JAWAABO LAGU NOOLAAN KARO |
Jawaabo aad ku kalsoonaan kartid oo ku saabsan su’aalaha ugu muhiimsan xagga noloshaada Jawaabta
Baybalka
|
Jawaabaha Su’aalahaaga Kusaabsan
…….
Baybalka …………………………………………………………… Page 01 Ilaah………………………………………………………………… Page 03 Askunka aduunka……………………………………………………Page 06 Dhicitaankii uu Banii-aadanku ku dhacay dembiga……………………Page 08 Ciise Masiix ………………………………………………………...Page 09 Badbaadada………………………………………………………….Page 14 Ku noolaanshaha Masiixinnimada……………………………………..Page 17 Salaada………………………………………………………………..Page 22 Guurka iyo Qoyska………………………………………………….Page 25 Silaca iyo Jarribaada………………………………………………...Page 28 Waxyaalaha iman doona ……………………………………………Page 30 Badbaadadaada. ……………………………………………………..Page 34 |
BAYBALKA
Timoteyoska Labaad 3:16b
Butroska Labaad 1:21t Haa Erayga Ilaah waa run oo ballan qaadyada ku jira oo dhan dhabtii waa la buuxiyey. Ma jiro nin nolosha si buuxda ugu noolaan karo isaga oo aanan baranin Ereyga Ilaah ee runta ah. Baybalka waxa uu ina barayaa sidii aynu sidii aynu ugu noolaan lahayn nolol qiimo leh oo uu Ilaah ku faraxsan yahay. Kitaabka Qoduska ah ee Baybalka waxa uu innagu hogaaminayaa Sayid Ciise Masiix kaas oo aynu xaggiisa ka heli karno nolosha weligeed ah. Yooxanaa 20:31 Ilaah
waa midka abuuray dunida iyo isha nolosha oo dhan. “Ilaaha sameeyey dunida iyo waxyaalaha ku jira oo dhanba, oo ah Rabbiga samada iyo dhulka ….. dhammaan isagaa siiya nolosha iyo neefta iyo wax walbaba.” Falimaha Rasuullada 17:24,25 2. Immisa Ilaah oo run ah ayaa jirta? 3. Miyey suurtagal tahay inaynu baranno runta ku saabsan Ilaah? “Tan iyo abuurniinta dunida waxyaalihiisii aan la arki karin ayaa bayaan loo arkaa, iyagoo laga garto waxyaalihii la sameeyey, xataa xooggiisa daa’imiska ah iyo Ilaahnimadiisa, si ayan marmarsiinyo u lahaan.” Rooma
1:20 “Ilaah
wuxuu waagii hore siyaalo badan oo kala duduwan awowayaasheen kula hadlay
nebiyadii.”
Cibraaniyada 1:1 4. Miyey jirtaa hab kale ee uu Ilaah na isugu keen muujiyey?
Cibraaniyada 1:2b 5.
Waa maxay waxyaalaha qaar ee uu Ilaah
inoo sheegay ee ku saabsan isaga? Ilaah
waa mid leh nimco, jacayl iyo wanaag. “Rabbigu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad, Cadhona wuu u gaabiyaa, wuuna naxariis badan yahay. Rabbigu wax kasta wuu u roon yahay, naxariistiisuna waxay ka sarraysaa shuqulladiisa oo dhan.”
Sabuurrada 145:8,9 6.
Waa maxay waxa kale ee uu Ilaah inoo
muujiyey ee ku saabsan isaga? Ilaah
waa mid awood badan, xaq ah oo qoduus ah. “Laakiinse
Ilaahayagu samooyinkuu ku jiraa, oo wax alla wixii uu doonayayna wuu
sameeyey.”
Sabuurrada 115:3 “Shuqulladaadu
way weyn yihiin, oo yaab bay leeyihiin. Boqorka quruumahow, jidadkaagu waa
xaq oo waa run.”
Muujintii 15:3t “Qoduus,qoduus,
qoduus waxaa ah Rabbiga ciidammada, oo dhulka oo dhanna waxaa ka buuxda
ammaantiisa.”
Ishacyaah 6:3 7. Ilaah miyuu leeyahay billow?
Maya, Ilaah ma lahan billow ama dhammaad.
“Intaan buuruhu dhalan ka hor, iyo intaanad samayn dhulka iyo dunida, iyo xataa weligeed iyo weligeedba adigu waxaad tahay Ilaah.”
Sabuurrada 90:2
8.
Suurtagal ma tahay inaan Ilaah indhaheena
ku aragno? Maya,
indhaha banii-aadanku ma arki karaan Ilaah. “Kan keligiis aan dhimanayn, oo ku dhex jira nuurka aan loo dhowaan Karin, oo aan ninna arkin, lana arki Karin.”
Timoteyoska Koowaad 6:16 9.
Miyey wanaagsan tahay inaynu sameyno
muuqaal ama sawir Ilaah si uu inooga caawiyo caabuditaanka Ilaah? Maya,
Ilaah waa Ruux oo innagama doonayo inaynu sameyno wax sanam ah noocuu
doonaba ha noqdee. “Ilaah
waa Ruux, kuwa caabudaa isagana waa inay ku caabudaan ruuxa iyo runta.”
Yooxanaa 4:24 “Waa
inaanad sameysan sanam xardhan, ama wax u eg waxa samada sare jira, ama
waxa dhulka hoose jira, ama waxa biyaha dhulka ka hooseeya ku jira.”
Baxniintii 20:4 10.
Ilaahan weyn ee qoduuska ah, waa maxay
xiriirka uu la leeyahay aduunkeenan manta? Ilaah
waxa uu sutida u hayaa oo uu xukumaa aduunkeena maalinba maalinta ka
dambeysa. Isagu waa isha barako waliba ee aynu ku faraxsanahay. “Ka ugu sarreeyaa u taliyo boqortooyada dadka, oo uu siiyo ku alla kii uu doonayo.” Daanyeel 4:32 “Laakiin wanaag buu sameeyey, oo wuxuu samada idinka siiyey roob iyo xilliyo barwaaqo ah, isagoo qalbiyadiinna ka dherginaya cunto iyo farxad.” Falimaha Rasuullada 14:17 11.
Ilaah wax dan ah muu ka leeyahay sida qof
waliba ugu nool yahay aduunkiisa? Aad
ayuu u doonayaa. Maalin maalmaha ka mid ah qof waliba waxaa la xisaabtami
doona Ilaah wixii uu aduunka ku sameynayey. “Oo
uun aan hortiisa ka muuqani ma jiro, laakiin wax waliba way qaawan yihiin
oo bannaan yihiin indhihiisa hortooda, Cibraaniyada 4:13 12.
Ilaah miyuusan ku wanaagsanayn inuu
daneeyo baahideena iyo dhibkeena? Ilaah
wax waliba ee ka dhaca aduunka wuu daneeyaa –xitaa waxyaalaha ugu yar
yar. “Laba shimbirood miyaan beesad lagu iibin? Middoodna dhulka ku dhici mayso amarka Aabbihiin la’aantiis. Timaha madaxiinna oo dhan waa tirsan yihiin.” Mataayos 10:29,30 13.
Ilaah diyaar uma yahay inuu ina maqlo
marka aynu la hadalno isaga? Haa,
Ilaah wuu maqlaa ducada kuwa sida daacada ah ugu yeedha isaga. “Rabbigu waa u dhow yahay inta isaga barida oo dhan, kuwaas oo ah inta runta ku barida oo dhan.” Sabuurrada 145:18 14. Ma suurtagal baa inaynu si buuxda u fahamno Ilaah iyo wadooyinkiisa? Rooma 11:33
Dadka
badanaa waxay weydiiyaan su’aalo ku saabsan halka uu aduunku ka soo
askunmay. Aduunku sidee buu ku bilowday? Halkeebay wax waliba ka yimaadeen?
Ma waxaa jira mid sameeyey aduunka iyo dadka ku nool, mise wax waliba si
lama filaan ah ayey ku yimaadeen? Sida
dhabta ah, kuwan waa su’aalo muhiim ah. Jawaabaha aad bixinaysid waxay
ku xiran tahay sida aad adigu isaga fikirtid, uga fikirtid kuwa kale, iyo
aduunka aad ku nooshahay. Dhageyso
waxa kitaabka qoduska ah ee Baybalku leeyahay! __________________________________________________________________ 1.
Sideebuu
aduunkeenu ku askunmay ama ku bilowday? Ilaah
ayaa abuuray! “Bilowgii
Ilaah samada iyo dhulkuu abuuray.”
Bilowgii 1:1 2.
Ninkii
iyo haweenaydii ugu horreeyey xaggee ayey ka yimaadeen? Ilaah
ayaa abuuray iyaga. “Oo
Ilaah nin buu ka abuuray araggiisa, Ilaaha araggiisa ayuu ka abuuray isaga;
lab iyo dhaddig ayuu abuuray.” 3.
Waa
maxay mas’uuliyada uu Ilaah siiyey iyaga? Ilaah
wuxuu ku yiri iyaga buuxiya aduunka, oo xukuma wixii ku dul nool oo dhan,
oo daryeela isaga. “Oo
Ilaah waa barakadeeyey iyaga; oo Ilaah wuxuu iyaga ku yidhi, Wax badan
dhala oo tarma, oo dhulka ka buuxsama, oo ka sara mara dhulka, oo xukuma
kalluunka badda, iyo haadda hawada, iyo wax kasta oo nool oo dhulka kor
dhaqdhaqaaqa.”
Bilowgii 1:28 4. Sideebuu ahaa aduunka markii uu Ilaah dhameeyey hawshiisii abuuritaanka? Wax
waliba way wanaagsanaayeen. “Oo
Ilaah wuxuu arkay wax kasta oo uu sameeyey, oo bal eeg, aad bay u
wanaagsanaayeen.”
Bilowgii 1:31b 5.
Ma
wax kala duwanaansho ah ayey keenaysaa haddii aduunkeenu uu abuuray Ilaah
ama uu ku yimid si lama filaan ah? Aduunka
oo idil iyo waxa ku jira gudihiisa oo dhanba waxaa iska leh Ilaah, maxaa
yeelay isaga ayaa abuuray. “Rabbigaa
iska leh dhulka iyo waxa ka buuxa oo dhan, Iyo dunida iyo kuwa degganba.”
Sabuurrada 24:1 6.
Ilaah
sidee buu u arkaa waxyaalaha uu abuuray? Ilaah
wuu daryeelaa aduunkan iyo cid waliba ee ku dhex nool. “Rabbigu
jidadkiisa oo dhan wuu ku qumman yahay, oo shuqulladiisa oo dhanna wuu ku
nimco badan yahay.”
Sabuurrada 145:17 7.
Maxaynu
ugu jawaabnaa Ilaah innaga oo u arkayna isaga sida abuuraheena? Waa
inaynu jeclaanaa, caabudnaa oo aynu sharafnaa isaga. “Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan iyo naftaada oo dhan iyo xooggaaga oo dhan.”
Sharciga Kunoqoshadiisa 6:5
DHICITAANKII
UU BANII-AADANKU KU DHACAY DEMBIGA Kadib
markaynu akhrinay abuuritaankii dunida, waxa dhici karta inaad la yaaban
tahay: Haddii ay wax waliba sidaa u wanaagsanaayeen bilowgii, maxay
sidaasi haddaba u sii jiri weysay? Halkeebay ka yimaadeen silica iyo
murugada iyo dhimashada? Muxuu haddaba aduunka uga jiraa kharaar iyo
nacayb iyo is-fahamla’aan? Maxaa ku dhacay is-waafaqsanaantii oo dhan,
nabaddii iyo faraxii? Jawaabta
uu baybalku ka bixinayo su’aalahaas oo dhan waa mid cad oo fudud.
Jawaabtaas waxa laga sameyn karaa hal jumlo: Wax waliba way is-bedeleen
markii uu banii-aadanku ku dhacay dembiga! 1.
Waa
maxay amarkii uu Ilaah siiyey
dadkii ugu horreeyey ee uu abuuray? Ilaah
waxa uu u sheegay iyaga inaynan cunin miraha geed ku dhex yiilay beertii
Ceeden, halkaasi oo ay iyagu ku noolaayeen! Ilaah
waxa uu yiri, “Geed kasta oo beerta ku yaal wax baad ka cuni kartaa:
laakiin geedka aqoonta wanaagga iyo xumaanta waa inaanad waxba ka cunin:
waayo, maalintii aad wax ka cuntid hubaal waad dhiman doontaa.”
Bilowgii 2:16, 17 2.
Miyey
adeeceen amarkii Ilaah? Maya,
waxay doorteen inay habkooda u noolaadaan intay ku noolaan lahaayeen habka
uu Ilaah doonayo. “Oo
markii naagtii aragtay in geedkii cunto ku wanaagsan yahay, oo indhaha u
roon yahay, oo uu yahay geed loo doonayo in caqli lagu yeesho, ayay midho
ka qaadatay, oo cuntay; ninkeedii la joogayna wax bay ka siisay, oo
isagiina wuu cunay.”
Bilowgii 3:6 3.
Maxaa
dhacay markay ku dembaabeen xagga Ilaah? Dembigoodiii
waxa uu u hogaamiyey silic, xukun iyo dhimasho. Ilaah
wuxuu yidhi, “Maxaa yeelay adigu ……. ka cuntay geedka …… dhulku
waa habaaran yahay adiga aawadaa; maalmaha cimrigaaga oo dhanna dhibaataad
wax kaga cuni doontaa. Qodxan iyo yamaarugna waa kaaga soo bixi doonaan
…….. wejigaagoo dhididsan baad wax cuni doontaa, ilaa aad dhulka ku
noqotid; maxaa yeelay, dhulkaa lagaa qaaday; waayo, ciid baad tahay, ciid
baadna ku noqon doontaa.”
Bilowgii 3:17-19 4.
Laakiin
dembigii ay faleen, sidee ayuu inoo saameeyaa innaga? Mar
markii uu dembigu soo galay aduunka, waxa uu saameeyey qof waliba ee ku
noolaa. “Haddaba
sida dembigu nin keliya dunida ugu soo galay, dhimashaduna dembiga ugu
timid, sidaasaa dhimashadiina u gaadhay dadka oo dhan, waayo, waa la wada
dembaabay.”
Rooma 5:12 5.
Qof
kasta miyuu dembaabay oo uu Ilaah hortiisa ku qirtay? Haa,
mid ka marran ma jiro. “Mid
xaq ahu ma jiro, midnaba”
Rooma 3:10 “Maxaa
yeelay, dhammaan way wada dembaabeen oo gaadhi waayeen ammaanta Ilaah.”
Rooma 3:23 6.
Ilaaha
jacaylka leh miyuu iska indha tiri karaa runta ku saabsan in
dhammaanteenuba aynu wada dembaabnay? Maya,
inkasta oo uu Ilaah nimco iyo naxariis leeyahay, haddana sidoo kale waa
caadil. Ilaah marnaba ogolaan maayo in dembiga la iska hilmaamo oo aan la
abaal marin. “Rabbigu
cadho waa u gaabiyaa, oo waa naxariis badan yahay, oo xumaanta iyo
xadgudubka wuu dhaafaa, oo sinaba uma caddeeyo in
Tirintii 14:18b Markii
ay dadkii ugu horreeyey dembaabeen iyagoo jooga beerta Ceeden, waxaa
gashay cabsi oo waxay isku dayeen inay iska qariyaan Ilaah. Laakiin Ilaah,
jacaylkiisa aawadeed, wuu soo qabtay, oo wuxuu bilaabay inuu iyagii dib
ula hadlo. Ilaah
wuxuu u sheegay iyaga in mar walibaba la ciqaabi doono dembigooda
la’ajligiis, laakiin sidoo kale waxa uu u keenay fariin rajo leh. Iyaga
noloshooda kuma dambeyn doonto dhimasho, silac iyo xanuun. Uma baahna inay
ku noolaadaan rajo xumo! Ilaah wuxuu ballan qaaday in maalin uun qof iman
doono dunida kaas oo si ammaan leh uga guulaysan doono dembiga iyo
dhimashada! Inkasta
oo aanay si buuxda u fahmin wakhtigaa iyada ah, qofkaasi Ilaah ballan
qaaday waa Ciise Masiix. Ciise weeye Akhri
sheekada Ciise adigoo si taxadar leh uga fikiraya, oo baro sababta ay dad
badani ee ku nool aduunka ugu arkaan isaga inuu yahay qofkii ugu
cajaa’ibka badnaa ee dunida soo mara. 1.
Waa ayo Ciise Masiix? Ciise
Masiix waa wiilka Ilaah ee daa’imka ah. “Oo
isagu waa dhalaalka ammaantiisa iyo u-ekaanta ahaantiisa, oo wax walba
wuxuu ku hayaa erayga xooggiisa.”
Cibraaniyada 1:3b 2.
Waa maxay sababta uu Ilaah ugu soo diray Wiilkiisa dunida? Ilaah
wuxuu dunida u soo diray Ciise si aynu isaga xaggiisa ugu lahaano nolosha
daa’imka ah. “Ilaah
intuu dunida jacayl u qabay ayuu siiyey wiilkiisa keliya oo dhashay in mid
kastoo isaga rumaystaa uusan lumin laakiinse uu lahaado nolosha weligeed
ah.”
Yooxanaa 3:16 3.
Sidee ayuu Ciise ku yimid aduunkeenan? Ciise
waxa uu ka dhashay Maryantii Yahuuda ee bikrada ahayd sida canug
banii-aadan. “Bishii
lixaad Ilaah baa malaa’ig Jibriil u soo diray ………gabadh bikrad ah
oo la odhan jiray Maryan. Malaa’igtii waxay ku tiri Maryan, ‘Waad
uureysan doontaa, oo wiil baad umuli doontaa, magaciisana waxaad u bixin
doontaa Ciise!’”
Luukos 1:26,27,31 4.
Waa ayo aabaha Ciise? Ciise
waxa uu ku uur galay xagga Ilaah ee Ruuxa Qoduska ah. “Kolkii
hooyadiis Maryan u doonanayd Yuusuf, intaanay isu iman, waxaa la arkay
iyadoo Ruuxa Qoduuskaa ka uureysatay.”
Mataayos 1:18t 5.
Miyuu farxay aduunka badankiis markii uu Ciise dhashay? Maya,
Ciise waxa uu ku dhashay tuulo yar oo ay xaaladeedu aad u degan tahay. “Maalmihii
ay umuli lahayd way dhammaadeen, waxayna
umushay wiilkeedii curadka ahaa, markaasay maro ku duudduubtay oo qabaal
ku jiifisay, waayo, meel ay ku hoydaan ayay hodheelkii ka waayeen.”
Luukos 2:6t,7 (Waxaad
sheekada ku saabsan dhalashada Ciise ka akhrisaa Mataayos 1:18-25 iyo
Luukos2:1-20) 6.
Maxaa loogu bixiyey magaca Ciise? Maxaa
yeelay magaca Ciise micnihiisu waxa weeye “Badbaadiye.” Ciise waxa uu
u yimid inuu dadkiisa ka badbaadiyo dembiyadooda. Malaa’igtii
waxay tiri, “magiciisana waxaad u bixin doontaa Ciise, waayo, dadkiisa
ayuu dembiyadooda ka badbaadin doonaa.”
Mataayos 1:21b 7.
Waa maxay waxa uu Ciise sameeyey markii uu joogay dhulka? Ciise
waxa uu ku wareegayey magaalooyinka Israa’iil isaga oo wax baraya,
wacdinaya, bogsiinaya kuwa buka, saaraya jinniyada, cafinaya dembiyada iyo
isaga oo caawinaya kuwa baahan. “Ciise
wuxuu ku wareegay magaalooyinka iyo tuulooyinka oo dhan, oo sunagogyadooda
ayuu wax ku barayay, oo injiilka boqortooyadii ku wacdiyeyey, oo bugto
walba iyo cudur walba ayuu bogsiinayey.”
Mataayos 9:35 “Jinniyona
dad badan ayay ka soo baxeen, iyagoo qaylinaya oo leh, ‘Adigu waxaad
tahay Wiilka Ilaah!’”
Luukos 4:41b Qof
towbadkeenay ayuu Ciise ku yidhi, “Dembiyadaadii
waa cafiyan yihiin.”
Luukos 7:48 8.
Sidee ayey dadkii uga jawaabeen mucjisooyinkii iyo baritaankii Ciise? Dadka
badankii way tacajabeen, kuwa badana isaga ayey rumeeyeen. “Dad
badan ayaa magaciisa rumaystay markay arkeen calaamooyinkuu sameeyey.”
Yooxanaa 2:23 (
Waxaad akhrisaa afarta Injiil ee Mataayos, Maarkos, Luukos iyo Yooxanaa oo
si aad ah uga hadlaya dhacdooyinka nolosha Ciise.) 9.
Qof kastaa oo arkay mucjisooyinka Ciise ama maqlay isaga oo hadlaya
miyuu rumeeyey? Maya,
Ciise waxaa diiday madaxdii Yahuuda oo ka maseyrsanaa isaga. Waxay u gacan
geliyeen isaga taliyihii Roomaanka si isaga loo dilo. “Wadaaddadii
sare iyo waayeeladii dadka oo dhan ayaa Ciise wax ka gees ah ka wada
hadlay si ay u dilaan. Markaasay xidheen oo kaxeeyeen, oo waxay u dhiibeen
taliyihii Bilaatos ahaa.”
Mataayos 27:1,2 “[Bilaatos]
wuxuu ogaa inay xaasidnimo ugu soo dhiibeen”
Mataayos 27:18 10.
Sidee ayuu Ciise u dhintay? Ciise
waxaa ku majaajilooday oo jirdil ku sameeyey askartii Roomaanka kadibna
waxaa lagu qodbay iskutallaabta meel dibada ka ah caasimada Yeruusaalem. “Markaasaa
askartii …….. waxay u geliyeen dhar guduudan, oo taaj ayay qodxan uga
texeen, oo madaxiisay saareen. Markaasay salaameen oo waxay ku yidhaahdeen,
‘Nabad, Boqorka Yahuudow!’ Madaxana ayay cawsduur kaga dhufteen, oo
wayna ku candhuufeen, oo u jilba joogsadeen, oo u sujuudeen. Goortay ku
majaajiloodeen dabadeed ayay dharkii guduudnaa ka qaadeen oo dharkiisii
bay u geliyeen, markaasay wadeen in iskutallaabta lagu qodbo.”
Maarkos 15:16-20 (Si
aad u ogaatid dhacdooyinka ku saabsan dhimmashada Masiixa, waxaad akhrisaa
Mataayos 26&27, Maarkos 14&15, Luukos 22&23 iyo Yooxanaa
18&19) 11.
Ciise ma waxaa loogu qodbay iskutallaabta khalad uu sameeyay awgiis? Maya,
dhabtii Ciise waxa uu ku noolaa nolol aan iin lahayn. “Isagu
ma uu dembaabin, khiyaanona afkiisa lagama helin. Oo isagu markii la
caayay, dadkii caayay cay uma uu celin. Markuu xanuunsadayna ninna ma uu
cabsiin, laakiinse wuxuu isu dhiibay 12.
Maxaa ku dhacay jirkii Ciise kadib markii uu dhintay? Jirkii
Ciise si uu jacayl ku jiro waxaa u duugay nin taajir ah oo la “Yuusuf
goortuu meydkii qaaday ayuu kafan nadiif ah ku duudduubay, oo wuxuu
geliyey xabaashiisii cusbayd, tan uu dhagax ka qoday, oo xabaashii
afkeedii wuxuu ku soo giringiriyey dhagax weyn, wuuna ka tegey.”
Mataayos 27: 59,60 13.
Jirkii Ciise ma wuxuu ku sii jiri doonay qabriga? Maya,
saddex beri kadib Ciise wuu sare kacay. “Isaga
Ilaah baa sare kiciyey, oo ka furfuray xanuunkii dhimashada, maxaa yeelay,
dhimashadu ma xajin Karin.”
Falimaha Rasuullada 2:24 (Baybalka
waxa uu qorayaa qisada sarakicida Ciise xagga Injiilka Mataayos 28:1-10,
Maarkos 16:1-8, Luukos 24:1-49 iyo Yooxanaa20&21) 14.
Muxuu sameeyey Ciise kadib markii uu ka sare kacay dhimashada? Afartan
maalmood ayuu dhulka sii joogay si kuwii isaga raacsanaa uu ugu muujiyo
inuu nool yahay. “Markuu
xanuunsaday dabadeed, iyagii ayuu isagoo nool waxyaalo badan oo la hubo
isugu muujiyey, oo mudo afartan maalmood ah ayuu iyagii u muuqday, oo kala
hadlay waxyaalaha ku saabsan boqortooyada Ilaah.”
Falimaha Rasuullada 1:3 15.
Afartankaa maalmood kadib maxaa dhacay? Ciise
wuxuu ku laabtay samada halkaasoo uu haddeer ka xukumayo wax waliba ee ku
jira samada iyo dhulka. “Waxaa
dhacay intuu barakadaynayay inuu ka tegey, oo waxaa kor loogu qaaday
samada.”
Luukos 24:51 “[Ilaah]
wuxuu fadhiisiiyey meelaha jannada xagga midigtiisa. Oo wuxuu isaga ka
sarreeysiiyey madax kasta, iyo amar kasta, iyo xoog kasta iyo sayidnimo
kasta.”
Efesos 1:20t,21b 16.
Haddeer Ciise muxuu sameynayaa? Ciise
innaga ayuu inoo duceynayaa oo uu inoo diyaarinayaa meel. “[Ciise]
wuxuu galay jannada qudheeda inuu hadda Ilaah hortiisa inooga muuqdo.”
Cibraaniyada 9:24t Ciise
waxa uu yiri, “Guriga Aabahay wuxuu leeyahay hoyaal badan. …….
waxaan u tegayaa inaan meel idiin sii diyaariyo.”
Yooxanaa 14:2 17.
Ciise miyuu sii joogi doonaa jannada? Maya,
maalin maalmaha ka mid ah waxa uu haddana ku soo laabanayaa aduunka, oo
isaga ayaa inna wadanaya. Ciise
wuxuu yidhi, “Oo haddaan tago oo meel idiin diyaariyo, mar dambe waan
soo noqon doonaa, oo xaggaygaan idiin qaadan doonaa, in meeshaan joogo,
idinkuna aad joogtaan.”
Yooxanaa 14:3 (Warar
dheeraad ah oo ku saabsan dib u soo laabashada Ciise, waxaad eegtaa
baallalka ?-?) Kadib
markaad akhriday sheekada cajaa’ibka leh ee Ciise, weli waxaa dhici
karta inay kuu kala cadayn waxa Ciise sameeyey. Ciise waxaa loogu yeedhay
badbaadiye, laakiin aduunku weli waxa uu u muuqdaa mid lumay. Silic iyo
murugo ayaa dhooban, dadkuna sidii ay weligoodba u dhiman jireen ayey u
dhimanayaan. Xitaa aduunka dabiiciga ah ee innagu wareegsan waxaa ka
muuqata jajab iyo qurun. Marka la eego siyaabo badan, nolosha intii ay sii
wanaagsanaan lahayd way sii xumaani haysaa. Tani waa maxay micnaheedu
marka la leeyahay “Ciise waa badbaadiyaa”? Adiga
oo leh qalbi rumeysad, akhri waxa Baybalku leeyahay! 1.
Sida dhabta ah maxaa loola jeedaa marka la leeyahay qofku wuu “badbaaday”? Marka
aad badbaadid waxa aad noqonaysaa canuga Ilaah, dembiyadaadii oo dhan waa
lagaa cafinayaa, oo waxa aad helaysaa nolosha weligeed ah. “Laakiin
in alla intii aqbashay, wuxuu siiyey amar ay carruurtii Ilaah ku noqdaan,
kuwaasu waa kuwii magiciisa rumaystay.”
Yooxanaa 1:12 2.
Laakiin maadaama Ilaah laftiisu uu yiri mishaarka dembigu waa dhimasho,
sidee ayuu innooga nadiifin karaa dembiga isaga oo aan ina ciqaabin? Ciise
ayaa booskeenii u dhintay. Isaga ayaa dusha u dhigtay ciqaabtii aynu u
qalanay oo dhan. “Laakiinse
waxaa isaga loo dhaawacay xadgudubyadeenna, waxaana loo nabareeyey
xumaatooyinkeenna, edbintii nabaadiinadeennana dushiisay ku dhacday,
dildillaaciisana waynu ku bogsannay ……… Rabbigu wuxuu isaga dul
saaray xumaanteenna oo dhan.”
Ishacyaah 53:5,6 3.
Sidda dhabta ah Ilaah miyuu doonayaa inuu dembiyadeena oo dhan inoo wada
cafiyo? Haa,
mid waliba! “Inkastoo
ay dembiyadiinnu guduudan yihiin, sida baraf cad oo kalay u cadaan doonaan,
oo in kastoo ay cascas yihiin, sida suuf oo kalay ahaan doonaan.”
Ishacyaah 1:18t 4.
Maxaa la innaga doonayaa inaynu sameyno si aynu ku helno badbaadadan
cajaa’ibka leh? Waa
inaynu ka toobad keenaa dembiyadeena oo aynu rumeynaa in Ciise innaga inoo
dhintay. “Haddaba
toobad keena oo soo noqda, si dembiyadiina loo tirtiro, si ay wakhtiyo
qabowjis lihii uga yimaadaan Rabbiga hortiisa.”
Falimaha Rasuullada 3:19 5.
Miyeynu ku heli karin badbaadada innaga oo isku jarribna innaynu ku
noolaano nolol wanaagsan? Maya,
waxaynu ku badbaadnaa nimcada Ilaah, (daryeelkiisa aan qiyaasta lahayn iyo
jacaylka), laakiin ma ahan xagga dadaalkeenna. “Waayo,
idinku waxaad ku badbaadeen nimco xagga rumaysadka, mana aha wax xaggiina
ka yimid, laakiinse waa hadiyadda Ilaah, mana aha xagga shuqullada
wanaagsan aawadood oo Ilaah hore ugu diyaariyey inaynu ku soconno.” 6.
Miyey jirtaa hab kale oo lagu badbaado oo aan ka ahayn Ma
jiro hab kale. Ciise
wuxuu yiri, “Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabaha
uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee.”
Yooxanaa 14:6 7.
Waa maxay ballan qaadka weyn ee la siiyey cid waliba ee rumeysa Ciise? Qof
kasta oo si dhab ah u rumeeya waxa uu helayaa hadiyada nolosha waligeed
ah. Mar dambe kuma hoos jirayo xukunka dhimashada. Ciise
waxa uu yiri, “Runtii, runtii , waxaan idinku
leeyahay, Kii hadalkayga maqla oo rumaysta kii i soo diray, wuxuu leeyahay
nolosha weligeed ah, xukunna geli mayo, laakiin dhimashadii ayuu ka soo
gudbay oo nolosha u soo gudbay.” 8.
Goormaa ayey bilaabataa nolosha weligeed ah? Nolosha
cusub ee Masiixa waxay bilaabataa isla marka uu qofka rumeeyo. Ciise
wuxuu yiri, “Runtii, runtii , waxaan idinku leeyahay, Kii I rumaystaa,
wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah.”
Yooxanaa 6:47 9.
Maxaa ku dhacaya kuwa aan rumaysan? Kuwa
aan rumaysan waxay ku sii noolaan doonaan ama ku sii hoos jiri doonaan
xukunka Ilaah oo si daa’im ah ayey u lumi doonaan. “Kii
isaga rumaystaa ma xukumna, laakiinse kii aan isaga rumaysan, hore ayaa
loo xukumay, maxaa yeelay, wuxuusan rumaysan magaca Wiilka Ilaah oo keliya
oo dhashay.”
Yooxanaa 3:18 10.
Miyey muhiimad ballaaran inoo leedahay inaynu rumaysadka aan ku qabno
Masiixa ka qiranno dadka hortooda? Haa. “Maxaa
yeelay, haddaad afka ka qiratid in Ciise yahay Rabbiga, oo aad qalbiga ka
rumaysatid in Ilaah isaga ka sara kiciyey kuwii dhintay, waad badbaadi
doontaa, waayo, qalbiga wax baa laga rumaystaa xagga xaqnimada, afkana wax
baa laga qirtaa xagga badbaadinta?
Rooma 10:9,10 11.
Rumaystayaashu
miyey xaqiiqsan karaan inay leeyihiin nolosha weligeed
ah?
Haa,
si aan shaki ku jirin.
“Waxyaalahan
waxaan idiinku soo qoray, idinka soo rumaystay magaca Wiilka Ilaah, si aad
u ogaataan inaad nolosha weligeed ah leedihiin.”
Yooxanaha Koowaad 5:13 12.
Maxaa
ku dhacaya rumaystayaasha markay dhintaan? Rumaystayaasha
isla markiiba waxaa loo qaadayaa xaadirnimada Masiixa. “Waayo,
aniga waxaa nolosha ii ah Masiixa, oo dhimashaduna waa ii faa’iido……
oo waxaan jecelahay inaan tago oo Masiixa la joogo, waayo, taasu aad bay
iigu roon tahay.”
Filiboy 1:21,23 13.
Maxaa
ku dhacaya jirka rumaystayaasha ee dhinta? Mar
kale ayey ammaan ku sara kacayaan marka uu Ciise ku soo laabto aduunka. “Sayid
Ciise Masiix …… wuxuu beddeli doonaa jidhkeenna liita inuu u ekaado
jidhkiisa ammaanta leh.”
Filiboy 3:20,21 14.
Waxyaalaha
kale ee uu Ilaah abuuray miyey badbaadada Ciise uu
keenay ka qayb qaadanayaan? Haa,
markuu Ciise soo laabto haddana, wax kasta oo hore loo abuuray dib ayaa
loo soo cusboonaysiinayaa. “Taasoo la rajeynayo in uunka qudhiisana laga xorayn doono addoonnimada qudhunka ah oo la gelin doono xorriyadda ammaanta carruurta Ilaah.”
Rooma 8:21 KU
NOOLAANSHAHA NOLOSHA MASIIXINIMADA Dad
badan ayaa u hanqal taagaya inay aqbalaan badbaadada uu Ciise bixiyo,
laakiin waxay su’aalo badan ka qabaan habka ay ugu noolaanayaan nolosha
Masiixinimada. Qaar doonaya inay ku noolaadaan nolosha Masiixinimada,
waxay la yaabaan inay awoodi karaan. Qaarkood ma hubaan inay awoodi
doonaan inay sameyn karaan waxyaalaha uu Ciise ka doonayo inay sameeyaan
oo dhan. Weli qaar ayaa waxay Masiixinnimada u arkaan inay tahay diin ku
salaysan samee ama ha sameynin, oo waxay ka baqayaan haddii ay Masiixi
noqdaan in farxadii noloshooda oo dhan ay dhumayso. Maxaa
loola jeedaa in lagu noolaado hab Masiixinimo? Qof miyuu ku noolaan karaa
nolol ka farxisa Ilaah? Masiixinimadu miyay farxada ka qaadaa nolosha? Akhri
waxa Baybalku leeyahay ee ku saabsan barakada iyo imtixaanka ay leedahay
in loo noolaado sida mid raacsan Masiixa labaduba. 1.
Taxaddi noocee ah ayuu Ciise siiyey kuwa doonaya inay raacaan isaga? Ciise
wuxuu ku taxaddiyey iyaga inay raali ka noqdaan inay wax waliba daraadiis
uga tagaan – xitaa nafsadooda! Ciise
wuxuu yiri, “Mid uun hadduu doonayo inuu iga daba yimaado , ha is-inkiro,
iskutallaabtiisana ha soo qaato oo ha i soo raaco. Kan doonaya inuu
naftiisa badbaadiyo, waa lumin doonaa, laakiin kan naftiisa u lumiya
aawaday iyo injiilka aawadii, kaasaa badbaadin doona.”
Markos 8:34,35 2.
Waa maxay sababta ay rumaystayaasha u doonayaan inay ku noolaadaan nolol
Masiixinnimo? Waa
abaal ay u hayaan Ilaah wixii uu u sameeyey iyaga. “Haddaba,
walaalayaalow, waxaan idinku baryayaa Ilaah naxariistiisa inaad jidhkiina
Ilaah u siisaan sida allabari nool oo qoduus ah oo Ilaah ku farxo, waana
cibaadaysigiina caqliga leh.”
Rooma 12:1 3.
Yaa suurta gal ka dhiga inay rumaystayaasha ku noolaadaan nolol
Masiixinnimo? Ilaah
laftiisa ayaa sameeya, maadaama ay rumaystayaasha keligood awoodin inay ku
noolaadaan nolol Masiixinnimo? “Waa
Ilaah 4.
Sidee ayey rumaystayaasha ku muujin karaan in Ilaah ka dhex shaqeynayo
noloshooda? Ruuxa
Qoduska ee iyaga ku jira ayaa waxa uu dhalayaa miro Masiixa u eg oo kuwa
kale ayaa arkaya. “Laakiin
midhaha Ruuxu waa jacayl, farxad, nabad, dulqaadasho, roonaan, wanaag,
aaminnimo, qabownimo iyo iscelin.”
Galatiya 5:22,23b 5.
Sidee ayuu u egyahay “jacaylka Masiixinnimada”? Baybalka
erayadan ayuu ku sharaxay jacaylka Ilaah. “Jacaylku
waa samir badan yahay, waana raxiim, jacaylku ninna ma xasdo, jacaylku ma
faano, mana kibro, wax aan u ekayn ma falo, nafsaddiisana wax uma
doondoono, mana xanaaqo, sharna kuma fikiro, xaqdarrada kuma farxo,
laakiin wuxuu ku farxaa runta. Wax walba wuu u dulqaataa, wax walba wuu
rumaystaa, wax walba wuu rajeeyaa, wax walba wuu u adkaystaa. Jacaylku
weligii ma idlaado.”
Korintoska Koowaad 13:4-8b 6.
Ma waxaa jira tusaalooyin ku saabsan jacaylka Masiixinnimada oo aynu ku
deyan karno? Haa,
Ciise laftiisa ayaa waxa uu ina siiyey tusaale aan iin lahayn. “Taasaynu
jacaylka ku garanaynaa, waayo, isagu naftiisuu u bixiyey aawadeen; oo
innaguna waa inaynu nafteenna u bixinno walaalaheen. Laakiin kan leh
xoolaha dunidan, oo arka walaalkiis oo baahan, oo qalbigiisa ka xidha,
sidee baa jacaylka Ilaah ugu jiraa isaga? Carruurtaydiiyey, yaynaan ku
jeclaanin hadalka iyo afka toona, laakiin camalka iyo runta aan ku
jeclaanno.”
Yooxanaha Koowaad 3:16-18 7.
Maxaa loola jeedaa marka la leeyahay kuwa aduunka islahaysiiya? Kuwa
aduunka islahaysiiya waa kuwa ku nool heerka iyo damaca dembiga leh ee
aduunkan aan rumaysadka lahayn. “Dunida
iyo waxyaalaha dunida ku jira toona ha jeclaanina. Qof uun hadduu dunida
jeclaado, jacaylka Aabbuhu kuma jiro isaga. Maxaa yeelay, waxaa dunida ku
jira oo dhan oo ah damaca jidhka, iyo damaca indhaha, iyo faanka nolosha,
xagga Aabbaha
Yooxanaha Koowaad 2:15,16 8.
Waa maxay dembiyada qaar ee khaaska ah ee uu Baybalku inooga digay? Beenta,
xatooyada, erayada xun ama cayda, dagaalka, isgalmaadka xaaraanta ah,
cabida khamriga – iyo qaar kale oo fara badan. “Sidaas
daraaddeed beenta iska fogeeya, oo midkiin waluba deriskiisa run ha kula
hadlo ……… Kii wax xadi jiray yuusan mar dambe wax xadin …….
Hadal qudhun ahu yuusan afkiinna ka soo bixin ……. Haddaba qadhaadh iyo
dhirif iyo cadho iyo qaylo iyo cay oo dhammi ha idinka fogaadeen iyo
xumaan kastaaba ….. Marnaba yaan dhexdiinna laga sheegin sino, iyo
wasakh oo dhan, iyo damacnimo …… Ha ku sakhraamina khamriga rabshadu
ku jirto, laakiinse Ruuxu ha idinka buuxsamo.”
Efesos 4:25-31; 5:3,18 9.
Miyey tahay suurtagal in rumaystayaasha ay ka adkaadaan jarribaada oo ay
ku noolaadaan nolol qoduus ah? Haa,
maadaama uu Ilaah sameeyey wado looga fakado marwaliba jarribaad kasta. “Jirrabaadna
idinma qabsan tan dadka wada qabsata mooyaane, laakiin Ilaah waa aamin,
mana oggolaan doono in laydin jirrabo intaad karaysaan in ka badan,
laakiin markii laydin jirrabo wuxuu sameyn doonaa jid aad kaga baxsataan
si aad ugu adkaysan kartaan.”
Korintoska Koowaad 10:13 10.
Ilaah miyuu doonayaa inuu cafiyo rumaystayaasha ku dhacay dembiga? Haa,
haddii ay si is-hooseysiin leh u qirtaan dembiyadooda oo ay weydiistaan
dembi dhaaf. “Haddaynu
dembiyadeenna qirano, isagu waa aamin iyo caadil inuu dembiyadeenna inaga
cafiyo, oo uu inaga nadiifiyo xaqdarrada oo dhan.”
Yooxanaha Koowaad 1:9 11.
Sidee ayey rumaystayaashu isu caawin karaan si ay ugu noolaadaan nolol
masiixinnimo? Wadajir
in loo sameeyo caabudidda, midba midka kale inuu dhiirigeliyo, midba midka
kale inuu u duceeyo iyo taxadar dheeraad ah in midna uusan midka kale ku
hogaamin falka dembiga. “Yaynaan
iska daynin isku ururkeenna sida ay tahay caadada dadka qaarkood, laakiin
aan isdhiirogelinno.”
Cibraaniyada 10:25b “Oo
taas ku dhawra adkaysasho oo dhan iyo u-ducaynta qoduusiinta oo dhan.”
Efesos 6:18t “Laakiin
iska dhowra …si aan ikhtiyaarkiinnu wax lagu turunturoodo ugu noqon kuwa
itaalka daran.”
Korintoska Koowaad 8:9 12.
Fikrad noocee ah ayaa loo baahan yahay inay rumaystayaasha ka haystaan
waxa ku saabsan lacagta iyo maalka? Waa
inay si aad ah uga taxadaraan inuusan jacaylkaa lacagta iyo waxyaalaha
aduunka luminin iyaga. Ciise
waxa uu yiri, “Fiiriya oo iska ilaaliya damacnimada oo dhan, waayo, qof
goortuu maal badnaado, noloshiisu “Jacaylka
lacagtu waa xididka xumaatooyinka oo dhan, oo qaar intay higsanayeen ayay
iimaankii ka ambadeen, oo waxaa muday tiiraanyo badan.”
Timoteyoska Koowaad 6:10 13.
Baybalku muxuu ka oranayaa waxa ku saabsan bixinta? Rumaystayaashu
waa inay si deeqsi ah, oo joogto ah, oo ay ku faraxsan yihiin wax u
bixiyaan. “Sidaad
wax kasta badnaan uga haysaan …..waa inaad nimcadanna badnaan uga
haysaan.”
Korintoska Labaad 8:7 “Maalinta
ugu horraysa ee toddobaadka midkiin kastaa meel wax ha dhigo oo ha hayo
wixi lagu barwaaqeeyey.”
Korintoska Koowaad 16:2b “Qof
kastaa wax ha u bixiyo siduu qalbiga ka goostay, oo yaanu ku bixin
caloolxumo ama qasab, waayo, Ilaah wuxuu jecel yahay 14.
Maxaa ka dhasha bixinta iyo wax bixinta farxada leh? Kuwa
wax bixiya waa la barakadeeyaa, kuwa baahana wax ayey helaan, Ilaahna waa
la amaanaa. “Laakiin
tan ogaado: Kii wax yar beeraa, wax yar buu goostaa, kii wax badan
beeraana, wax badan buu goostaa.”
Korintoska Labaad 9:6 “Waayo,
samaynta shuqulkani ma dhammays tirto waxa dhiman ee ay qoduusiintu u
baahan yihiin oo qudha, laakiin waxaa kale oo ay kordhisaa in Ilaah aad
loogu mahad naqo.” Korintoska Labaad 9:12 15.
Rumaystayaashu ma inay wax ku saabsan Ciise Masiix kala hadlaan baa kuwa
aan weli rumaysan? Haa,
mar waliba waa inay diyaar u ahaadaan inay kuwa kale markhaatifur siiyaan
mar waliba ee haboon. “Mar
kasta diyaar u ahaada inaad u jawaabtaan nin alla ninkii wax idinka
weydiiya sabab ku saabsan rajada aad leedihiin, laakiinse qabow iyo cabsi
ugu jawaaba.”
Butroska Koowaad 3:15 16.
Rumaystuhu xaggee ayuu ka helayaa awooda uu sida ugu wanaagsan
markhaatifur u sameyn karo? Waxa
uu ka helayaa Ruuxa Qoduuska ah. “Laakiinse
waxaad heli doontaan xoog markii Ruuxa Qoduuska ahi idinku soo dego; oo
markhaatiyaal ayaad iiga noqon doontaan ….. meesha dunida ugu fog.”
Falimaha Rasuullada 1:8 17.
Waa maxay shuruudaha guud ee la doonayo in rumaystuhu raaco isla
markaasi uu doonayo inuu ku noolaado nolol masiixinnimo? Mar
waliba waa inuu raaco sida uu Ruuxa Qoduuska ah ku hogaaminayo oo uu wax
waliba u sameeyo ammaanta Ilaah. “Laakiin
waxaan leeyahay, Ruuxa ku socda, kolkaas aydnaan damaca jidhka yeelayne.”
Galatiya 5:16 “Haddaba
haddaad wax cuntaan, ama wax cabtaan, ama wax kastaad samaysaan, dhammaan
u wada sameeya Ilaah ammaantiisa.”
Korintoska Koowaad 10:31 Mudnaanta
ugu weyn ee ay rumaystayaashu haystaan isla markaasi ay doonayaan inay ku
noolaadaan nolol masiixinnimo waa salaada. Markay rumaystayaashu tukadaan,
waxay si toos ah oo khaas ah ula hadlayaan Aabbahooda jannada ku jira. Wax
soo dhexgalayo iyaga iyo Ilaahooda ma jiro. Si
aynu ugu salaadno hab toosan, uma baahnin inaynu isticmaalno erayo khaas
ah ama cod khaas ah. Waxa loo baahan yahay oo qura waa doonis ku
salaysan daacadnimo ee aynu dareenkeena iyo doonista qalbiyadeena ee ugu
hooseysa ugu keenayno Ilaah. 1.
Sidee ayey ugu muhiimsan tahay salaada xagga nolosha rumaystayaasha? Rumaystayaashu
waa inay wax waliba ka tukadaan. “Waxba
ha ka welwelina, laakiinse wax kastaba baryadiinna Ilaah ku ogeysiiya
tukasho iyo duco mahadnaqid la jirto. Oo nabadda Ilaah oo waxgarasho kasta
ka sarraysa ayaa waxay qalbiyadiinna iyo fikirradiinna ku dhawri doontaa
Ciise Masiix.”
Filiboy 4:6,7 2.
Magacee ayeynu ku tukanaa? Magaca
Ciise. “Oo
wax alla waxaad magacayga ku weydiisataan, waan samayn doonaa in Aabbuhu
ku ammaanmo Wiilka. Haddii aad wax igu weydiisataan magacayga, waan samayn
doonaa.”
Yooxanaa 14:13,14 3.
Ilaah miyuu maqlaa oo uu ka jawaabaa salaada dadkiisa? Hubaal! “Oo
tanu waa kalsoonaanta aynu isaga u qabno, taasoo ah haddaynu wax uun
doonistiisa ku barinno, isagu wuu ina maqlaa.”
Yooxanaha Koowaad 5:14 4.
Maxaa loo ballan qaaday kuwa u tukada sida Ilaah doonistiisu tahay? Ilaah
wuu oofinayaa codsigooda. “Weydiista
oo wa laydin siin doonaa; doona oo waad heli doontaan, garaaca oo waa
laydinka furi doonaa.”
Mataayos 7:7 5.
Ilaah mar waliba ma ina siinayaa wax waliba oo aan weydiisano? Maya,
maxaa yeelay waxaa jira marar aynu wax weydiisano inaga oo leh ula jeedo
xun ama dembi uu ka buuxo qalbiyadeena. “Waad
weydiisataan, mana heshaan, waayo, si xun baad u weydiisataan inaad ku
bixisaan damacyadiinna aawadood.”
Yacquub 4:3 “Haddaan
dembi qalbigayga ku arkay, sayidku ima uu maqleen.”
Sabuurrada 66;18 6.
Ma waxaa jira sabab kale ee uu Ilaah inoogu diidi karo waxyaalaha aynu
weydiisano? Haa,
maxaa yeelay waxaa dhici karta waxa aynu weydiisanay inaynan inoo
wanaagsanayn. “Waxaa
lay siiyey wax jidhkayga muda oo ah mid Shaydaan uu soo diray inuu i
kadeedo, si aanan isu sarraysiin. Waxaas aawadiis saddex goor ayaan
Rabbiga ka baryay in waxaasi iga fogaado. Oo isagu wuxuu igu yidhi,
Nimcadaydu way kugu filan tahay; maxaa yeelay, xooggaygu wuu ku dhan yahay
itaaldarrada. Sidaa aawadeed anigoo faraxsan ayaan ku faanayaa
itaaldarrooyinkayga in xoogga Masiixu igu soo dego…waayo, markaan itaal
daranahay, ayaan xoog badanahay.”
Korintoska Labaad 12:7t-10 7.
Salaadu ma hab Ilaah wax lagu weydiisto uun baa? Maya,
salaada waxa ku jira ammaan, qirasho, iyo mahadnaq iyo sidoo kale codsi. “Haddaba
sidatan u tukada, Aabahayga jannada ku jirow, magacaagu qoduus ha ahaado.
Boqortooyadaadu ha timaado, doonistaada dhulka ha lagu yeelo sida jannada
loogu yeelo. Kibis maalin nagu filan, maanta na sii. Oo naga cafi
qaamahayaga sidaannu u cafinnay kuwa noo qaamaysan. Oo jirrabaadda ha noo
kaxayn, laakiin sharka naga du. (Waayo, boqortooyada iyo xoogga iyo
ammaanta adigaa leh weligaa. Aamiin.)
Mataayos 6:9-13 8.
Waa maxay waxa uu Ciise inooga digay ee ku saabsan tukashada? Waa
inaynu ka taxadarnaa inaynaan u tukanin si ay banii-aadanku inoo faaliyaan,
mana ahan inaynu tukano iyada oo uu qalbigeena ku jiro ruuxa cafis
la’aanta. Ciise
waxa uu yiri, “Oo goortaad tukanaysaan, ha
ahaanina sida laba-wejiilayaasha, waayo, waxay jecel yihiin inay tukadaan
iyagoo taagan sunagogyada iyo meesha jidadku isku gooyaan si ay dadka ugu
muuqdaan.”
Mataayos 6:5b
Markos 11:25 9.
Dabeecad noocee ah ayaa loo baahan yahay inaynu lahaano markaynu
tukanayno? Waa
inaynu leenahay dabeecad is-hooseysiin iyo kalsooni. Ilaah
wuxuu yiri, “Haddii dadkayga oo ah kuwa magacayga
lagu yeedhay ay is-hoosaysiiyaan, oo i baryaan, oo wejigayga doondoonaan,
oo jidadkoodii xumaa ka soo noqdaan, de markaasaan samada ka maqli doonaa,
oo dembigoodana waan ka cafiyi doonaa, oo dalkoodana waan bogsiin doonaa.”
Taariikhdii Labaad 7:14 “Haddaba
aynu carshiga nimcada dhiiranaan ugu soo dhowaanno si aynu naxariis u
qaadanno oo aynu u helno nimco ina caawisa wakhtiga baahida.”
Cibraaniyada 4:16 10.
Ilaah miyuu ina siiyaa waxa aynu weydiisano oo qura? Maya,
Ilaah waxa uu inagu barakadeeyaa xitaa wax aanan weydiisan ama xitaa ka
weyn maskaxdeena. “Haddaba
Ilaah wuu awoodaa inuu inoo sameeyo wax aad iyo aad uga sii badan waxa
aynu weydiisanno ama ku fikirno oo dhan sida u yahay xoogga inaga dhex
shaqeeya.”
Efesos 3:20
Qayb
ka mid ah qaybaha ugu muhiimsan marka laga hadlayo nolosha
masiixinnimada ee Ilaah hortiis waa qaybta guurka iyo qoyska. Akhri
adiga oo si degan uga fikiraya waxa Baybalku ka leeyahay xiriirka quman
ee dhex ooli kara ninka iyo naagta iyo waalidka iyo carruurtooda. 1.
Fikrada ku saabsan guurka xaggee ayey markii hore ka soo askuntay? Ilaah
ayaa qorsheeyey bilowgii in hal nin iyo hal naag ay ku wada noolaadaan si
iimaan iyo jacayl ku jirto. “Kii
bilowgii uumay iyaga wuxuu ka dhigay lab iyo dhaddig, oo wuxuu yidhi,
Sababtaas aawadeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna
la joogayaa naagtiisa, oo labaduba waxay noqonayaan isku jidh. Sidaa
darted haatan iyagu laba ma aha, laakiin waa isku jidh. Haddaba wixii
Ilaah isku xidhay, ninna yaanu kala furin.”
Matayos 19:4-6 2.
Waa maxay xiriirka haboon ee ay ninka iyo naagta isqaba wada yeelan
karaan? Naagta
waa inay ka dambeysaa ninka qaba, ninkuna waa inuu naagta u jeclaadaa sida
Masiixu u jeclaaday kaniisada, taas oo ahayd qabka ruuxiisa. “Dumar
yahow, nimankiinna ka dambeeya sidaad Rabbiga uga dambaysaan. Waayo, ninku
waa madaxa afada sida Masiixuba u yahay madaxa kaniisadda ……. Nimankow,
idinkuna afooyinkiinna u jeclaada siduu Masiixuba u jeclaaday kaniisadda
oo uu nafsaddiisii u bixiyey iyada aawadeed.”
Efesos 5:22,23,25 3.
Ilaah miyuu tixgelinayaa is-galmaadka xagga jirka marka laga hadlayo
guurka? Hubaal.
Ilaah wuxuu doonayaa ninka iyo naagta labaduba inay is qadariyaan oo midba
midka kale baahidiisa iyo damaciisa uu buuxiyo. “Ninku
afada waxa ku qumman ha siiyo, sidaas oo kale afaduna ninka waxa ku qumman
ha siiso. Afadu jidhkeeda uma taliso, laakiin ninkaa u taliya, sidaas oo
kale ninku jidhkiisa uma taliyo, laakiin afadaa u talisa.”
Korintoska Koowaad 7:3,4 4.
Baybalka muxuu ka leeyahay daacad xumada dhalata iyada oo uu jiro guur? Ilaah
wuu xukumayaa kuli kuwa sameeya daacad-darrada. “Guurka
hala wada maamuuso, oo sariirtuna yaynan nijaasoobin, maxaa yeelay,
khaniisiinta iyo dhillayadaba Ilaah waa xukumi doonaa.”
Cibraaniyada 13:4 5.
Waa maxay waxa uu Baybalku innaga barayo furniinka? Nin
alla ninkii fura qof ay is-qabeen oo guursada qof kale, xagga Ilaah wuu ka
sinaystay, in qofka ay wada noolaayeen uu daacad darro muujiyey maahee. Ciise
waxa uu yiri, “Ku alla kii naagtiisa ku fura wax
aan sino ahayn, oo mid kale guursadaa, wuu sinaystaa. Oo kii guursada tii
la furay wuu sinaystaa.”
Mataayos 19:9 6.
Maxaa loo baahan yahay inay Masiixiyiintu sameeyaan haddii qofka ay
guursadeen uusan ahayn Masiixi? Waa
inay la sii noolaadaan qofka ay guursadeen oo ay isku dayaan inay u soo
jiidaaan xagga Masiixa iyaga oo ku nool nolol nadiif ah oo qoduus ah. “Hadduu
mid walaal ah qabo afo aan rumaysanayn, oo ayna raalli ka tahay inay la
joogto, yaanu ka tegin.”
Korintoska Koowaad 7:12 “Sidaas
oo kalena, dumar yahow … nimankiinna ka dambeeya in xataa haddii qaar
uusan erayga addeecin ay erayga la’aantiis ku soo hanuunsamaan
dabiicadda afooyinkooda, markay arkaan dabiicaddiinna daahirsan ee cabsida
leh.”
Butroska Koowaad 3:1,2 7.
Sidee ayaa la doonayaa in nimanka rumaystayaasha ah ay ula dhaqmaan
naagahooda? Waa
inay ula dhaqmaan naagahooda hab wanaagsan oo xushmad leh. “Nimankow
… idinkuna sidaas oo kale afooyinkiinna aqoon kula dhaqma sidii iyagoo
ah weel tabar daran, oo iyaga maamuusa sida kuwa idinla dhaxla nimcada
nolosha, si aan baryadiinna loo hor joogsan.”
Butroska Koowaad 3:7 8.
Sidee ayaa la doonayaa inay waalidiintu kula dhaqmaan carruurtooda? Waalidiintu
waa inay si jacayl leh oo waafaqsan jidka Ilaah ku barbaariyaan
carruurtooda. “Ilmo
u rabbee siduu ku socon lahaa, oo isna xataa markuu gaboobo 9.
Miyey haboon tahay in waalidiintu edbiyaan carruurtooda? Haa,
haddii edbinta loo fuliyo si uu jacayl ku jiro. “Wiilkaaga
edbi, oo isna wuu ku nasin doonaa, 10.
Sidee baa la doonayaa inay carruurta kaga jawaabaan tilmaanta ay
siinayaan waalidiintooda? Carruurta
waa inay sharfaan oo ay adeecaan waalidiintooda. “Aabbahaa
iyo hooyadaa u maamuus sidii Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu amray.”
Sharciga Kunoqoshadiisa 5:16b “Carruurtoy,
waalidkiinna wax kastaba ku addeeca, waayo, taasu waa ka farxisaa Rabbiga.”
Kolosay 3:20 11.
Waa maxay go’aanka ugu muhiimsan ee ay waalidiinta rumeystayaasha ah
sameyn karaan? Waa
inay iyaga iyo reerkoodaba si daacadnimo ah ugu adeegaan Rabbiga. “Laakiinse
aniga iyo reekayguba waxaannu u adeegi doonaa Rabbiga.”
Yashuuca 24:15t
Xaqiiqdii
rumaystayaasha waxay helayaan jacaylka, nabada iyo farxada uu Ciise Masiix
keeno. Hasa yeeshee, taas micnaheedu ma ahan inay noloshooda ay ka
marnaanayso silica iyo jarribaada ama marxaladaha adag. Sida dhabta ah,
waxaa iman karta mar ay aad u rafaadi doonaan taas oo ay ugu wacan tahay
rumaysadkooda. Marka
dib loo eego taariikhda, raggii aduunka ugu caansanaa xagga
Masiixinnimada waxay awoodeen inay ka markhaati furaan runta qorniinka.
Tan iyada ah waxay ku cadahay kitaabka Falimaha Rasuullada
14:22 ee leh: “Waa inaynu dhibaatooyin badan ku galnaa boqortooyada
Ilaah.” 1.
Baybalku ma wuxuu ina barayaa in rumaystayaasha aanay la kulmeynin wax
silac iyo rafaad ah xagga noloshooda? Maya,
rumaystayaashu waa inay diyaar u ahaadaan jarribaadyo kala nooc nooc ah. “Runtii,
kulli inta doonaysa inay si cibaado leh Ciise Masiix ugu noolaadaan waa la
silcin doonaa.”
Timoteyoska Labaad 3:12 2.
Dhiirigelin noocee ah ayuu Baybalku siinayaa kuwa la kulmay jarribaad
iyo silac? Ilaah
wuxuu balan qaadayaa inuusan weligood ka tegi doonin ama hilmaami doonin
weligood. “Waxaa
ku hor socda Rabbiga, wuuna kula jiri doonaa, kuma gabi doono, kumana
dayrin doono, haddaba ha baqin, hana qalbi jabin.”
Sharciga Kunoqoshadiisa 31:8 3.
Qorsho noocee ah ayey jarribaadu ka fulisaa nolosha rumaystayaasha? Jarribaadu
waxay xoojisaa dabeecada, cadaysaa heerka iimaankeena, waxayna noo
hogamisaa ammaanta mustaqbalka. “Walaalahayow,
kolkaad jirrabaaddo kala cayncayn ah kala kulantaan, kulli farxad u
tirsada, idinkoo og tijaabinta rumaysadkiinnu inay dulqaadasho keento, oo
dulqaadashadu ha dhamayso shuqulkeeda si aad kaamil u ahaataan oo aad u
dhanaataan, oo aydnaan waxba ugu baahnaan.”
Yacquub 1:2-4 “Waa
in la tijaabiyo rumaysadkiinna, oo aad uga sii qaalisan dahabka oo ah wax
baaba’a in kastoo dab lagu tijaabiyo. Markaasaa laga helayaa mahad iyo
ammaan iyo ciso markii Ciise Masiix la muujiyo.”
Butroska Koowaad 1:7 4.
Waa maxay balanta la siiyey kuwa u silcay Masiixa awgii? Waxay
helayaan hadiyada aad u weyn ee ah xagga jannada. Ciise
waxa uu yiri, “Waad barakadaysan tihiin goortii laydin caayo, oo laydin
silciyo, oo wax walba oo xun oo been ah laydinka sheego aawaday. Farxa oo
reyreeya, waayo, jannada abaalgudkiinnu waa ku weyn yahay.”
Matayos 5:11,12b 5.
Maxaa laga doonayaa inay rumaystayaashu sameeyaan haddii ay la kulmaan
jarribaadyo iyo silac? Waa
inay noloshooda daacad u ahaato Rabbiga, oo ay ku sii noolaadaan nolol
Masiixinnimo oo ay xoogga saaraan ammaanta iman doonta. “Sidaas
daraaddeed kuwa doonista Ilaah u xanuunsada, iyagoo sama falaya, naftooda
ammaano ha ugu dhiibeen Abuuraha aaminka ah.”
Butroska Koowaad 4:19 “Waayo,
dhibtayada fudud ee wakhtiga yar ah ayaa aad iyo aad noogu sii yeesha
culayska ammaanta ee weligiis ah. Ma fiirsano waxyaalaha la arko, laakiin
waxyaalaha aan la arkin, waayo, waxyaalaha la arko in dhawr ah ayay sii
joogaan, laakiin waxyaalaha aan la arkini weligood bay sii joogaan.”
Korintoska Labaad 4:17,18 6.
Sidee laga doonayaa rumaystayaasha inay ula dhaqmaan kuwa iyaga silciya? Waa
inay jeclaadaan Masiixa awgii, u tukadaan iyaga, oo ay iyaga wax wanaagsan
u sameeyaan. Ciise
waxa uu yiri, “Cadowyadiinna jeclaada, u duceeya kuwa idin habaara, wax
wanaagsan u sameeya kuwa idin neceb, oo Ilaah u barya kuwa idin caaya oo
idin silciya, si aad u ahaataan wiilashii Aabbihiinna jannada ku jira.”
Matayos
5:44,45b “Ninna
shar shar ha uga celinina … Ha aarsanina …. Sharku yuusan kaa adkaan,
laakiinse sharka wanaag kaga adkow.”
Rooma
12:17,19,21 7.
Ilaah miyuusan daneynin dadkiisa la silcinayo? Xaqiiqdii
taas wuu sameeyaa! Laakiin Ilaah dooni maayo in rumaystayaasha ay
aarsadaan; isaga qudhiisa ayaa ku sameyn doona wixii xaq ah oo quman kuwa
dadkiisa silciya. “Gacaliyayaalow,
ha aarsanina, laakiin meel u banneeya cadhada Ilaah, waayo, waxaa qoran,
Aarsasho anigaa leh; anaa u abaalmarin, ayaa Rabbigu leeyahay.”
Rooma 12:19 8.
Waa maxay qalbi qaboojinta ay rumaystayaashu haystaan isla markaasi ay
dhex bartamahah kaga jiraan dhib iyo rafaad? Waxaynu
haynaa xaqiiqada ah in Ilaah ka shaqaynayo wax waliba ee sare u qaadi karo
ruuxa kuwa jecel isaga. “Oo
waxaynu og nahay in wax waliba wanaag ugu wada shaqeeyaan kuwa Ilaah jecel,
xataa kuwa qasdigiisa loogu yeedhay.”
Rooma 8:28 Wakhtigaan
haddeer la joogo rumaystayaasha waxay la kulmi karaan rafaad iyo silic. Ilaah marnaba ma uusan balan qaadin in xaaladu sidan ka duwanaan doonto.
Hase yeeshee, mustaqbalka xaaladu sidan way ka duwanaan doontaa! Ilaah
wuxuu carruurtiisa u balan qaaday mustaqbal ammaan leh oo ay ku dheehan
tahay farxad aan iin lahayn. Waxa aad si farxad leh u akhrisaa waxa Baybalku ka oranayo waxyaalaha iman
doona! 1.
Waa maxay rajada ugu weyn ee rumayste waliba
leeyahay ee ku saabsan mustaqbalka? Waa
soo laabashada ama “imaanshaha mar kale” uu imanayo Ciise Masiix. “Innagoo
sugayna rajada barakaysan iyo muuqashada ammaanta Ilaaheena weyn oo ah
Badbaadiyaheenna Ciise Masiix.”
Tiitos
2:13 2.
Sidee ayuu Baybalka u sharaxayaa arintan ku saabsan “imaatinka labaad”
ee Masiixa? Ciise
waxa uu la iman doonaa malaa’igihiisa awooda iyo ammaanta weyn leh ee
daruuraha jannada. “Waxay
arki doonaan Wiilka Aadanaha oo daruuraha cirka ku imanaya isagoo leh xoog
iyo ammaan weyn. Oo wuxuu soo diri doonaa malaa’igihiisa oo wata buun
weyn, oo kuwuu doortay ayay ka soo ururin doonaan afarta jahood cirka
meesha ugu fog ilaa meesheeda kale.”
Matayos 24:30t,31 3.
Waa ayo cida indhaha ka qaadi doonta Ciise marka uu soo laabto? Cid
waliba! “Bal
eega, wuxuu la imanayaa daruuraha, oo waxaa isaga arki doona il kasta.”
Muujintii 1:7b 4.
Waxyaalahani goormay dhici doonaan? Cid
garanaysa saacada dhabta ah ma jirto. “Haddaba
soo jeeda, waayo, ma aad ogidin maalinta Rabbigiinu imanayo.”
Matayos
24:42 5.
Rumaystayaashu miyey la tacajabi doonaan soo laabashada Masiixa? Maya,
maadaama ay muuqan doonaan calaamadooyin badan oo ku saabsan dib u soo
laabashadiisa. Ciise
waxa uu yiri, “Qaar badan ayaa magacayga ku iman
doona, oo waxay odhan doonaan, Anigu waxaan ahay Masiixa, oo qaar badan
ayay khiyaanayn doonaan. Oo waxaad maqli doontaan dagaallo iyo dagaallo
hadalhayntood …. Oo waxaa meelo kala duwan ka dhici doona abaaro iyo
dhulgariir ….. Markaasaa dhib laydiin gaysan doonaa, waana laydin dili
doonaa …… Markaas qaar badan ayaa xumaan doona, midba mid buu gacan
gelin doonaa, wayna isnebcaan doonaan. Waxaa kici doona nebiyo badan oo
been ah, oo qaar badan ayay khiyaanayn doonaan ….. Oo injiilkan
boqortooyada ayaa dunida oo dhan lagu wacdiyi doonaa inuu marag u noqdo
Quruumaha oo dhan, dabadeedna ugudambaysta ayaa iman doonta.”
Matayos 24:4-14 6.
Habkee ayaa laga doonayaa rumaystayaasha inay u noolaadaan isla markaasi
ay sugayaan dib u soo laabashada Masiixa? Waa
inay ka dheeraadaan wax waliba oo shar ah oo ay si nabad ugu noolaadaan
Ilaah. “Haddaba
dad caynkee ah baa idinku waajib ah inaad noqotaan si aad ugu dhaqantaan
dabiicad qoduus ah iyo cibaado, idinkoo sugaya oo aad ugu dadaalaya
imaatinka maalinta Ilaah ….. ku dadaala in laydin helo idinkoo nabdoon
oo aan wasakh iyo eed lahayn Ilaah hortiisa.”
Butroska Labaad 3:11t-14 7.
Maxaa ku dhacaya dadkii dhintay ka hor inta uusan Ciise soo laaban? Waxay ka soo sarakacayaan qabuurahooda marka Ciise uu soo laabto. “Saacaddu
waa imanaysaa markii kuwa xabaalaha ku jiraa dhammaantood ay codkiisa
maqli doonaan, wayna ka soo bixi doonaan, kuwa wanaagga falay ilaa
sarakicidda nolosha, kuwa sharka falayna ilaa sarakicidda xukunka.”
Yooxanaa 5:28t,29 8.
Rumaystayaashu ma waxay lahaanayaan jirka ay hadda leeyihiin? Maya,
jirkooda waa la bedelayaa si ay u noqdaan kuwa ammaanan oo aan
isbedelaynin. “Waxaa
lagu beeraa qudhun, waxaana lagu sara kiciyaa qudhunla’aan. Waxaa lagu
beeraa maamuusla’aan, waxaana lagu sara kiciyaa ammaan, waxaa lagu beraa
itaaldarro, waxaa lagu sara kiciyaana xoog. Waxaa la beeraa jidh naf leh,
waxaana la sara kiciyaa jidh ruux leh. Hadduu jiro jidh naf leh, jidh ruux
lihina waa jiraa.”
Korintoska Koowaad 42b-44 9.
Maxaa ku dhacaya rumaystayaasha nool marka uu Ciise soo laabto? Iyaga
isla markiiba waa la bedelayaa oo sare ayaa loo qaadayaa si ay Masiixa
ugula kulmaan hawada. “Maxaa
yeelay, Rabbiga qudhiisu samaduu kala soo degi doonaa qaylo iyo codka
malaa’igta sare iyo buunka Ilaah, kolkaasay kuwii Masiiixa rumaysnaa oo
dhintay horta soo kici doonaan, dabadeedna kuweenna nool oo hadha ayaa
iyaga kor loola qaadi doonaa daruuraha dhexdooda inaynu Rabbiga hawada
kula kulanno, oo sidaasaynu Rabbiga weligeen ula joogi doonnaa.”
Tesalonikaha Koowaad 4:16-17 10.
Ciise muxuu sameyn doonaa markii uu ku soo laabto dhulka? Wuxuu
xukumi doonaa cid waliba oo nooleyd. “Goortii
Wiilka Aadanahu ammaantiisa ku yimaado, isaga iyo malaa’igaha oo dhan,
markaasuu carshiga ammaantiisa ku fadhiisan doonaa. Quruumaha oo dhan ayaa
hortiisa lagu soo ururin doonaa oo wuxuu u kala sooci doonaa mid mid sida
adhijirku u kala sooco idaha iyo riyaha. Idaha wuxuu joojin doonaa
midigtiisa, riyahana bidixdiisa.”
Matayos 25:31-33 11.
Maxaa ku dhacaya kuwii jeclaa ee u adeegayey Masiixa noloshooda? Waxay
gelayaan boqortooyada weligeed ah ee ammaanta leh. “Markaasaa
Boqorku kuwa midigtiisa jooga ku odhan doonaa, Kaalaya, kuwa Aabbahay
barakadeeyeyow, oo dhaxla boqortooyada tan iyo aasaaskii dunida laydiin
diyaargareeyey.”
Matayos 25:34 12.
Maxaa ku dhacaya kuwii aan jeclayn ee aan u adeegin Masiixa? Iyaga
waxaa lagu tuuri doonaa naarta aan weligeed idlaanin. “Markaasuu
kuwa bidixdiisa jooga ku odhan doonaa, Kuwa yahow inkaaranu, iga taga oo
gala dabka weligiis ah 13.
Haddaba maxaa ku dhacaya aduunkeenan marka uu wakhtigu idlaado? Aduunkeenan
gebigiisaba waa la baabi’in doonaa, waxaana lagu bedelayaa janno cusub
iyo dhul cusub. “Laakiinse
maalinta Rabbigu waxay u iman doontaa sida tuug oo kale; maalintaas oo ay
samooyinku baabi’i doonaan iyagoo sanqadh weynu ka yeedhayso, oo
waxyaalaha abuuranna iyagoo gubanaya ayay baabi’i doonaan …..
Maalintaas samooyinku iyagoo ololaya ay baabi’i doonaan, waxyaalaha
abuuranna iyagoo gubanaya ayay dhalaali doonaan. Laakiinse sidii uu inoo
ballan qaaday, waxaynu sugaynaa samooyin cusub iyo dhul cusub oo xaqnimo
dhex deggan tahay.”
Butroska Labaad 3:10-13 14.
Maxay noqon doontaa nolosha rumaystayaasha ee aduunka cusub? Noloshu
waxay noqon doontaa mid ammaan badan oo aynu qiyaasi karin wakhtigan la
joogo. “Waxyaalo
aanay ishu arkin, oo aanay dhegtu maqlin, Oo aan qalbiga dadka gelin, wax
kastoo ay yihiinba, Ilaah baa u diyaariyey kuwa isaga jecel.”
Korintoska Koowaad 2:9 “Oo
iyana waxay ahaan doonaan dadkiisa, oo Ilaah qudhiisuna wuxuu la jiri
doonaa iyaga, oo wuxuu ahaan doonaa Ilaahood; oo isna indhahooda ilmo
kastuu ka tirtiri doonaa, oo dhimashona mar dambe ma jiri doonto, oo mar
dambena ma jiri doonaan murug iyo oohin iyo xanuun toona, waayo,
waxyaalihii hore way dhammaadeen.”
Muujintii 21:3t,4 Kadib
markii aad akhrisay su’aalaha iyo jawaabaha ku qoran buugan, weli waxaa
dhici karta inaad qabtid su’aal muhiim ah oo ku saabsan badbaadadaadda.
Weli waxaa dhici karta inaad hubin in dembiyadaada la cafiyey. Ama waxaa
dhici karta inaanad hubin in laftaadu aad heshay hadiyada nolosha weligeed
ah. Haddii
aad qabtid su’aalo ku saabsan badbaadadaadda, waxaynu kugu casuumaynaa
inaad waayo aragnimo laftaada u yeelatid runta uu Baybalku ina barayo ee
ku saabsan badbaadadda. U qiro dembiyadaada Ilaah, aamin Ciise Masiix si
aad u heshid dembi-dhaaf, kadib adiga oo iimaan qaba weydiiso ballan
qaadka Ilaah ee cafiska iyo nolosha weligeed ah. Hubaal wuu ku siinayaa
wixii uu ballan qaaday. Si
aynu kugu caawino inaad sidan sameysid, waxaynu kugu marti qaadaynaa inaad
ducan si daacadnimo ah ugu ducaysatid -
ama duco taa la mid ah oo aad adigu la timid. Ilaahow
waxaan qiranayaa inaad ahay dembiile oo aan u baahnahay dembi dhaafkaaga.
Runtii aad ayaan uga xumahay dembiyadayda, waxaanan si is-hooseysiin leh
kuu weydiisanayaa inaad ii dembi dhaaftid oo aad i meydhid. Waxaan
rumaysanahay in Ciise isku-tallaabta daraaday loogu qodbay oo deetana uu
sara kacay si aan u helo badbaado. Aniga oo iimaan leh waxaan kaa aqbalay
hadiyada nolosha weligeed ah. Adiga oo garabka i haya, waxaan ballan
qaadayaa inaan adiga kuu adeegayo inta aan noolahay. Waxaan ku tukanayaa
magaca Masiixa. Aamiin. Kitaabka
Qoduska ah waxa uu leeyahay, “Laakiin
in alla intii aqbashay, wuxuu siiyey amar ay carruurtii Ilaah ku noqdaan,
kuwaasu waa kuwii magaciisa rumaystay.”
Yooxana 1:12 Taas
waa ballan qaad loo noolaan karo! KU
SOO DHOWOW QOYSKA ILAAH! Codka
Wadada Nabada P.
O. Box 76001 – 00509 E-Mail:
cwn@email.ro Visit us at: www.codkanabada.org Waxaa
xaq u leh 2003 TBL v
Aayadaha ku qoran buugan waxaa laga soo xigtay ©
Baybalka af-Somaaliga ee United
Bible Societies, 1976, 1979
|
Global Good News Literature P.O.Box 451336 Los Angeles, CA 90045 U.S.A webmaster@globalgoodnews.org |
© 2006 |