Global Good News Literature


Ilaah

waa

Jacayl

Kuwa ku takhasusay cilmiga xiddigaha iyo meerayaasha sare waxa ay inoo sheegayaan in dooribeyn ama qalabka waxyaalaha fog lagu eego oo cusub la sameeyey kaas oo soo shaac bixiyey in si qoto dheer loo ogaado waxyaalo badan oo ku saabsan hawada sare. Waxay arkeen malaayiin xiddigo ah oo ka weyn dhulkeena, uuna u kala dhaxeeyo boos aad u weyn oo aan la qiyaasi karin.

Nimanka ku takhasusay cilmiga sayninka waxay intaa ku darayaan in dhulkeena oo ah sida kubad yar oo wareegsan uu had iyo jeer sameeyo dhaq dhaqaaq, uuna sidaa sameynayey kumanaan sano. Wuxuu u muuqdaa sida kubad dul heebaabaysa hawada sare oo ay muuqaalkeedu dhammaad lahayn.

Haddaba waa maxay cabirka hawada sare? Ilaa wakhti intee la eg ayey soo jirtay ama ilaa wakhti intee la dhan ayey sii jiri doontaa? Su’aalaha noocan oo kale ah waxay wadadda u xaarayaan fikir aad u badan oo qoto dheer. Waxaynu la mid nahay sida dhibic biyo ah oo ku jirta badweynta. Nolosheenu waa mid aan joogto ahayn oo jiraysa wakhti kooban, dhulkeenuna waa sida kubad yar oo dul heebaabaya hawo sare oo aan dhammaad lahayn. Aduunkeenu waxaynu ku nahay sida saxar oo kale; saacad waynu noolnahay, saacadda xigtana waynu dhimanaynaa. Boqor Daa’uud isaga oo wax sii sheegaya wuxuu ku dhawaaqay: “Waa maxay waxa aad qofka ama banii-aadanka ku xusuusan kartid iyo wiilka aadanaha ee aad booqatay?

Marka la tiigsado cilmiga sayniska ee casriga ah, waxaynu ku suganahay xaalad ka wanaagsan tii hore oo aynu ku fahmi karno runtan. Sida cad, wakhtigeena nololeed ee aynu ku suganahay dhulka, aad iyo aad ayuu u gaaban yahay. Haddii aynu si daacad ah isu eegno, waxaynu ogaanaynaa inaynu waxba ahayn.

Miyuu Ilaahay , kan abuuray samada iyo dhulka isaguna u fikirayaa sideena oo kale. Nebi Ishacyaah miyuu ku saxsanaa markii uu qoray: “Fikradaha Ilaah waa kuwa ka sarreeya kuwayaga, Jidadkiisuna way ka sarreeyaan jidadkayaga.” (Ishacyaah 55:9)

Aalaa, waxaynu qiimo weyn siinaa waxyaalaha la arki karo ama waxyaalaha aduunka, inkasta oo aanay qiimo sidaas u weyn aanay lahayn. Waa wax haboon inaynu weydiino: “Ilaah miyuu daneeyaa jiritaankeena?” Haa, dhabtii, wuxuu innaga abuuray muuqaalkiisa, wuxuuna innaga sarreysiiyey waxyaalihii kale ee uu abuuray.

Waynu ku faraxsanahay inaynu ogaano in Ilaaha caadilka ah uu inna ilaalinayo oo uu ina daryeelayo, ka badan inta aynu innaga karno. Ilaah waa uu inna daryeelaa oo mar walibana waxay doonistiisu tahay inaynu weligeen ku jirno xerada naxariistiisa. Wuu inoo wacayaa si aynu isaga u eegno, oo aynu rumeyno inuu innagu faraxsan yahay oo uu inna aqbalay.

Si aan runtan si bayaan ah kuugu sharaxo, aan kuu sheego sheeko run ah. Wiil yar ayaa wuxuu si taxadar iyo xirfad weyn ku jirto u sameeyey dooni. Isaga oo aad ugu faraxsan hawshiisa ayuu doonidii geeyey webi u dhow si ay biyaha ugu dul sabeyso. Isaga oo eegaya ayaa waxaa yimid duufaan culus oo doontii waxaa la tagey hirkii webiga. Wakhti yar gudaheed doonidii bidhaanteedii lama arag. Uma baahni inaan sheego murugtii uu dareemay wiilka markii uu ogaaday inay doontiisii luntay. Inkasta oo ay ahayd shey aan qaali ahayn oo gacan lagu sameeyey, aad iyo aad ayey qaali ugu ahayd isaga.

Maalmo yar dabadeed, wiilkii wuxuu fursad u helay inuu booqdo tukaan tukaanada ka mid ah, wuxuuna halkaa ku arkay doontiisii luntay. Wuxuu doonayey inay mar labaad gacantiisa soo gasho sida ugu dhakhsaha badan. Laakiin doontii haddeer waxa lagu iibinayey labo Diinaar, qaali ayeyna isaga ku ahayd. Hasa yeeshee, wuxuu go’aansaday inuu dib u soo iibsado doonta inkasta oo ay qaali tahay. Si aad ah ayuu u shaqeeyey, mudo yar gudaheedana wuxuu helay in ku filan oo uu ku iibsan karo doonta. Wuxuu si toos ah u aaday tukaankii oo wuxuu lacagtii siiyey ninkii tukaanka gadayey, doontiisiina hore ayuu u soo qaatay. Isaga oo kalka ku xajinaya doontii, oo faraxsan ayuu ku laabtay gurigiisa, wuxuuna doontii ku yiri: “Aniga ayaa adiga ku sameeyey, haddeerna waan ku soo iibsaday; laba jeer ayaan marka adiga ku lahaanayaa.”

Sidaas oo kale Ilaah wuu ina abuuray oo deetana ina soo iibsaday. Kitaabka Baybalka wuxuu leeyahay, “Ilaah si uu jacaylkiisa inoogu muujiyo, wuxuu noqday banii-aadan oo wuxuu u yimid inuu innaga ina badbaadiyo.” Shaki kuma jiro inaad weydiinaysid sida ay tan ku dhici karto, waxaad kala xaajoon kartaa mid kale ama waad inkiri kartaa. Laakiin haddii aynu iimaan ku qabno Ilaah, waxaynu rumeysanahay in Ilaah wax waliba awoodo. Wuxuu inaga inoogu yimid isaga oo inoo soo maraya Ciise Masiix. Tan waxay shaaca ka qaaday naxariista Masiixa, daryeelaha iyo badbaadiyihii la qodbay.

Ma jiro nin,  ama nebi, ama awliyo u muujiyey jacayl sida uu Ciise Masiix u muujiyey. Wuxuu naftiisa ugu bixiyey kafaarogud innaga iyo cadowgiisa. Wuxuu tirtiray dembiyadeena oo uu innaga badbaadiyey xanuunka dhimasho ee aynu ku dhiman lahayn isku-tallaabta. Rajada aynu leenahay oo keliya waa jacaylkiisa. Sidee baynu ugu jiri karnaa silsilada dembiga marka isla markaasi aynu noqonayno carruurta Ilaah?

Ciise wuxuu ka sara kacay dhimashada, sidaas awgeed wuxuu innaga xorreeyey awoodii dhimashada, si aynu weligeen ula noolaano isaga. Dhiigiisa ayuu ku bixiyey dembiyadeena. Waxay ahayd arrin qaali ah.

Ilaah laftiisu waa jacayl aan xadad lahayn; marka wax lala yaabo ma ahan inuu bixiyo qiiymahaas ama sicirkaas; waa qayb ka tirsan jacaylkiisa aan xadadka lahayn.

Haddii aad qabtid wax su’aal ah ama aad u baahan tahay sharaxaad dheeraad ah, waynu ku faraxsanahay inaynu waraaq kaa helno. Haddii aad xiisaynaysid koorsooyin kugu caawin kara inaad baratid waxyaalo badan oo ku saabsan Masiixa, waxaynu diyaar u nahay inaynu kuu soo dirno.

 Qoraalkan asalkii waxaa sameeyey Hay’adda Njia ya Uzima laakiin waxaa afka Soomaaliga ku turjumay idaacada:

 CODKA WADADA NABADA

BOX 76001 Nairobi – 00509 Kenya .

E-Mail: cwn@email.ro           

Visit us at: www.codkanabada.org

Global Good News Literature

P.O.Box 451336

Los Angeles, CA 90045

U.S.A

webmaster@globalgoodnews.org

© 2006