ggnltitl.jpg (8122 bytes)


Aqbalida Masiixa

 

 

"Laakiin in alla

Intii Aqbashay,

Wuxuu siiyey amar ay carruurtii Ilaah ku noqdaan, kuwaasu waa kuwii magaciisa rumaystay.” Yooxanaa 1:12

Aqbalida Masiixa |Kukorida Masiixa | Unoolaanshaha Masiixa

 

Aqbalida Masiixa

Siduu mid ku noqon karaa Masiixi?

Maxaa dhacaya markuu mid aqbalo Masiixa?

Miyuu mid si dhab ah u garan karaa inuu badbaaday?

 

Kukorida Masiixa

Salaada

Ereyga Ilaah

In wehel lala yeeshto rumeystayaasha kale

Unoolaanshaha Masiixa

Siddee ayaan ugu noolaan karnaa Masiixa?

Siddee ayaan u markhaati fureynaa?


AQBALIDA MASIIXA

Maxaa loola jeedaa aqbalida Masiixa? Jumladan waxaa laga soo dhex bixiyey Injiilka sida Yooxanaa u qoray cutubka 1aad aayada 12aad. Haddii laga soo bilaabo aayada 11aad, waxay leedahay, "Wuxuu u yimid kuwiisii, kuwiisiina ma ay aqbalin isaga. Laakiin in ALLA INTII AQBASHAY, wuxuu siiyey amar ay carruurtii Ilaah ku noqdaan, kuwaasu waa kuwii magaciisa rumaystay.”

Waxa aynu aayadan ka baranayno ayaa waxay tahay ahaanshaha Masiixinnimo ama carruurta Ilaah ma ahan wax aynu ka dhaxlayno waalidiinteena Masiixiga ah, laakiin waa wax shakhsi ahaanneed oo si caqliyan ah aynu u gelayno marka aynu Rabbi Ciise Masiix qalbigeena ku aqbalayno. Sababtaa iyada ah weeye sababta uu Ciise Masiix ugu yiri kitaabka Muujinta 3:20 "Bal eeg, albaabkaan taaganahay oo garaacayaa; haddaba haddii nin codkayga maqlo oo albaabka iga furo, waan u soo gelayaa, oo waan la cashayn, isna wuu ila cashayn." Marka , aqbalida Masiixa micnaheedu waxa weeye inaynu qalbiyadeena furno, oo aynu ku martiqaadno nolosheena sida Rabbigeena iyo badbaadiyaheena khaaska ah.

Ereyga aqbalid ama ogolaansho waxa uu u taagan yahay HADIYAD. Sida dhabta ah, kitaabak qoduuska ah waxa uu inoo sheegayaa in Ciise Masiix yahay hadiyada uu Ilaah siiyey banii-aadanka. Nuxurka fariinta Baybalka waxa laga helayaa Injiilka sida Yoxanaa u qoray 3:16 "Ilaah intuu dunida jacayl u qabay ayuu siiyey wiilkiisa keliya oo dhashay in mid kastoo isaga rumaystaa uusan lumin laakiinse uu lahaado nolosha weligeed ah."

Siduu mid ku noqon karaa Masiixi?

1.       Ogolow inaad dembaabtay. "Maxaa yeelay, dhammaan wey wada dembaabeen oo gaadhi waayeen ammaanta Ilaah." Rooma 3: 23

2.       Rumeysto in Ciise Masiix guday ciqaabta dembiyadaada markii uu iskutallaabta dusheeda daraadaa ugu dhintay si markaasi aad adigu dembiyadaada u gudin. "Waayo, mushahaarada dembigu waa dhimashada, laakiinse haddiyada Ilaah waa nolosha weligeed ah ee laga helo Rabbigeenna Ciise Masiix." Rooma 6:23

"Laakiinse Masiixu waa inoo dhintay intaynu weli dembiilayaal ahayn." Rooma 5: 8

3.       Weydiiso Ilaah inuu kaa cafiyo dembiyadaada oo idil, kuna casuum in Ciise Masiix inuu qalbigaaga soo galo.

"Oo dhiiga Ciise, oo wiilkiisa ah, wuxuu inaga nadiifiyaa dembi oo dhan." 1Yooxanaa 1:7

"Haddaynu dembiyadeenna qiranno, isagu waa aamin iyo caadil inuu dembiyadeenna inaga cafiyo, oo uu inaga nadiifiyo xaqdarrada oo dhan." 1 Yooxanaa 1:9

"Bal eeg, albaabkaan taaganahay oo garaacayaa; haddaba haddii nin codkayga maqlo oo albaabka iga furo, waan u soo gelayaa" (Muujintii 3:20).

Maxaa dhacaya marka qof uu Ciise Masiix ku aqbalo qalbigiisa?

1. Wuxuu noqonayaa cunuga Ilaah.  Yooxanaa 1: 12

2. Mar labaad ayuu dhalanayaa.

Inkasta oo ereyga "Dhalashada Labaad" si xun loo isticmaalay, haddana wuxuu ka soo baxay bushimiha Masiixa markii uu la hadlayey oday ka mid ah hogaamiyayaasha diinta. Ciise waxa uu isaga u sheegayey in dhaacada oo qura aanay qofka ku filnayn. "Runtii, runtii waxaan kugu leeyahay, Qof haddaanu mar kale dhalan, boqortooyadii Ilaah arki kari maayo." Yooxanaa 3:3

Dhalashada mar labaad micnaheedu waxa weeye in ruuxeenu, kaas oo ka dhintay xagga Ilaah dembigeena awgii, soo noolaanayo mar labaad marka aynu ka towbad keeno dembiyadeena oo dhan oo aynu cafinta Ilaah ku helno xagga iimaanka Ciise Masiix.

"Idinku waxaad ku dhimateen xadgudubyadiinna iyo dembiyadiinna, kuwaas oo aad markii hore ugu socon jirteen sida socodka wakhtigan iyo sida madaxda xoogga hawada oo ah ruuxa haatan ka dhex shaqaynaya carruurta caasinimada. Iyaga dhexdooda mar baynu dhammaanteen ku dhaqmi jirnay damacyada jidhkeenna, innagoo sameynayna waxyaalaha jidhka iyo maanku ay doonayaan, oo inaguna xagga dabiicadda waxaynu ka ahayn carruurtii cadhada sida dadka kale. Laakiinse Ilaaha naxariista hodanka ka ahu wuxuu inagu jeclaaday jacaylkiisa weyn, oo sidaas daraaddeed markii aynu xadgudubyadeenna ku dhimannay wuxuu inala soo nooleysiiyey Masiix. Idinku nimco baad ku badbaadeen. " Efesos 2:1-5

3. Waxa uu abuur cusub ku dhex noqonayaa Ciise Masiix.

"Sidaas daraaddeed haddii qof masiix ku jiro waa abuur cusub, oo waxyaalihii hore way idlaadeen, bal eega, wax waliba way cusboonaadeen e." II Korintos 5: 17

Qofku si xaqiiqa ah miyuu u garan karaa inuu jannada tagayo markii uu dhinto?

Kitaabka Qoduuska ah ee Baybalka,  1 Yooxanaa 5:13 waxa ay inoo sheegaysaa, "Waxyaalahan waxaan idinku soo qoray, idinka oo rumeystay magaca wiilka Ilaah, si aad u OGAATAAN inaad nolosha weligeed ah leedihiin."  Waxaynu aayadan ka ogaan karnaa sabab ka mid ah sababaha loo qoray Baybalka inay tahay, sida tusmo jid, taas oo inoo muujinaysa sidaa aan ku tegi lahayn jannada, una lahaan lahayn hubaasha nolosha daa’imka ah. Ilaah ma doonayo inaan rajo lahaano uun laakiinse inaynu garano inaynu leenahay nolosha daa’imka ah. Waxaa jira aayado kale oo iyaguna ina siinaya hubaasha nolosha daa’imka ah.

"Kan Wiilka haystaa, noloshuu leeyahay. Kii aan wiilka Ilaah haysanna nolosha ma leh." 1 Yooxanaa 5:12

"Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, kii hadalkayga maqla oo rumeysta kii i soo diray, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, xukunna geli maayo, laakiin dhimashadii ayuu ka soo gudbay oo nolosha u soo gudbay." Yooxanaa 5:24

" Ruuxa qudhiisu wuu markhaati furaa oo wuxuu ruuxeenna u sheegaa inaynu innagu nahay carruurta Ilaah." Rooma 8:16


KU KORIDA MASIIXA

"Haddaba sidaad u aqbasheen Rabbi Ciise Masiix, ku socda, idinkoo isaga xidid ku yeeshay oo ku dhismay, oo rumeysadkiinna ku adkaaday, taas oo ah sidii laydiin baray, oo aad u mahad naqa." Kolosay 2: 6-7

Sida canug markaa dhashay looga doonayo inuu koritaan badan sameeyo, waa sidaa oo kale sida laga doonayo qof u dhashay ama ku soo biiray Boqortooyada Ilaah. Waxa aayada kore ay inoo sheegayso ayaa waxay tahay aqbalida Masiixu waa uun bilowga socdaal dheer ee xagga ruuxa. Sida uu qof hadda ka hore yidhi Masiixinimadu ma ahan orodka boqolka mitir ee hal mar la boodo ee waa orod soconaya nolosha oo dhan.

Aayadu sidoo kale waxay inoo sheegaysaa inaynu isaga ku dhex socono, taas oo micnaheedu yahay inaynu ku socono adeecida erayadiisa iyo ruuxa. Markaynu isaga ku dhex socono, isaga ayeynu xidido ku dhex yeelanaynaa, kuna dhex koreynaa. Sida geedku xididadiisu hoos ugu siidaayo, laamihiisana kor innaguna sidaa oo kale waa inaynu xidido ku yeelanaa Masiixa, kuna dhex kornaa si markaasi aynu u yeelano midho isaga ka farxiya.

Kitaabka Qoduuska ah ee Baybalka waxa uu inoo sheegayaa inaynu ka gudubno carruurnimada inaga oo noqonayna qangaadh. "Markaan ilmo yar ahaan jiray, sidii ilmo oo kale ayaan u hadli jiray, sidii ilmo oo kale ayaan wax u garan jiray, sidii ilmo oo kale ayaan u fikiri jiray, laakiinse haatan waxaan noqday nin weyn, oo waxyaalihii carruurnimada waan iska fogeeyey." 1Korintos 13:11

Koritaanku waa hab si tartiib ah u socda. Waxyaalha qura ee sida deg degta ah u kora cawska iyo qashinka kale. Geedka hal habeen oo qura kuma koro, wakhti badan ayuu koritaankiisa qaataa. Si tartiib ah ayuu u koraa laakiin la hubo, midho ayuuna dhalaa inta uu korayo.

Sida uu geedku ugu baahan yahay;

a.       Hawo

b.       Biyo iyo macdan iyo

c.        Shucaaca qoraxda si uu u koro

Waxaa jira waxyaalo lagama maarmaan ah oo uu u baahan yahay qofka ku soo biira boqortooyada Ilaah si uu ugu koro oo ugu weynaado Masiixa. Waxyaalahan iyaga waxaa ka mid ah:

a.       Salaada

b.      Ereyga Ilaah iyo

c.       Wehelnimada rumeystayaasha kale

Salaada

Sida uu qofku ugu baahan yahay hawada si uu u noolaado salaaduna sidaa oo kale waxaynu ugu baahanahay nolosha ruuxeena. Salaadu waa sida neefsashada. Marka aynu neefsanayno waxaynu qaadanaynaa Oksijiin, taas oo aad muhiim ugu ah jirkeena, waxaanan dibeda u soo saarnaa hawadii oo gubatay. Sidoo kale, marka aynu tukanayno waa sida innaga oo neefsanayna nimcada Ilaah, jacaylka dembi dhaafka iwm… sidoo kale innaga oo siideynayna daciifnimada dembiyadeena iyo dhicitaanka xagga noloshiisa innaga oo ku towbad keenayna.

Waa maxay salaada?

Salaadu waa habka lagula xiriiro Ilaah.  Salaadu waa sida laba jid oo isdaba maraya. Isaga ayeynu la hadalnaa isaguna wuu innala hadlaa. Salaadu waxaynu kula hadalnaa Ilaah sida aynu saaxiibadeena ugu wanaagsan ula hadalno. Waxaynu u sheegnaa farxadeena, murugadeena una qiranaa daciifnimadeena, waxaynu uga mahad naqnaa waxyaalihii uu inoo sameeyey, waxaynu isaga weydiisanaa nimcadiisa, awoodiisa, magangalkiisa iyo xigmad aynu maalintaa ku moodnaa, waxa kale oo aynu weydiisanaa inuu badbaadiyo oo uu barakadeeyo kuwa kale. Isaguna sidaa oo kale siyaabo kala duwan ayuu inoola hadlaa, habkiisa ugu weyna waa isaga oo inoo soo mara ereygiisa. Markaynu akhrino erayadiisa waa sida innaga oo qalbigiisa akhrinay maxaa yeelay erayadiisu waa sharaxaada qalbigiisa iyo maskaxdiisa.

Waxa kale oo uu inagula hadlaa xagga ruuxiisa kaas oo innaga inagu dhex jira. Marka aynu sameyno ama niraahno wax uusan raali ka ahayn wuu inagaradsiiyaa laakiin inama xukumo ama inama cambaareeyo maxaa yeelay cambaareyntu waxay ka timaadaa Sheydaanka.

Guud ahaan, salaadu waa xiriir u dhaxeeya aabaha iyo ilmaha. Isagu waa aabahayaga jannada ku jira innaguna waxaynu nahay carruurtiisa. Wuu ka duwan yahay aabayaasheena dunidan, isagu iin ma leh, eedna laguma sheegin. Xitaa si walba oo ay waalidiinteena aduunkan u fiican yihiin, isaga wanaagiisa wax la barbar dhigi karo ma leh.

Si uu xiriir caafimaad qaba uga dhaxeeyo ilmo iyo aabahood, waa in dhexdooda uu jiraa xiriir wanaagsan. Taasi weeye waxa salaadu tahay, xiriir caafimaad qaba oo dhexyaala isaga iyo innaga.

Waxaa jira noocyo badan oo salaada ah

  1. Salaada towbadkeenida

Salaadan iyada ah waa mida innaga yeeshay inaynu ka mid noqono qoyska Ilaah, nagana yeelay inaynu helno nimcadiisa. Sidoo kale waa salaada furta wadada u dhaxeysa innaga iyo Ilaah maxaa wacay dembigu waa sida derbi u dhaxeeya Ilaah iyo banii-aadanka. Towbadkeenida weeye mida innaga nadiifisa dembi kasta oo innaga jaray inaynu si qalbi ah wehelnimo ula lahaano Ilaah.

"Bal eega, Rabbiga gacantiisa inay wax badbaadiso kama gaabna, oo dhegihiisuna inay wax maqlaan kama awdna, laakiinse xumaatooyinkiinnaa idin kala soocay idinka iyo Ilaahiinna, oo dembiyadiinnaa wejigiisa idinka qariyey, oo saasuusan idiin maqlin." Ishacyaah 59:1-2

Xalka keliya ee loo heli karo dhibkan ayaa waxa uu yahay iyada oo si daacadnimo leh loo towbadkeeno "Haddaynu dembiyadeenna qiranno, isagu waa aamin iyo caadil inuu dembiyadeenna inaga cafiyo, oo uu inaga nadiifiyo xaqdarrada oo dhan." 1 Yooxanaa 1:9.

" Carruurtaydiiyey, waxaan waxyaalahan idiinku soo qorayaa si aydnaan u dembaabin; oo qof uun hadduu dembaabo, waxaynu xagga Aabbaha ku leennahay Dhexdhexaadiye, waana Ciise Masiix kan xaqa ah."1 Yooxanaa 2:1

" Laakiin haddaynu nuurka ku soconono siduu isaguba nuurka ugu jiro, wehelnimo ayeynu isla wada wadaagnaa, oo dhiiga Ciise, oo Wiilkiisa ah, wuxuu inaga nadiifiyaa dembi oo dhan." 1 Yooxanaa 1:7

Laakiin haddii miyirkeenu caadi yahay, qalbigeenuna uusan ina xukumeynin, ma ahan inaynu salaada towbadkeenka ku tukano mar waliba.

"Gacaliyayaalow, haddii aan qalbigeennu ina eedayn , kalsoonaan ayeynu ku leennahay xagga Ilaah." 1 Yooxanaa 3:21

Inkasta oo uu dareenkeenu ama maskaxdeenu caadi tahay waxaa dhici karta inuu jiro wakhti aynu dooneyno inaynu u tukano siddii nebi Daa’uud.

" Ilaahow, i baadh, oo qalbigayga garo, I tijaabi, oo fikirradayda ogow, Oo bal fiiri inuu jid xumaan ahu igu jiro iyo inkale, Oo igu hoggaami jidka weligiis ah." Sabuurrada 139:23-24

  1. Salaada Tuugida

Salaadan waa salaada aynu tukano marka aynu Ilaah weydiisanayno inuu ina siiyo waxa aynu u baaahanahay. Sida Ciise uu yidhi, "Weydiista oo waa laydin siin doonaa; doona oo waad heli doontaan; garaaca oo waa laydinka furi doonaa; waayo, mid kasta oo weydiista waa la siiyaa, kii doonaana waa helaa, kii garaacana waa laga furi doonaa." Matayos 7:7-8

Salaada tuugida sidoo kale waa salaada aynu isaga isugu dhiibno ugana mahadnaqno daryeelkiisa isaga oo taa inoogu bedelaya nimco iyo nabad xagga Ilaah ka timaada.

"Haddaba sidaas daraaddeed gacanta xoogga leh oo Ilaah iska hooseysiiya, si uu wakhtigiisa idiin sarraysiiyo. Welwelkiinna oo dhan isaga saara, maxaa yeelay, isagu dan buu idinka leeyahay." 1 Butros 5: 6-7

"Sidaas daraaddeed walaalahayga aan jecelahay oo aan u xiisoonayow, idinku waxaad tihiin farxaddayda iyo taajkayga. Gacaliyayaalow, xagga rabbiga saas ugu xoogaygsta." Filiboy 4:1

Marka aynu Ilaah weydiisano inuu ina siiyo ama uu wax daraadeen u sameeyo salaada tuugida awgeed, jawaabtiisa saddex siyaabood ayey ku iman kartaa.

  1. Wuxuu odhan karaa Haa inana siin karaa wixii aynu tuugnay haddii waxa aynu tuugnay yihiin wax doonistiisa raacsan kuna toosan wakhtigiisa.
  2. Wuxuu odhan karaa Sug wixii aynu tuugnay haddii waxa aynu tuugnay yihiin wax doonistiisa raacsan laakiin aan ku toosneyn wakhtigiisa. Waxaa jira sababo badan oo uu Ilaah ku odhan karo sug. Qaar ka mid ah sababahaasi waxa weeye:

a.       Inuu ina baro sabarka oo uu dabeecadeena sare u qaado.

b.       Inuu iimaankeenu koro isla markaasi aynu barbaarayno.

c.        Mararka qaar wuxuu oranayaa sug maxaa yeelay diyaar uma nihin wixii aan salaada ku tuugnay. Dib ayuu u dhigayaa aqbalida ilaa aynu gaarno xilli aynu diyaar u nahay inaynu helno jawaabta. Sida uu hadda ka hore qof yidhi, daahinta uu Ilaah wax innaga daahiyo ma ahan diidmo.

3.      Wuxuu oran karaa MAYA isaga oo ka jawaabaya codsigeena, maxaa yeelay mararka qaar ma garanayno waxa aynu codsanayno. Ma jiro aabbe ama hooyo aduunkaan joogaan oo ku oranaya haa wax walba oo uu cunugu weydiisto. Haddii waxa uu canugu weydiistay ay yihiin wax aan isaga u fiicnayn, waalidku waxa uu xaq u leeyahay inuu ku yiraahdo maya. Marka Ilaah ma inaga diidi karaa qaar ka mid ah codsiyadeena?

Sababaha uu Ilaah inoogu yiraahdo MAYA mararka aynu wax ka barino waxaa ka mid ah:

o        Marka aynu ka barino isaga wax ka soo horjeeda doonistiisa. "Oo tanu waa kalsoonaanta aynu isaga u qabno, taasoo ah haddaynu wax uun doonistiisa ku barinno, isagu wuu ina maqlaa." 1 Yooxanaa 5:14

o        Marka aynu barinnayno inaga oo ka fikirayna damacyadeena khaas ahaaneed. "Waad weydiisataan, mana heshaan, waayo, si xun baad u weydiisataan inaad ku bixisaan damacyadiinna aawadood." Yacquub 4:3

o        Marka aynu barinno inaga oo shakisan "Laakiin rumeysad ha ku baryo, isaga oo aan shakiyayn, waayo, kii shakiyaa wuxuu la mid yahay hirka badda oo dabayshu kaxayso oo rogrogto. Ninkaasu yuusan u malayn inuu Rabbiga wax ka heli doono." Yacquub 1:6-7.

o        Haddii ay jiraan dembiyo aanan qiran ee qalbiyadeena ku jira. "Haddaan dembi qalbigayga ku arkay, Sayidku ima uu maqleen." Sabuurrada 66:18

  1. Uduceynta kuwa kale

Salaadan waa salaada aynu u tukano inaga oo matalayna kuwa kale. Inkasta oo ducooyinka oo dhan ay muhiim yihiin, uduceynta kuwa kale ayaa aad sharaf u leh markii la barbardhigo markii aynu inaga isu duceynayno, maxaa yeelay waxay tuseysaa inaan ka fikirayn nafsadeena oo qura laakiin xitaa baahida kuwa kale. Baryadan waxa kale oo ay muujinaysaa inaynu ka kori hayno xagga ducada. Salaadan sida ay muhiimka u tahay waxa ku tusaya in Ruuxa Qoduska ah laftiisa uu innagu caawiyo inaynu kuwa kale Ilaah u barino.

"Sidaasoo kalena Ruuxu wuxuu inaga caawimaa itaaldarradeenna , waayo, garan mayno wax inoo eg oo aynu ku tukanno, laakiin Ruuxa qudhiisu waa inoo duceeyaa isagoo ku taahaya taah aan sanqadhayn. Oo kii qalbiyada baadhaa waa yaqaan fikirka Ruuxa, maxaa yeelay, wuxuu qoduusiinta ugu duceeyaa sida Ilaah doonayo. Rooma 8:26-27.

D.    Tukashada Mahadcelinta

Mahadcelintu waa Ilaah oo loogu mahadceliyo wax waliba oo uu inoo sameeyey.

"Naftaydoy, Rabbiga ammaan, Oo inta igu jirta oo dhammay, ammaana magiciisa qoduuska ah.
Naftaydoy, Rabbiga ammaan,
Oo ha iloobin wanaagga uu kuu sameeyo oo dhan.

Isagaa kaa cafiya dembiyadaada oo dhan, Oo kaa bogsiiya cudurradaada oo dhan,

Oo naftaada ka badbaadiya halligaada, Oo raxmad iyo naxariis kugu barakadeeya, Oo kaa dhergiya waxyaalaha wanwanaagsan, Si ay dhallinyaranimadaadu ugu cusboonaato sida gorgorka oo kale. Sabuurrada 103:1-5.

E.      Caabudid

Caabudidu waa nooc ka mid ah salaada taas oo aynu ku ammaano, sarrena ugu qaadno Ilaah, ma ahan keliya waxa uu inoo sameeyey, laakiin midka uu isagu yahay, maxaa yeelay isagu wuu u qalmaa in la ammaano oo sarre loo qaado.

"Waxaan baryayaa Rabbiga istaahila in la ammaano, Oo sidaasaan cadaawayaashayda kaga badbaadi doonaa." Sabuurrada 18:3

"Rabbigu waa weyn yahay, waana in aad loogu ammaanaa Ilaaheenna magaaladiisa, iyo buurtiisa qoduuska ah." Sabuurrada 48:1

 

F.       Salaada Heshiiska

Tani waa salaad ay laba qof ama in ka badan oo rumeystayaal ah ku heshiinayaan inay u tukadaan baahi ama codsi khaas ah.

 "Weliba waxaan idinku leeyahay, Haddii laba idinka mid ahu dhulka ku heshiiyaan wax kastoo ay baryaan, way uga noqon doontaa xagga Aabbahayga jannada ku jira." Matayos 18:19

 

  1. Salaada awooda

Salaadan waa salaada aynu ku isticmaalno awooda uu Ilaah na siiyey inaga oo ku wajahayna cadowgayaga, waa sheydaanka e. Awooda uu Ilaah ina siiyey waxay ku jirtaa:

MAGACA CIISE

"Haddaba sidaas daraaddeed Ilaah isaga aad buu u sarraysiiyey, oo wuxuu isaga siiyey magaca magac kasta ka sarreeya; in jilib kastoo ah waxyaalaha samada ku jira iyo waxyaalaha dhulka jooga iyo waxyaalaha dhulka ka hooseeyaaba, ay magaca Ciise u wada sujuudaan." (Filiboy 2:9-10).

"Quruumihii oo dhammu way I wada hareereeyeen, Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabi’in doonaa. Way I hareereeyeen, haah, oo way I hareereeyeen, Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabi’in doonaa. Waxay ii hareereeyeen sida shinni oo kale, oo iyaga waxaa loo demiyey sida dabka qodxanta oo kale, Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabi’in doonaa. Adigu aad baad igu mudday si aan u dhaco aawadeed, Laakiinse Rabbigaa I caawiyey. Rabbigu waa xooggayga iyo gabaygayga, Oo wuxuu ii noqday badbaadadayda."  (Sabuurrada 118: 10-14).

"Rabbigga magiciisu waa noobiyad xoog leh; Kii xaq ahu iyaduu ku cararaa, meel sarena wuu ku nabad galaa" (Maahmaahyadii 18:10).

"Qaar waxay isku halleeyaan gaadhifardoodyo, qaarna waxay isku halleeyaan fardo, Laakiinse innagu waxaynu xusuusanaynaa magaca Rabbiga Ilaaheenna ah. Iyagu way foororsadeen, wayna dheceen, Laakiinse innagu waynu kacnay, oo waynu taaganahay." (Sabuurrada 20:7-8).

DHIIGA MASIIXA

Awooda ku jirta dhiiga Ciise Masiix waxay innaga nadiifisaa dembiyadeena oo dhan si uu ibliisku u helin meel uu ka soo galo nolosheena.

"oo dhiiga Ciise, oo Wiilkiisa ah, wuxuu inaga nadiifiyaa dembi oo dhan" (1 Yoxanaa 1:7). 

"Intee ka badan ayuu dhiigga Masiix, kan Ruuxa weligiis ah isugu bixiyey Ilaah isagoo aan eed lahayn, niyadiinna ka nadiifin kara shuqullada dhintay si aad ugu adeegtaan Ilaaha nool?" ( Cibraaniyada 9:14).

EREYGA ILAAH

Markuu ibliisku jarribay Ciise, wuxuu isticmaalay Ereyga Ilaah si uu ibliiska uga guuleysto. Saddex jeer ayuu Ciise ku celceliyey. "Waa qoran tahay… Waa qoran tahay… Waa qoran tahay" Matayos 4:1-11.

Baybalku wuxuu ina leeyahay, "Haddaba Ilaah ka dambeeya, laakiin Ibliiska horjoogsada, wuu idinka carari doonaaye" Yacquub 4:7-8.

Fiiro gaar ah u lahow sida ay dhacdadu isu daba socoto:

1.       Ilaah ka dambeeya.

2.       Ibliiska horjoogsada.

3.       Wuu (isaga Ibliiska) idinka carari DOONAAYE.

Haddii aynu raacno ammarkan, Ibliisku ma lahan doorasho kale oo aan ka ahayn inuu inaga cararo. Habka aynu Ilaah uga dambaynayno waxa weeye inaga oo adheecna erayadiisa. Markaynu ku guuleysan weyno inaynu adheecno, waa inaynu towbad keenaa oo aynu weydiisanaa inuu ina siiyo nimcadiisa si ay inoogu caawiso inaynu kaga guuleysano daciifnimadeena.

Ereyga Ilaah

 

Sida jirkeenuba ugu baahan yahay nafaqo, sidaas oo kale ayey nolosheena ruuxiga ahna ugu baahan tahay ereyga Ilaah.

"oo sida carruur dhallaan ah u jeclaada caanaha ruuxa ee saafiga ah, si aad ugu kortaan xagga badbaadada."   (1 Butros 2:2)

 

Fursadeebuu ereyga Ilaah ka cayaaraa xagga nolosheena?

a.       Waa iftiinkayaga. Sabuurrada. 119:105

b.      Wuu ina nadiifiyaa. Sabuurrada.119:9

c.       Wuxuu ina siiyaa dhaxalka ruuxa. Falimaha Rasuulada 20:32

d.      Waa seefta ruuxeena oo la dagaalanta cadowgayaga. Efesos. 6:17

e.       Waa cuntada ruuxayaga. 1Butros 2:1-3

f.       Wuxuu ina barayaa runta. Maahmaahyadii. 22:20-21

g.      Waxa uu inaga xoreynayaa xarriga Ibliiska. Yooxanaa 8:32

h.      Wuxuu ina siinayaa faham iyo xigmad. Sabuurrada 114:98-100.

i.        Wuxuu inaga ilaaliyaa khalad. Matayos. 22:29

j.         Waxa uu baaraa qalbigeena sida x-rayga. Cibraaniyada. 4:12

Waxaynu noqon karnaa kuwa hela faa’iidooyinkaasi kore ee ka yimaada ereyga Ilaah marka KELIYA ee aynu adheecno. Maqlida iyo akhrinta ereyga Ilaah oo qura inooma sameynayso wax wanaagsan.

"Noqda kuwa hadalka yeela, oo ha ahaanina kuwa maqla oo keliya oo nafsaddooda khiyaaneeya. Waayo, haddii mid yahay kan hadalka maqla oo keliya , oo uusan ahayn kan yeela, wuxuu la mid yahay nin wejiga abuuristiisa muraayad ku fiirinaya. Waayo, wuu isfiiriyaa, oo iska tagaa, oo markiiba is-iloobaa siduu ahaa. Laakiin kii fiiriya sharciga kaamilka iyo xorriyadda ah oo ku sii socda, isagoo aan ahayn kan maqla oo illooba laakiin kan shuqulka yeela, kaasu waa ku barakadeysnaan doonaa yeeliddiisa."  (James 1:22-25).

In wehel lala yeeshto rumeystayaasha kale

Ma jiro Mid Masiixi ah oo keligii gaar ahaan kara sida jasiirad.  Ahaanshaha Masiixi, sharaxaad ahaan, macnaheedu waxa weeye ka mid noqoshada JIRKA Ciise. Ma jiro hal unug oo jirkeena ka tirsan oo keligiis gaar uga noolaan kara jirka intiisa kale. Sidoo kale, waxyaalaha xagga ruuxeena waxay ku xiran yihiin wehelnimada aynu la leenahay Rabbiga iyo rumeystayaasha kale..

Maxaynu ugu baahanahay wehelnimada rumeystayaasha kale?

 

1.      Maxaa yeelay, Ilaah wuxuu qubaa barakadiisa marka rumeystayaashu ay isugu yimaadaan MIDNIMO.          "Bal eeg, siday u wanaagsan tahay oo ay u wacan tahay inay walaalo wadajir ku degganaadaan! Wa sida saliidda qaaliga ah ee madaxa, Oo ku soo dareertay gadhka, kaasoo ahaa gadhkii Haaruun, Oo waxay soo gaadhay daraftii dharkiisa, waana sida dhabarka Buur Xermoon, oo ku soo dega buuraha Siyoon, Waayo, RABBIGU wuxuu amray inay halkaas ku dhacdo barako, Taasoo ah nolosha tan iyo weligeedba." Sabuurrada. 133

2.       Maxaa yeelay, Ilaah XAADIR buu ku yahay kulamada noocaas oo kale ah. "Waayo, meeshii laba ama saddex qof ay magacayga isugu soo ururaan, halkaas anigu dhexdoodaan joogaa." Matayos 18:20

3.       Inaynu bixino ama helno Jacayl. Yooxanaa 13:3,35, Cibraaniyada. 10:24

4.       Is sharfid iyo isdhiirigelin midba midka kale. Cibraaniyada. 10:25

5.       Maxaa yeelay, waxaynu nahay HAL qoys iyo kuwa ka tirsan jir qura. 1 Cor.12:12-31, 14:26)


Unoolaanshaha Masiixa

"Waayo, aniga waxaa nolosha ii ah Masiixa, oo dhimashaduna waa ii faa’ido." Filiboy 1:21

Aayadan gudaheeda Rasuul Bawlos waxa uu sheegayaa in hogetusaalaha noloshiisa oo dhan uu yahay Masiixa. Waxa uu u noolyahay inuu sameeyo doonista Masiixa, mana ahan tiisa. Haddii uu dhinto waxa uu u tegayaa Masiixa marka dhimashadu isagu uma ahan khasaaro laakiin waxay u tahay faa’iido.

Siddee ayaan ugu noolaan karnaa Masiixa?

Sida keliya ee aynu Masiixa ugu noolaan karno waa iyada oo aynu garano deetana buuxino ama yeelno doonistiisa. Habka aynu ku garan karno doonistiisa waa ereygiisa, maxaayeelay, ereyga Ilaah waa muujinta doonistiisa.

Bal aynu fiirino labada axdi ee ugu waaweyn ee uu Ilaah inagu siiyey ereygiisa. Matayos 22: 35-40.

  1. Inaynu Rabbiga Ilaaheena ah ku jeclaano qalbiyadeena oo dhan iyo nafsadeena oo dhan iyo xooggayaga oo dhan.

Haddii aynu Ilaah ku jeclaano ruuxayaga oo dhan ma sameynayno wax aan isaga ka farxinaynin.

"Haddii aad I jeceshihiin, qaynuunnadayda waad xajin doontaan." Yooxanaa 14:15

"Haddaba, walaalayaalow, waxaan idinku baryayaa Ilaah naxariistiisa inaad jidhkiinna Ilaah u siisaan sida allabari nool oo qoduus ah oo Ilaah ku farxo, waana cibaadaysigiinna caqliga leh. Ha u ekaanina dadka ifkan, laakiinse ku beddelma cusboonaanta maankiinna inaad hubsataan waxa ay tahay doonista Ilaah oo wanaagsan oo isagu ku farxo oo kaamilka ah." Rooma 12:1-2

2.       Inaynu deriskayaga u jeclaano sidaynu isu jecelnahay.  Haddaynu kuwa kale u jeclaano sidaynu isu jecelnahay waxaynu u rajeynaynaa wanaag umana geysanayno wax dhib ah. Haddii aanay badbaadin, waxaynu u tukanaynaa badbaadadooda. Waxa kale oo aynu iyaga uga markhaatifuraynaa wax ku saabsan nimcada badbaadinta leh ee Rabbigeena Ciise Masiix.

Baybalku wuxuu inoo sheegayaa inay masuuliyad innaga saaran tahay inaynu kuwa kale u sheegno wax ku saabsan wanaaga Rabbiga. (1 Butros 2:9, Matayos. 10:32-33)

Siddee ayaan u markhaati fureynaa?

Sida ugu sahlan, markhaatifurku waa inaga oo kuwa kale u sheegno waxa uu Ciise Masiix inoo sameeyey. 1 Yooxanaa 1:1-2

Marka hore waa inay noloshayadu markhaatifur noqotaa, inaga oo noqonayna markhaatifurka nool ee jacaylka iyo nimcada Ilaah. (Matayos 5:14).  Laakiin sidoo kale waxaa loo baahan yahay inaynu afkeena kaga markhaatifurno. 1Butros 2:9, 3:15

Marka aynu afka ka markhaatifurayno;

1.       Waxaynu kuwa kale u sheegaynaa waxa Rabbigu noloshayada ku sameeyey. Sida uu u bedelay nolosheena.

2.      Waxaynu ereyga Ilaah soo gelinaynaa noloshooda. Waxaynu ugu markhaatifuraynaa isla erayadii Ilaah ee nolosheena bedelay. Haddii ay ahayd wanaag ku filan inay inaga ina bedesho sidoo kale waa wanaag ku filan inay toodana bedesho. “inaad ceeb iyo eed la’aataan, idinkoo ah carruurtii Ilaah oo aan iin lahayn, oo ku dhex jira qarni qalloocan oo qallafsan, kuwaas oo aad uga dhex muuqataan sida nuurar dunida ku dhex jira, idinkoo hore u soo fidinaya hadalka nolosha …"   (Filiboy 2:15-16)

"Anaa ah geegka canabka ah, idinna waxaad tihiin laamihii. Kii igu jira oo anna aan ku jiro, kaasaa midho badan dhala, maxaa yeelay, la’aantay waxaba ma samayn kartaan." Yooxanaa 15:5

Global Good News Literature

P.O.Box 451336

Los Angeles , CA 90045

(C) Copyright 2007 Global Good News Literature

If you have comments or questions, please contact.

Dalmar :   cwn@codkanabada.org

Aqbalida Masiixa | Kukorida Masiixa | Unoolaanshaha Masiixa

Top of Page

Hit your browser's "Back" button to return