma ahan oo keliya hab noleydka Masixiinta waayo, Filiboy 4:7  waxaa ku qoran, "Oo nabadda Ilaah oo waxgarasho kasta ka sarraysa ayaa waxay qalbiyadiinna iyo fekerradiinna ku dhawri doontaa Ciise Masiix." Laakiin waa dhagaxa ugu sareeyo sida ku qoran Kolosay 3:15 oo leh, "Oo nabadda Masiixuna ha ku taliso qalbiyadiinna, taas oo laysugu kiin yeedhay isku jidh keliya; oo mahadnaqayaal ahaada." Waa inaan ka fekernaa habka Ilaah ee nabadda sida aan uga akhrinayno Filiboy 4:9 oo leh, "Idinku sameeya waxyaalihii aad barateen, oo aad hesheen, oo aad maqasheen, oo aad aniga igu aragteen; oo Ilaaha nadadduna wuu idinla jiri doonaa."

 

Shaqada Ilaah waxay tahay inuu qalbiyada baniaadmiga ku dhaliyo nabad ugu horeynta nafsaddiisa kadibna shaqadiisa. Waan wada ognahay inuu Ilaah yahay jacayl. Laakiin dabeecadihiisa waxaa mar kasta lagu muujiya qoraalada xaqnimada. Xaqnimada Ilaah ma ahan keliya sharci, ama hab dhaqameyd, laakiin waa waxuu yahay. Markii Ilaah hortiisa xaq lagu noqonaya ma ahan sharci aan oofineyno, laakiin waxaan ku deyaneynaa noloshiisa iyo jacaylkiisa. Laakiin ma ahan keliya xaq wuxuuse jacaylyahay xaqnimada. Aad buu qoduusnimada u jacayl yahay oo wuxuu doonaya in uun kasta xaqnimo ku noolaado, oo saa uma yeelo in uunka uu faa'ido, laakiin inay midho jacayl leh dhalaan sida qoran, "Oo xaqnimada shuqulkeeduna wuxuu ahaan doonaa nabad, xaqnimaduna weligeed waxay keeni doontaa xasilloonaan iyo kalsooni. (Ishacyaah 32:17) Edbinina wakhtiga la joogo uma eka mid lagu farxo, laakiin waxay u eg tahay mid caloolxumo leh, laakiin dabadeedto waxay kuwii lagu edbiyey u dhashaa midho nabad iyo xaqnimo ah." (Cibraaniyada 12:11)

 

In kastoo aan isla Kitaabka Qoduuska ah gaar ahaan uga akhrinayno Baxniintii 20 in Ilaah yahay xaq uuna xanaaqo, waayo ma doonayo inuu dembiga xidid  yeesho sida aan uga akhrin karno Xabaquuq 1:13 iyo Yexseqeel 18:4. Hase yeeshee, arinta la yaabka leh waxay tahay haddana in Kitaabka uu noo sheegayo in Ilaah leeyahay naxariis iyo jacayl. Anigu waxaan halkan ka fahmay  arin la yaab leh,  Ilaaha amarada bixinaya waa kan badbaadada bixinaya, kan dadkiisa xabsiga ka soo bixiyey sida aan uga akhrin karno Baxniintii 20:1-2 oo leh, "Markaasaa Rabbigu erayadan oo dhan ku hadlay, isagoo leh, Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah, oo kaa soo bixiyey daldkii Masar iyo gurigii addoonsiga." Qalbiga Ilaah waxaa ka buuxda xaqnimada, qoduusnimo, naxariis, nimco iyo cafis. Hadduu Ruuxa Qoduuska ah ee Ilaah uu waxyaalahan kuu wada cadayey bal  Qirashadan Iimaanka Masixnimada qiro oo dabadeedna waxaad raadisaa Kinisaad Kitaabka qoduuska ah barayso oo Ciise Masiix rumaysan inuu yahay badbaadiyaha dunida oo aan fasiraadda Kitaabka ku xadgubaynin.

 

Waxaan rumaysanahay Ilaaha Aabbaha ah, Oo ah Qaadirka uumay samada iyo dhulka, Iyo Ciise Masiix, oo ah inankiisa madiga ah, inuu yahay Sayidkeenna, In Ruuxa Qoduuskaa laga uuraystay, oo uu ka dhashay Maryan oo bikrad ah, oo uu ku hoos silcay Bontiyos Bilaatos, oo iskutallaabta lagu qodbay, oo uu dhintay, oo la aasay, inuu maalintii saddexaad soo noolaaday, oo samada aaday, oo uu haatan fadhiyo gacanta midigta ah oo Ilaaha Aabbaha Qaadirka ah; oo halkaasuu ka iman doonaa inuu xukumo kuwa nool iyo kuwa dhintayba. Waxaan rumaysanahay Ruuxa Qoduuska ah, Kiniisadda Ciise Masiix oo caalamiga ah, ururka awliyada, cafiga dembiga, sarakicidda jidhka, iyo nolosha daa'imiska ah. Aamiin.

 

5. Shakiga

Shakigu waa wax ku saabsan hubaal darro qof xaggiisa ah, arin laga hadlayo ama shey iyo wax alla wixii la mid ahba oo waxay haddana noqon kartaa su'aasha uu qof caadilnimo wax u su'aalayo si uu u xaqiiqsado. Aad bay suurtagal u tahay inuu qof wax uusan hubin uu su'aal ka jeediyo waayo, markuu qofka wax su'aalayo wuxuu doonaya inuu helo dhabta arinta laysku haysto. Shakiga ama su'aalidda arin laga su'aalayo ma aha doqonimo ama rumaysad daro laakiin waa caadilnimo waana arin muhim ah waayo, waxay naga hor istaagaysaa inaan go'aan degdeg ah aan gaarin. Haddii dhinacan loo eego, shakiga ma aha cadawga rumaysadka, Kitaabka wuxuu leeyahay, "Haddaba kuwaasu waa ka sharaf badnaayeen kuwii Tesaloniika joogay, maxaa yeelay, hadalkay aqbaleen iyagoo xiiso weyn u qaba oo maalin kasta baadhaya Qorniinka inay hubsadaan waxyaalahaasi inay sidaas yihiin iyo in kale." (Falimaha Rasuullada 17:11) Wax hubsashada ma ahan mid uu dembi ku jiro waayo, waxaa qoran, waxaana qoran sida tan, "sidaa darteed anigana waxaa ila wanaagsanayd inaan, anigoo tan iyo bilowgii wax walba oo dhacay aad u gartay, si hagaagsan kuugu qoro, Te'ofilosow sharaf weyn lahow, inaad garatid hubniintii hadalkii lagu baray." (Luukos 1:3-4)

 

Baarintaanka ama su’aalidda maxumo laakiin niyadda aad qabtid markaad wax baaraysid ayey ku xirantahay waayo, way jiraan kuwa xumaan wax ku naadiyaan sida ku qoran Filiboy 1:17 oo dhigaysa, “Laakiinse kuwa kale waxay Masiixa u naadiyaan si ay dadka u kala qaybqaybiyaan, iyagoo aan daacad ahayn oo ku fekeraya inay dhib igu kiciyaan anigoo xidhan.” Haddii aad niyadaan qabtid, waxaa kuu soo baxayaan wax yaalo been ah oo niyaddaada oo keliya ka farxiyaan. Haddaad daacadnimo dhabta ku raadinaysidna waxaa kuu soo baxayaan waxyaalaha dhabta ah. Su'aalidda ama shakiga waxay nagu caawinaysaa inaan baaritaan qumaati u suubino si aan rumaysadkeena u dhisno. Haddii rumaysadkeena nagala su’aalo waxaan lahaanaynaa jawaab aan kan wax weydiyey kaga jawaabno waayo, Kitaabka wuxuu leeyahay, “Haddaba sidaas daraaddeed way igu qumman tahay inaan sidaas kulligiin idiinka fekero, waayo, qalbigaan idinku hayaa, maxaa yeelay, kulligiin waxaad tihiin kuwo nimcada igala qayb qaata xagga xidhnaantayda iyo xagga daaficidda iyo xaqiiqaynta injiilkaba… [maxaa yeelay, dadka oo dhan wanaag kuma naadiyaan Injiilka waayo,] “Qaarko waxay ku naadiyaan jacayl, iyagoo og in la ii doortay injiilka daaficiddiisa” (Filiboy 1:7, 16)

 

Shakiga ma ahan dembi laakiin waa arin muhim u ah rumaysadkeena waayo, shakiga waa caadilnimo. Ma jiri karo qof nool oo rumaysad kastaba ha lahaadee odhan karo ma shakiyo. Aduunka aan ku noolnahay waxyaalo badan ayaan kala kulmaynaa oo sidaa darraaddeed waaya aragga ayaa na gelinaya inaan su'aalno ama aan ka shakino waxyaalaha qaarkood. Haddii aan sidaa idhaahdo maxaa maskaxdaada ku soo dhalanaya? Ilaaha nolol jaha wareersan miyuu na siiyey? Maxay tahay sababta ay marxaladaha ay ugu muuqan sida aan uga filayno inay ugu muuqdaan dadka rumaysadka leh? Runtii majiro rumaysad dhisan oo shaki la'aan ahaani karo haddii aan daacan noqono. Shakiga ama su'aalidda aan marxaladaha su'aalayno waxay rumaysadkeena u tahay saldhiga laysku halayn karo. Walaal, maxay yihiin waxyaalaha aad ka shakisantahay xagga nolosha Masixiinta? Ilaah u wada bandig adiigoo waxba aan ka cabsanaynin waayo, Ilaah ayaa ah kan wax kasta yaqaana oo wax kasta kuu cadayn karo. Haatan aan aragno saddexda shey oo aan horey u  balan qaaday inaan sharaxi doono oo ay ka mid yihiin,

-          Marxaladaha aan shakiga kala kulano

-          Aasaaska shakiga iyo

-          Daaweynta shakiga

 

Marxaladaha aan shakiga kala kulano

Haddii laga eego xagga rumaysadka masixiinta, shakiga wuxuu ka mid yahay rumaysaddaroda laga qabo Ilaah iyo eraygiisa. Intuu qofka ku noolyahay nolosha dunidaan way imaanaysa xaalad sidaanba horey u idhi qofka shaki kaga dhlinayso dhabta Ilaah. Qofka Masiixiga ah wuxuu shakin karaa markuu isagoo badbaadada Rabbiga helay uu la kulmo waxyaalo uusan noloshiisa ka filanaynin maadama uu Masiixi yahay. Midda kale oo qofka shakiga gelin karto waxay tahay qofka oo erayga Ilaah si qaldan u fasiraa waayo, kitaabka wuxuu leeyahay, "ku alla kii Ilaah ka dhashay dembi ma falo; maxaa yeelay, Ilaah dabiicaddiisu way ku sii jirtaa isaga; oo ma dembaabi karo, waayo, wuxuu ka dhashay Ilaah." (1 Yooxanaa 3:9)

 

Sida aan horey u sheegay shakigu wuxuu ku xiran yahay niyadda qofka waayo, aayadan dadka qaarkood haddii ay u fasiraan in ku alla kii Masiixi ah uusan dembaabeynin, qofkaas waa qaldamay. Waxaa laga hadlaya nolol dembi keliya lagu tilmaami karo oo uu qofka ku nool yahay laakiin ma aha in uu qofka Masiixiga ah uusan weligiiba dembaabaynin. Waa sababtan midda dadka intooda badan ka dhigta inay Masiixnimada isku deyaan oo markay arkaan in Masixiinta ay dembaabayaan hal marna ha ahaatee niyad jabayaan. Ma jiro qof dunidaan jooga oo aan dembaabnin wixii aan ka ahayn Ciise Masiix laakiin inteena kale runti waxaan wada nahay dembiilayaal. Waa Ciise keliya kan taarikh dembi ah aan laga sheegin ama laga sheegi karin. Rasuul Bawlos wuxuu leeyahay sida tan, "Waayo, waxaan samaynayo garan maayo, maxaa yeelay, ma sameeyo wixii aan doonayo, laakiin waxaan sameeyaa wixii aan necebahay. Laakiin haddaan sameeyo waxa aanan doonayn, de markaas heshiis  baan kula ahay sharciga inuu wanaagsan yahay. Haddabase haatan ma aha aniga kan waxaas sameeya, laakiinse waa dembiga igu dhex jira." (Rooma 7:15-17) Runtii ma jiro qof doonayo inuu dembaabo laakiin jarrabaadda aan dunida kala kulmayno ayaa naga dhigtaa kuwa liita uu shaydaanku duufsado. Ilaa uu Rabbigeena mar labaad ka soo laaban doono oo uu sharafta uu xagga Aabbaha kala imaan doono nala qaybsan doono dhibaatadan nagama harayso.

Qofka Masiixiga ah waxaa kaloo uu ka shakin karaa awoodda Ilaah iyo wanaagiisa markay marxalado kuwan ka mid ah ay la kulmaan sida; cudurada, sileca, xaqdarroda, dhaqaalo xumada, dhibaatooyinka wadamada, dhibaatooyinka qoysaska amaba baryo uusan Ilaah ka jawaabin iyo wixii la mid ah ayaa qofka shaki ku ridi karaan wanaagga Ilaah. Laakiin waa in la ogaadaa in markastaba wanaaga Ilaah aan lagu xiri kerin marxaladaha nolosha oo si wanaagsan looga gudbaa, waayo, qofka dhabtii Ilaah rumaysan rumaysadkiisa kama tago xataa markii ay xaaladda nolosha ay wanaagsanayn. Si kastaba ha loo eegee laakiin shakiga oo dhan wuxuu ku salaysanyahay rumaysaddaroda balamada Ilaah laga leeyahay, taa oo weliba haddii eraygiisa niyad wacan lagu akhristo keeneyso faham aan marnaba shaki la gelin kerin in Ilaah uu marxalad kasta ku jiro. Ciise wuu sheegay in Masiixnimadu ay ahayn stareex dunidan lagu stareexayo laakiin waa wax dunida dhamaadkeeda lagu stareexi doono waayo, wuxuu yidhi, " Kan aan iskutallaabtiisa soo qaadan oo aan I soo raacin, ima istaahilo." (Matayos 10:38). Iskutallaabta waa waxa ugu xujudu badan oo uu qofka xambaarto. Iskutallaabta waxa lagaga wado halkani waa qaxarka lala kulmi doono intii nolosha Masiixnimada lagu jiro oo tan waxay cadaynaysaa inaanay jirin stareex iyo dhib la'aan markii Masiixi la yahay. Qofka Ciise rumaysan waa inuu ahaado mid fejignaan ku jira oo wax alla wixii rumaysadka ka soo gaara diyaar u ah. Waxaa qoran, "Haddaba bal maxaad weligaaba noo illowdaa, oo maxaad wakhti dheer noo dayrisaa?" (Baroorashadii Yeremyaah 5:20) Tani waxay ahayd su'aal ay dadka Ilaah ku kalsoon ay Ilaah weydiyeen marka waxaan ka baranaynaa in haddana wakhtiga Ilaah uusan ahayn wakhtiyadeena laakiin Ilaah wuxuu ku tilaabo qadaya wax alla wuxuu doono markuu doono.

 

Aasaaska shakiga

Haddii aan Kitaabka Bilowgii akhrino waxaa inoo cadaanaysaa inuu Shaydaanka yahay kan Xaawa shaki ku dhaliyey markuu ka su'aalay erayada Ilaah. Bilowgi 3:1 waxaa qoran, "Haddaba abeesadu way ugu khiyaano badnayd bahal kasta ee duurka jooga oo Rabbiga Ilaah ahu sameeyey. Oo waxay naagtii ku tidhi, 'Ilaah miyuu idinku yidhi, waainaydnaan waxba ka cunin geed kasta oo beerta ku yaal?" Shaydaanka wuxuu haddana shaki ku dhaliyay Ayuub oo muddo dheer silecsanaa sida ku dhigan Ayuub 1:10-11 oo leh, "Sow deyr kuma aad wareejin isaga, iyo reerkiisa, iyo waxa uu haysto oo dhanba? Shuqulkii gacmihiisaad barakaysay, oo xoolihiisiina dhulkay aad ugu bateen. Laakiinse haddaba bal gacantaada soo fidi, oo wuxuu haysto oo dhan taabo, oo isna sida runta ah, hortaada wax xun buu kaaga sheegi doonaa." Kan wuxuu ahaa shaydaanka oo u malayey in kastoo Ayuub si saxariir ah u silcay wuxuu Ilaah uga xiriir goosan wayay waxyaalaha uu kulahaa daraaddood laakiin saa ma ahayn, waayo, haddii sheekada la sii raaco waxaan arkaynaa in loo fasaxay inuu wax alla wuxuu doono uu Shaydaanka Ayuub ku sameeyo si uu u ogaado in dhaqaalaha uu Ilaah ku haysto darraaddeed uu aamiin u ahayn. Shaydaanka wuxuu doonaya inuu mar kastaba Masixiinta shaki ku dhaliyo si aynan Ilaah u addeecin marxalad kastoo ay ku jiraanba. Wuxuu saa ku yeelaya inuu qalbiyadooda shaki ku dhaliyo.

 

Heerka maamulka dunidana waa arin kale oo Masixiinta shaki ku dhalisaa maxaa yeelay, maamulka dunida waa mid ka soo hor jeedo doonista iyo wanaaga Ilaah.  Xigmadda dunida lagu maamulo waa tan dunida oo ma ahan mid Ilaahiyan ah. 1 Korintos 2:6, 7, 8 waxaa dhigan, "Waxaannu xigmadda kula hadalnaa kuwa garashadu ku dhan tahay, taasoo aan ahayn xigmadda wakhtigan, oo aan ahayn xigmadda madaxda wakhtigan oo ah kuwa la baabi'in doono; laakiin qarsoonnaan ayaannu ugu hadallaa xigmadda Ilaah oo la qariyey, oo Ilaah dunida horteed ka dhigay ammaanteenna aawadeed, tan madaxda wakhtigan midkoodna aanu garanaynin, waayo, hadday garan lahaayeen, iskutaallaabta kumay qodbeen Rabbiga ammaanta…? Sheydaanka wuxuusan ogayn in qorshaha uu Ilaah kuwa Isaga aaminsan u leeyahay aysan ahayn mid uu isaga bedeli karo waayo, erayga Ilaah wuxuu leeyahay, “laakiin sida qoran, waxyaalo aanay ishu arkin, oo aanay dhegtu maqlin, oo aan qalbiga dadka gelin, wax kastoo ay yihiinba, Ilaah baa u diiyaariyey kuwa isaga jecel." (1 Korintos 2: 9)

 

Qofka hadduusan xagga Ruuxa ka dhisnayn wuu rogrogmi karaa oo ma haysanayo wax barasho saldhig wanaagsan leh. Kuwa xagga Ruuxa ka barbaara uu Ilaaha hogaankooda wado waxay la kulmaan waxyaalaha sirta Ilaah ka tirsan oo ay dadka inta badan aqoonin. Maxay tahay sababta aan saa u leeyahay? Waxaa laga yaabaa in arinta ugu weyn ee qofka Masiixiga ah kaga shakisiisa arimaha Ilaah ay tahay qofka oo aan ku barbaarin wax baridda Ruuxa Qoduuska ah. Yacquub wuxuu shakiga baryada laga shakiyo la barbardhiga qofka oo aan go'aan ka gaarin rumaysadkiisa taa oo keeneyso rogrogmasho. Rumaysadka go'aanka leh wuxuu keenaa saldhig wanaagsan oo qumaati Ilaah xiriir lala yeelanaya. Rasuul Bawlos arintaan wuu ka hadlay oo wuxuu leeyahay hadduu qofka ka shakiyo erayga Ilaah oo runta ah weli rumaysadkiisa ayay wax ka dhimanyihiin oo saldhig wanaagsan ma uusan helin. Efesos 4:14 waxaa qoran, "Waa inaynaan mar dambe ahaan carruur rogrogmanaysa oo lagu kaxaysto dabayl kastoo cilmi ah xagga dulanka dadka iyo khiyaanada iyo sirta qaladka." Bawlos wuxuu meeshan digniin ka siinayay reer Efesos maxaa yeelay, wuxuu doonayay inay waxyaalaha Ilaah qumaati u kala bartaan sii aanan loo habsaamin oo aan rumaysadka saxda ah looga jaho wareerin. Masixiinta waa inay lahaadaan Ruuxa qoduuska ah oo lagu kala ogaani karo waxyaalaha qaladka ah iyo waxyaalaha runta ah ee uu Ilaah ka dambayo.

 

Hadduu qof doonayo inuu ka hor tago shakiga noocan ah waa inuu xiriir dhab ah Ilaah la lahaado uuna noqdaa mid daacad ah oo rumaysadka ku barbaara. Xigmadda dunida iyo tan Ilaah waa laba aanan laystusi kerin waayo, xigmadda dunida way ka soo horjeedda tan Ilaah sida qoran, "Waxyaalahaasna ayaannu ku hadalnaa, kumase hadalno hadallo la baro ee ah xigmadda dadka, laakiin waxa Ruuxu baro, annaga oo waxyaalaha ruuxa ah ku simayna waxyaalaha ruuuxa ah." (1 Korintos 2:13) Bawlos wuxuu Timoteyos ku yidhi, "Timoteyosow, wixii laguu dhiibay ilaali, oo ka leexo hadalka aan micnaha lahayn oo nijaasta ah iyo muranka aqoonta beenta ah…" (1 Timoteyos 6:20). Timoteyos waxa lagu aaminay waa Injiilka oo markii uu Bawlos leeyahay hadalka aan micnaha lahayn oo nijaasta ah iyo muranka aqoonta beenta ah…" wuxuu ka wadaa kuwa aan Injiilka ka tirsanayn waayo, waxaa jiraan kuwa doonayaan inay dadka Ilaah habsaamiyaan oo ay dariiqa runta ah ka leexiyaan.

 

Daaweynta Shakiga

War wanaagsan. Haddaba maxaan waxyaalahan ka nidhaahnaa? Haddii Ilaah inala gees yahay, yaa inaga gees ah? (Rooma 8:31) Walaal adigu yaad isku haleysaa? Haddii aad Ilaah isku haleysid de waxba ha ka shakin waayo, kan aad rumaysantahay waa aamin oo kuwa isaga isku haleeyaan weligood ma ceeboobayaan waayo, sida qoran, "Iyagu waxay fiiriyeen isaga, oo way iftiimeen, oo wejigooduna weligood ceeboobi maayo." (Sabuurrada 34:5) Haddii aad Rabbiga isku haleysay isagu kuma deyrin doono haddii aad adigu isaga deyrinin oo aad ka shakinin. Maxay tahay sababta aan saa u leeyahay? Isagu waa aamin oo ma rogrogmado sida baniaadmiga qaarkood oo wax alla wuxuu aasaaso meel kheyr leh buu ku simaya sida ku qoran Filiboy 1:6 oo leh, "Anigu waxaan aaminsanahay in kan shuqul wanaagsan idinku dhex bilaabay uu dhammayn doono ilamaa maalinta Ciise Masiix."

 

Hase yeshee, waxaa jiraan tilaabooyin aan doonaya inaan sheego oo qofka hogaan u noqon karaan habka uu uga dawoobi lahaa su'aalada ama shakiga uu ka qabo nolosha Masiixnimada. Intaadan wax daaweyn waxaa wanaagsan inaad horta hubsatid waxa aad daaweyneysid si aadan ugu qaldamin daawada aad laqaysid. Haddii uu madaxa ku laxabanaya ma doonaysid in lagu siiyo daawo loogu talagalay in boogaha la mariyo oo isla sidaasna shakiga daaweyntiisa waxay ku xirantahay waxa laga shaki qabo in horta la hubsado. Midda kale waxay tahay in uu dhib ku jirin waxa laga shakinaya laakiin uu kan dhibka qaba yahay midka wax shakinaya. Sidaa darraaddeed midka shakinaya waxaan doonaya inuu tilaabooyinka raaco si uu shakigiisa uga samata baxo,

 

1.      Ugu horeynta waa inuu qofka ogaado in Ilaah keliya uu yahay kan aan u qiran karno shakigeena. Waa inaan ogolaano inuu shakiga dembi yahay kana toobad keenno sida qoran, "laakiinse kii shakiya, hadduu cuno, waa xukuman yahay, maxaa yeelay, rumaysad wax kuma cuno, oo wax kastoo aan rumaysadka ka imaninu waa dembi." (Rooma 14:23) Ma wanaagsano in shakiga lagu sii jiro waayo, waxay la mid tahay qof dembi sii haysta oo aan doonaynin inuu qirto ama uu ka toobad keenoo. Ilaah weydisto inuu xigmad xigmad ku  aad shakigaado ku ogaatid oo aad uga toobad keentid kuu siiyo. Kitaabka wuxuu na leeyahay, "oo rumaysad la'aantiis ma suurtowdo in isaga laga farxiyo, taas aawadeed kan Ilaah u yimaadaa waa inuu rumaysto inuu jiro oo uu yahay kan u abaalguda kuwa isaga doondoona." (Cibraaniyada 11:6) Ilaahay wuxuu naga balan qaaday inuu inoo cafinayo xataa dembiyada aan u malayno inay cafismaynin oo wuxuu sugaya qalbiyadeena oo hortiisa nadiif ku noqdaan oo si buuxda isaga isugu dhiibno.

 

2.      Haddii aad doonaysid inaad Rabbiga rumaysatid waxba ha ka shakinin waayo,  kuma deyrin doono maxaa yeelay wuxuu yidhi, "Dabiicaddiinnu ha ahaato mid aan lacag jeclayn, oo waxaad haysataan raalli ku ahaada, waayo, isaga qudhiisu wuxuu yidhi, Sinaba kuu dayn maayo, oo sinaba kuu dayrin maayo. Sidaas daraaddeed innagoo ku kalsoon waxaynu nidhaahnaa, Rabbigu waa kaalmeeyahayga, oo anigu cabsan maayo; Bal maxaa dad igu samayn doonaa?" (Cibraaniyada 13:5,6) Kuweena Masiixa rumaysteen taajka weligii ah ayaa ina sugaya sida aan horey kaaga sheegay 1 Korintos 2:9. Haddii aad nolosha Ciise  shaki ka qabtid waxaad ku tiirsan kartaa waxyaalaha weligoodba taarikh ahaan doona oo haddaba taarikh ah oo xoojinayaan sarakaca Ciise Masiix si aad dhiiri gal u heshid oo aad u hubsatid inaad adiguna sara kici doontid oo ay ka mid yihiin; sii sheeggii ay nebiyada horey u sii sheegeen, siduu Ciise ugu sii waxyooday wixii isaga ku dhacay xagga dhimashadiisa iyo sara kaciisa intuusan dhiman, Qabrigii oo maydhan, siduu xertiisa ugu muuqday kadib markuu sara kacay. Waxyaalahan oo dhan waxay cadaynayaan in Kitaabka qoduuska ah uu sheegaya waxyaala dhab ah oo laysku halayn karo.

 

3.      Arinta saddexaad waa mid ku saabsan hubsashada waxa aad rumaysan tahay waayo, haddaadan hubin waxa aad rumaysantahay kama aadan xadgudbin rogrogmashada iyo shakiga iimaankaada. Rasuul Bawlos wuxuu 2 Korintos 13:5 ka yidhi, "Isjirraba inaad iimaanka ku jirtaan iyo in kale, oo bal istijaabiya. Oo miyeydnaan is-ogayn in Ciise Masiix idinku jiro haddaydnaan ahayn kuwo aan loo bogin?" su'aasha ama shakiga arin laga qabo waxay ku xirantahay niyadda  qofka waayo, waxaan horay uga soo hadlay shakiga wanaagsan.  Tusaale, markaad is weydinaysid in runtii aad Rabbiga aaminsantahay iyo in kale ma ahan su'aal qaldan waayo, waxaad doonaysaa inaad Ilaah hortiisa ku ahaatid qalabka dhabta ah uu ka doonaya baniaadmiga inay ahadaan. Haddii aan  ka akhrino Cibraaniyada 6:1-9 waxaa qoran,  "Taas daraaddeed aynu iska dayno ka-hadlidda waxyaalihii ugu horreeyey ee Masiix, oo hore aynu ugu socono kaamilnimada, oo yaynaan mar kale dhigin aasaaska ka-toobadkeenidda shuqulladii dhintay, iyo iimaanka xagga Ilaah, iyo waxbaridda baabtiisyada, iyo gacmo-du-saaridda, iyo sarakicidda kuwii dhintay, iyo xukunka weligiis ah. Oo tan waynu samayn doonnaa haddii Ilaah idmo. Kuwii mar loo iftiimiyey, oo hadiyaddii jannada dhadhamiyey, oo laga dhigay kuwa ka qayb galay Ruuxa Qoduuskaa, oo dhadhamiyey eraygii wanaagsanaa ee Ilaah iyo xoogagga wakhtiga iman doona, oo dabadeedna dhacay, ma suurtowdo in loo cusboonaysiiyo toobabadkeenidda, iyagoo mar kale Wiilka Ilaah iskutallaabta isugu qodbaya oo bayaan u ceebaynaya. Waayo, dhulka cabbay roobka marar badan ku dul da'a, oo u soo saara geedo u wanaagsan kuwii beeray, wuxuu Ilaah ka helaa barako, laakiin hadduu dhalo qodxan iyo yamaarug, waxtar ma leh, oo habaar buu ku dhow yahay, ugu-dambaystiisana waa in la gubaa laakiin gacaliyalayaalow, wax ka wanaagsan oo idinku saabsan ayaa lana aaminsiiyey iyo waxyaalaha badbaadada, in kastoo aannu sidan u hadalnay."

 

Badbaadada Ciise Masiix looga helayo xagga dembiyadeena waxaa saldhig u ah rumaysad yar oo Ciise Masiix la rumaysto inuu yahay badbaadiyahayna. Waa ilaa aad badbaadada uu Masiixa ku siiyey aad qaadataa si aad shakiga badan ee ku salaysan iimaankaada. Waxba yaanan nolosheena iyo xiriirka aan Ilaah la leenahay ka shakinin waayo, waxaan haysanaa Ciise Masiix kan inoo ah tiirka jira oo aan isku halayn karno. Waxaan aragnay inuu Masiixa ahaa kan dhiig daa'cad ah noo daadshay oo dhiigiisuna uu ahaa kan soo koobay dhiigagii xoolaha oo waagii hore la daadin jiray ama la daadiyo hadaba. Waxaan kuugu dhiiri gelinaya inaad baryada badsatid haddii aad doonaysid inaad shakiga ka hor imaatid. Arinta baryada waxaan si dheeraad ah uga hadli doonaa baalalka ugu dambeeyaan.

 

6. Saddex lagama maarmaan ah

Waxaa jiraan saddex shey uu qofka Masiixa rumaysanaya uusan ka maarmin waxaana ka mid ah,

Ø      Kitaabka qoduuska ah (Baybalka)

Ø      Ruuxa Qoduuska ah

Ø      Baryada

 

Kitaabka qoduuska ah

Rumaysadka wuxuu ku yimaadaa erayga Ilaah oo la maqlo waayo, kan erayga Ilaah maqlaa ama akhristaa wuxuu helaa cunto joogta ah. Rooma 10:17 waxaa qoran, "Haddaba rumaysadku wuxuu ka yimaadaa maqlidda, maqlidduna waxay ku timaadaa hadalka Masiixa." Haddii aan akhriska Kitaabka badsano rumaysadkeena wuu sii weynaanaya oo weliba wuu sii xoogeysanaya. Mar dambena kuma jiri doonno xaalad rogrogmasha ah rumaysadkeena shaki nogu jiro. Weliba waxaa ugu sii muhimsan inaan barano waxyaalaha saldhiga u ah waxyaalaha Kitaabka ku qoran waayo, haddii aan saldhiga aqoonin waan ku jaho wareeraynaa akhriskiisa. Baybalka wuxuu ka tirsan yahay buugagta ay inta badan dadka federadaha ka soo xigtaan. Fekeradaha laga soo xigta waxay noqon karaan kuwa ka soo horjeedaan runta Kitaabka ku jirta ama baabi'inayso wuxuu Kitaabka sheegaya. Waxaa jiraan buugag badan oo ay qoreen dad badan oo cilmi sare leh laakiin waxaa dhacdaa in muddo kaddib la cusboonaysiyo ama fekerada cusub lagu kordhiyo maxaa yeelay, federadda uu ka sheekaynaya waa mid taarikhdiisa laga gudbay.  laakiin Kitaabka qoduuska ah (Baybalka) weligiisba wax alla wixii ku qoran oo dhan waa isla waxyaalihii ku dhowaan laba kun oo sanadoo oo la soo dhaafay iyo wixii ka horeyey la qoray oo ilaa maantadan erayada buugan maalin kasta way u sii cusboonaanayaan qofka akhristo.

 

Waxaan is weydin karnaa maxay tahay sababta uu u bedelmin? Lama bedeli karo waayo, waa dhacdo dhab ah oo dhacday oo runtii qof wax ku dari karo ama ka saari karo ma jiro maxaa yeelay, Yooxanaa 9:25 waxaa qoran, “Wuxuu haddaba ugu jawaabay, Inuu dembi leeyahay garan maayo, waxa keli ahoo aanse garanayaa, inaan indha la'aa, oo aan haddana wax arkayo." Waxyaalo aan ka shakinay naguba qasbayaan inaan Kitaabka bedelno si uu u dhiggo sida nala quman waayo, waxaa qoran, "Oo wax alla wixii aan idinku amrayo waa inaad dhawrtaan oo yeeshaan, waxna ha ku darina, waxna ha ka dhimina." (Sharciga Kunoqoshadiisa 12:32) Kitaabka haddana wuxuu leeyahay, "Waxyaalaha qarsoon waxaa iska leh Rabbiga Ilaaheenna ah, laakiinse waxyaalaha la muujiyey waxaa iska leh innaga iyo carruurteenna weligeenba inaan sharcigan erayadiisa oo dhan yeelno." (Sharciga Kunoqoshadiisa 29:29)

 

Ruuxa Qoduuska ah

Kitaabka qoduuska ah waa mid laysku halayn karo waayo waxyaalaha ku jira oo dhan waa dhacdooyin dhab ah oo xagga ruuxa lagaga barbaari karo. Fekerad kasta oo Masixiinta ka dhigayso kuwa Kitaabka qoduuska ah rumaysan waxaa ka dambaya xRuuxa qoduuska ah oo ah xoojiyaha qofka iyo erayga Ilaah. Ruuxa Qoduuska ah ayaa ah kan qofka u kala cadaynaya wax yaalaha ku jiraan Kitaabka qoduuska ah la'aantiisna si kastoo loo akhristo lama fahmi karo Kitaabka. Ma jirto fekerad kale oo isku ekaani karto si kastoo ay uga timid qof cilmi sara leh haddii ay ku dhisnayn Erayga Ilaah taa oo iyadana uu Ruuxa Qoduuska ah kuu bandhigaya. Nin la yidhaahdo Calvin wuxuu yidhi: 'Waayo, Ilaah naftiisa wuu isku filan yahay inuu marqaati fur iisu noqdo uu Eraygiisa iskuugu markhaati furo, oo sidaa oo kalena Erayga Ilaah qalbiyada dadka ma gelayo haddii uu Ruuxas Qoduuskaa ee Ilaah uu qofka u kala bixinin waxa uu sheegaya.' Marka isla Ruuxa Qoduuskaa isaga ah oo ku hadlay afka nebiyada waa inuu qalbiyadeena galaa si uu si rumaysad leh uu nooga dhaadhiciyo waxa uu Ilaah nagu leeyahay markaan Kitaabka akhrinayno.

 

Bilawgii cutubka kowaad waxaa ka muuqata in Ilaah uu Eraygiisa waxyaalo badan ku diwaan geliyey maxaa yeelay, cutubka inta badan waxaan arkaynaa inay ka buuxdo Ilaah wuxuu yidhi marka waxaa cad in erayga Ilaah uu yahay wax ay naf ku jirto oo mid alla kii erayga Ilaah isku haleeyana Ilaah wuu u indho furayaa fahamsinaayana eraygiisa. Haddana walaal ha ilowbin in Ilaah uu baniaadmiga ku hadlo waayo, xataa erayada Kitaabka qoduuska ah Ilaah meel cidla ah iskiiga ma hadlin laakiin wuxuu ku hadlay ama uu kula hadlay dadka isagoo xaaladaha ay dadka ku jiraan ka hadlayo oo dadka rajo siinayo oo u sii banaynayo sidii ay ula macaamilmi lahaayeen dhibaatooyinka iyaga haysato. Waxaa qoran, "Qorniin kasta wuxuu ku ahaaday Ruuxa Ilaah oo waxtar buu u leeyahay waxbaridda, iyo canaanashada, iyo hagaajinta, iyo edbinta xagga xaqnimada; in ninka Ilaah u ahaado mid dhan oo aad loogu diyaariyey shuqul kasta oo wanaagsan." 2 Timothy 3:16

 

Marka walaal ma odhan kartid wax wanaagsan baan samayaa haddii aadan ku dhaqmayn sida doonista Ilaah ay tahay uu Kitaabkiisa Qoduuska ah noo tilmaamayo.  oo haddana waxaanu aragnay in Sababta Kitaabka qoduuska ah loo istecmaalaya waxay tahay inay kuwa Ilaah u adeega lahaadaan hogaamin xaq ah oo ah midda weligeedba cabirka ku taagan maxaa yeelay, qaybta labaad ee aayadda aan kor ka akhriyay waxay leedahay '…in ninka Ilaah u ahaado mid dhan oo loogu diyaariyey shuqul kasta oo wanaagsan' Ilaah ayaa naga dhigi karo kuwa dhan oo diyaar u ah shuqul kastoo wanaagsan isagoo sidaanba hore u soo sheegnay Ruuxiisa qoduuska ah noo soo dejinayo si uu noogu cadeyo macnaha Eraygiisa. Tan waxay nagu qasbaysaa inaan macnaynta Erayga Ilaah aan wax ka taabano de aan ku weydiye sidee baan Erayga Ilaah u macnaynaa? Sideena nagu waajib ah inaan u macnayno?

Qof kasta wuxuu Erayga Ilaah u macneya sida la quman ama uu doonaya inuu erayga ku fasiro marxaladaha uu ku jiro. Wax kasta niyad alla tii lagu akhriyo ayaad jawaabteeda uga heleysaa; haddii aad niyad xun Kitaabka ku akhrisid waxaa uun kuugu soo degeysaa fekerad xun oo xoojinayso xumaatadaada, oo haddii aad ku akhrisid fekerad nadiifsan uu Ruuxa qoduuska ah ku jiro runti Ilaah wuu kuu cadaynaya waxa kuugu habboon inaad baratid. Erayga Ilaah waa in loo macnayaa sida dhabtiisa ay tahay maxaa yeelay, macnaha iyo farinta markay isla wada socdaan runtii kuwa loo macnaynayo ama akhrisanayaan way fahmayaan waxay akhrinayaan.

 

Aan ka fiirsanno macalimiinta beenta ah waayo, waxaa qoran, "Bal tan ogow, maalmaha ugu dambeeya waxa iman doona wakhtiyo dhib badan.maxaa yeelay, dadku waxay ahaani doonaan kuwo naftooda jecel, iyo kuwo lacag jecel, iyo kuwo faan badan, iyo kuwo kibir badan, iyo kuwo cayntan badan iyo kuwo waalidkooda caasi ku ah, iyo kuwo aan mahad naqin, iyo kuwo aan qoduus ahayn…" (2 Timothy 3:1,2) Tani waxay aad u dhacdaa markuu qofka uu ka fekerayo oo keliya waxyaalaha dunida waayo, waxaan aragnay waxyaalaha sida lacag jeclaanta, kibirka, iwm. Oo qofka waxyaalahan ku tiirsan way ka suurtowdaa inuu wax kastoo habaanin ah baniaadmiga kale ku sameeyo. Soomali been way sheegtaa laakiin kuma maahmaado oo waxay ku maahmaahday, 'dad iyo duurba wax aanan la filanayn baa ka soo baxaa' marka walaalkeyow iska jir xataa kuwa aad kuugu dow waayo, ma ogid sida uu iyaga shaydaanka u istecmaalayo.

 

Runtii baniaadmiga wax kasta way ka suurtobaan waayo, dadka noocan ah waa kuwa aan Ilaah ka baqin waxayna isku deyi karaan inay dadka habaabiyaan markay macnaynayaan Kitaabka. Aan ka digtoonaano marka la dhaygaysanayo kuwa erayga Ilaah macnaynayaan si aanan loo habaanin. Waxaa qoran, "Laakiin waxaa dadkii ka dhex kacay nebiyo been ah, oo idinkana sidaas oo kale waxaa idinku dhex jiri doona macallimmo been ah, oo qarsoodi idinku keeni doona bidcinimo wax haligaysa, iyagoo inkiraya xataa Sayidkii soo iibsaday, oo dushooda ku soo dejinaya haligaad dhaqso ah." (2 Butros 2:1) Waxaan kuugula talin lahaa inaad tijaabisid ruux walba si aadan u raacin ruux qaldan waayo, waxaa qoran, "Gacaliyayaalow, ha rumaysanina ruux walba, laakiin ruuxyada tijaabiya si aad u hubsataan inay kuwa Ilaah yihiin, waayo, nebiyo badan oo been ah ayaa u soo baxay dunida." (1 Yooxanaa 4:1) oo ma ahan keliya inaad ruuxyada tijaabisid laakiin waa inaad wax kastana aad tijaabisaa waayo, waxyaalaha qaarkood haddaadan iska ilaalin shalayn ayaa kuu dambayn doontaa waayo, Kitaabka wuxuu leeyahay, "Wax walba tijaabiya, wax fiicanna xajiya. Wax kasta oo shar u egna ka fogaada. (1 Thesaloniika 5:21-22)

 

Ilaah wuxuu wax kasta ku soo koobay Ciise Masiix kaa oo ah Erayga nool ee Ilaah. Sida dhigan, "Ilaah wuxuu waagii hore siyaalo badan oo kala duduwan awowayaasheen kula hadlay nebiyadii, laakiin maalmahan ugu dambaystooda wuxuu inagula hadlay Wiilkiisa uu ka dhigay kan wax walba dhaxla, kan uu duniyooyinkana ku sameeyey. Oo isagu waa dhalaalka ammaantiisa iyo u-ekaanta ahaantiisa, oo wax walba wuxuu ku hayaa erayga xooggiisa, oo goortuu daahirinta dadka dembiyadooda sameeyey dabadeed ayuu wuxuu fadhiistay Weynaha xagga sare midigtiisa, isagoo aad uga wanaagsan malaa'igaha siduu u dhaxlay magac ka sii wanaagsan kooda." (Cibraaniyada 1:1-4). Ilaah wuxuu maanta sida aan aayadaan uga akhrinayba nagula hadlayaa Eraygiisa nool. Yooxanaa 1:1-4 waxaa qoran, "Bilowgii waxaa jiray Hadalka, Hadalkuna wuxuu la jiray Ilaah, Hadalkuna wuxuu ahaa Ilaah. Isagu Ilaah buu la jiray bilowgii. Wax walba waxaa laga sameyey xaggiisa, oo wixii la sameeyey lama samayn isaga la'aantiis. Isaga waxaa ku jirtay nolol noloshuna waxay ahayd nuurka dadka.

 

Ilaah wuxuu noqday mid naga dhexeeyo oo nala maro dhibaatada dunida oo dhan. Wuxuu na tusinaya inaan ka adkaani karno waayo, Ruuxa qoduuska ah ee Ilaah ayaan horseed ka dhiganay. Ciise markuu dunida joogay wuxuu sitay Ruuxa Ilaah kaa oo isaga xoojiyey. Wax alla wuxuu Ciise dunida kaga guulaystay waan ka guulaysanayna haddaan rumaysano badbaadadiisa. Ciise wuxuu yidhi mid alla kii isaga rumaystaa wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah oo nolosha weligeed ahna qof aanan isaga rumaysnayn kuma dhaco inuu helo maxaa yeelay, balanta waxaa weeyaan si uu mid alla kii isaga rumaystaa uusan lumin laakiin uu lahaado nolosha weligeed ah sida ku dhigan Yooxanaa 3:16. Dhabtii isagu wuu nala jiraa mar kastaba maxaa yeelay, wuu jiri jiray wuuna jiraa inuu maanta nala jirana waxaa xaqiiq noo ah erayadiisa aan ka akhrinayno Injiilka  dhigaaya sida tan, "Oo Ciise ayaa u yimid oo la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, Amar oo dhan aya samada iyo dhulka laygu siiyey…oo bal eega had iyo goor ayaan idinla joogaa xataa ilaa wakhtigu dhammaado." Matayos 28:18-20

 

War wanaagsan

Ciise Masiix keliya ayaa ah kan cadaabta dembiga looga badbaadi karo maxaa yeelay, erayga Ilaah waxaan ka aragnay inaynan jirin wax kale oo aan ku badbaadi karno. Habka keliya waa in Wanka Ilaah la rumaysto maxaa yeelay, dhimashada mid kasta oo an isaga rumaysanin way u dambaysaa haddii aan ka hadalno dhimashada Ruuxa taa oo weligeedba naarta lagu jiri doono oo aan farxad Ilaahii na uuntay aan kula joogi karin waayo, Rabbigeena wuxuu yidhi, "…oo cod baa samooyinka ka lahaa, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay, oo aan ku faraxsanahay." (Matayos 3:17)  Yooxanaa 3:16,17 waxaan ka aragnay in Ilaah uu dunida jacayl u qabay oo uu lex jaclaysan inankiisa keliya laakiin uu u bixiyey dunida si mid kastoo isaga rumaystaa uusan lumin ama uu naarta gelin laakiin uu lahaado nolol farxad leh ee xagga Jannada. Isagu dunida uma iman inuu xukumo laakiin wuxuu u yimid inay dunida isaga ku badbaado waa tee dunida badbaadeyso? Ilaah xukunka baniaadmiga xoog weyn ma saarin laakiin wuxuu xoogga saaray badbaadada uu baniaadmiga dembiga ka badbaadin lahaa.  macnaha waxaan ka wada xukunka waa maalinta ugu dambaysaa oo ma ahan intuu baniaadmiga dunidaan ku nolyahay waayo, intaan dunidan ku noolynahay weli waxaan leenahay fursad aan ku toobad keenno si aan Ilaah ugu noqono waayo, eraygiisa wuxuu leeyahay sida tan, "Ciise ayaa ku dhawaaqay oo yidhi, Kii I rumaystaa, ima rumaysto, wuxuuse rumaystaa kan I soo diray. Kii I arkaana, wuxuu arkaa kan I soo diray. Waxaan dunida u imid inaan nuur u ahaado, in mid kasta oo I rumaystaa uusan gudcurka ku sii jirin. Nin uun hadduu erayadayda maqlo oo uusan xajin, xukumi maayo, waayo, uma iman inaan dunida xukumo, waxaanse u imid inaan dunida badbaadiyo. kii i diida oo aan erayadayda aqbalin, wuxuu haystaa mid xukuma. Hadalkaan ku hadlay baa xukumi doona isaga maalinta u dambyasa." (Yooxanaa 12:44-48)

 

Ilaah wuxuu ka dan leeyahay rumaysadka Ciise Masiix la rumaysto inuu yahay Sayidkeena ee ma ahan shuquladeena wanaagsan. Xataa kuwa aan Ilaah rumaysnayn ka shuqul wanaagsan kuwa Masixiinta ah. Sidaa daraaddeed Ilaah wuxuu eegaya qalbiyadeena iyo xiriirka gooniga ah oo aan isaga la leenahay. Dhaqan diimeed nagula ma xukumi doono maxaa yeelay, Ciise wuxuu sheegay inay maalinta ugu dambaysa ay jiri doonaan kuwa badan oo isaga ku odhan doonaan, Rabbiyow, miyaanan magacaada wax ku sii sheegin, oo aan jinniyada ku saarin magacaada oo weliba waxyaala la yaab leh miyaanan ku samayn magacaada? Laakiin waxaan ugu jawaabi doonaa ayuu yidhi, iga fogaada kuwiina sharciga ku xadgudbaya! (Matayos 7:22-23.) Diinta ma ahan wax aan ku faani karno maxaa yeelay, hadduu jiri lahaa qof ku faanaya wuxuu ahaani lahaa walaalkeen Rasuul Bawlos laakiin kuma uusan faanin bedelkuu ku faani lahaa waxaan arkaynaa isagoo raadinaya siduu Ciise xiriir cusub ula yeelan lahaa. Sida qoran, “Walaalayaalow, waxaan idin ogaysiinayaa in injiilka aan idinku wacdiyey uusan ka iman xagga dadka. Waayo, kama aan helin xagga dadka, laymana barin, laakiin waxaa ii muujiyey Ciise Masiix. Waad maqasheen dabiicaddaydii hore xagga diintii Yuhuudda, sidii aan kiniisaddii Ilaah aad iyo aad ugu silcin jiray oo u kharribi jiray. Oo kuwa badan oo asaaggay ah oo aan isku waddan nahay ayaan kaga hor maray diinta Yuhuudda, anigoo aad iyo aad ugu adag xeerarkii awowayaashay. Laakiin Ilaaha uurkii hooyaday iga doortay, oo nimcadiisa iigu yeedhay, markuu ku farxay inuu Wiilkiisa iga dhex muujiyo inaan dadka aan Yuhuudda ahayn ku wacdiyo isaga warkiisa, isla markaasba lama aan tashan bini aadan. Yeruusaalemna uma aan aadin kuwii hortay rasuullada ahaa, laakiinse waxaan aaday dalka Carabta, dabadeedna waxaan ku soo noqday Dimishaq.” (Galatiya 1:11-17) Haddii aan ka sii akhrino Filiboy 3:5 - 11 waxaa qoran, “Aniga waxaa lay guday maalinta saddeedaad, oo waxaan ahay jinsiga reer bini Israa’iil, oo waxaan ka ahay qabiilka Benyaamiin oo waxaan ahay Cibraani ka mid ah Cibraaniyada; oo xagga sharcigana waxaan ahay Farrisi; xagga qiiradana waxaan ahaa mid silcin jiray kiniisadda, xagga xaqnimada sharciga ku jirtana waxaan ahaa eedlaawe. Habase yeeshee, waxyaalihii faa’iidada ii ahaa kuwaas Masiixa aawadiis ayaan khasaare ku tiriyey. Runtii anigu wax kasta ayaan khasaare ku tirinayaa wanaagga aqonta aan aqaan Rabigayga Ciise  Masiix aawadiis, kaas oo aan aawadiis wax kasta ugu khasaaray, oo haatan waxaan ku tirinayaa inay yihiin qushaash inaan Masiixa faa’iido ahaan u helo oo isaga dhexdiisa layga helo, anigoo aan lahayn xaqnimo tayda ah, taas oo sharciga laga helo, laakiinse anigoo leh tan laga helo rumaysadka Masiixa, taas oo ah xaqnimada xagga Ilaah rumaysadka lagaga helo, inaan ogaado isaga iyo xoogga sarakiciddiisa iyo wadawadaagidda xanuunsigiisa, anigoo isaga xagga dhimashadiisa ugu ekaanaya, si kasta ha ahaatee haddii aan gaadhi karo sarakicidda kuwii dhintay.”

 

“Waxaan ku mahad naqaya kan xoogga I siiyey oo ah Rabbigeenna Ciise Masiix, waayo, wuxuu igu tiriyey mid aamin ah intuu hawshiisa ii doortay, in kastoo aan hore u ahaan jiray mid dadka caaya oo silciya,  oo dhiba, laakiin waa la ii naxariistay, waayo, aqonla’aan baan ku sameeyey, anigoo aan rumaysanayn. Nimcada Rabbigeena waxay aad iyo aad ula badatay rumaysadka iyo jacaylka ku jira Ciise Masiix. Hadalkanu waa run, waana mid istaahila in la wada aqbalo, in Ciise Masiix dunida u yimid inuu badbaadiyo dembiilayaasha anoo ah kan ugu dadran.” (Timoteyoska kowaad 1:12-15) Waxaa jiray nin la odhan jiray Korneliyas oo isagana ka mid ahaa madaxda culumada diinta laakiin isaguna wuxuu arkay inuusan taa ku badbaadaynin  hadduusan Ciise xiriir cusub la lahayn sida aan uga akhrinsan karno Falimaha Rasuullada 11:14aad oo leh, “kaasoo kugula hadli dona hadallo aad ku badbaadi doontid, adiga iyo dadka gurigaaga oo dhammiba.” Aayadda aan buugan ku bilaabay waxay ahayd mid ku saabsan su’aal uu qof weydiyey. Ninka su’aashas weydiyey wuxuu ahaa nin daraja leh oo kuwa xabiska ku jiraan ilaalinayay laakiin xabiskiisii ayay mucjiso soo gashay oo kuwii uu ilaalinayay ayaa wada fakadeen kuwa oo ahaayeen Bawlos iyo Saylas. Sidaa daraaddeed wuxuu goostay inuu is deldelo maxaa yeelay, maxabiistii gacan kuma hayo laakiin Bawlos ayaa ku soo jeestay oo ku yidhi waxba ha isyeelin maxaa yeelay, qofna ma maqno oo waan wada joognaa e. Markasuu weydiyey su’aasha ahayd, “…maxaa igu waajib ah inaan yeelo inaan ku badbaado?” (Falimaha Rasuullada 16:30) Ma og tahay jawaabta la siiyey? Waxaad ka akhrin kartaa isla aayadda ku xigta ee ah Falimaha Rasuullada 16:31oo leh sida tan, “…Rumayso Rabbi Ciise, waadna badbaadi doontaa, adiga iyo dadka gurigaaguba.”

 

Saacaddan aad buugan akhrinaysid waxaa laga yaabaa inay jiraan waxyaala badan oo xagga noloshaada ku niyad jebiyey sida askarigan. Laakiin akhristow war wanaagsan aan kuu sheego, ha yasin magaca Ciise Masiix inaad rumaysatid wax alla wixii horey isaga lagaaga sheegayba bal jilba joogso oo u yeedh isaga inuu kuu ahaado badbaadiyaha keliya oo noloshaada ka bixin karo ciriiriga aad ku jirtid. Maalinta xukunka waa uun adiga iyo Ilaahaaga oo waalid, walaalo ama wadaaddada diinta xukunka kula ma istaagi doonaan. Sidaa daraaddeed go’aanka aad maanta garaysid waa mid u dhexeeya nolol iyo geeri maxaa yeelay, ma hubtid saacadda soo socota wax ku qabsan doono. Waxaa laga yaabaa marxaladaha kuugu hareersan inay yihiin kuwa kaa hor staagay inaad Masiixa rumaysatid. Laakiin waxaan doonaya inaan kuu sheego sheeko Kitaabka qoduuska ah ku jirta, waxaa qoran,  “Waxaa jiray nin ka mid ayaa Farrisiinta oo la odhan jiray Nikodemos oo Yuhuudda taliye u ahaa. Isagu habeenkuu u yimid Ciise, wuxuuna ku yidhi, Macallimow, waannu og nahay inaad tahay macallin ka yimid Ilaah, waayo, ninna ma samayn karo calaamooyinkan aad samayso haddaan Ilaah la jirin. Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Runtii, runtii waxaan kugu leeyahay, Qof haddaanu ma kale dhalan, boqortooyadii Ilaah arki kari maayo. Nikodemos wuxuu ku yidhi, sidee baa nin mar kale u dhalan karaa isagoo duq ah? Miyuu mar kale uurkii hooyadiis geli karaa oo ka dhalan karaa? Ciise baa ugu jawaabay, Runtii, runtii, waxaan kugu leeyahay, Qof haddaanu ka dhalan biyo iyo Ruuxa, boqortooyadii Ilaah geli kari maayo.

 

Waxa jidhka ka dhashaa waa jidh,  waxa Ruuxa ka dhashaana waa Ruux. Ha la yaabin haddaan ku leeyahay, waa inaad mar kale dhalataan. Dabayshu way u dhacdaa meeshay doonto, waxaadna maqashaa xiinkeeda, laakiin ma ogid meeshay ka timaado iyo meeshay u kacdo; waa sidaas oo kale qof kasta oo Ruuxa ka dhasha. Nikodemos ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Sidee baa waxyaalahaas u noqon karaan? Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, ma waxaad tahay macallinka Israa’iil, oo aadan weliba waxyaalahaasna garanayn?” (Yooxanaa 3:1-10). Ninkan nin culuma ah buu ka ahaa oo haddii wax qalad ah laga dareemo dhibaato weyn bay u geysan lahayd sidaa daraaddeed wuxuu goostay inuu Ciise u yimaado habbeenimo. Nikodemos ma uusan qaymaynin dhaqan diimaydkiisa laakiin wuxuu goostay inuu Ciise wax ka barto taa oo la baray inay qof waajib ku tahay  inuusan ku dhaqmin waxyaalaha jidhka laakiin uu ahaado mid Ruuxa qoduuska ee Ilaah uu hogaaminaya.

 

Wax alla wixii jidhka ku dhaqmaa waa jidh wayna baabi’i doonaan laakiin wax alla wixii aqoonsiga Ilaah lagu sameeya waa Ruux oo weligood way waari doonaan. Jidhka ama dhaqamada diinta Ilaah laguma garto laakiin waxaa Ilaah lagu gartaa qalbi nadiifsan oo isaga shaqsi ahaan xiriir ula yeesho. Kitaabka wuxuu leeyahay,  “…ma waxaad tahay macallinka Israa’iil, oo aadan weliba waxyaalahaasna garanayn?” qof diini ah baan ahay waxyaalaha Ilaah laguma barto. Nikodemos waxba wuu ka garan waayay waxyaalihii uu Ciise isaga kula hadlay waayo, wuxuu ku fekerayay shuqullada diinta. Runtii wadaad baan ahay iyo shuqulada wanaagsan ee ay diinta iiga baahantahay ayaan sameeyaa laguma fahmi karo waxyaalaha ruuxiga ah ee Ilaah. Nekodemos oo keliya ma ahan laakiin dadka intooda badan waxay ku fikiraan waxyaalaha aduunka. Waxay isku deyayaan inay dadaalkooda kaga baxsadaan suurtagalna ma ahan sida uu Ciise ninkan ku yidhayba. Waxyaalaha ruuxa waa ruux oo waxyaalaha jidhkana waa jidh markay arinta heerkan joogto waxaaba la gaaraya heer aan Ilaah yasayno oo aan waxyaalaha qaarkood aan rumaysanaynin inuu Ilaah awoodo.

 

Waxaa jirtay mar uu Ciise Masiix runta u sheegay isagoo ku canaananaya rumaysad la’aantiisa sida aan uga akhrinayno Matayos 16:21-23 waxaana qoran sida tan, “Kolkaa dabadeed Ciise Masiix ayaa bilaabay inuu xertiisii u sheego inay waajib ugu tahay inuu Yeruusaalem tago, oo xanuun badan ka helo waayeellada iyo wadaaddada sare iyo culimada, oo la dilo, oo maalinta saddexaad la sara kiciyo. Markaasaa Butros gees u waday oo bilaabay inuu canaanto, oo wuxuu ku yidhi, Ilaah ha kaa hayo, Sayidow, taasu weligaa kuuma noqon doonto. Laakiin Butros ayuu u soo jeestay oo ku yidhi, Gadaal iga mar, Shaydaan yahow. Waad i xumaynaysaa e, waayo, waxyaalaha Ilaah kama fekertid, waxaadse ka fekertaa waxyaalaha dadka.”

 

"…ma suurtowdo in dibiyo iyo orgiyo dhiiggoodu dembiyo qaado…"

 

Baryada

Baryadu waa habka keliya uu baniaadmiga Ilaah kula xiriiro. Baryada ma ahan keliya Ilaah wax ka codsashada laakiin Ilaahna baryaduu nagula hadlaa maxaa yeelay, markaan wax ka barino waa inuu noo jawaabo siduu ku jawaababa. Dhib kastoo aan nolosha kala kulanaa waa inaan ilowbin waxaan leenahay Aabbaheena jannada ku jira oo wax kasta awooda. Baryada la sheegaya waxay leedahay habab badan sida ay arinba mid kale uga hor imaanayso waxaana ka mid ah,

Saraysinta Ilaah Baryadeena waa inaan Ilaah ku saraysiina horta intaanan wax dhibaatooyinkeena ku saabsan ula tegin. Daanyeel 4:34-35 waxaa qoran, markii wakhtigii dhammaaday ayaan anigoo ah Nebukadnesar indhaha kor u taagay, waxgarashadaydiina way ii soo noqotay, markaasaan ku mahad naqay ka ugu sarreeya, waanan ammaanay oo ciseeyey kan weligiis nool; waayo, dowladnimadiisu waa dowladnimo aan weligeed dhammaanayn, boqortooyadiisuna waxay raagtaa fac ilaa fac; oo kuwa dhulka deggan oo dhammu isaga lama sinna, siduu doono ayuu ciidanka samada iyo dadka dhulka degganba ka yeelaa; mana jiro mid gacantiisa joojin karaa ama ku odhan karaa, maxaad samaynaysaa?”

Qirashada dembiga sida aan uga akhrinayno 1 Yooxanaa 1:9aad waxaana qoran sida tan, “Haddaynu dembiyadeenna qiranno, isgu waa aamin iyo caadil inuu demiyadeenna inaga cafiyo, oo uu inaga nadiifiyo xaqdarrada oo dhan.”

In Ilaah loo baryo kuwa amarada leh sida aan uga akhrinayno 1 Timoteyos 2:1-3 waxaana qoran sida tan, “Sidaas daraaddeed ugu horraysta waxaan kugu waaninayaa inaad Ilaah u baridid, oo aad u tukatid, oo aad u ducaysid, oo aad u mahad naqdid dadka oo dhan, khusuusan boqorrada iyo kuwa amarka lehba, inaynu nolol xasillon oo nabdaysan ku noolaanno, innagoo si walba cibaado iyo maamuus u leh. Taasu way wanaagsan tahay, waana mid Ilaaha Badbaadiyeheenna ahu aqbali karo.”

Waa inaan dadka kale oo dhibaysan Ilaah u barinaa sida noogala amray Yacquub 5:14-15aad waxaana qoran sida tan, “Mid bukaa ma idinku dhex jiraa? Ha u yeedho waayeellada kiniisadda, oo iyagu ha u duceeyeen, oo saliid ha ku mariyeenmagaca Rabbiga. Ducaddii rumaysad lahu way bogsiin doontaa kii buka, oo Rabbigu waa sara kicin doonaa, oo hadduu dembaabay waa loo dembi dhaafi doonaa.”

Ugu dambaysta waa inaan ilowbin inaan Ilaah ugu mahad celino baryada uu naga ogolaaday sida aan uga akhrinayno Filiboy 4:6 oo dhigan sida tan, “Waxba ha ka welwelina, laakiinse wax kastaba baryadiinna Ilaah ku ogeysiiya tukasho iyo duco mahadnaqid la jirto.” Waxaan soo aragnay tillaabooyinka uu qofka raacayo markuu baryada gelaya haddana waxaan doonaya inaan wax ka sheego waxa qofka looga baahan yahay inuu guto intuusan baryada bilaabin taa oo aan ka hadlaya afar shey oo Kitaabka Qoduuska ah ku salaysan waana kuwan,

1.            Qalbi nadiifsan waa arin muhim ah inuu qofka lahaado qalbi nadiifsan intuusan Ilaah hor tegin maxaa yeelay Ilaah qalbiga wasakhda ah dad kama lahan hadduusan weli badbaadin sida aan uga akhrinayno Sabuurrada 66:18,19 waxaana qoran sida tan, “Haddaan dembi qalbigayga ku arkay, sayidku ima uu maqleen, laakiinse sida runta ah Ilaah waa I maqlay, oo codkii baryadaydana dhegtuu u dhigay.” Meqaa maanta naga mid ah oo odhan karaan sida uu nebi Daa’uud yidhi? Amaba erayadaan kale uu nebi Daa’uud isagoo is huba uu ku dhawaaqay oo aan ka akhrin karno Sabuurrada 139:23, 24aad oo dhigan sida tan, “Ilaahow, I baadh, oo qalbigayga garo, I tijaabi, oo fekerradayda ogow, oo bal fiiri inuu jid xumaan ahu igu jiro iyo in kale oo igu hogaami jidka weligiis ah.”

2.            Waa inuu qofka rumaysad lahaado inay waxa uu Ilaah ka baryaya ay noqonayso maxaa yeelay haddaanu rumaysad lahayn wax kasta oo aan samayno runtii suurtagal ma ahan sida aan uga akhrinayno Matayos 21:22 waxaana qoran sida tan, “Oo wax kasta oo aad tukasho ku baridaan idinkoo rumaysan waad heli doontaa.”

3.            Waa inaan magaca Ciise Masiix ku weydisanaa wax kastoo aan weydisanayno Ilaah sida aan uga akhrinayno Yooxanaa 14:13aad waxayna leedahay sida tan, “Oo wax alla waxaad magacayga ku weydiisataan, waan samayn doonaa in Aabbuhu ku ammaanmo Wiilka.”

4.            Waa inaan barinaa si ay doonista Ilaah u ahaato laakiin ma ahan doonisteena annaga baniaadmiga ah maxaa yeelay, wax yaalaha aan annaga isla doonayno waxaa laga yaabaa inta badan inuu Ilaah nala rabin sida aan uga akhrinayno 1 Yooxanaa 5:14,15aad waxayna dhigaysaa sida tan, “Oo tanu waa kalsoonaanta aynu isaga u qabno, taasoo ah haddaynu wax uun doonistiisa ku barinno, isagu wuu ina maqlaa, oo haddaynu og nahay inuu inaga maqlo wax alla wixii aynu ka barinno, waxaynu og nahay inaynu leennahay waxayaalihii aynu isaga ka barinnay.”

 

Tan ka sokow waxaa dhici kartaa dadka qaarkood inay is weydin karaan anigu waxyaalahan oo dhan waan samayey mana helo baryadayda. Maxaa iga maqan oo aan samaynin? Xaaladdas waa mid dunida oo dhan haysato iyaduna waxaan doonaya inaan lix tillaabatood kaga baxo taa oo aan wax kasta saldhig kaga dhigaya Kitaabka qoduuska ah,

 

1.            Midda ugu horeysa waxay ahaani kartaa in noloshaada uu dembi ku jiro sida aan uga soo akhrinayba Sabuurrada 66:18, 19 oo dhignayd sida tan, “Haddaan dembi qalbigayga ku arkay, sayidku ima uu maqleen, laakiinse sida runta ah Ilaah waa I maqlay, oo codkii baryadaydana dhegtuu u dhigay.”

2.            Waxa aad baryaysid Waxaa laga yaaba inay yihiin wax aad adiga isla rabtid oo ay laakiin noloshaada muhim u ahayn. Ilaah wuu og yahay waxa noo wanaagsan waayo, isagu waa aabbahayna jannada ku jira sida aan uga akhrinayno Yacquub 4:3 waxaana qoran sida tan, “Waad weydisataan, mana heshaan, waayo, si xun baad u weydiisataan inaad ku bixisaan damacyadiinna aawadood.”

3.            Waxaa dhici kartaa inaad Ilaah baryaysid laakiin aad ka shakisan tahay baryadaada. Haddii aan ka akhrino Yacquub 1:5-7 waxaa dhigan sida tan,

“Laakiin haddii midkiin xigmad u baahan yahay, ha ka baryo Ilaah, kan kulli si deeqsinimo ah u siiya isagoo aan canaanan, oo waa la siin doonaaye. Lakiin rumaysad ha ku baryo, isagoo aan shakiyayn, waayo, kii shakiyaa wuxuu la mid yahay hirka badda oo dabayshu kaxayso oo rogrogto. Ninkaasu yuusan u malayn inuu Rabbiga wax ka heli doono.”

4.            Waxaa dhici kartaa inay noloshaada ku jirto adeec daro uu Ilaah doonaya inaad horta ka toobad keentid si uu Ilaah kuu ogolaado waayo, Ilaah ma jogola qalbiga toobadkeen la’aanta ah. Ilaah iyo dembiga waa laba aan is arki Karin (mugdi iyo iftiin) Waa uun kii dembiyadiisa qirta kan Ilaah hor imaani kara. Maahmaahyadii 28:9 waxay leedahay sida tan, “Kii dhegtiisa ka leexiya inuu sharciga maqlo, xataa baryootankiisu waa karaahiyo.”

5.            Waxaa laga yaabaa inay noloshaada ay ka muuqato naxariis darro maxaa yeelay, Ilaahay inta badan wuxuu noo barakadayaa inaan barakada uu na siiyey aan dadka kale la sii qaybsano laakiin haddii aan teena keliya ka fekerayno Ilaah wuu naga gaabsanaya Maahmaahyadii 21:13 waxayna leedahay sida tan, “Kii dhegihiisa u fureeyaa si aanu qaylada miskiinka u maqlin, isaga qudhiisuna wuu qaylin doonaa, laakiinse lama maqli doono.” Ilaahay naga ma dhigo kuwa naxariis daran oo ay saa inkaarta ama carada Ilaah ugu dhacdo. 

6.            Midda qaybtan ugu dambayso oo baryada ka reebi karto inaanan laga jawaabin waxay ahaani kartaa kibir. Kibirka inta badan wuxuu dadka ka dhigaa kuwa isla weyn oo aan xataa Ilaah aan tala saaran laakiin iyaga uun u malaynayaa inay isku filan yihiin (waxay qaateen beenta sheydaanka). Dadka noocan ah markay Ilaah u soo jeestaan Ilaah waxba ugu ma jawaabayo ilaa ay kibirka ka toobad keenaan. Baryada waxaa ka horeyaa toobadkeenka dembiyadeena si ay qalbiyadeena Ilaah hortiisa nadif ugu ahaadaan. Erayga Ilaah wuxuu kibirka ka leeyahay sida tan,

“Farrisigii intuu istaagay ayuu waxyaalahan isugu tukaday, Ilaahow, waxaan kuugu mahad naqayaa inaanan ahayn sida nimanka kale oo wax dulma, iyo kuwa xaqa daran, iyo dhillayaasha, ama xataa sida cashuurqaadahan. Toddobaadkiiba laba kol ayaan soomaa, waxaan haysta oo dhanna toban meelood ayaan meel ka bixiyaa. Laakiin cashuur qaadihii meel fog ayuu ka istaagay, ma uuna doonaynin inuu indhihiisa cirka u qaado, lakiin laabtiisa ayuu garaacay isagoo leh, Ilaahow, ii naxariiso anigoo dembi leh. Waxaan idinku leeyahay, kan iyo kii kale, kan baa gurigiisa tegey isagoo la caddeyey inuu xaq yahay; waayo, mid kasta oo isa sarraysiiiya waa la hoosaysiin doonaa, oo kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.” (Luukos 18:11-14).

 

Ilaah wuxuu nooga baahan yahay inaan ahaano kuwa is hoosaysiiya maxaa yeelay, sarraysiinta waa mid uu isaga ku dan leeyahay; oo annaga xataa haddii aan isa sarraysiino meel aan is gaarsin karno ma jirto. Waxaa jirtaa aayad kale oo ka hadlaysaa is hoosaysiinta inay wanaagsan tahay waayo, Ilaah kuwa is hoosaysiiya ayuu sarraysiin doonaa waana tan aan ka heleyno 1 Butros 5:6,7 waxaana qoran sida tan, “Haddaba sidaas daraaddeed gacanta xoogga leh oo Ilaah iska hoosaysiiya, si uu wakhtigiisa idiin sarraysiiyo. Welwelkiinna oo dhan isaga saara, maxaa yeelay, isagu dan buu idinka leeyahay.” Runtii Ilaah dan buu naga leeyahay oo dan buu noo uumay dantana ma ahan inaan dunidan ku silicno laakiin wuxuu doonaya inaan isaga addeecno oo aan ku sii adkaysano wax alaate wixii nala soo gudboonaadaba. Si kasta oo aan isku deyno nolosheena inaba ma badbaadin karno laakiin waa Ilaah kan badbaadin karo sidaa daraaddeed waa inaan isku deyin inaan awoodeena isku badbaadino si aan nolosheena u waynin sida aan uga akhrinayno Matayos 16:25-26 oo leh, “ Kan doonaya inuu naftiisa badbaadiyo, waa lumin doonaa, oo kan naftiisa u lumiya aawaday wuu heli doonaa. Waayo, nin maxay u taraysaa hadduu dunida oo dhan helo oo uu naftiisa lumiyo? Ama nin muxuu u bixiyaa naftiisa beddelkeeda?”

 

Dadka Ilaah way ilowbeen oo qofba wuxuu ka soo hor jeedaa baniaadmi kale lagula diriraya dunidan laga wada tegi doono qaarkoodna waxay doonayaan inay hubka ay hagaajiyeen uu ahaado kan dunida oo dhan ugu sareeya si ay magac u lahadaan. Laakiin waa tan uu Rabbigeena wedinaye e, nin maxay u taraysaa hadduu dunida oo dhan helo oo uu laakiin naftiisa lumiyo oo uu wax rajo ah xagga Ilaah ka lahayn maalinta xukunka?

 

Waa inaan Ilaah baryo kula hadalnaa maxaa yeelay, wuxuu nagu amrayay inaan isaga barinaa waayo, wuu ina siinaya waxyaala waaweyn oo aan weligeen ku fekerin inaan heli karno sida aan uga akhrinayno Yeremyaah 33:3aad oo dhigan sida tan, “I bari , waanan kuu jawaabi doonaa, oo waxaan ku tusi doonaa waxyaalo waaweyn oo qarsoon oo aadan qoon.” 1 Korintos 2:9 oo aan horay kuugu sheegayna waxaa qoran, “waxyaalo aanay ishu arkin, oo aanay dhegtu maqlin, oo aan qalbiga dadka gelin, wax kastoo ay yihiinba, Ilaah baa u diiyaariyey kuwa isaga jecel."

 

Waa inaan ogaano in nala uumay oo uu uumahayna uu yaqaano ka badan inta aan u malaynayno inaan naqaano maxaa yeelay, annaga aragga, maqalka iyo shanta dareen ee jidhka ayaan wax ku naqaanaa laakiin kii na uuntay wuxuu yaqaanaa in badan oo aan weligeenba aan u malayn lahayn inay jiraanba sida aan uga aragnay Yeremyaah 33:3aad. Waa inaan ahaano dad Ilaah isku haleeyaan oo Ilaah ka talla qaata waayo, waa Isaga kan istaahila in laysku haleeya.

 

Ilaah wuxuu nooga baahan yahay inaan ahaano kuwa is hoosaysiyaan maxaa yeelay, Kitaabka qoduuska ah wuxuu noo sheegaya inay nagu waajib tahay inaan is hoosaysino si uu Rabbigeena noo saraysiyo. Haddii aad akhristow doonaysid inaad barya guud baratid oo aad isla codsigii ay xerta Ciise qabeen qabtid, Ciise wuxuu xertiisa ugu jawaabay oo aan adiga ku leeyahay maanta adiguu kugula hadlaya erayadan, “Haddaba sida tan u tukada, Aabbahayaga jannada ku jirow, magacaagu qoduus ha ahaado. Boqortooyadaadu ha timaado, doonistaada dhulka ha lagu yeelo sida jannada loogu yeelo. Kibis maalin nagu filan, maanta na sii. Oo naga cafi qaamahayaga sidaannu u cafinnay kuwa noo qaamaysan. Oo jirrabaadda ha noo kaxayn, laakiin sharka naga du. Waayo, boqortooyada iyo xoogga iyo ammaanta adigaa leh weligaa. Aamiin.” (Matayos 6:9-13aad)

 

Qof alla kii buugan akhrisanayow haddii aad weli Rabbiga rumaysan waxaan kuugu dhaafi lahaa erayadan anigoo kuleh maalinta aad rumaysan lahayd waa maanta saacaduna waa tan aad erayadan akhrinaysid. Erayga Ilaah wuxuu leeyahay,  “Rabbiga doondoona inta isaga la heli karo, oo isaga barya intuu dhow yahay. Ka sharka lihi jidkiisa ha ka tago, ninka aan xaga ahaynuna fekerradiisa, oo Rabbiga ha u soo noqdo, oo isna wuu u naxariisan doonaa, oo ha u yimaado Ilaaheenna, waayo, aad buu u saamixi doonaa. Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, fekerradaydu fekerradiinna ma aha, oo jidadkiinnuna jidadkayga ma aha. Maxaa yeelay, sida samooyinku ay dhulka uga sarreeyaan ayay jidadkaygu jidadkiinna uga sarreeyaan, oo fekerradayduna fekerradiinna uga sarreeyaan.” (Ishacyaah 55:6-9aad). Haddii aad go’aankas gaartay waxaan kula jeclaan lahaa inaad qirashada iimaanka qiratid haddii aad horey u qiratayna inaad dib uga fekertid erayada si ay u ahaadaan ku qalbigaaduna uu ku raacsan yahay laakiin yaysan ahaanin kuwa dhigan oo aad akhrinaysid. Waa kuwan erayada Qirashada Iimaanka oo aan hore u soo sheegay, Waxaan rumaysanahay Ilaaha Aabbaha ah, Oo ah Qaadirka uumay samada iyo dhulka, Iyo Ciise Masiix, oo ah inankiisa madiga ah, inuu yahay Sayidkeenna, In Ruuxa Qoduuskaa laga uuraystay, oo uu ka dhashay Maryan oo bikrad ah, oo uu ku hoos silcay Bontiyos Bilaatos, oo iskutallaabta lagu qodbay, oo uu dhintay, oo la aasay, inuu maalintii saddexaad soo noolaaday, oo samada aaday, oo uu haatan fadhiyo gacanta midigta ah oo Ilaaha Aabbaha Qaadirka ah; oo halkaasuu ka iman doonaa inuu xukumo kuwa nool iyo kuwa dhintayba. Waxaan rumaysanahay Ruuxa Qoduuska ah,

Kiniisadda Ciise Masiix oo caalamiga ah, ururka awliyada, cafiga dembiga, sarakicidda jidhka, iyo nolosha daa'imiska ah. Aamiin.

 

Ummadda inta badan way taqaana kan uu yahay Ciise waa inkiraad isaga la inkiraya midda looga soo hor jeeda maxaa yeelay, arintaan waxay ahayd mid dhacday ku dhowaan laba kun oo sanadood oo la soo mooday oo ilaa maantadan aad buugan akhrinaysid waxay u egtahay dood cusub oo maanta bilaabanaysa. Masixiinta raacsan rumasadka Ciise Masiix inuu yahay badbaadiyaha dunida ayaa ah ‘diinta’ ugu weyn dunida maanta taa oo ay ku xigta diinta Islaamka sidaa daraaddeed u malayn maayo inay malaayiin qof ay wax been ah raacsan yihiin maxaa yeelay, haddii ay ahaani lahayd wax aan jirin shaki kuma jiro mar hore ayaa lagu kala tegi lahaa oo ma jiri lahayn wax Masiixa ku saabsan iskaba daa rumaysad la rumaysta e lagamaba hadli lahayn. Baryadayda waxay tahay inay dunida fahamto dhabta ku jirta Masiixa si maalinta ugu dambaysa uusan u jirin qof odhan doona liima sheegin warkan wanaagsan ee badbaadada kaa oo ah kan cafiga dembiga lagu helaya.

 

7. Gebagebada

Waxaan taabtay lix shey oo kala ahaa, nolosha, dhimasha, Wanka Ilaah, Shakiga, Kitaabka qoduuska ah iyo Ruuxa qoduuska ah ee Ilaah iyo Baryada. Qofka hadduusan nolol xagga xiriirka Ilaah uu lahayn waa mid dhintay oo xagga ruuxa Ilaah wuu ka go'ay oo xaqiiq waxaa ah in qofkaasi uu mustaqbal farxad iyo rajo leh uusan xagga Ilaah ka lahayn. Hase yeshee, noqo mid faraxsan waayo, Wanka Ilaah waxaa loo bixiyey inay kuwa aan Ilaah xiriir la lahayn ay dib xiriir ula yeeshaan oo sidaa darraaddeed ayuu iskutallaabta ugu dhintay oo isaga oo dembi lahayn ayuu dembi noo noqday. Ilaah intuu dunida jacayl u qabay ayuu siiyey inankiisa madiga ah si uu mid kasta oo isaga rumaystaa uusan lumin laakiinse uu lahaado nolosha daa'imiska ah. (Yooxanaa 3:16)

 

Hase yeeshee, waxaa jiraan kuwa weli ka shakisan badbaadada ay Ciise Masiix ku heli karaan waxyaalaha dhaqankoodu ka dhaadhiciyey awgeed. Aniguse akhristow,  shaki iigama jiro in Ciise Masiix yahay badbaadiyahayga u yimid dunidan lunsan oo isaga keliya ayaa ah kan aan si kastaba kaga fakan karno dembiga oo aan xiriirkii hore oo uu baniaadmiga Ilaah la lahaa dib ugu heli karno. Laakiin intaa keliya kuma filno oo waxaan u baahanahay wax na sii dhiiri geliyo oo aan maalin kastaba u leexan karno waana Kitaabka Qoduuska ah oo aan ka heli karno wax kastoo ku saabsan abuuritaankii dunida iyo inta dhexdooda wixii dhacay iyo sababta aan badbaadiyey ugu baahanahay iyo Ruuxa Qoduuska ah ee Ilaah oo fahamka erayga Ilaah na siinaya. Adigoo ku tiirsan hogaanka Ilaah oo eraygiisa akhrinaya oo uu Ruuxiisa Qoduuska ahna kuu sii cadaynayo, kama maarantid inaad ka qayb qaadatid qox Masixiin ah shirarkooda si aad xagga ruuxa uga dhisantid oo ay wax alla wixii aad fahmina ay kuu sharaxaan. Adiguna waa inaad la qaybsatid wax alla wixii aad ka qabtid rumaysadka Masiixnimada waayo, iyaguna wax bay kaa baranayaan oo ma ahan keliya inay iyaga ku barayaan. Ugu dambaysta waa inaan xiriir joogta ah la lahaano Ilaaheena xaalad kastoo aan ku jirnaba taa oo aan ku samayn karno baryada aan Ilaah kula hadlayno maxaa yeelay, Ilaah ma barino keliya markaan dhibaysanahay laakiin mahad naq iyo saraysiinba waa inaan ugu tagnaa isaga.

 

Haddaad qirashada Iimaanka qiratay oo aad doonaysid inaad baratid wax dheeraad ah oo ku saabsan noloshaada iyo xiriirka aad Ilaah la leeday fadlan ku biir Kiniisad ama raadi walaala kale oo Masixiin ah oo aad Ilaah wada caabudi kartaa oo aad Kitaabkiisa wada akhrisan kartaan. Markaad keligaa tahay shaydaanka wuu kaa fa’idaysanaya oo shuquladii dembiga ahaayeen ayuu dib kuugu celinaya waayo, Kitaabka wuxuu leeyahay, “Feeyignaada oo soo jeeda, waayo, cadowgiinna ibliiska ahu sida libaax ciyaya ayuu u wareegaa oo u doondoonaya cid uu liqo.” (1 Butros 5:8) laakiin markaad walaalaha kale wada joogtaan waad is wada dhiiri gelinaysaan oo beenta uu shaydaanka dadka waxyaalaha dunida ku jeclaysinaya uu doonista Rabbiga kaka leexinaya waad ka hor imaan kartaan. Kitaabkana aad buu gacan u siinaya arinta wada jirka ama iswehelsiga sida qoran, “Laba waa ka wanaagsan yihiin mid qudha, maxaa yeelay, abaalgud wanaagsan bay hawshooda ka helaan. Waayo, hadday dhacaan, mid baa wadaygiis sare u qaadi doona, laakiinse waxaa iska hoogay kii markuu dhaco keligiis ah, oo aan lahayn mid kale oo sare u qaada. Oo hadduu nin ka adkaado mid keligiis ah kollay laba way hor joogsan doonaan. Xadhig saddex qaybood laysugu soohay dhaqso uma kala go’o.” (Wacdiyaha 4:9, 10, 12). Ogow “ kan idiin  yeedhaa [Ciise Masiix] waa aamin, wuuna samayn doona” (1 Tesaloniika 5:24) wax alla wuxuu balanqaado iyo wuxuu idinku yeedhay oo dhan maxaa yeelay Isagu sida baniaadmiga uma rogrogmado. Haddaba go’aankaada wax shaki ah weligaa ha gelinin ee Ilaah uun isku halee waayo, qofkii baniaadmig isku haleeya ama wax ka sugaa wuu inkaaranyahay laakiin waxaa barakadaysan kan uu tiirkiisa jira uu yahay Rabbigga uumay samada iyo dhulka (Yeremiah 17:5; Sabuurrada 121:1, 2).

 

Haddii aad codsi dheeraad ah ama su’aalo qabtid waxaad ku soo codsan kartaa ama aad nagala soo xiriiri kartaa cinwaankan,

CODKA WADADA NABADDA

Sanduuqa Boostada 76001 – 00508

Nairobi ,   Kenya .

 E-mail: cwn@email.ro

8. Saldhiggada qoraalka

Waraysi aan dad toos uga waraystay arimo kala duwan

(John E.Schwarz:Word Alive; An Introduction to the Christian Faith,Tabgha Foundation, Minneapolis, Minnesota,1995,pg.192)

Elwell Walter A.;Evangelical Dictionary of Biblical Theology, Baker Book hse.,1996,pg.154-156 and 484-486

Kitaabka Qoduuskaa turjumaanka Af Soomaaliga ©Old Testament: SIM. 1979

© New Testament (revised):United Bible Societies 1976,1979

William Still, Towards Spiritual Maturity,Christian Focus Publication, Scotland , 1986.

Gordon Lindsay,The Way to Eternal life,Pub.Christ for the Nations, Dalas Texas

GBN © ABS;From Death to life

QASIIDOOYIN ILAAH AMMAAN AH, English press, Noofemba, 1993

The NIV study Bible, Zondervan Publishing House Michigan , 1986

The NIV Quiet time Bible, InterVersity Press, Zondervan , Illinois , 1985

The New Open Bible - Study Edition, Thomas Nelson Publishers, 1982

New Bible Commentry, 21st Century Edition, InterVersity Press, Leicester, England, Illinois, USA, 1994.

 

Buugan waxaa qoray oo xaq kasta u leh Sharmaarke. Waxaa qarash gelisay daabacadaan ugu horaysa idaacadda CODKA WADADA NABADA oo u fasaxan inay qaybiso.

© 2005 Sharmaarke

 Wax alla wixii su’aal ah ama codsi ah waxaa lagala soo xiriiri karaa,

Idaacadda CODKA WADADA NABADA

Sanduuqa Boostada 76001 – 00508

Nairobi , Kenya

E-maylka: cwn@email.ro

Visit us at: www.codkanabada.org
Global Good News Literature
P. O. Box 451336 Los Angeles, CA 90045
© 2006
 Webmaster@globalgoodnews.org