ggnltitl.jpg (8122 bytes)


JAWAABO

LAGU NOOLAAN KARO

 

Jawaabo aad ku kalsoonaan kartid

 oo ku saabsan su’aalaha ugu muhiimsan xagga noloshaada

Jawaabta Baybalka

 Qidcooyinkan waxaad ku arki doontaa jawaabta uu Baybalka ka bixinayo qaar ka mid ah su’aalaha ugu muhiimsan ee inta badan la is weydiiyo. Adiga laftaaduba akhriso. Si taxadar leh u akhri. Akhri adiga oo iimaan leh. Waxaad ogaataa farxada ku jirta barashada Baybalka iyo sababta uu u yahay buugii ugu caansanaa ee aduunka yimaada.

 

Jawaabaha

Su’aalahaaga

Kusaabsan …….

Baybalka …………………………………………………………… Page       01

Ilaah………………………………………………………………… Page       03

Askunka aduunka……………………………………………………Page       06

Dhicitaankii uu Banii-aadanku ku dhacay dembiga……………………Page       08

Ciise Masiix ………………………………………………………...Page         09

Badbaadada……………………………………………………….Page       14

Ku noolaanshaha Masiixinnimada……………………………………..Page        17

Salaada………………………………………………………………..Page        22

Guurka iyo Qoyska………………………………………………….Page        25

Silaca iyo Jarribaada………………………………………………...Page         28

Waxyaalaha iman doona ……………………………………………Page        30

Badbaadadaada. ……………………………………………………..Page      34

 

BAYBALKA

  Waa maxay sababta uu Baybalku u yahay buuga ugu caansan aduunka? Jawaabtu way fududahay. Sababtu waxa weeye Baybalku waa Erayga Ilaah! Marka aad akhrinaysid Baybalka, waxaad akhrinaysaa fariin ka timid Ilaah naftiisa! Marka Baybalku hadlo, Ilaah ayaa hadlay!

 Sababtu waxa weeye Baybalku waa Erayga Ilaah, Baybalku waxa uu sameeyaa wax ka dheer fariin gudbin oo keliya. Baybalku waxa uu ina siiyaa ballan qaad. Ballan qaad nololeed! Cid waliba oo fariinta Baybalka ku hesha iimaan waxa loo ballan qaaday hadiyad qaali ah oo ah nolosha weligeed ah ee laga helo Ciise Masiix, Wiilka Ilaah.

 

 

  1. Xaggee ayuu ka yimid Baybalka?

 Ilaah laftiisa ayuu ka yimid. Ilaah waxa uu doortay dad kala duduwan si ay u qoraan wixii uu doonayey inay qoraan.

 “Qorniin kastaa wuxuu ku ahaaday Ruuxa Ilaah.”

                                                Timoteyoska Labaad 3:16b

 “Dad Ruuxa Qoduuska ahu waday ayaa xagga Ilaah kaga hadlay”

                                                Butroska Labaad 1:21t

 Miyeynu aamini karnaa waxa Baybalku leeyahay?

 

Haa Erayga Ilaah waa run oo ballan qaadyada ku jira oo dhan dhabtii waa la buuxiyey.

 “Xaraf ama dhibic keliya ka idlaan mayso sharciga ilaa ay wada noqdaan.”                                           Mataayos 5:18t

 Waa maxay sababta aynu ugu baahanahay Baybalka?

 

Ma jiro nin nolosha si buuxda ugu noolaan karo isaga oo aanan baranin Ereyga Ilaah ee runta ah.

 “Dadku waa inaanu kibis oo keliya ku noolaan, laakiin waa inuu Eray walba oo afka Ilaah ka soo baxa ku noolaado.”             Mataayos 4:4

 Sidee buu Baybalka inooga caawin karaa nolol maalmeedkeena?

Baybalka waxa uu ina barayaa sidii aynu sidii aynu ugu noolaan lahayn nolol qiimo leh oo uu Ilaah ku faraxsan yahay.

 “Qorniin kastaa wuxuu ku ahaaday Ruuxa Ilaah oo waxtar buu u leeyahay waxbaridda, iyo canaanashada, iyo hagaajinta, iyo edbinta xagga xaqnimada; in ninka Ilaah u ahaado mid dhan oo aad loogu diyaariyey shuqul kasta oo wanaagsan.”                                                Timoteyoska Labaad 3:16,17

 Waa maxay faa’iidada ugu weyn ee aynu ka helayno akhrinta Baybalka?

Kitaabka Qoduska ah ee Baybalka waxa uu innagu hogaaminayaa Sayid Ciise Masiix kaas oo aynu xaggiisa ka heli karno nolosha weligeed ah.

 “Laakiin waxyaalahan waxaa loo qoray inaad rumaysataan inuu Ciise yahay Masiixa, Wiilka Ilaah, iyo inaad nolosha ku lahaataan magiciisa idinkoo rumaysanaya.”

                                               Yooxanaa 20:31

 Badanaa dadka jooga aduunka way maqleen wax ku saabsan jiritaanka Ilaah. Hase yeeshee, dadka badankiis ereyga “Ilaah” wax micne ah oo uu u leeyahay iyaga ma jirto. Ma garanayaan cida uu yahay Ilaah ama waxa uu sameeyey. Wax ay ka garanayaan ma jirto qoduusnimmada Ilaah, awoodiisa ama jacaylkiisa. Ma kala oga in Ilaah daryeelayo iyaga iyo in kale, mana garanayaan sidii ay taas ku ogaan lahaayeen.

 Akhri waxa uu Ilaah inoo sheegay ee ku saabsan isaga ee ku qoran kitaabka qoduska ah ee Baybalka.

ILAAH

           1.      Waa ayo Ilaah?

Ilaah waa midka abuuray dunida iyo isha nolosha oo dhan.

“Ilaaha sameeyey dunida iyo waxyaalaha ku jira oo dhanba, oo ah Rabbiga samada iyo dhulka ….. dhammaan isagaa siiya nolosha iyo neefta iyo wax walbaba.”                                  Falimaha Rasuullada 17:24,25

2.      Immisa Ilaah oo run ah ayaa jirta?

 Hal Ilaah oo qura.

 Ilaah wuxuu yiri, “Waxaan ahay Rabbiga, oo mid kale ma jiro, aniga mooyaane Ilaah kale ma jiro.”                                Ishacyaah 45:5b  

3.      Miyey suurtagal tahay inaynu baranno runta ku saabsan Ilaah?

Haa, maxaa wacay Ilaah wuu isa kaaya baray – xagga dabiiciga iyo xagga Baybalka labaduba.  

“Tan iyo abuurniinta dunida waxyaalihiisii aan la arki  karin ayaa bayaan loo arkaa, iyagoo laga garto waxyaalihii la sameeyey, xataa xooggiisa daa’imiska ah iyo Ilaahnimadiisa, si ayan marmarsiinyo u lahaan.”

Rooma 1:20  

“Ilaah wuxuu waagii hore siyaalo badan oo kala duduwan awowayaasheen kula hadlay nebiyadii.”                                       Cibraaniyada 1:1  

4.      Miyey jirtaa hab kale ee uu Ilaah na isugu keen muujiyey?

 Haa, Ilaah waxa uu si cad ee bayaan ah isugu muujiyey xagga Wiilkiisa, Ciise Masiix.

 “Laakiin maalmahan ugu dambaystooda wuxuu inagula hadlay Wiilkiisa.”

                                          Cibraaniyada 1:2b  

5.      Waa maxay waxyaalaha qaar ee uu Ilaah inoo sheegay ee ku saabsan  isaga?  

Ilaah waa mid leh nimco, jacayl iyo wanaag.  

“Rabbigu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad, Cadhona wuu u gaabiyaa, wuuna naxariis badan yahay. Rabbigu wax kasta wuu u roon yahay, naxariistiisuna waxay ka sarraysaa shuqulladiisa oo dhan.”

                                          Sabuurrada 145:8,9  

6.      Waa maxay waxa kale ee uu Ilaah inoo muujiyey ee ku saabsan isaga?  

Ilaah waa mid awood badan, xaq ah oo qoduus ah.  

“Laakiinse Ilaahayagu samooyinkuu ku jiraa, oo wax alla wixii uu doonayayna wuu sameeyey.”                                  Sabuurrada 115:3  

“Shuqulladaadu way weyn yihiin, oo yaab bay leeyihiin. Boqorka quruumahow, jidadkaagu waa xaq oo waa run.”           Muujintii 15:3t  

“Qoduus,qoduus, qoduus waxaa ah Rabbiga ciidammada, oo dhulka oo dhanna waxaa ka buuxda ammaantiisa.”                             Ishacyaah 6:3  

            7.   Ilaah miyuu leeyahay billow?

                 Maya, Ilaah ma lahan billow ama dhammaad.     

                “Intaan buuruhu dhalan ka hor, iyo intaanad samayn dhulka iyo dunida,

                iyo xataa weligeed iyo weligeedba adigu waxaad tahay Ilaah.”

                                                Sabuurrada 90:2  

            8.      Suurtagal ma tahay inaan Ilaah indhaheena ku aragno?  

Maya, indhaha banii-aadanku ma arki karaan Ilaah.  

“Kan keligiis aan dhimanayn, oo ku dhex jira nuurka aan loo dhowaan Karin, oo aan ninna arkin, lana arki Karin.”

                                          Timoteyoska Koowaad 6:16  

9.      Miyey wanaagsan tahay inaynu sameyno muuqaal ama sawir Ilaah si uu inooga caawiyo caabuditaanka Ilaah?  

Maya, Ilaah waa Ruux oo innagama doonayo inaynu sameyno wax sanam ah noocuu doonaba ha noqdee.  

“Ilaah waa Ruux, kuwa caabudaa isagana waa inay ku caabudaan ruuxa iyo runta.”                                          Yooxanaa 4:24  

“Waa inaanad sameysan sanam xardhan, ama wax u eg waxa samada sare jira, ama waxa dhulka hoose jira, ama waxa biyaha dhulka ka hooseeya ku jira.”                                          Baxniintii 20:4  

10.  Ilaahan weyn ee qoduuska ah, waa maxay xiriirka uu la leeyahay aduunkeenan manta?  

Ilaah waxa uu sutida u hayaa oo uu xukumaa aduunkeena maalinba maalinta ka dambeysa. Isagu waa isha barako waliba ee aynu ku faraxsanahay.  

“Ka ugu sarreeyaa u taliyo boqortooyada dadka, oo uu siiyo ku alla kii uu doonayo.”                                          Daanyeel 4:32

 

“Laakiin wanaag buu sameeyey, oo wuxuu samada idinka siiyey roob iyo xilliyo barwaaqo ah, isagoo qalbiyadiinna ka dherginaya cunto iyo farxad.”

                                          Falimaha Rasuullada 14:17

 

11.  Ilaah wax dan ah muu ka leeyahay sida qof waliba ugu nool yahay aduunkiisa?  

Aad ayuu u doonayaa. Maalin maalmaha ka mid ah qof waliba waxaa la xisaabtami doona Ilaah wixii uu aduunka ku sameynayey.  

“Oo uun aan hortiisa ka muuqani ma jiro, laakiin wax waliba way qaawan yihiin oo bannaan yihiin indhihiisa hortooda, kan aynu ku tirsan nahay.”

                                          Cibraaniyada 4:13

12.  Ilaah miyuusan ku wanaagsanayn inuu daneeyo baahideena iyo dhibkeena?  

Ilaah wax waliba ee ka dhaca aduunka wuu daneeyaa –xitaa waxyaalaha ugu yar yar.  

“Laba shimbirood miyaan beesad lagu iibin? Middoodna dhulka ku dhici mayso amarka Aabbihiin la’aantiis. Timaha madaxiinna oo dhan waa tirsan yihiin.”                                                      Mataayos 10:29,30

13.  Ilaah diyaar uma yahay inuu ina maqlo marka aynu la hadalno isaga?  

Haa, Ilaah wuu maqlaa ducada kuwa sida daacada ah ugu yeedha isaga.  

“Rabbigu waa u dhow yahay inta isaga barida oo dhan, kuwaas oo ah inta runta ku barida oo dhan.”                                        Sabuurrada 145:18

14.  Ma suurtagal baa inaynu si buuxda u fahamno Ilaah iyo wadooyinkiisa?

 Maya, Ilaah waa weyn yahayo oo ma fahmi karayno weligeen.

 “Mool dheeraa hodantinimada iyo xigmadda iyo aqoonta Ilaah! Xukummadiisa lama baadhi karo, jidadkiisana lama raadin karo!”   

                                                            Rooma 11:33

 

ASKUNKA ADUUNKA  

Dadka badanaa waxay weydiiyaan su’aalo ku saabsan halka uu aduunku ka soo askunmay. Aduunku sidee buu ku bilowday? Halkeebay wax waliba ka yimaadeen? Ma waxaa jira mid sameeyey aduunka iyo dadka ku nool, mise wax waliba si lama filaan ah ayey ku yimaadeen?  

Sida dhabta ah, kuwan waa su’aalo muhiim ah. Jawaabaha aad bixinaysid waxay ku xiran tahay sida aad adigu isaga fikirtid, uga fikirtid kuwa kale, iyo aduunka aad ku nooshahay.  

Dhageyso waxa kitaabka qoduska ah ee Baybalku leeyahay!

__________________________________________________________________

 

1.      Sideebuu aduunkeenu ku askunmay ama ku bilowday?  

Ilaah ayaa abuuray!  

“Bilowgii Ilaah samada iyo dhulkuu abuuray.”                                                      Bilowgii 1:1  

2.      Ninkii iyo haweenaydii ugu horreeyey xaggee ayey ka yimaadeen?  

Ilaah ayaa abuuray iyaga.  

“Oo Ilaah nin buu ka abuuray araggiisa, Ilaaha araggiisa ayuu ka abuuray isaga; lab iyo dhaddig ayuu abuuray.”  

3.      Waa maxay mas’uuliyada uu Ilaah siiyey iyaga?  

Ilaah wuxuu ku yiri iyaga buuxiya aduunka, oo xukuma wixii ku dul nool oo dhan, oo daryeela isaga.  

“Oo Ilaah waa barakadeeyey iyaga; oo Ilaah wuxuu iyaga ku yidhi, Wax badan dhala oo tarma, oo dhulka ka buuxsama, oo ka sara mara dhulka, oo xukuma kalluunka badda, iyo haadda hawada, iyo wax kasta oo nool oo dhulka kor dhaqdhaqaaqa.”                                                Bilowgii 1:28

4.      Sideebuu ahaa aduunka markii uu Ilaah dhameeyey hawshiisii abuuritaanka?

Wax waliba way wanaagsanaayeen.  

“Oo Ilaah wuxuu arkay wax kasta oo uu sameeyey, oo bal eeg, aad bay u wanaagsanaayeen.”                                                          Bilowgii 1:31b

5.      Ma wax kala duwanaansho ah ayey keenaysaa haddii aduunkeenu uu abuuray Ilaah ama uu ku yimid si lama filaan ah?  

Aduunka oo idil iyo waxa ku jira gudihiisa oo dhanba waxaa iska leh Ilaah, maxaa yeelay isaga ayaa abuuray.  

“Rabbigaa iska leh dhulka iyo waxa ka buuxa oo dhan, Iyo dunida iyo kuwa degganba.”                                                            Sabuurrada 24:1  

6.      Ilaah sidee buu u arkaa waxyaalaha uu abuuray?  

Ilaah wuu daryeelaa aduunkan iyo cid waliba ee ku dhex nool.  

“Rabbigu jidadkiisa oo dhan wuu ku qumman yahay, oo shuqulladiisa oo dhanna wuu ku nimco badan yahay.”                          Sabuurrada 145:17

7.      Maxaynu ugu jawaabnaa Ilaah innaga oo u arkayna isaga sida abuuraheena?  

Waa inaynu jeclaanaa, caabudnaa oo aynu sharafnaa isaga.  

“Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan iyo naftaada oo dhan iyo xooggaaga oo dhan.”

                                                                  Sharciga Kunoqoshadiisa 6:5

           

DHICITAANKII UU BANII-AADANKU KU DHACAY DEMBIGA  

Kadib markaynu akhrinay abuuritaankii dunida, waxa dhici karta inaad la yaaban tahay: Haddii ay wax waliba sidaa u wanaagsanaayeen bilowgii, maxay sidaasi haddaba u sii jiri weysay? Halkeebay ka yimaadeen silica iyo murugada iyo dhimashada? Muxuu haddaba aduunka uga jiraa kharaar iyo nacayb iyo is-fahamla’aan? Maxaa ku dhacay is-waafaqsanaantii oo dhan, nabaddii iyo faraxii?  

Jawaabta uu baybalku ka bixinayo su’aalahaas oo dhan waa mid cad oo fudud. Jawaabtaas waxa laga sameyn karaa hal jumlo: Wax waliba way is-bedeleen markii uu banii-aadanku ku dhacay dembiga!

 

 

1.      Waa maxay amarkii uu  Ilaah siiyey dadkii ugu horreeyey ee uu abuuray?  

Ilaah waxa uu u sheegay iyaga inaynan cunin miraha geed ku dhex yiilay beertii Ceeden, halkaasi oo ay iyagu ku noolaayeen!  

Ilaah waxa uu yiri, “Geed kasta oo beerta ku yaal wax baad ka cuni kartaa: laakiin geedka aqoonta wanaagga iyo xumaanta waa inaanad waxba ka cunin: waayo, maalintii aad wax ka cuntid hubaal waad dhiman doontaa.”                                            Bilowgii 2:16, 17  

2.      Miyey adeeceen amarkii Ilaah?  

Maya, waxay doorteen inay habkooda u noolaadaan intay ku noolaan lahaayeen habka uu Ilaah doonayo.  

“Oo markii naagtii aragtay in geedkii cunto ku wanaagsan yahay, oo indhaha u roon yahay, oo uu yahay geed loo doonayo in caqli lagu yeesho, ayay midho ka qaadatay, oo cuntay; ninkeedii la joogayna wax bay ka siisay, oo isagiina wuu cunay.”                               Bilowgii 3:6  

3.      Maxaa dhacay markay ku dembaabeen xagga Ilaah?  

Dembigoodiii waxa uu u hogaamiyey silic, xukun iyo dhimasho.  

Ilaah wuxuu yidhi, “Maxaa yeelay adigu ……. ka cuntay geedka …… dhulku waa habaaran yahay adiga aawadaa; maalmaha cimrigaaga oo dhanna dhibaataad wax kaga cuni doontaa. Qodxan iyo yamaarugna waa kaaga soo bixi doonaan …….. wejigaagoo dhididsan baad wax cuni doontaa, ilaa aad dhulka ku noqotid; maxaa yeelay, dhulkaa lagaa qaaday; waayo, ciid baad tahay, ciid baadna ku noqon doontaa.”

                                                 Bilowgii 3:17-19  

4.      Laakiin dembigii ay faleen, sidee ayuu inoo saameeyaa innaga?  

Mar markii uu dembigu soo galay aduunka, waxa uu saameeyey qof waliba ee ku noolaa.  

“Haddaba sida dembigu nin keliya dunida ugu soo galay, dhimashaduna dembiga ugu timid, sidaasaa dhimashadiina u gaadhay dadka oo dhan, waayo, waa la wada dembaabay.”                               Rooma 5:12

5.      Qof kasta miyuu dembaabay oo uu Ilaah hortiisa ku qirtay?  

Haa, mid ka marran ma jiro.  

“Mid xaq ahu ma jiro, midnaba”                                 Rooma 3:10  

“Maxaa yeelay, dhammaan way wada dembaabeen oo gaadhi waayeen ammaanta Ilaah.”                                                        Rooma 3:23

6.      Ilaaha jacaylka leh miyuu iska indha tiri karaa runta ku saabsan in dhammaanteenuba aynu wada dembaabnay?  

Maya, inkasta oo uu Ilaah nimco iyo naxariis leeyahay, haddana sidoo kale waa caadil. Ilaah marnaba ogolaan maayo in dembiga la iska hilmaamo oo aan la abaal marin.  

“Rabbigu cadho waa u gaabiyaa, oo waa naxariis badan yahay, oo xumaanta iyo xadgudubka wuu dhaafaa, oo sinaba uma caddeeyo in kan dembiga galay aanu eed lahayn.”

                                     Tirintii 14:18b

 

CIISE MASIIX

Markii ay dadkii ugu horreeyey dembaabeen iyagoo jooga beerta Ceeden, waxaa gashay cabsi oo waxay isku dayeen inay iska qariyaan Ilaah. Laakiin Ilaah, jacaylkiisa aawadeed, wuu soo qabtay, oo wuxuu bilaabay inuu iyagii dib ula hadlo.  

Ilaah wuxuu u sheegay iyaga in mar walibaba la ciqaabi doono dembigooda la’ajligiis, laakiin sidoo kale waxa uu u keenay fariin rajo leh. Iyaga noloshooda kuma dambeyn doonto dhimasho, silac iyo xanuun. Uma baahna inay ku noolaadaan rajo xumo! Ilaah wuxuu ballan qaaday in maalin uun qof iman doono dunida kaas oo si ammaan leh uga guulaysan doono dembiga iyo dhimashada!  

Inkasta oo aanay si buuxda u fahmin wakhtigaa iyada ah, qofkaasi Ilaah ballan qaaday waa Ciise Masiix. Ciise weeye kan keeni doono cafiska iyo nabada. Ciise wuxuu dib u soo celinayaa banii-aadanka lumay si ay wehelnnimo ula yeeshtaan Ilaah!  

Akhri sheekada Ciise adigoo si taxadar leh uga fikiraya, oo baro sababta ay dad badani ee ku nool aduunka ugu arkaan isaga inuu yahay qofkii ugu cajaa’ibka badnaa ee dunida soo mara.

 

  

1.                  Waa ayo Ciise Masiix?  

Ciise Masiix waa wiilka Ilaah ee daa’imka ah.  

“Oo isagu waa dhalaalka ammaantiisa iyo u-ekaanta ahaantiisa, oo wax walba wuxuu ku hayaa erayga xooggiisa.”            Cibraaniyada 1:3b  

2.                  Waa maxay sababta uu Ilaah ugu soo diray Wiilkiisa dunida?  

Ilaah wuxuu dunida u soo diray Ciise si aynu isaga xaggiisa ugu lahaano nolosha daa’imka ah.  

“Ilaah intuu dunida jacayl u qabay ayuu siiyey wiilkiisa keliya oo dhashay in mid kastoo isaga rumaystaa uusan lumin laakiinse uu lahaado nolosha weligeed ah.”                                             Yooxanaa 3:16  

3.                  Sidee ayuu Ciise ku yimid aduunkeenan?  

Ciise waxa uu ka dhashay Maryantii Yahuuda ee bikrada ahayd sida canug banii-aadan.  

“Bishii lixaad Ilaah baa malaa’ig Jibriil u soo diray ………gabadh bikrad ah oo la odhan jiray Maryan. Malaa’igtii waxay ku tiri Maryan, ‘Waad uureysan doontaa, oo wiil baad umuli doontaa, magaciisana waxaad u bixin doontaa Ciise!’”                           Luukos 1:26,27,31

4.                  Waa ayo aabaha Ciise?

Ciise waxa uu ku uur galay xagga Ilaah ee Ruuxa Qoduska ah.  

“Kolkii hooyadiis Maryan u doonanayd Yuusuf, intaanay isu iman, waxaa la arkay iyadoo Ruuxa Qoduuskaa ka uureysatay.”

                                                Mataayos 1:18t  

5.                  Miyuu farxay aduunka badankiis markii uu Ciise dhashay?

Maya, Ciise waxa uu ku dhashay tuulo yar oo ay xaaladeedu aad u degan tahay.  

“Maalmihii ay umuli lahayd way dhammaadeen,  waxayna umushay wiilkeedii curadka ahaa, markaasay maro ku duudduubtay oo qabaal ku jiifisay, waayo, meel ay ku hoydaan ayay hodheelkii ka waayeen.”

                                                Luukos 2:6t,7  

(Waxaad sheekada ku saabsan dhalashada Ciise ka akhrisaa Mataayos 1:18-25 iyo Luukos2:1-20)  

6.                  Maxaa loogu bixiyey magaca Ciise?

Maxaa yeelay magaca Ciise micnihiisu waxa weeye “Badbaadiye.” Ciise waxa uu u yimid inuu dadkiisa ka badbaadiyo dembiyadooda.  

Malaa’igtii waxay tiri, “magiciisana waxaad u bixin doontaa Ciise, waayo, dadkiisa ayuu dembiyadooda ka badbaadin doonaa.”

                                                Mataayos 1:21b  

7.                  Waa maxay waxa uu Ciise sameeyey markii uu joogay dhulka?

Ciise waxa uu ku wareegayey magaalooyinka Israa’iil isaga oo wax baraya, wacdinaya, bogsiinaya kuwa buka, saaraya jinniyada, cafinaya dembiyada iyo isaga oo caawinaya kuwa baahan.  

“Ciise wuxuu ku wareegay magaalooyinka iyo tuulooyinka oo dhan, oo sunagogyadooda ayuu wax ku barayay, oo injiilka boqortooyadii ku wacdiyeyey, oo bugto walba iyo cudur walba ayuu bogsiinayey.”

                                                Mataayos 9:35  

“Jinniyona dad badan ayay ka soo baxeen, iyagoo qaylinaya oo leh, ‘Adigu waxaad tahay Wiilka Ilaah!’”

                                                Luukos 4:41b  

Qof towbadkeenay ayuu Ciise ku yidhi, “Dembiyadaadii waa cafiyan yihiin.”                                                Luukos 7:48  

8.                  Sidee ayey dadkii uga jawaabeen mucjisooyinkii iyo baritaankii Ciise?

Dadka badankii way tacajabeen, kuwa badana isaga ayey rumeeyeen.  

“Dad badan ayaa magaciisa rumaystay markay arkeen calaamooyinkuu sameeyey.”                                               Yooxanaa 2:23  

( Waxaad akhrisaa afarta Injiil ee Mataayos, Maarkos, Luukos iyo Yooxanaa oo si aad ah uga hadlaya dhacdooyinka nolosha Ciise.)  

9.                  Qof kastaa oo arkay mucjisooyinka Ciise ama maqlay isaga oo hadlaya miyuu rumeeyey?

Maya, Ciise waxaa diiday madaxdii Yahuuda oo ka maseyrsanaa isaga. Waxay u gacan geliyeen isaga taliyihii Roomaanka si isaga loo dilo.  

“Wadaaddadii sare iyo waayeeladii dadka oo dhan ayaa Ciise wax ka gees ah ka wada hadlay si ay u dilaan. Markaasay xidheen oo kaxeeyeen, oo waxay u dhiibeen taliyihii Bilaatos ahaa.”

                                                Mataayos 27:1,2  

“[Bilaatos] wuxuu ogaa inay xaasidnimo ugu soo dhiibeen”

                                                Mataayos 27:18  

10.              Sidee ayuu Ciise u dhintay?

Ciise waxaa ku majaajilooday oo jirdil ku sameeyey askartii Roomaanka kadibna waxaa lagu qodbay iskutallaabta meel dibada ka ah caasimada Yeruusaalem.  

“Markaasaa askartii …….. waxay u geliyeen dhar guduudan, oo taaj ayay qodxan uga texeen, oo madaxiisay saareen. Markaasay salaameen oo waxay ku yidhaahdeen, ‘Nabad, Boqorka Yahuudow!’ Madaxana ayay cawsduur kaga dhufteen, oo wayna ku candhuufeen, oo u jilba joogsadeen, oo u sujuudeen. Goortay ku majaajiloodeen dabadeed ayay dharkii guduudnaa ka qaadeen oo dharkiisii bay u geliyeen, markaasay wadeen in iskutallaabta lagu qodbo.”

                                                Maarkos 15:16-20

(Si aad u ogaatid dhacdooyinka ku saabsan dhimmashada Masiixa, waxaad akhrisaa Mataayos 26&27, Maarkos 14&15, Luukos 22&23 iyo Yooxanaa 18&19)  

11.              Ciise ma waxaa loogu qodbay iskutallaabta khalad uu sameeyay awgiis?

Maya, dhabtii Ciise waxa uu ku noolaa nolol aan iin lahayn.  

“Isagu ma uu dembaabin, khiyaanona afkiisa lagama helin. Oo isagu markii la caayay, dadkii caayay cay uma uu celin. Markuu xanuunsadayna ninna ma uu cabsiin, laakiinse wuxuu isu dhiibay kan xaqnimada wax ku xukuma.”                    Butroska Koowaad 2:22,23

12.              Maxaa ku dhacay jirkii Ciise kadib markii uu dhintay?

Jirkii Ciise si uu jacayl ku jiro waxaa u duugay nin taajir ah oo la oran jiray Yuusuf.  

“Yuusuf goortuu meydkii qaaday ayuu kafan nadiif ah ku duudduubay, oo wuxuu geliyey xabaashiisii cusbayd, tan uu dhagax ka qoday, oo xabaashii afkeedii wuxuu ku soo giringiriyey dhagax weyn, wuuna ka tegey.”                                                Mataayos 27: 59,60  

13.              Jirkii Ciise ma wuxuu ku sii jiri doonay qabriga?

Maya, saddex beri kadib Ciise wuu sare kacay.  

“Isaga Ilaah baa sare kiciyey, oo ka furfuray xanuunkii dhimashada, maxaa yeelay, dhimashadu ma xajin Karin.”

                                                Falimaha Rasuullada 2:24  

(Baybalka waxa uu qorayaa qisada sarakicida Ciise xagga Injiilka Mataayos 28:1-10, Maarkos 16:1-8, Luukos 24:1-49 iyo Yooxanaa20&21)  

14.              Muxuu sameeyey Ciise kadib markii uu ka sare kacay dhimashada?

Afartan maalmood ayuu dhulka sii joogay si kuwii isaga raacsanaa uu ugu muujiyo inuu nool yahay.  

“Markuu xanuunsaday dabadeed, iyagii ayuu isagoo nool waxyaalo badan oo la hubo isugu muujiyey, oo mudo afartan maalmood ah ayuu iyagii u muuqday, oo kala hadlay waxyaalaha ku saabsan boqortooyada Ilaah.”                                                Falimaha Rasuullada 1:3

15.              Afartankaa maalmood kadib maxaa dhacay?

Ciise wuxuu ku laabtay samada halkaasoo uu haddeer ka xukumayo wax waliba ee ku jira samada iyo dhulka.  

“Waxaa dhacay intuu barakadaynayay inuu ka tegey, oo waxaa kor loogu qaaday samada.”                                                Luukos 24:51  

“[Ilaah] wuxuu fadhiisiiyey meelaha jannada xagga midigtiisa. Oo wuxuu isaga ka sarreeysiiyey madax kasta, iyo amar kasta, iyo xoog kasta iyo sayidnimo kasta.”                                                Efesos 1:20t,21b  

16.              Haddeer Ciise muxuu sameynayaa?

Ciise innaga ayuu inoo duceynayaa oo uu inoo diyaarinayaa meel.  

“[Ciise] wuxuu galay jannada qudheeda inuu hadda Ilaah hortiisa inooga muuqdo.”                                                Cibraaniyada 9:24t  

Ciise waxa uu yiri, “Guriga Aabahay wuxuu leeyahay hoyaal badan. ……. waxaan u tegayaa inaan meel idiin sii diyaariyo.”

                                                Yooxanaa 14:2

17.              Ciise miyuu sii joogi doonaa jannada?

Maya, maalin maalmaha ka mid ah waxa uu haddana ku soo laabanayaa aduunka, oo isaga ayaa inna wadanaya.  

Ciise wuxuu yidhi, “Oo haddaan tago oo meel idiin diyaariyo, mar dambe waan soo noqon doonaa, oo xaggaygaan idiin qaadan doonaa, in meeshaan joogo, idinkuna aad joogtaan.”                  Yooxanaa 14:3  

(Warar dheeraad ah oo ku saabsan dib u soo laabashada Ciise, waxaad eegtaa baallalka ?-?)

 

BADBAADADA

Kadib markaad akhriday sheekada cajaa’ibka leh ee Ciise, weli waxaa dhici karta inay kuu kala cadayn waxa Ciise sameeyey. Ciise waxaa loogu yeedhay badbaadiye, laakiin aduunku weli waxa uu u muuqdaa mid lumay. Silic iyo murugo ayaa dhooban, dadkuna sidii ay weligoodba u dhiman jireen ayey u dhimanayaan. Xitaa aduunka dabiiciga ah ee innagu wareegsan waxaa ka muuqata jajab iyo qurun. Marka la eego siyaabo badan, nolosha intii ay sii wanaagsanaan lahayd way sii xumaani haysaa. Tani waa maxay micnaheedu marka la leeyahay “Ciise waa badbaadiyaa”?

Adiga oo leh qalbi rumeysad, akhri waxa Baybalku leeyahay!  

1.                  Sida dhabta ah maxaa loola jeedaa marka la leeyahay qofku wuu “badbaaday”?

Marka aad badbaadid waxa aad noqonaysaa canuga Ilaah, dembiyadaadii oo dhan waa lagaa cafinayaa, oo waxa aad helaysaa nolosha weligeed ah.  

“Laakiin in alla intii aqbashay, wuxuu siiyey amar ay carruurtii Ilaah ku noqdaan, kuwaasu waa kuwii magiciisa rumaystay.”

                                                Yooxanaa 1:12

 “Oo dhiiga Ciise, oo Wiilkiisa ah, wuxuu inaga nadiifiyaa dembi oo dhan.”                                                Butroska Koowaad 1:7t

 “Maragguna waa kan, kaas oo ah in Ilaah ina siiyey nolosha weligeed ah, oo ay noloshanu Wiilkiisa ku jirto.”           Butroska Koowaad 5:11

2.                  Laakiin maadaama Ilaah laftiisu uu yiri mishaarka dembigu waa dhimasho, sidee ayuu innooga nadiifin karaa dembiga isaga oo aan ina ciqaabin?

Ciise ayaa booskeenii u dhintay. Isaga ayaa dusha u dhigtay ciqaabtii aynu u qalanay oo dhan.  

“Laakiinse waxaa isaga loo dhaawacay xadgudubyadeenna, waxaana loo nabareeyey xumaatooyinkeenna, edbintii nabaadiinadeennana dushiisay ku dhacday, dildillaaciisana waynu ku bogsannay ……… Rabbigu wuxuu isaga dul saaray xumaanteenna oo dhan.”

                                                Ishacyaah 53:5,6

 (Waxa kale oo aad eegtaa Rooma 5:6-8, Korintoska Labaad 5:19-21; Butroska Koowaad 1:18,19; Butroska Koowaad 2:24)

3.                  Sidda dhabta ah Ilaah miyuu doonayaa inuu dembiyadeena oo dhan inoo wada cafiyo?

Haa, mid waliba!  

“Inkastoo ay dembiyadiinnu guduudan yihiin, sida baraf cad oo kalay u cadaan doonaan, oo in kastoo ay cascas yihiin, sida suuf oo kalay ahaan doonaan.”                                              Ishacyaah 1:18t

4.                  Maxaa la innaga doonayaa inaynu sameyno si aynu ku helno badbaadadan cajaa’ibka leh?

Waa inaynu ka toobad keenaa dembiyadeena oo aynu rumeynaa in Ciise innaga inoo dhintay.  

“Haddaba toobad keena oo soo noqda, si dembiyadiina loo tirtiro, si ay wakhtiyo qabowjis lihii uga yimaadaan Rabbiga hortiisa.”

                                                Falimaha Rasuullada 3:19

 “Rumayso Rabbi Ciise, waadna badbaadi doontaa, adiga iyo dadka gurigaaguba.”                                             Falimaha Rasuullada 16:31

5.                  Miyeynu ku heli karin badbaadada innaga oo isku jarribna innaynu ku noolaano nolol wanaagsan?

Maya, waxaynu ku badbaadnaa nimcada Ilaah, (daryeelkiisa aan qiyaasta lahayn iyo jacaylka), laakiin ma ahan xagga dadaalkeenna.  

“Waayo, idinku waxaad ku badbaadeen nimco xagga rumaysadka, mana aha wax xaggiina ka yimid, laakiinse waa hadiyadda Ilaah, mana aha xagga shuqullada wanaagsan aawadood oo Ilaah hore ugu diyaariyey inaynu ku soconno.”  

6.                  Miyey jirtaa hab kale oo lagu badbaado oo aan ka ahayn kan xagga Ciise?

Ma jiro hab kale.  

Ciise wuxuu yiri, “Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabaha uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee.”

                                                Yooxanaa 14:6

 “Mid kale badbaadada lagama helo, maxaa yeelay, ma jiro, magic kale samada hoosteeda oo dadka dhexdooda loo bixiyey oo waajib inoo ah inaynu ku badbaadno.”                                 Falimaha Rasuullada 4:12

7.                  Waa maxay ballan qaadka weyn ee la siiyey cid waliba ee rumeysa Ciise?

Qof kasta oo si dhab ah u rumeeya waxa uu helayaa hadiyada nolosha waligeed ah. Mar dambe kuma hoos jirayo xukunka dhimashada.  

Ciise waxa uu yiri, “Runtii, runtii , waxaan idinku leeyahay, Kii hadalkayga maqla oo rumaysta kii i soo diray, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, xukunna geli mayo, laakiin dhimashadii ayuu ka soo gudbay oo nolosha u soo gudbay.”  

8.                  Goormaa ayey bilaabataa nolosha weligeed ah?

Nolosha cusub ee Masiixa waxay bilaabataa isla marka uu qofka rumeeyo.  

Ciise wuxuu yiri, “Runtii, runtii , waxaan idinku leeyahay, Kii I rumaystaa, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah.”

                                                Yooxanaa 6:47  

9.         Maxaa ku dhacaya kuwa aan rumaysan?

Kuwa aan rumaysan waxay ku sii noolaan doonaan ama ku sii hoos jiri doonaan xukunka Ilaah oo si daa’im ah ayey u lumi doonaan.  

“Kii isaga rumaystaa ma xukumna, laakiinse kii aan isaga rumaysan, hore ayaa loo xukumay, maxaa yeelay, wuxuusan rumaysan magaca Wiilka Ilaah oo keliya oo dhashay.”                            Yooxanaa 3:18  

10.        Miyey muhiimad ballaaran inoo leedahay inaynu rumaysadka aan ku

qabno Masiixa ka qiranno dadka hortooda?

Haa.  

“Maxaa yeelay, haddaad afka ka qiratid in Ciise yahay Rabbiga, oo aad qalbiga ka rumaysatid in Ilaah isaga ka sara kiciyey kuwii dhintay, waad badbaadi doontaa, waayo, qalbiga wax baa laga rumaystaa xagga xaqnimada, afkana wax baa laga qirtaa xagga badbaadinta?

                                                Rooma 10:9,10

11.       Rumaystayaashu miyey xaqiiqsan karaan inay leeyihiin nolosha

weligeed ah?

            Haa, si aan shaki ku jirin.           

“Waxyaalahan waxaan idiinku soo qoray, idinka soo rumaystay magaca Wiilka Ilaah, si aad u ogaataan inaad nolosha weligeed ah leedihiin.”

                                                Yooxanaha Koowaad 5:13  

12.        Maxaa ku dhacaya rumaystayaasha markay dhintaan?

Rumaystayaasha isla markiiba waxaa loo qaadayaa xaadirnimada Masiixa.  

“Waayo, aniga waxaa nolosha ii ah Masiixa, oo dhimashaduna waa ii faa’iido…… oo waxaan jecelahay inaan tago oo Masiixa la joogo, waayo, taasu aad bay iigu roon tahay.”

                                                            Filiboy 1:21,23  

13.       Maxaa ku dhacaya jirka rumaystayaasha ee dhinta?

Mar kale ayey ammaan ku sara kacayaan marka uu Ciise ku soo laabto aduunka.  

“Sayid Ciise Masiix …… wuxuu beddeli doonaa jidhkeenna liita inuu u ekaado jidhkiisa ammaanta leh.”                                   Filiboy 3:20,21

14.       Waxyaalaha kale ee uu Ilaah abuuray miyey badbaadada Ciise uu

      keenay ka qayb qaadanayaan?

Haa, markuu Ciise soo laabto haddana, wax kasta oo hore loo abuuray dib ayaa loo soo cusboonaysiinayaa.  

“Taasoo la rajeynayo in uunka qudhiisana laga xorayn doono addoonnimada qudhunka ah oo la gelin doono xorriyadda ammaanta carruurta Ilaah.”

                                                            Rooma 8:21

 

KU NOOLAANSHAHA NOLOSHA MASIIXINIMADA  

Dad badan ayaa u hanqal taagaya inay aqbalaan badbaadada uu Ciise bixiyo, laakiin waxay su’aalo badan ka qabaan habka ay ugu noolaanayaan nolosha Masiixinimada. Qaar doonaya inay ku noolaadaan nolosha Masiixinimada, waxay la yaabaan inay awoodi karaan. Qaarkood ma hubaan inay awoodi doonaan inay sameyn karaan waxyaalaha uu Ciise ka doonayo inay sameeyaan oo dhan. Weli qaar ayaa waxay Masiixinnimada u arkaan inay tahay diin ku salaysan samee ama ha sameynin, oo waxay ka baqayaan haddii ay Masiixi noqdaan in farxadii noloshooda oo dhan ay dhumayso.  

Maxaa loola jeedaa in lagu noolaado hab Masiixinimo? Qof miyuu ku noolaan karaa nolol ka farxisa Ilaah? Masiixinimadu miyay farxada ka qaadaa nolosha?  

Akhri waxa Baybalku leeyahay ee ku saabsan barakada iyo imtixaanka ay leedahay in loo noolaado sida mid raacsan Masiixa labaduba.

 

 

1.                  Taxaddi noocee ah ayuu Ciise siiyey kuwa doonaya inay raacaan isaga?

Ciise wuxuu ku taxaddiyey iyaga inay raali ka noqdaan inay wax waliba daraadiis uga tagaan – xitaa nafsadooda!  

Ciise wuxuu yiri, “Mid uun hadduu doonayo inuu iga daba yimaado , ha is-inkiro, iskutallaabtiisana ha soo qaato oo ha i soo raaco. Kan doonaya inuu naftiisa badbaadiyo, waa lumin doonaa, laakiin kan naftiisa u lumiya aawaday iyo injiilka aawadii, kaasaa badbaadin doona.”                                                            Markos 8:34,35

2.                  Waa maxay sababta ay rumaystayaasha u doonayaan inay ku noolaadaan nolol Masiixinnimo?

Waa abaal ay u hayaan Ilaah wixii uu u sameeyey iyaga.  

“Haddaba, walaalayaalow, waxaan idinku baryayaa Ilaah naxariistiisa inaad jidhkiina Ilaah u siisaan sida allabari nool oo qoduus ah oo Ilaah ku farxo, waana cibaadaysigiina caqliga leh.”                   Rooma 12:1  

3.                  Yaa suurta gal ka dhiga inay rumaystayaasha ku noolaadaan nolol Masiixinnimo?

Ilaah laftiisa ayaa sameeya, maadaama ay rumaystayaasha keligood awoodin inay ku noolaadaan nolol Masiixinnimo?  

“Waa Ilaah kan idinkaga dhex shaqeeya xagga doonista iyo xagga shuqulkaba farxadiisa wanaagsan aawadeed.”                   Filiboy 2:13  

4.                  Sidee ayey rumaystayaasha ku muujin karaan in Ilaah ka dhex shaqeynayo noloshooda?

Ruuxa Qoduska ee iyaga ku jira ayaa waxa uu dhalayaa miro Masiixa u eg oo kuwa kale ayaa arkaya.  

“Laakiin midhaha Ruuxu waa jacayl, farxad, nabad, dulqaadasho, roonaan, wanaag, aaminnimo, qabownimo iyo iscelin.”

                                                            Galatiya 5:22,23b  

5.                  Sidee ayuu u egyahay “jacaylka Masiixinnimada”?

Baybalka erayadan ayuu ku sharaxay jacaylka Ilaah.  

“Jacaylku waa samir badan yahay, waana raxiim, jacaylku ninna ma xasdo, jacaylku ma faano, mana kibro, wax aan u ekayn ma falo, nafsaddiisana wax uma doondoono, mana xanaaqo, sharna kuma fikiro, xaqdarrada kuma farxo, laakiin wuxuu ku farxaa runta. Wax walba wuu u dulqaataa, wax walba wuu rumaystaa, wax walba wuu rajeeyaa, wax walba wuu u adkaystaa. Jacaylku weligii ma idlaado.”

                                                            Korintoska Koowaad 13:4-8b  

6.                  Ma waxaa jira tusaalooyin ku saabsan jacaylka Masiixinnimada oo aynu ku deyan karno?

Haa, Ciise laftiisa ayaa waxa uu ina siiyey tusaale aan iin lahayn.  

“Taasaynu jacaylka ku garanaynaa, waayo, isagu naftiisuu u bixiyey aawadeen; oo innaguna waa inaynu nafteenna u bixinno walaalaheen. Laakiin kan leh xoolaha dunidan, oo arka walaalkiis oo baahan, oo qalbigiisa ka xidha, sidee baa jacaylka Ilaah ugu jiraa isaga? Carruurtaydiiyey, yaynaan ku jeclaanin hadalka iyo afka toona, laakiin camalka iyo runta aan ku jeclaanno.”

                                                            Yooxanaha Koowaad 3:16-18

 

7.                  Maxaa loola jeedaa marka la leeyahay kuwa aduunka islahaysiiya?

Kuwa aduunka islahaysiiya waa kuwa ku nool heerka iyo damaca dembiga leh ee aduunkan aan rumaysadka lahayn.  

“Dunida iyo waxyaalaha dunida ku jira toona ha jeclaanina. Qof uun hadduu dunida jeclaado, jacaylka Aabbuhu kuma jiro isaga. Maxaa yeelay, waxaa dunida ku jira oo dhan oo ah damaca jidhka, iyo damaca indhaha, iyo faanka nolosha, xagga Aabbaha kama yimaadaan ee waxay ka yimaadaan xagga dunida.”

                                                            Yooxanaha Koowaad 2:15,16  

8.                  Waa maxay dembiyada qaar ee khaaska ah ee uu Baybalku inooga digay?

Beenta, xatooyada, erayada xun ama cayda, dagaalka, isgalmaadka xaaraanta ah, cabida khamriga – iyo qaar kale oo fara badan.  

“Sidaas daraaddeed beenta iska fogeeya, oo midkiin waluba deriskiisa run ha kula hadlo ……… Kii wax xadi jiray yuusan mar dambe wax xadin ……. Hadal qudhun ahu yuusan afkiinna ka soo bixin ……. Haddaba qadhaadh iyo dhirif iyo cadho iyo qaylo iyo cay oo dhammi ha idinka fogaadeen iyo xumaan kastaaba ….. Marnaba yaan dhexdiinna laga sheegin sino, iyo wasakh oo dhan, iyo damacnimo …… Ha ku sakhraamina khamriga rabshadu ku jirto, laakiinse Ruuxu ha idinka buuxsamo.”                                           Efesos 4:25-31; 5:3,18  

9.                  Miyey tahay suurtagal in rumaystayaasha ay ka adkaadaan jarribaada oo ay ku noolaadaan nolol qoduus ah?

Haa, maadaama uu Ilaah sameeyey wado looga fakado marwaliba jarribaad kasta.  

“Jirrabaadna idinma qabsan tan dadka wada qabsata mooyaane, laakiin Ilaah waa aamin, mana oggolaan doono in laydin jirrabo intaad karaysaan in ka badan, laakiin markii laydin jirrabo wuxuu sameyn doonaa jid aad kaga baxsataan si aad ugu adkaysan kartaan.”

                                                            Korintoska Koowaad 10:13

 

10.              Ilaah miyuu doonayaa inuu cafiyo rumaystayaasha ku dhacay dembiga?

Haa, haddii ay si is-hooseysiin leh u qirtaan dembiyadooda oo ay weydiistaan dembi dhaaf.  

“Haddaynu dembiyadeenna qirano, isagu waa aamin iyo caadil inuu dembiyadeenna inaga cafiyo, oo uu inaga nadiifiyo xaqdarrada oo dhan.”                                                      Yooxanaha Koowaad 1:9  

11.              Sidee ayey rumaystayaashu isu caawin karaan si ay ugu noolaadaan nolol masiixinnimo?

Wadajir in loo sameeyo caabudidda, midba midka kale inuu dhiirigeliyo, midba midka kale inuu u duceeyo iyo taxadar dheeraad ah in midna uusan midka kale ku hogaamin falka dembiga.  

“Yaynaan iska daynin isku ururkeenna sida ay tahay caadada dadka qaarkood, laakiin aan isdhiirogelinno.”                 Cibraaniyada 10:25b  

“Oo taas ku dhawra adkaysasho oo dhan iyo u-ducaynta qoduusiinta oo dhan.”                                                           Efesos 6:18t  

“Laakiin iska dhowra …si aan ikhtiyaarkiinnu wax lagu turunturoodo ugu noqon kuwa itaalka daran.”                   Korintoska Koowaad 8:9  

12.              Fikrad noocee ah ayaa loo baahan yahay inay rumaystayaasha ka haystaan waxa ku saabsan lacagta iyo maalka?

Waa inay si aad ah uga taxadaraan inuusan jacaylkaa lacagta iyo waxyaalaha aduunka luminin iyaga.  

Ciise waxa uu yiri, “Fiiriya oo iska ilaaliya damacnimada oo dhan, waayo, qof goortuu maal badnaado, noloshiisu kama timaado maalkuu leeyahay.”                                                           Luukos 12:15  

“Jacaylka lacagtu waa xididka xumaatooyinka oo dhan, oo qaar intay higsanayeen ayay iimaankii ka ambadeen, oo waxaa muday tiiraanyo badan.”                                                Timoteyoska Koowaad 6:10  

13.              Baybalku muxuu ka oranayaa waxa ku saabsan bixinta?

Rumaystayaashu waa inay si deeqsi ah, oo joogto ah, oo ay ku faraxsan yihiin wax u bixiyaan.  

“Sidaad wax kasta badnaan uga haysaan …..waa inaad nimcadanna badnaan uga haysaan.”                                  Korintoska Labaad 8:7  

“Maalinta ugu horraysa ee toddobaadka midkiin kastaa meel wax ha dhigo oo ha hayo wixi lagu barwaaqeeyey.”

                                                            Korintoska Koowaad 16:2b

 

“Qof kastaa wax ha u bixiyo siduu qalbiga ka goostay, oo yaanu ku bixin caloolxumo ama qasab, waayo, Ilaah wuxuu jecel yahay kan farxad wax ku bixiya.”                                  Korintoska Labaad 9:7  

14.              Maxaa ka dhasha bixinta iyo wax bixinta farxada leh?

Kuwa wax bixiya waa la barakadeeyaa, kuwa baahana wax ayey helaan, Ilaahna waa la amaanaa.  

“Laakiin tan ogaado: Kii wax yar beeraa, wax yar buu goostaa, kii wax badan beeraana, wax badan buu goostaa.”       Korintoska Labaad 9:6  

“Waayo, samaynta shuqulkani ma dhammays tirto waxa dhiman ee ay qoduusiintu u baahan yihiin oo qudha, laakiin waxaa kale oo ay kordhisaa in Ilaah aad loogu mahad naqo.”   Korintoska Labaad 9:12  

15.              Rumaystayaashu ma inay wax ku saabsan Ciise Masiix kala hadlaan baa kuwa aan weli rumaysan?

Haa, mar waliba waa inay diyaar u ahaadaan inay kuwa kale markhaatifur siiyaan mar waliba ee haboon.  

“Mar kasta diyaar u ahaada inaad u jawaabtaan nin alla ninkii wax idinka weydiiya sabab ku saabsan rajada aad leedihiin, laakiinse qabow iyo cabsi ugu jawaaba.”                                Butroska Koowaad 3:15  

16.              Rumaystuhu xaggee ayuu ka helayaa awooda uu sida ugu wanaagsan markhaatifur u sameyn karo?

Waxa uu ka helayaa Ruuxa Qoduuska ah.  

“Laakiinse waxaad heli doontaan xoog markii Ruuxa Qoduuska ahi idinku soo dego; oo markhaatiyaal ayaad iiga noqon doontaan ….. meesha dunida ugu fog.”                            Falimaha Rasuullada 1:8  

17.              Waa maxay shuruudaha guud ee la doonayo in rumaystuhu raaco isla markaasi uu doonayo inuu ku noolaado nolol masiixinnimo?

Mar waliba waa inuu raaco sida uu Ruuxa Qoduuska ah ku hogaaminayo oo uu wax waliba u sameeyo ammaanta Ilaah.  

“Laakiin waxaan leeyahay, Ruuxa ku socda, kolkaas aydnaan damaca jidhka yeelayne.”                                                Galatiya 5:16  

“Haddaba haddaad wax cuntaan, ama wax cabtaan, ama wax kastaad samaysaan, dhammaan u wada sameeya Ilaah ammaantiisa.”

                                                            Korintoska Koowaad 10:31

 

SALAADDA

Mudnaanta ugu weyn ee ay rumaystayaashu haystaan isla markaasi ay doonayaan inay ku noolaadaan nolol masiixinnimo waa salaada. Markay rumaystayaashu tukadaan, waxay si toos ah oo khaas ah ula hadlayaan Aabbahooda jannada ku jira. Wax soo dhexgalayo iyaga iyo Ilaahooda ma jiro.  

Si aynu ugu salaadno hab toosan, uma baahnin inaynu isticmaalno erayo khaas ah ama cod khaas ah. Waxa loo baahan yahay oo qura waa doonis ku salaysan daacadnimo ee aynu dareenkeena iyo doonista qalbiyadeena ee ugu hooseysa ugu keenayno Ilaah.

 

1.                  Sidee ayey ugu muhiimsan tahay salaada xagga nolosha rumaystayaasha?

Rumaystayaashu waa inay wax waliba ka tukadaan.  

“Waxba ha ka welwelina, laakiinse wax kastaba baryadiinna Ilaah ku ogeysiiya tukasho iyo duco mahadnaqid la jirto. Oo nabadda Ilaah oo waxgarasho kasta ka sarraysa ayaa waxay qalbiyadiinna iyo fikirradiinna ku dhawri doontaa Ciise Masiix.”                 Filiboy 4:6,7  

2.                  Magacee ayeynu ku tukanaa?

Magaca Ciise.  

“Oo wax alla waxaad magacayga ku weydiisataan, waan samayn doonaa in Aabbuhu ku ammaanmo Wiilka. Haddii aad wax igu weydiisataan magacayga, waan samayn doonaa.”

                                                            Yooxanaa 14:13,14  

3.                  Ilaah miyuu maqlaa oo uu ka jawaabaa salaada dadkiisa?

Hubaal!  

“Oo tanu waa kalsoonaanta aynu isaga u qabno, taasoo ah haddaynu wax uun doonistiisa ku barinno, isagu wuu ina maqlaa.”

                                                            Yooxanaha Koowaad 5:14  

4.                  Maxaa loo ballan qaaday kuwa u tukada sida Ilaah doonistiisu tahay?

Ilaah wuu oofinayaa codsigooda.  

“Weydiista oo wa laydin siin doonaa; doona oo waad heli doontaan, garaaca oo waa laydinka furi doonaa.”                        Mataayos 7:7

 

5.                  Ilaah mar waliba ma ina siinayaa wax waliba oo aan weydiisano?

Maya, maxaa yeelay waxaa jira marar aynu wax weydiisano inaga oo leh ula jeedo xun ama dembi uu ka buuxo qalbiyadeena.  

“Waad weydiisataan, mana heshaan, waayo, si xun baad u weydiisataan inaad ku bixisaan damacyadiinna aawadood.”                Yacquub 4:3

“Haddaan dembi qalbigayga ku arkay, sayidku ima uu maqleen.”

                                                            Sabuurrada 66;18  

6.                  Ma waxaa jira sabab kale ee uu Ilaah inoogu diidi karo waxyaalaha aynu weydiisano?

Haa, maxaa yeelay waxaa dhici karta waxa aynu weydiisanay inaynan inoo wanaagsanayn.  

“Waxaa lay siiyey wax jidhkayga muda oo ah mid Shaydaan uu soo diray inuu i kadeedo, si aanan isu sarraysiin. Waxaas aawadiis saddex goor ayaan Rabbiga ka baryay in waxaasi iga fogaado. Oo isagu wuxuu igu yidhi, Nimcadaydu way kugu filan tahay; maxaa yeelay, xooggaygu wuu ku dhan yahay itaaldarrada. Sidaa aawadeed anigoo faraxsan ayaan ku faanayaa itaaldarrooyinkayga in xoogga Masiixu igu soo dego…waayo, markaan itaal daranahay, ayaan xoog badanahay.”

                                                            Korintoska Labaad 12:7t-10  

7.                  Salaadu ma hab Ilaah wax lagu weydiisto uun baa?

Maya, salaada waxa ku jira ammaan, qirasho, iyo mahadnaq iyo sidoo kale codsi.  

“Haddaba sidatan u tukada, Aabahayga jannada ku jirow, magacaagu qoduus ha ahaado. Boqortooyadaadu ha timaado, doonistaada dhulka ha lagu yeelo sida jannada loogu yeelo. Kibis maalin nagu filan, maanta na sii. Oo naga cafi qaamahayaga sidaannu u cafinnay kuwa noo qaamaysan. Oo jirrabaadda ha noo kaxayn, laakiin sharka naga du. (Waayo, boqortooyada iyo xoogga iyo ammaanta adigaa leh weligaa. Aamiin.)                                          Mataayos 6:9-13

 

8.                  Waa maxay waxa uu Ciise inooga digay ee ku saabsan tukashada?

Waa inaynu ka taxadarnaa inaynaan u tukanin si ay banii-aadanku inoo faaliyaan, mana ahan inaynu tukano iyada oo uu qalbigeena ku jiro ruuxa cafis la’aanta.  

Ciise waxa uu yiri, “Oo goortaad tukanaysaan, ha ahaanina sida laba-wejiilayaasha, waayo, waxay jecel yihiin inay tukadaan iyagoo taagan sunagogyada iyo meesha jidadku isku gooyaan si ay dadka ugu muuqdaan.”                                       Mataayos 6:5b

 “Oo kolkaad tukasho u taagan tihiin, cafiya haddii aad dad wax ku leedihiin, si Aabbihiina jannada ku jiraa xumaantiinna idiin cafiyo.”

                                                            Markos 11:25

 

9.                  Dabeecad noocee ah ayaa loo baahan yahay inaynu lahaano markaynu tukanayno?

Waa inaynu leenahay dabeecad is-hooseysiin iyo kalsooni.  

Ilaah wuxuu yiri, “Haddii dadkayga oo ah kuwa magacayga lagu yeedhay ay is-hoosaysiiyaan, oo i baryaan, oo wejigayga doondoonaan, oo jidadkoodii xumaa ka soo noqdaan, de markaasaan samada ka maqli doonaa, oo dembigoodana waan ka cafiyi doonaa, oo dalkoodana waan bogsiin doonaa.”                 Taariikhdii Labaad 7:14  

“Haddaba aynu carshiga nimcada dhiiranaan ugu soo dhowaanno si aynu naxariis u qaadanno oo aynu u helno nimco ina caawisa wakhtiga baahida.”                                                             Cibraaniyada 4:16  

10.              Ilaah miyuu ina siiyaa waxa aynu weydiisano oo qura?

Maya, Ilaah waxa uu inagu barakadeeyaa xitaa wax aanan weydiisan ama xitaa ka weyn maskaxdeena.  

“Haddaba Ilaah wuu awoodaa inuu inoo sameeyo wax aad iyo aad uga sii badan waxa aynu weydiisanno ama ku fikirno oo dhan sida u yahay xoogga inaga dhex shaqeeya.”

                                                            Efesos 3:20

           

GUURKA IYO QOYSKA

Qayb ka mid ah qaybaha ugu muhiimsan marka laga hadlayo nolosha masiixinnimada ee Ilaah hortiis waa qaybta guurka iyo qoyska. Akhri adiga oo si degan uga fikiraya waxa Baybalku ka leeyahay xiriirka quman ee dhex ooli kara ninka iyo naagta iyo waalidka iyo carruurtooda.

 

1.                  Fikrada ku saabsan guurka xaggee ayey markii hore ka soo askuntay?

Ilaah ayaa qorsheeyey bilowgii in hal nin iyo hal naag ay ku wada noolaadaan si iimaan iyo jacayl ku jirto.  

“Kii bilowgii uumay iyaga wuxuu ka dhigay lab iyo dhaddig, oo wuxuu yidhi, Sababtaas aawadeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna la joogayaa naagtiisa, oo labaduba waxay noqonayaan isku jidh. Sidaa darted haatan iyagu laba ma aha, laakiin waa isku jidh. Haddaba wixii Ilaah isku xidhay, ninna yaanu kala furin.”

                                                            Matayos 19:4-6  

2.                  Waa maxay xiriirka haboon ee ay ninka iyo naagta isqaba wada yeelan karaan?

Naagta waa inay ka dambeysaa ninka qaba, ninkuna waa inuu naagta u jeclaadaa sida Masiixu u jeclaaday kaniisada, taas oo ahayd qabka ruuxiisa.  

“Dumar yahow, nimankiinna ka dambeeya sidaad Rabbiga uga dambaysaan. Waayo, ninku waa madaxa afada sida Masiixuba u yahay madaxa kaniisadda ……. Nimankow, idinkuna afooyinkiinna u jeclaada siduu Masiixuba u jeclaaday kaniisadda oo uu nafsaddiisii u bixiyey iyada aawadeed.”                              Efesos 5:22,23,25  

3.                  Ilaah miyuu tixgelinayaa is-galmaadka xagga jirka marka laga hadlayo guurka?

Hubaal. Ilaah wuxuu doonayaa ninka iyo naagta labaduba inay is qadariyaan oo midba midka kale baahidiisa iyo damaciisa uu buuxiyo.  

“Ninku afada waxa ku qumman ha siiyo, sidaas oo kale afaduna ninka waxa ku qumman ha siiso. Afadu jidhkeeda uma taliso, laakiin ninkaa u taliya, sidaas oo kale ninku jidhkiisa uma taliyo, laakiin afadaa u talisa.”

                                                            Korintoska Koowaad 7:3,4  

4.                  Baybalka muxuu ka leeyahay daacad xumada dhalata iyada oo uu jiro guur?

Ilaah wuu xukumayaa kuli kuwa sameeya daacad-darrada.  

“Guurka hala wada maamuuso, oo sariirtuna yaynan nijaasoobin, maxaa yeelay, khaniisiinta iyo dhillayadaba Ilaah waa xukumi doonaa.”

                                                            Cibraaniyada 13:4

 

5.                  Waa maxay waxa uu Baybalku innaga barayo furniinka?

Nin alla ninkii fura qof ay is-qabeen oo guursada qof kale, xagga Ilaah wuu ka sinaystay, in qofka ay wada noolaayeen uu daacad darro muujiyey maahee.  

Ciise waxa uu yiri, “Ku alla kii naagtiisa ku fura wax aan sino ahayn, oo mid kale guursadaa, wuu sinaystaa. Oo kii guursada tii la furay wuu sinaystaa.”                                         Mataayos 19:9  

6.                  Maxaa loo baahan yahay inay Masiixiyiintu sameeyaan haddii qofka ay guursadeen uusan ahayn Masiixi?

Waa inay la sii noolaadaan qofka ay guursadeen oo ay isku dayaan inay u soo jiidaaan xagga Masiixa iyaga oo ku nool nolol nadiif ah oo qoduus ah.  

“Hadduu mid walaal ah qabo afo aan rumaysanayn, oo ayna raalli ka tahay inay la joogto, yaanu ka tegin.”

                                                            Korintoska Koowaad 7:12  

“Sidaas oo kalena, dumar yahow … nimankiinna ka dambeeya in xataa haddii qaar uusan erayga addeecin ay erayga la’aantiis ku soo hanuunsamaan dabiicadda afooyinkooda, markay arkaan dabiicaddiinna daahirsan ee cabsida leh.”                  Butroska Koowaad 3:1,2  

7.                  Sidee ayaa la doonayaa in nimanka rumaystayaasha ah ay ula dhaqmaan naagahooda?

Waa inay ula dhaqmaan naagahooda hab wanaagsan oo xushmad leh.  

“Nimankow … idinkuna sidaas oo kale afooyinkiinna aqoon kula dhaqma sidii iyagoo ah weel tabar daran, oo iyaga maamuusa sida kuwa idinla dhaxla nimcada nolosha, si aan baryadiinna loo hor joogsan.”                                            Butroska Koowaad 3:7

 

8.                  Sidee ayaa la doonayaa inay waalidiintu kula dhaqmaan carruurtooda?

Waalidiintu waa inay si jacayl leh oo waafaqsan jidka Ilaah ku barbaariyaan carruurtooda.  

“Ilmo u rabbee siduu ku socon lahaa, oo isna xataa markuu gaboobo kama leexan doono.”                            Maahmaahyadii 22:6

 

9.                  Miyey haboon tahay in waalidiintu edbiyaan carruurtooda?

Haa, haddii edbinta loo fuliyo si uu jacayl ku jiro.  

“Wiilkaaga edbi, oo isna wuu ku nasin doonaa, Haah, naftaada wuu ka farxin doonaa.”                                          Maahmaahyadii 29:17  

10.              Sidee baa la doonayaa inay carruurta kaga jawaabaan tilmaanta ay siinayaan waalidiintooda?

Carruurta waa inay sharfaan oo ay adeecaan waalidiintooda.  

“Aabbahaa iyo hooyadaa u maamuus sidii Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu amray.”                                             Sharciga Kunoqoshadiisa 5:16b  

“Carruurtoy, waalidkiinna wax kastaba ku addeeca, waayo, taasu waa ka farxisaa Rabbiga.”                                               Kolosay 3:20  

11.              Waa maxay go’aanka ugu muhiimsan ee ay waalidiinta rumeystayaasha ah sameyn karaan?

Waa inay iyaga iyo reerkoodaba si daacadnimo ah ugu adeegaan Rabbiga.  

“Laakiinse aniga iyo reekayguba waxaannu u adeegi doonaa Rabbiga.”

                                                            Yashuuca 24:15t

                                                               

SILACA IYO JARRIBAADA

Xaqiiqdii rumaystayaasha waxay helayaan jacaylka, nabada iyo farxada uu Ciise Masiix keeno. Hasa yeeshee, taas micnaheedu ma ahan inay noloshooda ay ka marnaanayso silica iyo jarribaada ama marxaladaha adag. Sida dhabta ah, waxaa iman karta mar ay aad u rafaadi doonaan taas oo ay ugu wacan tahay rumaysadkooda.  

Marka dib loo eego taariikhda, raggii aduunka ugu caansanaa xagga Masiixinnimada waxay awoodeen inay ka markhaati furaan runta qorniinka. Tan iyada ah waxay ku cadahay kitaabka Falimaha Rasuullada 14:22 ee leh: “Waa inaynu dhibaatooyin badan ku galnaa boqortooyada Ilaah.”

 

1.                  Baybalku ma wuxuu ina barayaa in rumaystayaasha aanay la kulmeynin wax silac iyo rafaad ah xagga noloshooda?

Maya, rumaystayaashu waa inay diyaar u ahaadaan jarribaadyo kala nooc nooc ah.  

“Runtii, kulli inta doonaysa inay si cibaado leh Ciise Masiix ugu noolaadaan waa la silcin doonaa.”      Timoteyoska Labaad 3:12  

2.                  Dhiirigelin noocee ah ayuu Baybalku siinayaa kuwa la kulmay jarribaad iyo silac?

Ilaah wuxuu balan qaadayaa inuusan weligood ka tegi doonin ama hilmaami doonin weligood.  

“Waxaa ku hor socda Rabbiga, wuuna kula jiri doonaa, kuma gabi doono, kumana dayrin doono, haddaba ha baqin, hana qalbi jabin.”

                                                            Sharciga Kunoqoshadiisa 31:8  

3.                  Qorsho noocee ah ayey jarribaadu ka fulisaa nolosha rumaystayaasha?

Jarribaadu waxay xoojisaa dabeecada, cadaysaa heerka iimaankeena, waxayna noo hogamisaa ammaanta mustaqbalka.  

“Walaalahayow, kolkaad jirrabaaddo kala cayncayn ah kala kulantaan, kulli farxad u tirsada, idinkoo og tijaabinta rumaysadkiinnu inay dulqaadasho keento, oo dulqaadashadu ha dhamayso shuqulkeeda si aad kaamil u ahaataan oo aad u dhanaataan, oo aydnaan waxba ugu baahnaan.”                                         Yacquub 1:2-4  

“Waa in la tijaabiyo rumaysadkiinna, oo aad uga sii qaalisan dahabka oo ah wax baaba’a in kastoo dab lagu tijaabiyo. Markaasaa laga helayaa mahad iyo ammaan iyo ciso markii Ciise Masiix la muujiyo.”

                                                            Butroska Koowaad 1:7

 

4.                  Waa maxay balanta la siiyey kuwa u silcay Masiixa awgii?

Waxay helayaan hadiyada aad u weyn ee ah xagga jannada.  

Ciise waxa uu yiri, “Waad barakadaysan tihiin goortii laydin caayo, oo laydin silciyo, oo wax walba oo xun oo been ah laydinka sheego aawaday. Farxa oo reyreeya, waayo, jannada abaalgudkiinnu waa ku weyn yahay.”                                     Matayos 5:11,12b

 

5.                  Maxaa laga doonayaa inay rumaystayaashu sameeyaan haddii ay la kulmaan jarribaadyo iyo silac?

Waa inay noloshooda daacad u ahaato Rabbiga, oo ay ku sii noolaadaan nolol Masiixinnimo oo ay xoogga saaraan ammaanta iman doonta.  

“Sidaas daraaddeed kuwa doonista Ilaah u xanuunsada, iyagoo sama falaya, naftooda ammaano ha ugu dhiibeen Abuuraha aaminka ah.”

                                                            Butroska Koowaad 4:19  

“Waayo, dhibtayada fudud ee wakhtiga yar ah ayaa aad iyo aad noogu sii yeesha culayska ammaanta ee weligiis ah. Ma fiirsano waxyaalaha la arko, laakiin waxyaalaha aan la arkin, waayo, waxyaalaha la arko in dhawr ah ayay sii joogaan, laakiin waxyaalaha aan la arkini weligood bay sii joogaan.”                                  Korintoska Labaad 4:17,18  

6.                  Sidee laga doonayaa rumaystayaasha inay ula dhaqmaan kuwa iyaga silciya?

Waa inay jeclaadaan Masiixa awgii, u tukadaan iyaga, oo ay iyaga wax wanaagsan u sameeyaan.  

Ciise waxa uu yiri, “Cadowyadiinna jeclaada, u duceeya kuwa idin habaara, wax wanaagsan u sameeya kuwa idin neceb, oo Ilaah u barya kuwa idin caaya oo idin silciya, si aad u ahaataan wiilashii Aabbihiinna jannada ku jira.”                                Matayos 5:44,45b  

“Ninna shar shar ha uga celinina … Ha aarsanina …. Sharku yuusan kaa adkaan, laakiinse sharka wanaag kaga adkow.”

                                                            Rooma 12:17,19,21  

7.                  Ilaah miyuusan daneynin dadkiisa la silcinayo?

Xaqiiqdii taas wuu sameeyaa! Laakiin Ilaah dooni maayo in rumaystayaasha ay aarsadaan; isaga qudhiisa ayaa ku sameyn doona wixii xaq ah oo quman kuwa dadkiisa silciya.  

“Gacaliyayaalow, ha aarsanina, laakiin meel u banneeya cadhada Ilaah, waayo, waxaa qoran, Aarsasho anigaa leh; anaa u abaalmarin, ayaa Rabbigu leeyahay.”                             Rooma 12:19

 

8.                  Waa maxay qalbi qaboojinta ay rumaystayaashu haystaan isla markaasi ay dhex bartamahah kaga jiraan dhib iyo rafaad?

Waxaynu haynaa xaqiiqada ah in Ilaah ka shaqaynayo wax waliba ee sare u qaadi karo ruuxa kuwa jecel isaga.  

“Oo waxaynu og nahay in wax waliba wanaag ugu wada shaqeeyaan kuwa Ilaah jecel, xataa kuwa qasdigiisa loogu yeedhay.”

                                                            Rooma 8:28

 

WAXYAALAHA IMAN DOONA

Wakhtigaan haddeer la joogo rumaystayaasha waxay la kulmi karaan rafaad iyo silic. Ilaah marnaba ma uusan balan qaadin in xaaladu sidan ka duwanaan doonto. Hase yeeshee, mustaqbalka xaaladu sidan way ka duwanaan doontaa! Ilaah wuxuu carruurtiisa u balan qaaday mustaqbal ammaan leh oo ay ku dheehan tahay farxad aan iin lahayn.  

Waxa aad si farxad leh u akhrisaa waxa Baybalku ka oranayo waxyaalaha iman doona!

 

1.                  Waa maxay rajada ugu weyn ee rumayste waliba leeyahay ee ku saabsan mustaqbalka?

Waa soo laabashada ama “imaanshaha mar kale” uu imanayo Ciise Masiix.  

“Innagoo sugayna rajada barakaysan iyo muuqashada ammaanta Ilaaheena weyn oo ah Badbaadiyaheenna Ciise Masiix.”

                                                            Tiitos 2:13  

2.                  Sidee ayuu Baybalka u sharaxayaa arintan ku saabsan “imaatinka labaad” ee Masiixa?

Ciise waxa uu la iman doonaa malaa’igihiisa awooda iyo ammaanta weyn leh ee daruuraha jannada.  

“Waxay arki doonaan Wiilka Aadanaha oo daruuraha cirka ku imanaya isagoo leh xoog iyo ammaan weyn. Oo wuxuu soo diri doonaa malaa’igihiisa oo wata buun weyn, oo kuwuu doortay ayay ka soo ururin doonaan afarta jahood cirka meesha ugu fog ilaa meesheeda kale.”                                                        Matayos 24:30t,31

 

3.                  Waa ayo cida indhaha ka qaadi doonta Ciise marka uu soo laabto?

Cid waliba!  

“Bal eega, wuxuu la imanayaa daruuraha, oo waxaa isaga arki doona il kasta.”                                                 Muujintii 1:7b  

4.                  Waxyaalahani goormay dhici doonaan?

Cid garanaysa saacada dhabta ah ma jirto.  

“Haddaba soo jeeda, waayo, ma aad ogidin maalinta Rabbigiinu imanayo.”                                          Matayos 24:42

 

5.                  Rumaystayaashu miyey la tacajabi doonaan soo laabashada Masiixa?

Maya, maadaama ay muuqan doonaan calaamadooyin badan oo ku saabsan dib u soo laabashadiisa.  

Ciise waxa uu yiri, “Qaar badan ayaa magacayga ku iman doona, oo waxay odhan doonaan, Anigu waxaan ahay Masiixa, oo qaar badan ayay khiyaanayn doonaan. Oo waxaad maqli doontaan dagaallo iyo dagaallo hadalhayntood …. Oo waxaa meelo kala duwan ka dhici doona abaaro iyo dhulgariir ….. Markaasaa dhib laydiin gaysan doonaa, waana laydin dili doonaa …… Markaas qaar badan ayaa xumaan doona, midba mid buu gacan gelin doonaa, wayna isnebcaan doonaan. Waxaa kici doona nebiyo badan oo been ah, oo qaar badan ayay khiyaanayn doonaan ….. Oo injiilkan boqortooyada ayaa dunida oo dhan lagu wacdiyi doonaa inuu marag u noqdo Quruumaha oo dhan, dabadeedna ugudambaysta ayaa iman doonta.”      Matayos 24:4-14  

6.                  Habkee ayaa laga doonayaa rumaystayaasha inay u noolaadaan isla markaasi ay sugayaan dib u soo laabashada Masiixa?

Waa inay ka dheeraadaan wax waliba oo shar ah oo ay si nabad ugu noolaadaan Ilaah.  

“Haddaba dad caynkee ah baa idinku waajib ah inaad noqotaan si aad ugu dhaqantaan dabiicad qoduus ah iyo cibaado, idinkoo sugaya oo aad ugu dadaalaya imaatinka maalinta Ilaah ….. ku dadaala in laydin helo idinkoo nabdoon oo aan wasakh iyo eed lahayn Ilaah hortiisa.”

                                                            Butroska Labaad 3:11t-14  

7.                  Maxaa ku dhacaya dadkii dhintay ka hor inta uusan Ciise soo laaban?

Waxay ka soo sarakacayaan qabuurahooda marka Ciise uu soo laabto.

“Saacaddu waa imanaysaa markii kuwa xabaalaha ku jiraa dhammaantood ay codkiisa maqli doonaan, wayna ka soo bixi doonaan, kuwa wanaagga falay ilaa sarakicidda nolosha, kuwa sharka falayna ilaa sarakicidda xukunka.”       Yooxanaa 5:28t,29  

8.                  Rumaystayaashu ma waxay lahaanayaan jirka ay hadda leeyihiin?

Maya, jirkooda waa la bedelayaa si ay u noqdaan kuwa ammaanan oo aan isbedelaynin.  

“Waxaa lagu beeraa qudhun, waxaana lagu sara kiciyaa qudhunla’aan. Waxaa lagu beeraa maamuusla’aan, waxaana lagu sara kiciyaa ammaan, waxaa lagu beraa itaaldarro, waxaa lagu sara kiciyaana xoog. Waxaa la beeraa jidh naf leh, waxaana la sara kiciyaa jidh ruux leh. Hadduu jiro jidh naf leh, jidh ruux lihina waa jiraa.”

                                                            Korintoska Koowaad 42b-44  

9.                  Maxaa ku dhacaya rumaystayaasha nool marka uu Ciise soo laabto?

Iyaga isla markiiba waa la bedelayaa oo sare ayaa loo qaadayaa si ay Masiixa ugula kulmaan hawada.  

“Maxaa yeelay, Rabbiga qudhiisu samaduu kala soo degi doonaa qaylo iyo codka malaa’igta sare iyo buunka Ilaah, kolkaasay kuwii Masiiixa rumaysnaa oo dhintay horta soo kici doonaan, dabadeedna kuweenna nool oo hadha ayaa iyaga kor loola qaadi doonaa daruuraha dhexdooda inaynu Rabbiga hawada kula kulanno, oo sidaasaynu Rabbiga weligeen ula joogi doonnaa.” Tesalonikaha Koowaad 4:16-17  

10.              Ciise muxuu sameyn doonaa markii uu ku soo laabto dhulka?

Wuxuu xukumi doonaa cid waliba oo nooleyd.  

“Goortii Wiilka Aadanahu ammaantiisa ku yimaado, isaga iyo malaa’igaha oo dhan, markaasuu carshiga ammaantiisa ku fadhiisan doonaa. Quruumaha oo dhan ayaa hortiisa lagu soo ururin doonaa oo wuxuu u kala sooci doonaa mid mid sida adhijirku u kala sooco idaha iyo riyaha. Idaha wuxuu joojin doonaa midigtiisa, riyahana bidixdiisa.”

                                                            Matayos 25:31-33  

11.              Maxaa ku dhacaya kuwii jeclaa ee u adeegayey Masiixa noloshooda?

Waxay gelayaan boqortooyada weligeed ah ee ammaanta leh.  

“Markaasaa Boqorku kuwa midigtiisa jooga ku odhan doonaa, Kaalaya, kuwa Aabbahay barakadeeyeyow, oo dhaxla boqortooyada tan iyo aasaaskii dunida laydiin diyaargareeyey.”          Matayos 25:34

 

12.              Maxaa ku dhacaya kuwii aan jeclayn ee aan u adeegin Masiixa?

Iyaga waxaa lagu tuuri doonaa naarta aan weligeed idlaanin.  

“Markaasuu kuwa bidixdiisa jooga ku odhan doonaa, Kuwa yahow inkaaranu, iga taga oo gala dabka weligiis ah kan Ibliiska iyo malaa’igihiisa loo diyaargareeyey.”              Matayos 25:41  

13.              Haddaba maxaa ku dhacaya aduunkeenan marka uu wakhtigu idlaado?

Aduunkeenan gebigiisaba waa la baabi’in doonaa, waxaana lagu bedelayaa janno cusub iyo dhul cusub.  

“Laakiinse maalinta Rabbigu waxay u iman doontaa sida tuug oo kale; maalintaas oo ay samooyinku baabi’i doonaan iyagoo sanqadh weynu ka yeedhayso, oo waxyaalaha abuuranna iyagoo gubanaya ayay baabi’i doonaan ….. Maalintaas samooyinku iyagoo ololaya ay baabi’i doonaan, waxyaalaha abuuranna iyagoo gubanaya ayay dhalaali doonaan. Laakiinse sidii uu inoo ballan qaaday, waxaynu sugaynaa samooyin cusub iyo dhul cusub oo xaqnimo dhex deggan tahay.”

                                                            Butroska Labaad 3:10-13  

14.              Maxay noqon doontaa nolosha rumaystayaasha ee aduunka cusub?  

Noloshu waxay noqon doontaa mid ammaan badan oo aynu qiyaasi karin wakhtigan la joogo.  

“Waxyaalo aanay ishu arkin, oo aanay dhegtu maqlin, Oo aan qalbiga dadka gelin, wax kastoo ay yihiinba, Ilaah baa u diyaariyey kuwa isaga jecel.”                                                    Korintoska Koowaad 2:9  

“Oo iyana waxay ahaan doonaan dadkiisa, oo Ilaah qudhiisuna wuxuu la jiri doonaa iyaga, oo wuxuu ahaan doonaa Ilaahood; oo isna indhahooda ilmo kastuu ka tirtiri doonaa, oo dhimashona mar dambe ma jiri doonto, oo mar dambena ma jiri doonaan murug iyo oohin iyo xanuun toona, waayo, waxyaalihii hore way dhammaadeen.”

                                                            Muujintii 21:3t,4

 

Badbaadadaada

Kadib markii aad akhrisay su’aalaha iyo jawaabaha ku qoran buugan, weli waxaa dhici karta inaad qabtid su’aal muhiim ah oo ku saabsan badbaadadaadda. Weli waxaa dhici karta inaad hubin in dembiyadaada la cafiyey. Ama waxaa dhici karta inaanad hubin in laftaadu aad heshay hadiyada nolosha weligeed ah.  

Haddii aad qabtid su’aalo ku saabsan badbaadadaadda, waxaynu kugu casuumaynaa inaad waayo aragnimo laftaada u yeelatid runta uu Baybalku ina barayo ee ku saabsan badbaadadda. U qiro dembiyadaada Ilaah, aamin Ciise Masiix si aad u heshid dembi-dhaaf, kadib adiga oo iimaan qaba weydiiso ballan qaadka Ilaah ee cafiska iyo nolosha weligeed ah. Hubaal wuu ku siinayaa wixii uu ballan qaaday.  

Si aynu kugu caawino inaad sidan sameysid, waxaynu kugu marti qaadaynaa inaad ducan si daacadnimo ah ugu ducaysatid -  ama duco taa la mid ah oo aad adigu la timid.  

Ilaahow waxaan qiranayaa inaad ahay dembiile oo aan u baahnahay dembi dhaafkaaga. Runtii aad ayaan uga xumahay dembiyadayda, waxaanan si is-hooseysiin leh kuu weydiisanayaa inaad ii dembi dhaaftid oo aad i meydhid. Waxaan rumaysanahay in Ciise isku-tallaabta daraaday loogu qodbay oo deetana uu sara kacay si aan u helo badbaado. Aniga oo iimaan leh waxaan kaa aqbalay hadiyada nolosha weligeed ah. Adiga oo garabka i haya, waxaan ballan qaadayaa inaan adiga kuu adeegayo inta aan noolahay. Waxaan ku tukanayaa magaca Masiixa. Aamiin.  

Kitaabka Qoduska ah waxa uu leeyahay, “Laakiin in alla intii aqbashay, wuxuu siiyey amar ay carruurtii Ilaah ku noqdaan, kuwaasu waa kuwii magaciisa rumaystay.”                                 Yooxana 1:12  

Taas waa ballan qaad loo noolaan karo!

KU SOO DHOWOW QOYSKA ILAAH!  

Codka Wadada Nabada

P. O. Box 76001 – 00509

Nairobi .

E-Mail: cwn@email.ro

Visit us at: www.codkanabada.org

Waxaa xaq u leh 2003 TBL  

v    

Aayadaha ku qoran buugan waxaa laga soo xigtay

 © Baybalka af-Somaaliga ee

United Bible Societies, 1976, 1979

 

Global Good News Literature

P.O.Box 451336

Los Angeles, CA 90045

U.S.A

webmaster@globalgoodnews.org

© 2006